Skip Navigation LinksHoyga > Maqal/Muuqaal > Qasiidooyin > Codadka Iftiinka - 2

Skip Navigation LinksCodadka Iftiinka - 2

Waa 7 qasiido oo xul ah oo la duubay Itoobiya sannadkii 2005kii.  Habka waa mid casri ah, biyaano, cuud, kaban  [kulligood isku dubbarriday kombiyuterka] iyo codad farabadan.

1 
Aabbow ha na dayrin   
1. Ibliis la dagaala, dariiqaan  nahee.
Aabbow ha na dayrin ,
dadkaagaan nahee!

2. Qofkii dulmi  doona, dab naar ah gelayee.
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

3. Masiixa qof diiday, jinnaa  la darsee .
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

4. Qofkii xaqa diiday, Ibliis dabrayee .
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

5. Masiixii daraaddeenna  loo dilayow.
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

6. Dariiqii  Shayddaanka ka soo durugnee .
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

7. Dhiiggaagii  la daadshaa  na daahiriyee .
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

8. Dabiibkii  nafteenna ayaad noqotee.
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

9. Dariiqii xumaatada  waan dafirree .
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

10. Inaad soo degaysaan  diyaar u nahee.
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

11. Kolley  ma dulloobo  qof daacad  ahee.
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!

12. Di- soo-noqod kaaga ma aan dafirree .
Aabbow ha na dayrin,
dadkaagaan nahee!




2 
Bashiirow Masiixii   
Bashiirow  Masiixii
kii loo bogaan, 
barakaysanaynaa  Boqorkeenna  weyn.

1. Marka buunku  yeero
laysu soo baxayo , 
barakaysanaynaa
Boqorkeenna weyn.

2. Bannaankii  qiyaamaha
marka beeshu  joogtaan,
barakaysanaynaa 
Boqorkeenna weyn.

3. Marka baaddil  suulee 
bidci  baadiyowbaan ,
barakaysanaynaa
Boqorkeenna weyn

4. Baraarkii  Ilaahee darteen
loo bireeyey ;
Barakaysanaynaa 
Boqorkeenna weyn.

5. Badbaashaha  adduunkee
dembi  naga badbaadshaan ,
barakaysanaynaa
Boqorkeenna weyn.



3 
Baryada Rabbiga   
Eebbow  sarreeyow , waan kuu salaadnaa.
Eebbow sarreeyow, waan kuu salaadnaa!
Samaa  isinkaaga  lahaa suubbanaan ! Samaa isinkaaga lahaa suubbanaan!
Sayidnimadaa  ha soo degatoo! Sayidnimadaa ha soo degatoo!
Samada  say ku tahay dhulkana ka sin !
Samada say ku tahay dhulkana ka sin!

1. Na sii cunno iyo waxaan cabnaba!
Na sii cunno iyo waxaan cabnaba!
Na sii saaka soortaan u  baahan nahay!
Na sii saaka soortaan u baahan nahay!

2. Waxaannu samayno noo saamax …
 Waxaannu samayno noo saamax …
… sidaan innaba  u saamaxayno!
…sidaan innaba u saamaxayno!

3. Ha na saarin miisaankaaga !
Ha na saarin miisaankaaga!
Ha nagu sii dayn siriqda  Shayddaan!
Ha nagu sii dayn siriqda Shayddaan! 




