Skip Navigation LinksKitaabka Quduuska Ah > Axdigii Hore > Taariikhda > Kitaabkii Labaad ee Taariikhdii

Skip Navigation LinksKitaabkii Labaad ee Taariikhdii

Si aad u hesho cutubka aad rabtid, fadlan riix lambarka liiska:

1


Sulaymaan Wuxuu Ilaah Weyddiistay Xigmad

1 Oo Sulaymaan ina Daa'uud boqortooyadiisuu ku xoogaystay, oo Rabbigii Ilaahiisa ahaa waa la jiray oo aad iyo aad buuna u weyneeyey. 2 Oo Sulaymaan baa la hadlay reer binu Israa'iil oo dhan oo ahaa kuwii kun kun u talin jiray, iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo xaakinnadii, iyo amiir kasta oo dalka reer binu Israa'iil joogay kuwaasoo ahaa madaxdii reeraha. 3 Markaasaa Sulaymaan iyo shirkii isaga la jiray oo dhammu waxay tageen meeshii sare oo Gibecoon ku tiil, waayo, halkaas waxaa tiil teendhadii shirka oo Rabbiga, taasoo Muuse oo ahaa Rabbiga addoonkiisii uu cidlada ku sameeyey. 4 Laakiinse sanduuqii axdiga Ilaah Daa'uud baa ka soo qaaday Qiryad Yecaariim oo wuxuu keenay meeshii Daa'uud u diyaariyey, waayo, isagu Yeruusaalem ayuu teendho uga dhisay. 5 Oo weliba meeshii allabariga ee naxaasta ahayd oo uu Besaleel ina Uurii oo ahaa reer Xuur sameeyey halkaasay tiil taambuugga Rabbiga hortiisa. Oo halkaasay Sulaymaan iyo shirkiiba Rabbiga ka doonayeen. 6 Markaasaa Sulaymaan kor ugu baxay meeshii allabariga ee naxaasta ahayd oo Rabbiga hor tiil, taasoo teendhadii shirka hor qotontay, oo wuxuu ku dul bixiyey kun qurbaan oo la gubo.

7 Oo habeenkaas ayaa Ilaah Sulaymaan u muuqday oo ku yidhi, I bari waxaad doonaysid aan ku siiyee. 8 Markaasaa Sulaymaan Ilaah ku yidhi, Aabbahay Daa'uud si weyn baad ugu naxariisatay, anigana boqor baad igaga dhigtay meeshiisii. 9 Haddaba Rabbiyow Ilaahow, ballankaagii aad aabbahay Daa'uud u ballanqaadday ha dhismo, waayo, waxaad boqor iiga dhigtay dad tiradiisu tahay sida ciidda dhulka. 10 Haddaba waxaad i siisaa xigmad iyo aqoon si aan dadkan hortooda ugu baxo oo ugu soo galo, waayo, dadkaagan tirada badan bal yaa xukumi kara? 11 Markaasaa Ilaah wuxuu Sulaymaan ku yidhi, Waxyaalaha qalbigaaga ku jiray aawadood oo ah adigoo aan i weyddiisan maal, iyo hodan, amase sharaf, amase kuwa adiga ku neceb noloshooda, ama aadan i weyddiisan cimri dheer, laakiinse aad i weyddiisatay xigmad iyo aqoon aad ku xukuntid dadkayga aan boqorka kaaga dhigay, 12 ayaa xigmad iyo aqoonba lagu siiyey, oo anna waxaan ku siinayaa maal, iyo hodan, iyo sharaf ayan lahaan jirin boqorradii kaa horreeyey oo dhammu, oo ayan kuwa kaa dambeeya oo dhammuna taasoo kale lahaan doonin. 13 Markaasaa Sulaymaan ka soo noqday meeshii sare oo Gibecoon ku tiil iyo teendhadii shirka, oo yimid Yeruusaalem, reer binu Israa'iil buuna boqor u noqday.

14 Sulaymaanna wuxuu urursaday gaadhifardood iyo rag fardooley ah, oo wuxuu lahaa kun iyo afar boqol oo gaadhifaras, iyo laba iyo toban kun oo nin oo fardooley ah, oo wuxuu fadhiisiyey magaalooyinkii gaadhifardoodka, oo qaarna boqorkay Yeruusaalem la joogeen. 15 Oo boqorku wuxuu lacag iyo dahabba Yeruusaalem kaga dhigay sida dhagaxyo oo kale. Oo geedo kedar ahna wuxuu u soo badiyey oo ka dhigay sida geedaha darayga ah oo dhulka hoose ka baxa oo kale. 16 Oo Sulaymaan farduhuu haystayna waxaa laga keenay dalka Masar, oo boqorka baayacmushtariyaashiisii ayaa raxan raxan u soo kaxeeyey iyagoo raxanba iib gaar ah siiyey. 17 Oo gaadhifaras wuxuu Masar kaga soo bixi jiray lix boqol oo sheqel oo lacag ah, farasna boqol iyo konton sheqel; oo saasoo kalay ugu wada keeni jireen boqorradii reer Xeed oo dhan iyo boqorradii reer Suuriyaba.

^ Dib u celi bilawga ^

2


Diyaarintii Dhisidda Macbudka

1 Haddaba Sulaymaan wuxuu u qasdiyey inuu guri u dhiso Rabbiga magiciisa, iyo guri kale oo boqortooyadiisu leedahay. 2 Markaasaa Sulaymaan wuxuu qortay toddobaatan kun oo xammaal, iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha dhagax ka jari jiray, iyo saddex kun iyo lix boqol oo nin oo iyaga u taliya. 3 Oo Sulaymaanna wuxuu u cid diray Xuuraam oo ahaa boqorkii Turos oo ku yidhi, Sidaad u yeeshay aabbahay Daa'uud markaad isaga u soo dirtay alwaax kedar ah oo uu ku dhisto guri uu ku hoydo, anigana sidii oo kale ii yeel. 4 Bal eeg, waxaan guri u dhisayaa magaca Rabbiga Ilaahayga ah, inaan isaga quduus uga dhigo, oo hortiisa lagu shido foox udgoon, oo la hor dhigo kibista tusniinta oo joogtada ah, oo la bixiyo qurbaannada la gubo subaxda iyo fiidka, iyo Sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo ciidaha Rabbiga Ilaahayaga ah. Kaasuna waa amar reer binu Israa'iil weligiis la amray. 5 Oo guriga aan dhisayaana waa weyn yahay, maxaa yeelay, Ilaahayagu waa weyn yahay oo waa ka wada sarreeyaa ilaahyada oo dhan. 6 Laakiinse bal yaa isaga guri u dhisi kara, maxaa yeelay, samada iyo samada samooyinkuba isaga ma qaadi karaan? Bal markaan guri u dhisayo, yaan ahay anigu, inaan hortiisa foox ku shido oo keliya mooyaane? 7 Haddaba waxaad ii soo dirtaa nin yaqaan sancada dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta, iyo guduudka, iyo casaanka, iyo buluugga, kaasoo si wacan u yaqaan sancada xaradhka, inuu la jiro ragga saanacyada ah oo ila jooga dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem, kuwaasoo uu aabbahay Daa'uud diyaariyey. 8 Oo weliba waxaad dalka Lubnaan iiga soo dirtaa geedo kedar ah iyo geedo beroosh ah iyo geedo almuug ah, waayo, waan ogahay in addoommadaadu sanco u leeyihiin inay Lubnaan alwaax ka soo jaraan, oo bal eeg addoommadayduna waxay la jiri doonaan addoommadaada, 9 si ay iigu diyaariyaan alwaax faro badan, waayo, guriga aan dhowaan dhisi doonaa wuxuu ahaan doonaa mid yaab weyn oo badan. 10 Oo bal eeg, anigu addoommadaada alwaaxda jaraya waxaan siin doonaa labaatan kun oo kor oo ah sarreen la tumay, iyo labaatan kun oo kor oo ah shaciir, iyo labaatan kun oo bad oo khamri ah, iyo labaatan kun oo bad oo saliid ah. 11 Markaasaa Xuuraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu ku soo jawaabay warqad uu u soo qoray Sulaymaan oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu dadkiisa waa jecel yahay, sidaas daraaddeed buu boqor kaaga dhigay. 12 Oo weliba Xuuraam wuxuu kaloo yidhi, Ammaan waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo sameeyey samada iyo dhulkaba, oo Boqor Daa'uudna siiyey wiil xigmad leh oo ay ka buuxaan caqli iyo waxgarasho oo doonaya inuu Rabbiga guri u dhiso iyo guri ay boqortooyadiisu leedahay. 13 Oo haddaba waxaan kuu soo diray nin saanac ah oo waxgarad miidhan ah kaasoo ah Xuuraamaabbii. 14 Oo isaga waxaa dhashay naag reer Daan ah oo aabbihiisna wuxuu ahaa nin reer Turos ah. Isagu wuxuu yaqaan sancada dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta, iyo dhagaxa, iyo alwaaxda, iyo guduudka, iyo buluugga, iyo dharka wanaagsan, iyo casaanka, oo weliba wuxuu yaqaan inuu xaradh cayn kasta ah xardho iyo inuu wax kasta hindiso; haddaba isaga meel ha laga dhex siiyo raggaaga saanacyada ah iyo sayidkayga Daa'uud oo aabbahaa ah raggiisa saanacyada ah. 15 Haddaba sarreenkii iyo shaciirkii, iyo saliiddii iyo khamrigii aad ka hadashay noo soo dir, sayidkaygiiyow. 16 Oo annana in alla intaad u baahan tahay oo alwaax ah ayaannu Lubnaan kaaga soo jaraynaa; oo Yaafaa xaggeeda ayaannu badda kuu soo sabbaysiinaynaa, markaasaad Yeruusaalem u qaadan doontaa. 17 Markaasaa Sulaymaan wada tiriyey shisheeyayaashii dalka Israa'iil degganaa oo dhan, oo wuxuu u tiriyey sidii aabbihiis Daa'uud u tiriyey oo kale, oo waxay noqdeen boqol iyo saddex iyo konton kun iyo lix boqol oo qof. 18 Oo wuxuu iyagii ka dhigay toddobaatan kun oo xammaal, iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha geedo ka jara, iyo saddex kun iyo lix boqol oo nin oo dadka u taliya oo shuqulka u dira.

