Skip Navigation LinksHoyga > Kitaabka Quduuska Ah > Axdigii Hore > Taariikhda

Skip Navigation LinksTaariikhda

Guji halkan si aad u heshid Kitaabka Yashuuca
Kitaabka Yashuuca waxaa ku dhan ballanqaadkii Ilaah. Reer banii-Israa'iil waxay hantiyeen dhulkii Kancaan, Hoggaamiyahoodu waxaa la odhan jiray Yashuuca wuxuuna ahaa qof iimaankiisu Erayga Eebbe ku salaysan yahay. Waxay si cajaa’ib leh u baabbi’iyeen quruumo farabadan oo sanam-caabudayaal ahaa, quruumahaasi waxay lahaayeen dhaqamo xunxun oo aad u foolxun.

Guji halkan si aad u heshid Kitaabka Xaakinnada
Markuu Yashuuca dhintay, kaddib qof kastaa wuxuu sameeyey wixii uu doono. Dawlad rasmi ah kama jirin waddankooda. Dadkii oo dhammina Ilaahay ayay ku caasiyoobeen. Hase ahaatee, Eebbe ballankiisii marnaba kama noqon ama kama bixin ama ma burin. Marar badan ayaa xaakinnadii ay lahaan jireen ka badbaadiyeen cadowyadoodii. In badan ayay xaakinnadu ku dadaaleen inay Ilaah xaggiisa u soo celiyaan.

Kitaabkii Ruut
Waa kitaab yar oo fiican oo la qoray isla xilligii Kitaabka Xaakinnada, isna wuxuu ku saabsan yahay siduu Ilaah waddada ugu sii diyaariyay Ciise Masiix. Naagtii dhallinyarada ahayd ee la odhan jiray Ruut ee ahayd reer Moo'aab ayaa Ilaah dhanka reer banii-Israa'iil u jaheeyey. Waxayna iska daysay sanam-caabudistii dadka iyo dalka ay ka dhalatay. Waxayna rumaysatay Ilaaha runta ah. Waxay na ka soo jeedaa farcankii nebi Daa'uud. Waliba Ciise Masiix oo ah Badbaadiyaha adduunka wuxuu dhanka hooyadiis ka soo jeedaa farcankii Ruut.

Kitaabka 1aad ee Samuu'eel
Xilliga xaakinnada kaddib, reer banii-Israa’iil waxay dooneen boqor. Nebi Samuu’eel ayaa caleemasaaray boqorkii kowaad oo la yidhaahdo Saa’uul. Hase yeeshee, Boqor Saa’uul ma addeecin amaradii Ilaah. Sidaas daraadeed Ilaah wuxuu ku amray nebi Samuu’eel inuu subko boqor kale, boqorkaas labaad wuxuu ahaa dhallinyaro oo la yidhaahdo Daa’uud. Sannado badan boqor Saa’uul wuxuu eryanayay Daa’uud si uu u dilo, laakiin Rabbiga ayaa badbaadiyey isaga. Ugu dambaystii, Boqor Saa’uul iyo wiilashiisii waxaa lagu dilay dagaal weyn oo dhex maray reer banii-Israa’iil iyo Falastiin oo cadowgooda ahaa.

Kitaabka 2aad ee Samuu'eel
Dhimashadii Boqor Saa’uul kaddib, Daa’uud waxaa loo caleemasaaray inuu ahaado boqorka 12ka qabiil ee reer banii-Israa’iil. Eebbe wuxuu dib-u cusboonaysiiyay axdigii uu la dhigtay nebi Ibraahim qarni hore, iyo waliba nebi Muuse qarnigiisii. Inkastoo Boqor Daa’uud uu si weyn uga guulaystay cadaawayaashii reer banii-Israa’iil, haddana kaddib dhibaato ayaa ku dhacday. Horta wuu ku dembaabay Ilaah, wuu sinaystay, laakiin si bayaan ah ayuu u toobadkeenay. Intaas kaddib , wiilkiisii Absaaloom ayaa ku caasiyoobay, inuu afgembiyo aabbihiis ayuu iskudayay, wuuse fashilmay. Ugu dambaystii Daa’uud wuxuu helay qalabkii lagu dhisi lahaa macbudka Eebbe oo uu isku soo ururiyay.