4 
Maanta noo miciin   
Maanta noo miciin! 
Maanta noo miciin!
Maanta noo miciin!
Maanta noo miciin!

1.  Masiixeennii  weynaa,
Mowlaheennu  doortayow !

2.  Maryan kay xambaartow ,
madigii  Ilaahow!

2.  Midkii noo dhintow,
dembigeenna qaadow!

3. Meel kastoo aan joognoo,
magacaagaan ammaannaa.

5.  Murug  waa na daysoo ,
mowd  ka baqi maynoo.

6.  Magacaagaa sarreeyoo ,
meel walba laga ammaanaa.

7.  Masiixiyiinta  oo idil ,
kii ay mahadiyeenow

8.  Mowlihii na uuntaa,
magac weyn ku siiyoo; Midigtiisa joogtaa.




5 
Maryaamoo   
Maryamoo bikraa baa Masiixii dhashoo,
markaasaa la yaaboo, mucisey ahayd.

1. Iyadoo rag  moog  bay malaa’ig salaantoo,
markaasay uurowdoo; Mucjisey ahayd.

2. Markuu Yuusuf arkuu ka madluumayoo.
Markaasay caddeeyeen; Mucjisey ahayd.

3. Xiddigtii  Masiixaa maqaawiir  arkeenoo;
Markaasay caddeeyeen; Mucjisey ahayd.

4. Boqorkii maqlay baa murugoodayoo.
Macnuhuu  la yaaboo. Mucjisey ahayd.

5. Mooradii  lo’aad buu mugdigii dhashoo.
Misbaax  baa la moodoo. Mucjisey ahayd.

6. Maqaawiirtii markay mudanahan  arkeen,
meel kalay mareennoo. Mucjisey ahayd.

7. Ari  mayracii  baa malaa’ig u sheegtoo;
Markaasay siyaarteen. Mucjisey ahayd.

8. Masar in la geeyoo muddo  jooga baa,
Malaa’ig inshaartoo. Mucjisey ahayd.



6 
Qalbigayga ku doortaye   
Masiixii deeqda badnaayoow!
Qalbigaygaa ku doortayey.

1. Daraadday baa laguu dulmoo;
Qalbigaygaa ku doortayey.

2. Dembigaygaa laguu dilayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

3. Diintaadii baan ku diirsadayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

4. Dembigii wayga daahirisoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

5. Dhiiggaagii baygu daahirisoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

6. Dariiqii jannadaad tahayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

7. Rabbiyoow daacad  baan ahayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

8. Xumaantaad naga dabooshayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.

9. Daayinkey  baad la nooshahayoo.
Qalbigaygaa ku doortayey.




7 
Boqorku soo noqonoo   
Intuun Boqorku soo noqonoo
baabkana  la soo xirineey,
‘Dad Allow baraaruga  ee!’

1. Ballankeennu waa saaseey.
Ballankii  Masiixeennii dadka baylayaashaa  ba’ayoo .
Bartankii cadaabtii bay ka barooran doonaaneey.

2.  Kuwa boobi  boolida  ee
sinada  u bareeraayaa,
bartankii cadaabtii bay ka 
barooran doonaaneey.

3.  Qofka baaddil  ruux ku dilaa
baxsan maayo aakhiro  ee
bartankii cadaabtii bay ka
barooran doonaaneey.

4.  Ruuxii xumaan u bogoo  xan 
ku baaramaa  ba’ayee ;
Bartankii cadaabtii bay ka
barooran doonaaneey.

5.  Ka Masiixa beeninay  iyo
bidci  baadi  bay noqonoo.
Bartankii cadaabtii bay ka
barooran doonaaneey.

6.  Xaqa  kuwa ka beyrahayaa
ma badbaadi doonaan oo
bartankii cadaabtii bay ka
barooran doonaaneey.

7.  Ka Masiixa baal ka maraa
bohol naar ah buu geliyoo;
Bartankii cadaabtii bay ka
barooran doonayaan.





Si aad u soo dejisato faylka, dhanka midig ka riix falaar-wadaha ( mawska kombiyuutarkaaga), dabadeednna guji 'Save Target' si ay kuugu furanto meel aad kombiyuutarkaaga dhexdiisa ugu soo dejin karto ood ugu kaydsato faylka.




BishaaroWeyn (Facebook)     NoloshaCusub (YouTube)

@somalinewlife (Twitter)     +NoloshaCusub (Google+)