^ Dib u celi bilawga ^

3


Sulaymaan Oo Dhisay Macbudkii

1 Markaasaa Sulaymaan bilaabay inuu gurigii Rabbiga Yeruusaalem ka dhiso oo ka dul dhiso Buur Moriyaah oo ahayd meeshii Rabbigu ugu muuqday aabbihiis Daa'uud, oo wuxuu wax ku diyaarshay meeshii Daa'uud doortay oo ahayd meeshii wax lagu tumi jiray oo uu Aarnaankii reer Yebuus lahaa. 2 Oo wuxuu dhismihii bilaabay sannaddii afraad oo boqortooyadiisa, bisheedii labaad, maalinteedii labaad. 3 Haddaba kanu waa aasaaskii Sulaymaan u dhigay dhismihii guriga Ilaah. Oo dhererku markii cabbirkii hore lagu xisaabo wuxuu ahaa lixdan dhudhun, oo ballaadhkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun. 4 Oo balbaladii guriga ka horraysayna dhererkeedu wuxuu le'ekaa guriga ballaadhkiisu oo labaatan dhudhun ahaa, oo sarajooggeeduna wuxuu ahaa boqol iyo labaatan dhudhun, oo wuxuu gudaha hoose kaga dahaadhay dahab saafiya. 5 Oo gurigii weynaa wuxuu saqaf hoose uga dhigay qoryo beroosh ah oo uu dahab wanaagsan ku dahaadhay, oo wuxuuna ku xardhay geedo timireed iyo silsilado. 6 Oo gurigiina wuxuu ku qurxiyey dhagaxyo qaali ah, dahabkuna wuxuu ahaa dahabkii Farwaayim. 7 Oo gurigiina iyo alwaaxdii saqafka haysay, iyo fayaaradihiisii, iyo derbiyadiisii, iyo albaabbadiisiiba wuxuu ku dahaadhay dahab, oo derbiyadana Keruubiim buu ku xardhay. 8 Oo wuxuu sameeyey gurigii ugu wada quduusnaa, dhererkiisuna wuxuu le'ekaa guriga ballaadhkiisa oo labaatan dhudhun ahaa, oo ballaadhkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun, oo isagana wuxuu ku dahaadhay dahab wanaagsan oo gaadhaya lix boqol oo talanti. 9 Oo musmaarrada miisaankooduna wuxuu ahaa konton sheqel oo dahab ah, oo qolalkii sarena wuxuu ku dahaadhay dahab. 10 Oo guriga ugu wada quduusan gudihiisana wuxuu ku sameeyey laba keruub oo wax xardhan ah, oo iyagana dahab baa lagu dahaadhay. 11 Keruubiimta baalashooda dhererkooduna wuxuu ahaa labaatan dhudhun; mid baalkiisu wuxuu ahaa shan dhudhun oo wuxuu gaadhi karay guriga derbigiisa, oo kan kalena wuxuu ahaa shan dhudhun sidaasoo kale oo wuxuu gaadhi karay baalka keruubka kale. 12 Oo keruubka kale baalkiisuna wuxuu ahaa shan dhudhun, oo wuxuu gaadhi karay guriga derbigiisa kale; oo baalka kalena sidaasoo kale wuxuu ahaa shan dhudhun oo wuxuu gaadhi karay baalka keruubka kale. 13 Oo keruubiimtaas baalashoodu way kala baxsanaayeen intii labaatan dhudhun ah; oo cagahooday ku taagnaayeen, wejiyadooduna waxay u jeedeen guriga gudihiisa. 14 Oo haddana wuxuu ilxidhka ka dhigay buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo maro wanaagsan laga sameeyey, oo keruubiim lagu daabacay. 15 Oo weliba guriga hortiisana wuxuu ku sameeyey laba tiir oo mid kasta dhererkiisu yahay shan iyo soddon dhudhun, oo mid kastana taajkii saarnaa wuxuu ahaa shan dhudhun. 16 Oo wuxuu kaloo sameeyey silsilado u eg kuwii guriga quduuska ah markaasuu saaray tiirarka dushoodii; oo wuxuu kaloo sameeyey boqol rummaan oo silsiladihii buu ku dhejiyey. 17 Markaasuu tiirarkii qotomiyey macbudka hortiisa, mid dhanka midigta, kii kalena dhanka bidixda, oo kii dhanka midigta ahaa magiciisii wuxuu u bixiyey Yaakiin, kii dhanka bidixda ahaana wuxuu u bixiyey Bocas.