Kitaabka 1aad ee Boqorradii
Markuu Daa’uud gaboobay, taajkiisii waxaa la wareegay wiilkiisii Sulaymaan, wuxuuna noqday boqor. Markaas Ilaah ayaa siiyay Boqor Sulaymaan xigmad aad uga sarraysa xigmad kaste oo dadku lahaayeen. Boqortooyadii Sulaymaan waxay ahayd mid xasilloon oo wax walba hodan ka ah, dagaal iyo faqirnimo maba jirin. Boqor Sulaymaan wuxuu caasimaddii Yeruusaalem ka dhisay daar weyn oo ah guriga Rabbiga. Daartaasi waxay ahayd mid qurux badan. Nasiibdarro, Boqor Sulaymaan dembi weyn ayuu galay, wuxuuna jeclaaday naago badan oo qalaad, waxayna ku noqdeen dabin, Ilaah ayaa edbiyey Boqor Sulaymaan, rabshad iyo dagaal ayaa bilaabmay. Markuu dhintay kaddib, boqortooyadiisa ayaa kala dilaacday: qaybta woqooyi waxaa la yidhaahdaa “Israa’iil”, qaybta koonfureed na waxaa la yidhaahdaa “Yahuudah”. Boqorradii Yahuudah xukumi jiray kulligood waxay ahaayeen farcankii Boqor Daa’uud. Qaarkood waxay ahaayeen niman cibaado leh oo Ilaah ka cabsada, kuwa kalena waxay caabudi jireen sanamyo. Hase yeeshee, boqorradii u talin jiray Israa’iil mid iimaan leh ma jirin, giddigood waxay caabudi jireen sanamyo. Waxaa loo diray nebiyo si ay ugu digaan caasinnimadii boqorradii iyo dadkoodiiba. Mid ka mid ah nebiyadaas oo caan ahaa waxaa la odhan jiray nebi Eliiyaah [ama Eliyaas], wuxuu si adag u hor istaagay sharnimadii Boqorka Axaab iyo Boqoraddii Yesebeel.

Kitaabka 2aad ee Boqorradii
Markii nebi Eliiyaah samada loogu qaaday dabayl cirwareen ah, gacan-yarihiisii Eliishaa ayaa lagu beddelay jagadiisii. Nebi Eliiyaah si geesinnimo leh ayuu u waaniyey boqorradii Israa’iil oo uu u sheegay inay dib ugu noqdaan Ilaaha keliya ee runta ah oo ay keligiis caabuddaan. Inkastoo mucjiso badan uu sameeyey, haddana boqorradii maanay toobadkeenin, manay addeecin Rabbiga. Ugu dambaystii, abaalgudkoodii ayay heleen, waayo Ilaah wuxuu u oggolaaday cadaawayaashii Israa’iil inay qabsadaan [gaar ahaan boqortooyada Ashuur] waxay burburisay Israa’il oo dhan, dadkoodiina waxaa maxaabiis ahaan loogu qaaday dal fog. Isla xilliyadaas, boqortooyada Yahuudah boqorradii u talin jiray qaarkood waxaa ahaayeen daacad: sida Aasaa, Yehooshaafaat, Yoo’aash, Cusiyaah, Xisqiyaah iyo Yoosiyaah. Laakiin, ugu dambaystii, sida Boqortooyada Israa’iil oo kale, dadka Yahuudah iyo boqorradooduba si xun ayay ugu caasiyoobeen Eebbe. Eebbana Wuxuu u keenay Boqor Nebukanesar la odhan jiray oo reer Baabuloon ahaa, wuuna burburiyey caasimadda Yeruusaalem, dadka Yahuudah ayuu maxaabiis ahaan ugu kaxaystay waddankiisii [oo ah meesha maanta loo yaqaan waddanka Ciraaq].

Kitaabka 1aad & Kitaabka 2aad Taariikhda
Kutubtani waxaa ku qoran taariikhdii reer banii-Israa'iil wakhtigii boqorradu xukumi jireen. Boqorkii ugu horreeyey wuxuu ahaa Saa'uul, waxaa caleema saaray xaakinkii ugu dambeeyey oo ahaa Samuu'eel. Markaa Saa'uul boqornimadiisii waxaa u diiday Ilaah sababta oo ah Ilaah wuu ku caasiyey. Ilaah wuxuu boqor ka dhigay Daa'uud, Boqor Daa'uud ka dib, waxaa boqor noqday Suleymaan [ama Saleebaan], ka dibna farcankiisii. Xukunkii boqor Suleymaan ka dib Israa'iil waxay u kala qaybsantay labo qaybood. Labadii qabiil ee Yahuudah iyo Benyaamiin, waxay raaceen wiilashii Daa'uud.

Tobankii qabiil ee kale waxaa u taliyey boqorro Ilaah aamminsan iyo kuwo caasiya. Hase ahaatee, boqorradu si kastoo ay ahaayeenba, dadka iyagu ma badbaadin karin. Dadku markay intii waqti ah Ilaah caabudaanba, marka dambe caasi ayey noqonayeen. Ilaah iyaga ciqaab ayuu dul saaray, isagoo idmay in tobankii qabiilba maxbuus ahaan dalka Ashuur loogu kaxaysto. Tobankaas qabiil dadkoodii waxay ku dhex qasmeen dadyowgii Bariga Dhexe. Boqol iyo konton sano kaddibna, labadii qabiil ee Yahuudah iyo Benyaamiin, ayaa iyagana maxaabiis ahaan waddankii Baabuloon loogu kaxaystay. Dalka Baabuloon iyo dalka Ashuurba waa meelo ka mid ah dalka maanta loo yaqaan waddanka Ciraaq. Toddobaatan sano ka bacdi, ina yar oo ka soo hadhay kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay ayaa waddankooda ku soo noqday. Qabiiladaasi ma istaahilin in la soo cesho, laakiin Ilaah wuxuu ballan qaaday in Badbaadshuhu ka imaan doono qabiilka Yahuudah, waana ka yimid. Eebbe mar walba ballankiisa ayuu fuliyaa.

