|
Kutubta Taariikhda ah
Guji halkan si aad u heshid Kitaabka Yashuuca
Kitaabka Yashuuca waxaa ku dhan ballanqaadkii Ilaah. Reer banii-Israa'iil waxay
hantiyeen dhulkii Kancaan, Hoggaamiyahoodu waxaa la odhan jiray Yashuuca wuxuuna
ahaa qof iimaankiisu Erayga Eebbe ku salaysan yahay. Waxay si cajaa’ib leh u baabbi’iyeen
quruumo farabadan oo sanam-caabudayaal ahaa, quruumahaasi waxay lahaayeen dhaqamo
xunxun oo aad u foolxun.
Guji halkan si aad u heshid Kitaabka Xaakinnada
Markuu Yashuuca dhintay, kaddib qof kastaa wuxuu sameeyey wixii uu doono. Dawlad
rasmi ah kama jirin waddankooda. Dadkii oo dhammina Ilaahay ayay ku caasiyoobeen.
Hase ahaatee, Eebbe ballankiisii marnaba kama noqon ama kama bixin ama ma burin.
Marar badan ayaa xaakinnadii ay lahaan jireen ka badbaadiyeen cadowyadoodii. In
badan ayay xaakinnadu ku dadaaleen inay Ilaah xaggiisa u soo celiyaan.
Kitaabkii Ruut
Waa kitaab yar oo fiican oo la qoray isla xilligii Kitaabka Xaakinnada, isna wuxuu
ku saabsan yahay siduu Ilaah waddada ugu sii diyaariyay Ciise Masiix. Naagtii dhallinyarada
ahayd ee la odhan jiray Ruut ee ahayd reer Moo'aab ayaa Ilaah dhanka reer banii-Israa'iil
u jaheeyey. Waxayna iska daysay sanam-caabudistii dadka iyo dalka ay ka dhalatay.
Waxayna rumaysatay Ilaaha runta ah. Waxay na ka soo jeedaa farcankii nebi Daa'uud.
Waliba Ciise Masiix oo ah Badbaadiyaha adduunka wuxuu dhanka hooyadiis ka soo jeedaa
farcankii Ruut.
Kitaabka 1aad ee Samuu'eel
Xilliga xaakinnada kaddib, reer banii-Israa’iil waxay dooneen boqor. Nebi Samuu’eel
ayaa caleemasaaray boqorkii kowaad oo la yidhaahdo Saa’uul. Hase yeeshee, Boqor
Saa’uul ma addeecin amaradii Ilaah. Sidaas daraadeed Ilaah wuxuu ku amray nebi Samuu’eel
inuu subko boqor kale, boqorkaas labaad wuxuu ahaa dhallinyaro oo la yidhaahdo Daa’uud.
Sannado badan boqor Saa’uul wuxuu eryanayay Daa’uud si uu u dilo, laakiin Rabbiga
ayaa badbaadiyey isaga. Ugu dambaystii, Boqor Saa’uul iyo wiilashiisii waxaa lagu
dilay dagaal weyn oo dhex maray reer banii-Israa’iil iyo Falastiin oo cadowgooda
ahaa.
Kitaabka 2aad ee Samuu'eel
Dhimashadii Boqor Saa’uul kaddib, Daa’uud waxaa loo caleemasaaray inuu ahaado boqorka
12ka qabiil ee reer banii-Israa’iil. Eebbe wuxuu dib-u cusboonaysiiyay axdigii uu
la dhigtay nebi Ibraahim qarni hore, iyo waliba nebi Muuse qarnigiisii. Inkastoo
Boqor Daa’uud uu si weyn uga guulaystay cadaawayaashii reer banii-Israa’iil, haddana
kaddib dhibaato ayaa ku dhacday. Horta wuu ku dembaabay Ilaah, wuu sinaystay, laakiin
si bayaan ah ayuu u toobadkeenay. Intaas kaddib , wiilkiisii Absaaloom ayaa ku caasiyoobay,
inuu afgembiyo aabbihiis ayuu iskudayay, wuuse fashilmay. Ugu dambaystii Daa’uud
wuxuu helay qalabkii lagu dhisi lahaa macbudka Eebbe oo uu isku soo ururiyay.
Kitaabka 1aad ee Boqorradii
Markuu Daa’uud gaboobay, taajkiisii waxaa la wareegay wiilkiisii Sulaymaan, wuxuuna
noqday boqor. Markaas Ilaah ayaa siiyay Boqor Sulaymaan xigmad aad uga sarraysa
xigmad kaste oo dadku lahaayeen. Boqortooyadii Sulaymaan waxay ahayd mid xasilloon
oo wax walba hodan ka ah, dagaal iyo faqirnimo maba jirin. Boqor Sulaymaan wuxuu
caasimaddii Yeruusaalem ka dhisay daar weyn oo ah guriga Rabbiga. Daartaasi waxay
ahayd mid qurux badan. Nasiibdarro, Boqor Sulaymaan dembi weyn ayuu galay, wuxuuna
jeclaaday naago badan oo qalaad, waxayna ku noqdeen dabin, Ilaah ayaa edbiyey Boqor
Sulaymaan, rabshad iyo dagaal ayaa bilaabmay. Markuu dhintay kaddib, boqortooyadiisa
ayaa kala dilaacday: qaybta woqooyi waxaa la yidhaahdaa “Israa’iil”, qaybta koonfureed
na waxaa la yidhaahdaa “Yahuudah”. Boqorradii Yahuudah xukumi jiray kulligood waxay
ahaayeen farcankii Boqor Daa’uud. Qaarkood waxay ahaayeen niman cibaado leh oo Ilaah
ka cabsada, kuwa kalena waxay caabudi jireen sanamyo. Hase yeeshee, boqorradii u
talin jiray Israa’iil mid iimaan leh ma jirin, giddigood waxay caabudi jireen sanamyo.