^ Dib u celi bilawga ^

4


Qalabkii Macbudka

1 Oo weliba wuxuu kaloo sameeyey meel allabari oo naxaas ah oo dhererkeedu labaatan dhudhun yahay, ballaadhkeeduna labaatan dhudhun yahay, sarajooggeeduna labaatan dhudhun yahay. 2 Oo wuxuu kaloo sameeyey berkeddii naxaasta ahayd, oo qarkeedu gees ilaa ka gees wuxuu isu jiray toban dhudhun, wayna wareegsanayd, oo sarajooggeeduna wuxuu ahaa shan dhudhun, wareeggeeduna wuxuu ahaa soddon dhudhun. 3 Oo hoosteedana waxaa ku yiil wax dibiyo u eg oo ku wareegsanaa, dhudhunba toban, oo berkedda oo dhan hareeraheeda ku wareegsanaa. Oo dibiyadu waxay ahaayeen laba saf, oo markii berkeddii la shubay ayaa iyana la shubay. 4 Oo berkeddu waxay dul saarnayd laba iyo toban dibi, oo saddex waxay u jeedday xagga woqooyi, saddexna waxay u jeedday xagga galbeed, saddexna waxay u jeedday xagga koonfureed, saddexna waxay u jeedday xagga bari; berkeddiina way dul saarnayd, oo dibidii kulligood qaarkooda dambe wuxuu ku jiray gudaha. 5 Oo berkeddii dhumucdeedu waxay ahayd taako; qarkeedana waxaa loo sameeyey sidii koob qarkiis oo kale oo ubax u ekaa; oo waxay qaadday saddex kun oo qiyaasood oo bad la yidhaahdo. 6 Oo haddana wuxuu kaloo sameeyey toban berkedood oo yaryar oo wax lagu maydho, oo shan wuxuu dhigay dhanka midigta, shantii kalena wuxuu dhigay dhanka bidixda, oo wixii allabari la gubo daraaddiis loo bixinayoba iyagaa lagu dhex maydhi jiray; laakiinse berkeddii weysada ahayd waxaa ku maydhan jiray wadaaddada oo qudha. 7 Oo wuxuu kaloo sameeyey tobankii laambadood oo dahabka ahaa, wuxuuna u sameeyey si waafaqsan amarkii iyaga ku saabsanaa, oo iyagii wuxuu dhex qotomiyey macbudka. Shan wuxuu dhigay dhanka midigta, shanna wuxuu dhigay dhanka bidixda. 8 Oo haddana wuxuu kaloo sameeyey toban miis, oo iyagiina wuxuu dhex dhigay macbudka. Shan wuxuu dhigay dhanka midigta, shanna wuxuu dhigay dhanka bidixda. Oo wuxuu kaloo sameeyey boqol maddiibadood oo dahab ah. 9 Oo weliba wuxuu kaloo sii sameeyey barxaddii wadaaddada, iyo barxaddii weynayd, iyo albaabbadii barxadda, oo albaabbadoodiina wuxuu ku dahaadhay naxaas. 10 Oo berkeddii weysada ahayd wuxuu dhigay guriga dhankiisa midigta oo ah xagga bari-koonfureed. 11 Oo Xuuraamna wuxuu sameeyey dheryihii iyo majarafadihii iyo maddiibadihii. Oo Xuuraamna sidaasuu u dhammeeyey shuqulkii uu Boqor Sulaymaan ugu sameeyey guriga Ilaah, 12 kaasoo ahaa labadii tiir, iyo fijaannadii, iyo labadii taaj oo tiirarkii kor saarnayd, iyo labadii shabag oo ku dednaa labada fijaan oo taajajkii tiirarka kor saarnaa; 13 iyo afartii boqol oo rummaan ee labadii shabag lahaayeen, oo shabag kastaa wuxuu lahaa laba saf oo rummaan ah si ay u dedaan labadii fijaan ee taajajkii tiirarka kor saarnaa. 14 Oo isagu wuxuu kaloo sameeyey saldhigyadii, iyo berkedihii saldhigyadii dul saarnaa, 15 oo wuxuu kaloo sameeyey berkeddii weynayd iyo laba iyo tobankii dibi ee iyada ka hooseeyey. 16 Oo weliba dheryihii, iyo majarafadihii, iyo mudacyadii, iyo weelashooda oo dhanba ayaa Xuuraamaabbii Boqor Sulaymaan ugu sameeyey guriga Rabbiga aawadiis oo wuxuu ka wada sameeyey naxaas dhalaasha. 17 Oo boqorku wuxuu alaabtaas ku shubay Bannaankii Webi Urdun oo dhoobada lahaa ee u dhexeeyey Sukod iyo Sereedaataah. 18 Oo Sulaymaanna weelashaas oo dhan wuxuu u sameeyey si faro badan, waayo, naxaasta miisaankeedii lama hubin. 19 Oo Sulaymaan baa sameeyey weelashii guriga Ilaah tiil oo dhan, iyo weliba girgirihii dahabka ahaa, iyo miisaskii ay kibistii tusniintu saarnayd, 20 iyo laambadihii, iyo laambadahoodii yaryaraa oo wada ahaa dahab saafi ah in meesha ugu quduusan horteeda lagu shido sida waafaqsan amarkii iyaga ku saabsanaa, 21 iyo ubaxyadii, iyo laambadihii, iyo birqaabyadii dahabka ahaa, oo dhammaantood wuxuu ka sameeyey dahab aad saafi u ah. 22 Oo alaabtii laambadihii lagu safeeya, iyo maddiibadihii, iyo malgacadihii, iyo idammadiiba wuxuu ka wada sameeyey dahab saafi ah; oo meeshii guriga laga soo geli jirayna, taas oo ahayd meesha quduuska ah albaabbadeedii hoose, iyo albaabbadii guriga macbudka ahba waxay wada ahaayeen dahab.


^ Dib u celi bilawga ^

5

1 Oo saasuu ku wada dhammaaday shuqulkii uu Boqor Sulaymaan u sameeyey guriga Rabbiga. Oo Sulaymaanna wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis Daa'uud quduuska ka dhigay ee ahayd lacagtii, iyo dahabkii, iyo weelashii, oo wuxuu ku riday khasnadihii guriga Ilaah.

Sanduuqii Axdiga Oo Macbudka La Keenay

2 Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu Yeruusaalem isugu soo shiriyey odayaashii reer binu Israa'iil, iyo qabiilooyinka madaxdoodii oo dhan, oo ahaa amiirradii jilibyadii reer binu Israa'iil inay sanduuqii axdiga Rabbiga ka soo qaadaan magaaladii Daa'uud oo Siyoon ahayd. 3 Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay u soo shireen boqorkii wakhtigii iidda ah bisha toddobaad. 4 Oo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu way yimaadeen, markaasay kuwii reer Laawi sanduuqii axdiga soo qaadeen. 5 Oo way keeneen sanduuqii axdiga, iyo teendhadii shirka, iyo kulli weelashii quduuska ahaa oo teendhada ku jiray oo dhan; oo intaas oo dhan waxaa soo qaaday wadaaddadii reer Laawi. 6 Oo Boqor Sulaymaan iyo shirkii reer binu Israa'iil oo isaga u soo ururay oo dhammu waxay wada joogeen sanduuqii hortiisa, iyagoo ku allabaryaya ido iyo dibi aan la sheegi karin ama aan farahooda la tirin karin. 7 Oo wadaaddadiina sanduuqii axdiga Rabbiga ayay meeshiisii keeneen, oo waxay soo geliyeen guriga qolkiisii quduuska ahaa oo ahaa meeshii ugu wada quduusnayd, taasoo ah keruubiimta baalashooda hoostooda. 8 Waayo, keruubiimtu baalashoodii way ku kor fidiyeen meeshii sanduuqa, oo ku qariyeen sanduuqii iyo ulihiisiiba. 9 Oo uluhuna aad bay u dhaadheeraayeen, sidaas daraaddeed dabadooda waxaa laga arki jiray sanduuqii ka horreeya meesha ugu wada quduusan, laakiinse dibadda kama ay muuqan; oo halkaasuu yaal ilaa maantadan. 10 Oo sanduuqiina waxba kuma jirin labadii loox ee dhagaxa ahayd oo Muuse isagoo Xoreeb jooga ku riday markii Rabbigu axdiga la dhigtay reer binu Israa'iil ee ay dhulkii Masar ka soo baxeen mooyaane. 11 Oo kolkii wadaaddadii ka soo baxeen meeshii quduuska ahayd, (waayo, kulli wadaaddadii joogay oo dhammu way isdaahiriyeen oo milahoodiina ma ay dhawrin, 12 oo weliba waxaa kaloo joogay kuwii reer Laawi oo gabayaaga ahaa oo dhan, xataa Aasaaf, iyo Heemaan, iyo Yeduutuun, iyo wiilashoodii iyo walaalahood, oo waxay soo xidheen dhar wanaagsan, waxayna wateen suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataarado, oo waxay istaageen meeshii allabariga dhankeedii bari, oo iyaga waxaa la jiray boqol iyo labaatan wadaad oo turumbooyin ka dhawaajinaya, ) 13 oo haddana markii kuwii turumbada afuufayay iyo kuwii gabayaaga ahaaba ay luuqdii isla heleen sidii iyagoo ah isku nin, si ay u sameeyaan cod keliya oo laga maqlo Rabbiga ammaaniddiisa iyo ku-mahadnaqiddiisa, oo markay codkoodii kor u qaadeen oo ay ka dhawaajiyeen turumbooyinkii iyo suxuuntii laysku garaacayay iyo alaabtii muusikada, oo ay Rabbiga ammaaneen iyagoo leh, Wuu wanaagsan yahay, waayo, naxariistiisu way raagtaa weligeedba, ayaa daruuri ka buuxsantay gurigii Rabbiga, 14 oo sidaas daraaddeed wadaaddadii way taagnaan kari waayeen inay adeegaan daruurtii aawadeed, waayo, Rabbiga ammaantiisa ayaa ka buuxsantay gurigii Ilaah.


^ Dib u celi bilawga ^

6

1 Markaasaa Sulaymaan hadlay oo yidhi, Rabbiyow, waxaad sheegtay inaad gudcurka qarada weyn dhex degganaanayso. 2 Laakiinse waxaan kuu dhisay guri rug kuu ah oo ah meel aad weligaa degganaanayso. 3 Markaasaa boqorkii soo jeestay, oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan u duceeyey, shirkii reer binu Israa'iilna way wada istaageen. 4 Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo afkiisa kula hadlay aabbahay Daa'uud oo gacmihiisa ku oofiyey isagoo leh, 5 Tan iyo maalintii aan dadkayga ka soo bixiyey dalkii Masar, qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan kama aan dooran magaalo guri la iiga dhiso si magacaygu halkaas ugu jiro, oo weliba ninna uma aan dooran inuu ahaado amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil. 6 Laakiinse Yeruusaalem baan u doortay si magacaygu halkaas ugu jiro, oo Daa'uudna baan u doortay inuu dadkayga reer binu Israa'iil u taliyo. 7 Haddaba aabbahay Daa'uud waxaa qalbigiisa ku jiray inuu guri u dhiso magaca Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. 8 Laakiinse Rabbigu wuxuu aabbahay Daa'uud ku yidhi, Qalbigaaga waxaa ku jiray inaad guri u dhisto magacayga aawadiis, oo taasu hadday qalbigaaga ku jirtay waad ku hagaagsanayd. 9 Habase yeeshee adigu gurigii ii dhisi maysid, laakiinse wiilkaaga kaa soo bixi doona ayaa magacayga gurigii u dhisi doona. 10 Haddaba Rabbigu wuu oofiyey eraygiisii uu ku hadlay, waayo, meeshii aabbahay Daa'uud anigaa fuulay, oo waxaan ku fadhiistay carshigii reer binu Israa'iil, sidii Rabbigu ballanqaaday, oo gurigii baan u dhisay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisa. 11 Oo halkaasna waxaan dhigay sanduuqii uu ku jiray axdigii Rabbiga ee uu reer binu Israa'iil la dhigtay.