Kitaabkii Cesraa
Kitaabkan waxaa la qoray ku dhowaad 400 oo sano ka hor dhalashadii Masiixa. Waxaana loo qoray si uu u dhiirriggeliyo dadkii Yahuudah, markii ay kasoo laabteen addoonsigii Baabuloon (oo imminka ah waddanka Ciraaq) kaddib, halkaasi oo ay ku sugnaayeen muddo dhan todobaatan sano, iyagoo kusoo laabtay Yeruusaalem. Inkastoo haddaba aanay jirin madaxbanaani ay dadku haysteen (waayo, waxay hoos joogeen boqortooyadii Faaris), ayaa haddana qoraagu waxa uu dadkan ku dhiirriggelinayaa, in weli Ilaah uu yahay kan wax walba maamulaaya. Maxaa yeelay, Ilaah ilaa hadda waxa uu rabaa shaqadiisa badbaadada  inuu ku guulaysto. Sidoo kalena Ilaah wuxuu ahaa,  mid u shaqaynayaa sidii uu dib ugu aasaasi lahaa caabuditaan run ah oo isaga loo fidiyo, sidii horeba uu ugu muujiyay Muuse iyo Daa’uud. Waxaa jirta haddaba, saddex waxyaalood oo aasaasi ah isla markaasna buuggan inooga muuqanaaya:
* Ugu horrayn, Ilaah waxa uu rabay in macbadka dib loo dhiso si loo saxo oo loo hagaajiyo caabuditaankiisa.
* Marka labaadna, waxaa muhiim ah in dadkoo dhammi ay ogaadaan, in shaqadani aanay dusha ka saarnayn oo keliya hoggaamiyayaasha, balse ay tahay mid loo wada dhan yahay.
* Marka saddexaadna, Ilaah erayga qoran wuxuu u adeegsadaa si uu ujeeddadiisa u keeno. Waxa kale oo intaas dheer isla markaasna qoraagu uu tusinayaa, sida uu Ilaah mar walba u shaqaynaayo una taabto ama u dhaqaajiyo qalbiyada dadka kala gedisan, isagoo meel marinaaya ujeeddadiisa ama doonistiisu waxay tahay.

Kitaabkii Nexemyaah
Kitaabkan waxay isku wakhti ahaayeen oo mar la wada  qoray Kitaabka Cesraa, sidaas darteedna karraaniga Cesraa wuxuu yahay shakhsi taariikhda aad muhiim ugu ah. In badan oo Kitaabkan ka mid ah ayaa haddaba, waxay khusaysaa ama la xidhiidhaa hoggaamintii Nexemyaah, taasi oo dadkii Yuhuudda ahaa ee soo laabtay uu kaga caawinaayay sidii ay dib ugu dhisi lahaayeen gidaarada  ama derbiga Yeruusaalem. Waxa kale oo iyana muhiim ah isla markaasna inooga muuqanaysa Kitaabkan, sida ay Nexemyaah, Cesraa iyo hoggaamiyayaashii kaleba uga shaqeeyeen dib u hagaajinta ummaddii reer banii-Israa’iil maadaama oo ay yihiin dadkii uu Ilaah la galay axdiga. Sidoo kale waxaa iyana Kitaabkan la socda oo ka mid ah ducooyin aad u qurux badan, oo runtii aad u wanaagsan.

Kitaabkii Esteer
Kitaabkan waxaa la qoray sanadihii  u dhexeeyay 400-500 sano ee dhalashadii Masiixa ka hor.  Waxaana weeye taariikhdii Yuhuudda iyo markii ay ku hoos noolaayeen boqortooyadii Faaris, halkaasoo gaar ahaan taliyaha Haamaan oo shar badnaa uu ku hanjabay in Yuhuudda dhammaantood la baabbi’iyo. Haddaba, Ilaah waxa uu adeegsaday boqoraddii Esteer (kaddib markii uu adeerkeed Mordekay kula taliyay), inay boqorka Faaris ka dhaadhiciso sidii uu ku badbaadin lahaa dadkeeda. Haddii markaas Yuhuuddu aanay ka badbaadi lahayn qorshahaas uu Haamaan watay, waxaa dhici lahayd in Masiixu aanu dhalan lahayn. Laakiin, waxaan arkaynaa sida uu Ilaah taariikhda u maamulaayo, isagoo ka dhabaynaya ama ka  run sheegaya axdigii ballan qaadkiisii, uu siiyay Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub, maxaa yeelay farcankooda waxaa ka iman doonay mid ummadaha oo dhammi ay ku barakoobaan.


BishaaroWeyn (Facebook)     NoloshaCusub (YouTube)

@somalinewlife (Twitter)     +NoloshaCusub (Google+)