Waxaa loo diray nebiyo si ay ugu digaan caasinnimadii boqorradii iyo dadkoodiiba.
Mid ka mid ah nebiyadaas oo caan ahaa waxaa la odhan jiray nebi Eliiyaah [ama Eliyaas],
wuxuu si adag u hor istaagay sharnimadii Boqorka Axaab iyo Boqoraddii Yesebeel.
Kitaabka 2aad ee Boqorradii
Markii nebi Eliiyaah samada loogu qaaday dabayl cirwareen ah, gacan-yarihiisii Eliishaa
ayaa lagu beddelay jagadiisii. Nebi Eliiyaah si geesinnimo leh ayuu u waaniyey boqorradii
Israa’iil oo uu u sheegay inay dib ugu noqdaan Ilaaha keliya ee runta ah oo ay keligiis
caabuddaan. Inkastoo mucjiso badan uu sameeyey, haddana boqorradii maanay toobadkeenin,
manay addeecin Rabbiga. Ugu dambaystii, abaalgudkoodii ayay heleen, waayo Ilaah
wuxuu u oggolaaday cadaawayaashii Israa’iil inay qabsadaan [gaar ahaan boqortooyada
Ashuur] waxay burburisay Israa’il oo dhan, dadkoodiina waxaa maxaabiis ahaan loogu
qaaday dal fog. Isla xilliyadaas, boqortooyada Yahuudah boqorradii u talin jiray
qaarkood waxaa ahaayeen daacad: sida Aasaa, Yehooshaafaat, Yoo’aash, Cusiyaah, Xisqiyaah
iyo Yoosiyaah. Laakiin, ugu dambaystii, sida Boqortooyada Israa’iil oo kale, dadka
Yahuudah iyo boqorradooduba si xun ayay ugu caasiyoobeen Eebbe. Eebbana Wuxuu u
keenay Boqor Nebukanesar la odhan jiray oo reer Baabuloon ahaa, wuuna burburiyey
caasimadda Yeruusaalem, dadka Yahuudah ayuu maxaabiis ahaan ugu kaxaystay waddankiisii
[oo ah meesha maanta loo yaqaan waddanka Ciraaq].
Kitaabka 1aad & Kitaabka 2aad Taariikhda
Kutubtani waxaa ku qoran taariikhdii reer banii-Israa'iil wakhtigii boqorradu xukumi
jireen. Boqorkii ugu horreeyey wuxuu ahaa Saa'uul, waxaa caleema saaray xaakinkii
ugu dambeeyey oo ahaa Samuu'eel. Markaa Saa'uul boqornimadiisii waxaa u diiday Ilaah
sababta oo ah Ilaah wuu ku caasiyey. Ilaah wuxuu boqor ka dhigay Daa'uud, Boqor
Daa'uud ka dib, waxaa boqor noqday Suleymaan [ama Saleebaan], ka dibna farcankiisii.
Xukunkii boqor Suleymaan ka dib Israa'iil waxay u kala qaybsantay labo qaybood.
Labadii qabiil ee Yahuudda iyo Benyaamiin, waxay raaceen wiilashii Daa'uud.
Tobankii qabiil ee kale waxaa u taliyey boqorro Ilaah aamminsan iyo kuwo caasiya.
Hase ahaatee, boqorradu si kastoo ay ahaayeenba, dadka iyagu ma badbaadin karin.
Dadku markay intii waqti ah Ilaah caabudaanba, marka dambe caasi ayey noqonayeen.
Ilaah iyaga ciqaab ayuu dul saaray, isagoo idmay in tobankii qabiilba maxbuus ahaan
dalka Ashuur loogu kaxaysto. Tobankaas qabiil dadkoodii waxay ku dhex qasmeen dadyowgii
Bariga Dhexe. Boqol iyo konton sano kaddibna, labadii qabiil ee Yahuudah iyo Benyaamiin,
ayaa iyagana maxaabiis ahaan waddankii Baabuloon loogu kaxaystay. Dalka Baabuloon
iyo dalka Ashuurba waa meelo ka mid ah dalka maanta loo yaqaan waddanka Ciraaq.
Toddobaatan sano ka bacdi, ina yar oo ka soo hadhay kuwii maxaabiis ahaanta loo
kaxaystay ayaa waddankooda ku soo noqday. Qabiiladaasi ma istaahilin in la soo cesho,
laakiin Ilaah wuxuu ballan qaaday in Badbaadshuhu ka imaan doono qabiilka Yahuudah,
waana ka yimid. Eebbe mar walba ballankiisa ayuu fuliyaa.
Kitaabkii Cesraa
Kitaabkii Nexemyaah
Kitaabkii Esteer
Waxay ka hadlayeen taariikhdii qabiilka Yahuudah ay maxbuuska ahaayeen iyo ka bacdi, gaar ahaan dib-u-dhisidda magaalada Al-Qudus oo ah Yeruusaalem. Markuu wadaadka Cesraa si cad u bareen sharciga, reer banii-Israa'iil way wada qirteen dembiyadooda.Mar kasta Ilaah wuxuu dadkiisa ka badbaadshaa khatar [gaar ahaan wakhtigii boqoradda Esteer. Baahida loo qabo badbaadshe waa soo badanaysaa.
|
|
|
|
|
|