Baryadii Sulaymaan

12 Markaasuu hor istaagay meeshii allabariga ee Rabbiga, iyadoo ay wada joogaan shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu, kolkaasuu gacmihiisii kala bixiyey 13 (waayo, Sulaymaan wuxuu sameeyey mambar naxaas ah oo dhererkiisu ahaa shan dhudhun, ballaadhkiisuna shan dhudhun, sarajooggiisuna saddex dhudhun, oo wuxuu qotomiyey barxadda dhexdeedii, oo intuu ku kor istaagay ayuu shirkii reer binu Israa'iil oo dhan hortooda ku jilba joogsaday, oo gacmihiisuu xagga samada u kala bixiyey). 14 Oo wuxuu yidhi, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, samada iyo dhulka toona Ilaah kula mid ahu kuma jiro, adoo axdiga xajiya oo u naxariista addoommadaada hortaada ku socda oo kugu aamina qalbigooda oo dhan. 15 Waad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay, siday maantadan tahay. 16 Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin kaa dhasho oo carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan oo ay sharcigayga ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale. 17 Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, eraygaagii aad addoonkaagii Daa'uud kula hadashay ha rumoobo. 18 Haddaba ma dhab baa in Ilaah dadka la degganaan doono dhulka? Xataa samada iyo samada samooyinku kuma qaadi karaan, haddaba bal gurigan aan dhisay sidee buu kuu qaadi karaa? 19 Oo weliba Rabbiyow Ilaahayow, aqbal tukashadayda iyo baryootankayga, anoo addoonkaaga ah, oo maqal qaylada iyo tukashada anoo addoonkaaga ahu aan hortaada ku tukanayo, 20 in indhahaagu ay habeen iyo maalinba la jiraan gurigan oo ah meeshii aad tidhi, Magacayga halkaasaan dhigi doonaa, si aad u maqashid tukashadayda anoo addoonkaaga ah oo aan meeshan xaggeeda u soo tukanayo. 21 Bal maqal baryootankayga, anoo addoonkaaga ah, iyo kan dadkaaga reer binu Israa'iil markaannu meeshan xaggeeda u soo tukanayno. Kaas ka maqal meeshaad deggan tahay oo ah samada, oo markaad maqashid na cafi. 22 Haddii nin deriskiisa ku dembaabo, oo dhaar la saaro oo la dhaariyo, oo intuu yimaado uu ku hor dhaarto meeshaada allabariga ee gurigan taal, 23 de markaas samada ka maqal oo yeel, oo addoommadaada xukun, adigoo kii shar leh ciqaabaya si aad xumaantii jidkiisa madaxa ugu saartid, oo aad kii xaq ahna xaq uga dhigtid, oo aad ugu abaalguddid sida xaqnimadiisu tahay. 24 Oo haddii dadkaaga reer binu Israa'iil cadowgoodu uu u laayo dembigii ay kugu dembaabeen aawadiis, oo ay soo noqdaan oo magacaaga qiraan, oo hortaada ku tukadaan, oo gurigan kugu baryaan, 25 markaas samada ka maqal, oo dembiga dadkaaga reer binu Israa'iil ka cafi, oo iyaga ku soo celi dalkii aad iyaga iyo awowayaashoodba siisay. 26 Oo hadday kugu dembaabaan, oo aad sidaas daraaddeed samada uga xidho, oo roob la waayo, oo ay meeshan xaggeeda u soo tukadaan, oo magacaaga qiraan, oo dembigoodii ka soo noqdaan markaad dhibtid, 27 de markaas samada ka maqal, oo dembiga ka cafi addoommadaada iyo dadkaaga reer binu Israa'iil, markaad bartid jidka wanaagsan ee waajibka ku ah inay ku socdaan, oo roob u soo dir dalkaaga aad dadkaaga dhaxal ahaan u siisay. 28 Hadday dalka ka dhacaan abaar, ama belaayo cudur ah, ama beera-engeeg, ama caariyaysi, ama ayax, ama diir, ama haddii cadaawayaashoodu ay ku hareereeyaan dalkooda magaalooyinkiisa, belaayo kasta iyo cudur kastaba ha ahaadee, 29 kolkaas haddii nin kastaaba amase dadkaaga reer binu Israa'iil oo dhammu ay tukadaan oo baryootamaan, oo nin kastaba ogaado belaayadiisa iyo murugtiisa, oo uu gacmaha u soo fidiyo gurigan xaggiisa, 30 de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo iyaga cafi, oo nin walba ugu abaalgud siday jidadkiisa oo dhammu yihiin, adoo qalbigiisa og, (maxaa yeelay, adigoo keliya ayaa garta waxa binu-aadmiga oo dhan qalbiyadooda ku jira, ) 31 inay kaa cabsadaan oo ay jidkaaga maraan intay ku nool yihiin dalkii aad awowayaashayo siisay. 32 Oo weliba shisheeyaha aan dadkaaga reer binu Israa'iil ahaynna, hadduu dal fog uga yimaado magacaaga aawadiis, iyo gacantaada xoogga badan aawadeed, iyo cududdaada fidsan aawadeed, markay yimaadaan oo ay gurigan xaggiisa u soo tukadaan, 33 de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo shisheeyaha u yeel wixii uu ku weyddiisto oo dhan, in dadka dunida jooga oo dhammu ay magacaaga ogaadaan, oo ay kaa cabsadaan sida dadkaaga reer binu Israa'iil oo kale, iyo inay ogaadaan in gurigan aan dhisay magacaaga loogu yeedho. 34 Oo hadday dadkaagu dagaal u baxaan inay la diriraan cadaawayaashooda oo ay maraan jidkii aad ku soo dirtay, oo ay ku baryaan oo u soo tukadaan xagga magaaladan aad dooratay iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay, 35 de markaas samada ka maqal tukashadooda iyo baryootankooda, dacwaddoodana u yeel. 36 Haddii ay kugu dembaabaan, (waayo, nin aan dembaabinu ma jiro, ) oo aad u cadhootid oo aad markaas cadowga u gacangelisid inay la tagaan oo maxaabiis ahaan ugu kaxaystaan dal kale, ama ha dhowaado, ama ha dheeraadee, 37 oo weliba hadday ku fikiraan dalkii maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay kuu soo noqdaan, oo ay kugu baryaan dalkii ay maxaabiista ku yihiin, oo ay yidhaahdaan, Waannu dembaabnay, oo wax qalloocan baannu samaynay, oo si shar ah ayaannu u macaamiloonnay, 38 oo hadday kuugu soo noqdaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan intay joogaan dalka ay maxaabiista ku yihiin oo maxaabiis ahaanta loogu kaxaystay, oo ay u soo tukadaan xagga dalkoodii aad mar hore awowayaashood siisay, iyo xagga magaaladii aad dooratay, iyo xagga gurigii aan magacaaga u dhisay, 39 de markaas tukashadooda iyo baryootankooda ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, dacwaddoodana u yeel, oo cafi dadkaaga kugu dembaabay. 40 Haddaba Ilaahayow waan ku baryayaaye indhahaagu ha furmeen oo dhegahaaguna ha maqleen baryootanka meeshan lagu baryootamo. 41 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso oo gal meeshaada nasashada, adiga iyo sanduuqa xooggaaguba. Rabbiyow, Ilaahow, wadaaddadaadu badbaado ha huwaadeen, oo quduusiintaaduna wanaag ha ku farxeen. 42 Rabbiyow, Ilaahow, ha iga jeesan anoo ah kan aad subkatay, oo bal xusuuso raxmaddii aad u samaysay addoonkaagii Daa'uud.

^ Dib u celi bilawga ^

7


Macbudkii Gooni Baa Laga Dhigay

1 Haddaba Sulaymaan markuu tukashadiisii dhammeeyey, dab baa samada ka yimid oo wada gubay qurbaankii la gubayay iyo allabaryadiiba, oo gurigana waxaa ka buuxsantay ammaantii Rabbiga. 2 Oo wadaaddadiina ma ay geli karin gurigii Rabbiga, maxaa yeelay, gurigii Rabbiga waxaa ka buuxsantay ammaantii Rabbiga. 3 Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way wada eegeen markii dabku samada ka yimid, oo ammaantii Rabbiguna ay guriga kor joogtay, markaasay wada sujuudeen oo wejigooda dhulka sallaxa ah saareen, oo Rabbigay caabudeen oo ku mahadnaqeen, waxayna yidhaahdeen, Isagu wuu wanaagsan yahay, waayo, naxariistiisu weligeedba way raagtaa. 4 Markaasay boqorkii iyo dadkii oo dhammuba allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyeen. 5 Oo Boqor Sulaymaan wuxuu allabari ahaan u bixiyey laba iyo labaatan kun oo dibi iyo boqol iyo labaatan kun oo ido ah. Sidaasay boqorkii iyo dadkii kale oo dhammuba gooni uga dhigeen gurigii Ilaah. 6 Markaasaa wadaaddadii waxay u istaageen sidii shuqulkoodu kala ahaa, kuwii reer Laawina way istaageen iyagoo haysta alaabtii muusikada ee Rabbiga, taasoo uu Boqor Daa'uud u sameeyey in Rabbiga lagu mahadnaqo markii Daa'uud Rabbiga ku ammaanay hawshooda, waayo, naxariistiisu weligeedba way raagtaa, oo wadaaddadiina hortooday turumbooyin kaga dhawaajiyeen, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way wada istaageen. 7 Oo weliba Sulaymaan wuxuu quduus ka dhigay barxaddii ka horraysay guriga Rabbiga dhexdeeda, waayo, halkaas wuxuu ku bixiyey qurbaannada la gubo, iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada, maxaa yeelay, meeshii allabariga oo naxaasta ahayd ee uu Sulaymaan sameeyey ma ay wada qaadi karin qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka iyo baruurtaba. 8 Oo wakhtigaas Sulaymaan sidaasuu iiddii u sameeyey toddoba maalmood, iyadoo ay la joogaan reer binu Israa'iil oo dhammu, kuwaasoo ahaa shir aad u weyn, oo waxay ka yimaadeen meesha Xamaad laga soo galo iyo ilaa durdurka Masar. 9 Oo maalintii siddeedaadna waxay sameeyeen shir quduus ah, waayo, iyagu meesha allabariga gooni-ka-dhigiddeedii waxay ku jireen toddoba maalmood, toddoba maalmoodna waxay ku jireen iiddii. 10 Oo bishii toddobaad maalinteedii saddex iyo labaatanaad ayuu dadkii u kala diray teendhooyinkoodii iyagoo faraxsan oo qalbiga kaga rayraynaya wanaaggii uu Rabbigu u sameeyey Daa'uud iyo Sulaymaan iyo dadkiisii reer binu Israa'iilba.

Rabbiga Baa U Muuqday Sulaymaan

11 Haddaba Sulaymaan sidaasuu u dhammeeyey gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorkaba, oo wax alla wixii galay Sulaymaan qalbigiisa inuu u sameeyo gurigii Rabbiga iyo isaga gurigiisiiba dhammaan wuu ku liibaanay. 12 Oo Rabbiga wuxuu Sulaymaan u muuqday goor habeennimo ah, oo ku yidhi, Baryadaadii waan maqlay oo meeshanna waan u doortay inay guri lagu allabaryo ii ahaato. 13 Haddaba haddaan samada xidho oo roob laga waayo, ama haddaan ayaxa ku amro inuu dalka cuno, ama haddaan dadkayga belaayo ku soo dhex daayo, 14 haddii dadkayga oo ah kuwa magacayga lagu yeedhay ay is-hoosaysiiyaan, oo i baryaan, oo wejigayga doondoonaan, oo jidadkoodii xumaa ka soo noqdaan, de markaasaan samada ka maqli doonaa, oo dembigoodana waan ka cafiyi doonaa, oo dalkoodana waan bogsiin doonaa. 15 Oo weliba indhahaygu way furmi doonaan oo dhegahayguna way maqli doonaan baryootanka meeshan lagu baryootamo. 16 Maxaa yeelay, hadda waxaan gurigan u doortay oo quduus uga dhigay si magacayga weligiisba halkaas loogu daayo, oo indhahayga iyo qalbigayguba halkaasay joogi doonaan weligood iyo weligoodba. 17 Oo adiguna haddaad sidii aabbahaa Daa'uud oo kale hortayda ugu socotid, si aad u yeeshid wax alla wixii aan kugu amray oo dhan, oo aad u xajisid qaynuunnadayda iyo xukummadayda, 18 markaasaan dhisi doonaa carshiga boqortooyadaada, sidaan axdi kula dhigtay aabbahaa Daa'uud markaan ku idhi, Lagaa waayi maayo nin reer binu Israa'iil u taliya. 19 Laakiinse haddaad iga leexataan oo aad ka tagtaan qaynuunnadayda iyo amarradayda aan idin hor dhigay, oo aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan, 20 de markaasaan xididdadooda ka rujin doonaa dalkayga aan iyaga siiyey, oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo waxaan isaga dadyowga oo dhan kaga dhex dhigi doonaa maahmaah iyo halqabsi. 21 Oo gurigan aad u dheerna ku alla kii soo ag maraaba wuu la yaabi doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Rabbigu muxuu sidan uga dhigay dalkan iyo gurigan? 22 Oo waxaa lagu jawaabi doonaa, Waxay ka tageen Rabbigii ahaa Ilaaha awowayaashood oo iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxay raaceen ilaahyo kale, wayna caabudeen oo u adeegeen, oo sidaas daraaddeed ayuu xumaantan oo dhan ugu soo dejiyey.

^ Dib u celi bilawga ^

8


Waxyaalahii Kale Ee Sulaymaan Sameeyey

1 Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan guriga Rabbiga iyo gurigiisiiba dhisayay, 2 ayuu Sulaymaan dhisay magaalooyinkii Xuuraam isaga siiyey, oo wuxuu halkaas dejiyey reer binu Israa'iil.

3 Oo haddana Sulaymaan wuxuu tegey Xamad Soobaah, wuuna ka adkaaday. 4 Oo cidladiina ayuu Tadmor ka dhisay, oo weliba wuxuu Xamaad ka dhisay magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray oo dhan. 5 Oo weliba wuxuu kaloo dhisay Beytxooroontii sare iyo Beytxooroontii hooseba, wuxuuna ka dhigay magaalooyin deyr leh oo ay derbiyo ku wareegsan yihiin oo irdo iyo qataarroba leh, 6 iyo weliba Bacalad, iyo magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray oo uu Sulaymaan lahaa oo dhan, iyo magaalooyinkii gaadhifardoodkiisa oo dhan, iyo magaalooyinkii fardooleydiisa, iyo wixii uu Sulaymaan jeclaaday inuu ka dhisto Yeruusaalem, iyo Lubnaan, iyo dalkii uu boqorka ka ahaa oo dhan. 7 Oo weliba dadkii ka hadhay reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus oo aan reer binu Israa'iil ahayn, 8 kuwaas farcankoodii dalka ku hadhay, oo aanay reer binu Israa'iil baabbi'in, Sulaymaan wuxuu ka dhigtay addoommo ilaa maantadan la joogo. 9 Laakiinse reer binu Israa'iil Sulaymaan shuqulkiisii addoommo ugama uu dhigan, waxayse ahaayeen rag dagaalyahan ah iyo madaxdii saraakiishiisa, iyo taliyayaashii gaadhifardoodkiisa iyo fardooleydiisaba. 10 Oo kuwanu waxay ahaayeen saraakiishii Boqor Sulaymaan oo ahaa laba boqol iyo konton nin oo dadka u taliya. 11 Markaasaa Sulaymaan gabadhii Fircoon ka soo kaxeeyey magaaladii Daa'uud oo wuxuu keenay gurigii uu iyada u dhisay, waayo, wuxuu yidhi, Naagtaydu degganaan mayso gurigii Daa'uud oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, meelihii sanduuqa Rabbigu yimid waa wada quduus.

12 Oo haddana Sulaymaan wuxuu Rabbiga qurbaanno la gubo ugu bixiyey meeshii allabariga ee Rabbiga oo uu isagu ka dhisay balbalada horteedii. 13 Wuxuu bixiyey wixii Muuse amray in la bixiyo maalin kasta, iyo Sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo iidaha sannaddiiba saddex jeer loo amray, kuwaasoo ahaa Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyo Iiddii Toddobaadyada, iyo Iiddii Taambuugyada. 14 Oo kooxihii wadaaddadu ku adeegi jireen iyo kuwii reer Laawi shuqulkooda loo amray ku samayn jireenba wuxuu ka dhigay si waafaqsan amarkii aabbihiis Daa'uud inay Rabbiga ammaanaan oo ay wadaaddada hortooda ka adeegaan sidii maalin kasta hawsheedii loo doonayay, oo weliba iridjoogayaashii ayuu kooxahoodii irid kasta ku taagay, waayo, sidaas waxaa amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah. 15 Oo iyana kama ay tegin amarkii boqorku ku amray wadaaddada iyo reer Laawi oo ku saabsanaa xaal kasta iyo xaggii khasnadahaba.

16 Haddaba Sulaymaan shuqulkiisa oo dhammu diyaar buu u ahaa maalintii guriga Rabbiga aasaaskiisa la dhigay iyo ilaa maalintii la dhammeeyey. Oo sidaasaa guriga Rabbiga loo ebyey.

17 Markaasaa Sulaymaan wuxuu tegey xagga Cesyoon Geber iyo Eelood oo ku yaal xeebta badda ee dalka Edom. 18 Oo Xuuraamna wuxuu gacanta addoommadiisii ugu sii dhiibay doonniyo iyo addoommo badda aqoon u leh, oo iyagu waxay addoommadii Sulaymaan u soo raaceen Oofir, oo halkaasayna Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo konton talanti oo dahab ah.

^ Dib u celi bilawga ^

9


Boqoraddii Shebaa Oo Booqatay Sulaymaan

1 Boqoraddii Shebaa markay maqashay Sulaymaan warkiisii ayay Sulaymaan ugu timid Yeruusaalem inay ku imtixaanto su'aalo adadag, oo waxay wadatay dad aad u badan, iyo awr badan oo ay ku raran yihiin uunsi, iyo dahab aad u badan, iyo dhagaxyo qaali ah; oo markay Sulaymaan u timid wixii qalbigeeda ku jiray oo dhan ayay kala hadashay. 2 Sulaymaanna wuxuu uga jawaabay su'aalaheedii oo dhan, oo wax Sulaymaan ka qarsoonaa oo uusan u sheegin ma jirin. 3 Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan iyo gurigii uu dhisay, 4 iyo cuntadii miiskiisa, iyo fadhigii addoommadiisa, iyo hawshii adeegayaashiisa iyo dharkoodii, iyo kuwiisii cabniinka siin jiray iyo dharkoodii, iyo wixii uu guriga Rabbiga ku fuuli jiray, naf dambe iyadii kuma hadhin. 5 Markaasay boqorkii ku tidhi, Warkii aan dalkaygii ku maqlay ee ku saabsanaa falimahaaga iyo xigmaddaada run buu ahaa. 6 Habase yeeshee erayadoodii ma aan rumaysan jeeraan imid oo ay indhahaygu arkeen, oo weliba xigmaddaada weynaanteedii badhna la iima sheegin, haddaba waad ka sii weyn tahay warkii aan maqlay. 7 Waxaa faraxsan raggaaga oo waxaa faraxsan addoommadaadan had iyo goorba hortaada taagan oo xigmaddaadana maqla. 8 Waxaa mahad leh Rabbiga Ilaahaaga ah oo kugu farxay inuu kugu fadhiisiyo carshigiisa inaad boqor ahaatid Rabbiga Ilaahaaga ah aawadiis. Ilaahaagu wuu jeclaaday reer binu Israa'iil inuu xoogeeyo weligood, oo sidaas aawadeed ayuu kaaga dhigay boqor iyaga u taliya inaad samaysid xukun iyo caddaalad. 9 Markaasay boqorkii siisay boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah, iyo uunsi faro badan, iyo dhagaxyo qaali ah; oo boqoraddii Shebaa uunsigii ay Boqor Sulaymaan siisay oo kale ma jirin. 10 Oo Xuuraam addoommadiisii iyo Sulaymaan addoommadiisii oo Oofir dahab ka keenay, waxay kaloo keeneen geedo almuug ah iyo dhagaxyo qaali ah. 11 Oo boqorkiina geedihii almuugga ahaa ayuu gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorkaba uga dhigay jaranjarooyin, oo wuxuu kaloo nimankii gabayaaga ahaa uga sameeyey kataarado iyo shareerado, oo waxaasoo kalena hore looguma arag dalka Yahuudah. 12 Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu boqoraddii Shebaa siiyey wax alla wixii ay doonaysay oo dhan oo ay weyddiisatay, iyo weliba wax ka sii badan wixii ay boqorka u keentay. Markaasay noqotay oo dalkeedii tagtay iyada iyo addoommadeediiba.

Sharaftii Sulaymaan

13 Haddaba dahabkii sannad kasta Sulaymaan u iman jiray miisaankiisu wuxuu ahaa lix boqol iyo lix iyo lixdan talanti oo dahab ah, 14 oo intaasu kuma jirin wixii ay keeni jireen geddisleyda iyo baayacmushtariyaashu, oo boqorradii dalka Carabta iyo taliyayaashii waddanka oo dhammuna waxay Sulaymaan u keeni jireen dahab iyo lacag. 15 Markaasaa Boqor Sulaymaan wuxuu sameeyey laba boqol oo gaashaan oo waaweyn oo dahab la tumay ah, oo gaashaan weynba waxaa galay lix boqol oo sheqel oo dahab la tumay ah. 16 Oo haddana wuxuu kaloo sameeyey saddex boqol oo gaashaan oo yaryar oo dahab la tumay ah, oo gaashaan yarba waxaa galay saddex boqol oo sheqel oo dahab ah; markaasaa boqorku iyagii dhigay gurigii ku yiil kaynta Lubnaan. 17 Oo weliba boqorku wuxuu kaloo sameeyey carshi weyn oo foolmaroodi ah, oo wuxuu ku dahaadhay dahab saafi ah. 18 Carshigu wuxuu lahaa jaranjaro lix tallaabo ah; oo waxaa la jiray cagodhig dahab ah oo carshiga ku xidhan, oo kursiga meeshii lagu fadhiisto labadeeda dhinacba waxay lahayd meelo xusullada la saarto, oo meelaha xusullada la saartana dhinacooda waxaa taagnaa laba libaax. 19 Oo jaranjaradii lixdeedii tallaabo labadooda dhinac waxaa ka taagnaa laba iyo toban libaax, oo boqortooyona saas oo kale looguma samayn. 20 Oo Boqor Sulaymaan weelashiisii wax lagu cabbi jiray oo dhammu waxay wada ahaayeen dahab, gurigii kaynta Lubnaan weelashiisii oo dhammuna waxay wada ahaayeen dahab saafi ah; wakhtigii Sulaymaan lacag waxba qiimo ma lahayn. 21 Maxaa yeelay, boqorku wuxuu lahaa doonniyo Tarshiish u dhoofa oo waxay raaceen addoommadii Xuuraam, oo saddexdii sannadoodba mar bay doonniyihii Tarshiish iman jireen, oo waxay keeni jireen dahab, iyo lacag, iyo foolmaroodi, iyo daayeerro, iyo daa'uusyo. 22 Sidaasuu Boqor Sulaymaan xagga maalka iyo xagga xigmaddaba ugaga hor maray boqorradii dunida oo dhan. 23 Oo boqorradii dunida oo dhammuna waxay doondooneen Sulaymaan inay arkaan oo ay maqlaan xigmaddii Ilaah qalbigiisa geliyey. 24 Oo nin waluba wuxuu sannad kasta u keeni jiray hadiyaddiis oo ay ka mid yihiin weelal lacag ah, iyo weelal dahab ah, iyo dhar, iyo hub, iyo uunsi, iyo fardo, iyo baqlo. 25 Sulaymaanna wuxuu lahaa afar kun oo xero oo fardaha iyo gaadhifardoodka lagu xereeyo, iyo laba iyo toban kun oo nin oo fardooley ah, oo wuxuu fadhiisiyey magaalooyinkii gaadhifardoodka, oo qaarna boqorkay Yeruusaalem la joogeen. 26 Oo wuxuu u wada talin jiray kulli boqorradii joogay Webiga ilaa dalka reer Falastiin iyo ilaa soohdinta Masar. 27 Oo boqorku wuxuu lacag Yeruusaalem kaga dhigay sida dhagaxyo oo kale, oo geedo kedar ahna wuxuu u soo badiyey oo ka dhigay sida geedaha darayga ah oo dhulka hoose ka baxa oo kale. 28 Oo Sulaymaanna fardo waxaa looga keeni jiray Masar iyo dalalka kale oo dhanba.

Dhimashadii Sulaymaan

29 Haddaba Sulaymaan falimihiisii kale intii hore iyo intii dambeba sow kuma qorna taariikhdii Nebi Naataan, iyo wax sii sheegiddii Axiiyaah kii reer Shiiloh, iyo waxyaalihii la tusay Iddo oo wax arke ahaa oo ku saabsanaa Yaaraabcaam ina Nebaad? 30 Oo Sulaymaan afartan sannadood ayuu reer binu Israa'iil oo dhan Yeruusaalem boqor ugu ahaa. 31 Sulaymaanna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis oo waxaa lagu aasay magaaladii aabbihiis Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Rexabcaam.

^ Dib u celi bilawga ^

10


Israa'iil Oo Ku Caasiyoobay Rexabcaam

1 Markaasaa Rexabcaam wuxuu tegey Shekem, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yimaadeen Shekem inay isaga ku soo boqraan. 2 Oo markii Yaaraabcaam ina Nebaad taas maqlay ayuu ka soo noqday dalkii Masar (waayo, wuxuu joogay dalkii Masar oo uu Boqor Sulaymaan kaga cararay). 3 Waa loo cid diray oo loo yeedhay, oo Yaaraabcaam iyo reer binu Israa'iil oo dhammuna way yimaadeen, markaasay Rexabcaam la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen, 4 War aabbahaa harqood daran buu na saaray, haddaba noo fududee hawshii aabbahaa oo adkayd iyo harqoodkiisii cuslaa oo uu na saaray, annana waannu kuu adeegaynaa. 5 Markaasuu ku yidhi, Saddex maalmood dabadood igu soo noqda. Markaasaa dadkii ka tegey. 6 Markaasaa Boqor Rexabcaam la tashaday odayaashii aabbihiis Sulaymaan intuu noolaa hor joogi jiray, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan dadkan jawaab ugu celiyaa? 7 Oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Haddaad dadkan u roonaatid, oo aad ka farxisid, oo aad erayo wanaagsan kula hadashid, markaasay weligood addoommo kuu ahaanayaan. 8 Laakiinse wuu ka tegey taladii odayaashu kula taliyeen, oo haddana wuxuu la arrinsaday raggii dhallinyarada ahaa oo isaga la koray ee hortiisa joogay. 9 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan jawaab ugu celinnaa dadkan ila hadlay oo igu yidhi, War harqoodkii aabbahaa na saaray noo fududee? 10 Markaasay raggii dhallintayaraa oo isaga la koray la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen, La hadal dadkii kula hadlay oo kugu yidhi, Aabbahaa harqood daran buu na saaray ee adigu noo fududee. Oo waxaad ku tidhaahdaa, Faryaradaydu waa ka sii dhumuc weyn tahay aabbahay dhexdiisa. 11 Haddaba meeshii aabbahay harqood culus idinka saaray, anna culays baan idiinku sii darayaa, oo aabbahay wuxuu idinku edbin jiray shaabuugyo, laakiinse anigu waxaan idinku edbinayaa hangarallayaal. 12 Sidaas daraaddeed Yaaraabcaam iyo dadkii oo dhammuba maalintii saddexaad ayay Rexabcaam u yimaadeen siduu boqorku hore ugu amray markuu ku yidhi, Maalinta saddexaad igu soo noqda. 13 Markaasaa Boqor Rexabcaam ka tegey taladii raggii odayaasha ahaa, oo si qallafsan ayuu ugu jawaabay, 14 oo wuxuu kula hadlay taladii raggii dhallintayaraa, oo ku yidhi, Aabbahay harqood culus buu idin saaray, laakiinse anna culays kalaan idiinku sii darayaa, aabbahay wuxuu idinku edbin jiray shaabuugyo, laakiinse anigu waxaan idinku edbinayaa hangarallayaal. 15 Sidaas daraaddeed boqorkii dadkii ma uu dhegaysan, waayo, taasu xagga Ilaah bay ka timid, si uu Rabbigu u adkeeyo eraygiisii uu Yaaraabcaam ina Nebaad kula hadlay oo uu u soo dhiibay Axiiyaah kii reer Shiiloh. 16 Oo dadkii Israa'iil oo dhammuna markay arkeen inaan boqorku dhegaysan ayaa dadkii waxay boqorkii ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Bal maxaan qayb ku leennahay Daa'uud? Dhaxalna kuma lihin ina Yesay. Haddaba dadkii Israa'iilow, nin kastow, teendhadaadii tag. Oo Daa'uudow, bal eeg, reerkaagii waa kuu kaas. Markaasay dadkii Israa'iil oo dhammu teendhooyinkoodii tageen. 17 Laakiinse Rexabcaam wuxuu boqor u ahaa intii reer binu Israa'iil ahayd ee degganayd magaalooyinka reer Yahuudah. 18 Markaasaa Boqor Rexabcaam wuxuu diray Hadooraam oo cashuurta u sarreeyey, oo dadkii Israa'iil dhagax bay la dhaceen, wuuna dhintay. Markaasaa Boqor Rexabcaam ku degdegay inuu fuulo gaadhifaraskiisii si uu Yeruusaalem ugu cararo. 19 Sidaasay dadkii Israa'iil ugu caasiyoobeen Daa'uud reerkiisii ilaa maantadan la joogo.


^ Dib u celi bilawga ^

11

1 Oo Rexabcaam markuu Yeruusaalem tegey wuxuu reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin ka soo shiriyey boqol iyo siddeetan kun oo rag la doortay oo dagaalyahan ahaa si ay dadkii Israa'iil ula diriraan oo ay boqortooyadii mar kale ugu soo celiyaan Rexabcaam. 2 Laakiinse Shemacyaah oo nin Ilaah ahaa waxaa u yimid eraygii Ilaah oo leh, 3 La hadal Rexabcaam ina Sulaymaan oo reer Yahuudah boqor u ah, iyo reer binu Israa'iilka dalka reer Yahuudah iyo kan reer Benyaamiin deggan oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, 4 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waa inaydnaan kor u bixin oo aydnaan walaalihiin la diririn. Nin waluba gurigiisii ha ku noqdo, waayo, waxanu aniguu iga yimid. Sidaas aawadeed way maqleen Eraygii Rabbiga, wayna ka noqdeen Yaaraabcaam kii ay ku kaceen.

Rexabcaam Oo Yahuudah Xoogeeyey

5 Oo Rexabcaamna wuxuu iska degganaa Yeruusaalem oo dalka Yahuudah ayuu magaalooyin qalcado leh ka dhisay. 6 Oo kuwuu dhisay waxay ahaayeen Beytlaxam, iyo Ceetaam, iyo Teqooca, 7 iyo Beytsuur, iyo Sookoo, iyo Cadullaam, 8 iyo Gad, iyo Maareeshaah, iyo Siif, 9 iyo Adoorayim, iyo Laakiish, iyo Caseeqaah, 10 iyo Sorcaah, iyo Ayaaloon, iyo Xebroon, oo dhammaantood ku yaal dalka reer Yahuudah iyo kan reer Benyaamiin, waxayna wada ahaayeen magaalooyin deyr leh. 11 Oo isagu qalcadihii ayuu xoogeeyey oo wuxuu halkaas fadhiisiyey saraakiil, wuxuuna ku kaydiyey cunto iyo saliid iyo khamri. 12 Oo magaalo kasta wuxuu dhigay gaashaammo iyo warmo, kulligoodna aad buu u xoogeeyey. Oo dalka Yahuudah iyo dalka Benyaamiinna isagaa iska lahaa. 13 Oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo reer binu Israa'iil dhex joogay oo dhammuna isagay uga yimaadeen meelahoodii oo dhan. 14 Waayo, reer Laawi way ka soo kaceen degmooyinkoodii iyo hantidoodiiba oo waxay yimaadeen dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem, waayo, Yaaraabcaam iyo wiilashiisii ayaa iyaga eryay si ayan Rabbiga ugu samayn shuqulkii wadaadnimada. 15 Oo isagu wuxuu wadaaddo u doortay meelihii sarsare iyo orgiyadii iyo weylihii uu isagii sameeyey. 16 Oo dabadoodna qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan in alla intii qalbigooda ku qabata inay doondoonaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil waxay iman jireen Yeruusaalem inay allabari u bixiyaan Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood. 17 Markaasay xoogeeyeen boqortooyadii dalka Yahuudah, oo intii saddex sannadood ah ayay xoogeeyeen Rexabcaam ina Sulaymaan, waayo, saddex sannadood ayay ku socdeen jidkii Daa'uud iyo kii Sulaymaanba.

Reerkii Rexabcaam

18 Oo Rexabcaam wuxuu guursaday Maxalad oo ay dhaleen Yeriimood ina Daa'uud iyo Abiixayil oo ahayd ina Elii'aab ina Yesay, 19 oo iyana waxay isagii u dhashay wiilal, waana Yecuush, iyo Shemaryaah, iyo Saham. 20 Oo iyada dabadeedna wuxuu guursaday Macakaah oo ahayd ina Absaaloom, oo waxay isagii u dhashay Abiiyaah, iyo Catay, iyo Siisaa, iyo Shelomiid. 21 Oo Rexabcaamna wuxuu naagihiisii iyo addoommihiisaba ka sii jeclaaday Macakaah oo ahayd ina Absaaloom, (waayo, wuxuu guursaday siddeed iyo toban naagood iyo lixdan addoommo ah, oo wuxuuna dhalay siddeed iyo labaatan wiil iyo lixdan gabdhood.) 22 Oo Rexabcaamna wuxuu madax ka dhigay Abiiyaah oo ay dhashay Macakaah, kaasoo walaalihiis amiir ka dhex ahaa, waayo, wuxuu damacsanaa inuu isaga boqor ka dhigo. 23 Oo wuxuu u macaamilooday si caqli ah, oo wiilashiisii oo dhanna wuu ku kala firdhiyey magaalooyinkii deyrka lahaa ee dalkii reer Yahuudah iyo kii reer Benyaamiin oo dhan, oo iyagii wuxuu siiyey cunto badan. Wuxuuna u doondoonay naago badan.

^ Dib u celi bilawga ^

12


Shiishaq Oo Weeraray Yeruusaalem

1 Markii boqortooyadii Rexabcaam ay dhisantay oo uu xoogaystay ayuu ka tegey sharcigii Rabbiga, iyadoo ay reer binu Israa'iil oo dhammuba la jiraan. 2 Oo sannaddii shanaad oo Boqor Rexabcaam ayaa Shiishaq oo boqorkii Masar ahaa Yeruusaalem ku kacay, maxaa yeelay, iyagu waxay ku xadgudbeen Rabbiga, 3 oo wuxuu kaxaystay kun iyo laba boqol oo gaadhifaras iyo lixdan kun oo fardooley ah, oo dadkii isaga Masar kala soo baxayna tiro ma ay lahayn, waxayna ahaayeen reer Luubiim iyo reer Sukiyiim iyo reer Itoobiya. 4 Oo isagu wuxuu qabsaday magaalooyinkii deyrka lahaa ee dalka Yahuudah, oo haddana wuxuu yimid Yeruusaalem. 5 Haddaba Nebi Shemacyaah ayaa u yimid Rexabcaam iyo amiirradii dalka Yahuudah oo Yeruusaalem ugu urursanaa Shiishaq daraaddiis, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku waad i dayriseen oo sidaas daraaddeed ayaan gacanta Shiishaq idinkaga tegey. 6 Markaasaa amiirradii dadka Israa'iil iyo boqorkiiba is-hoosaysiiyeen, oo waxay yidhaahdeen, Rabbigu waa xaq. 7 Oo Rabbiguna markuu arkay inay is-hoosaysiiyeen ayaa eraygii Rabbigu u yimid Shemacyaah, wuxuuna ku yidhi, Iyagu way is-hoosaysiiyeen oo taas aawadeed anigu baabbi'in maayo, laakiinse waan samatabbixin doonaa, oo cadhadayduna Yeruusaalem kuma degi doonto iyadoo gacanta Shiishaq ku timid. 8 Habase ahaatee waxay ahaan doonaan addoommadiisa, si ay u ogaadaan adeegiddayda iyo adeegidda boqortooyooyinka waddammadaba. 9 Haddaba sidaas daraaddeed Shiishaq oo ahaa boqorkii Masar wuxuu ku kacay Yeruusaalem oo wuxuu qaatay khasnadihii guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorkaba, oo dhammaantood wuu wada qaatay, oo wuxuu kaloo wada qaatay gaashaammadii dahabka ahaa oo Sulaymaan sameeyey. 10 Oo Boqor Rexabcaam ayaa meeshoodii ka sameeyey gaashaammo naxaas ah, oo wuxuu u dhiibay saraakiishii waardiyayaashii albaabka guriga boqorka dhawri jiray. 11 Oo mar alla markuu boqorku gurigii Rabbiga galo ayay waardiyayaashu iman jireen oo ay gaashaammada soo qaadi jireen, oo haddana waxay ku soo celin jireen qolkii waardiyayaasha. 12 Oo markuu isagu is-hoosaysiiyey ayaa cadhadii Rabbigu ka noqotay si aan Rabbigu isaga dhammaantiisba u baabbi'in, oo weliba dalka Yahuudah waxyaalo wanwanaagsan baa laga heli jiray. 13 Haddaba Boqor Rexabcaam wuxuu ku xoogaystay Yeruusaalem oo xukumay, oo Rexabcaam markuu boqor noqday wuxuu jiray kow iyo afartan sannadood, oo toddoba iyo toban sannadood ayuu boqor ku ahaa Yeruusaalem oo ahayd magaaladii Rabbigu ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan inuu magiciisa halkaas dhigo; oo hooyadiis magaceedu wuxuu ahaa Nacamaah tii reer Cammoon. 14 Oo isagu wuxuu sameeyey wax shar ah, maxaa yeelay, qalbigiisa uma uu diyaarin inuu Rabbiga doondoono. 15 Haddaba Rexabcaam falimihiisii, intii hore iyo intii dambeba, sow kuma qorna taariikhdii Nebi Shemacyaah iyo tii Iddo oo ahaa waxarkihii, siday ahaayeen abtirsiinyadii? Oo had iyo goorna dagaal baa ka dhaxayn jiray Rexabcaam iyo Yaaraabcaam. 16 Oo Rexabcaamna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Abiiyaah.

^ Dib u celi bilawga ^

13


Abiiyaah, Boqorkii Yahuudah

1 Haddaba sannaddii siddeed iyo tobnaad ee Boqor Yaaraabcaam ayaa Abiiyaah boqor ka noqday dalka Yahuudah. 2 Oo saddex sannadood ayuu boqor ku ahaa Yeruusaalem, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Miikaayaah ina Uurii'eel oo reer Gibecaah ah. Oo Abiiyaah iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexayn jiray. 3 Oo Abiiyaah dagaal buu u baxay isagoo wata ciidan dagaalyahan ah oo xoog badan, oo waxayna ahaayeen afar boqol oo kun oo ah rag la xushay; oo Yaaraabcaamna wuxuu dagaal isaga ka gees ah u diyaariyey siddeed boqol oo kun oo nin oo ah rag la xushay oo dhammaantoodna rag xoog badan ah. 4 Markaasaa Abiiyaah wuxuu kor fuulay Buur Semaarayim oo ku taal dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo wuxuu yidhi, Yaaraabcaam iyo dadkii Israa'iil dhammaantiin i maqla. 5 War, miyeydnaan ogayn in Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu Daa'uud weligiis siiyey boqortooyada reer binu Israa'iil u talisa oo wuxuu isaga iyo wiilashiisana ku siiyey axdi cusbo leh? 6 Laakiin Yaaraabcaam ina Nebaad oo ahaa addoonkii Sulaymaan ina Daa'uud ayaa kacay oo ka fallaagoobay sayidkiisii. 7 Oo waxaa isagii u soo shiray rag xunxun oo waxmatarayaal ah, wayna xoogaysteen iyagoo ka gees ah Rexabcaam oo ahaa ina Sulaymaan, oo taasuna waxay ahayd intii Rexabcaam uu dhallintayaraa oo uu qalbigiisu nuglaa, oo uusan iyaga hor joogsan karin. 8 Oo hadda idinku waxaad ku fikiraysaan inaad boqortooyada Rabbiga ka hor joogsataan gacanta ilma Daa'uud, oo weliba idinku waxaad tihiin dad faro badan, oo waxaadna wadataan weylihii dahabka ahaa oo Yaaraabcaam idiinku sameeyey Ilaah ahaan. 9 Oo weliba idinku sow ma aydaan eryin wadaaddadii Rabbiga oo ilma Haaruun ahaa iyo kuwii reer Laawiba? Oo wadaaddo sow uma aydaan samaysan sidii ay ahaan jirtay caadadii dadyowga dalalka kale deggan? Oo sidaas daraaddeed ku alla kii u yimaadaa inuu quduus iska dhigo isagoo wata dibi yar iyo toddoba wan, kaasu wuxuu wadaad u noqon karaa waxyaalo aan ilaahyo ahayn. 10 Laakiinse Rabbigu waa Ilaahayaga, oo kama aannu tegin, oo waxaannu haysannaa wadaaddo Rabbiga u adeega, kuwaasoo ah ilma Haaruun, iyo kuwii reer Laawi oo shuqulkoodii ku jira. 11 Oo iyagu subax kasta iyo fiid kasta waxay Rabbiga u gubaan qurbaan la gubo iyo foox udgoon, oo kibistii tusniintana waxay ku hagaajiyaan miiska daahirka ah korkiisa, oo laambadda dahabka ah iyo laambadaheedii waxay shidaan fiid kasta, waayo, annagu waan xajinnaa amarkii Rabbiga Ilaahaya ah, laakiinse idinku waad ka tagteen. 12 Oo bal eega waxaa nala jira Ilaah isagoo madax noo ah, iyo wadaaddadiisii oo wata turumbooyinkii lagu dhawaajiya, oo waxay idinku afuufi doonaan dhawaaq, haddaba dadka Israa'iilow, ha la diririna Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin, waayo, liibaani maysaan. 13 Laakiinse Yaaraabcaam wuxuu iyaga gadaal ka dhigay ciidan gaadmo ah, haddaba iyagu waxay hor joogeen dadkii Yahuudah oo ciidankii gaadmada ahaana wuxuu joogay gadaashooda. 14 Oo dadkii Yahuudah markay gadaashooda eegeen waxay arkeen in hore iyo gadaalba laga soo weeraray, markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo wadaaddadiina waxay ka dhawaajiyeen turumbooyinkii. 15 Markaasay dadkii Yahuudah qayliyeen oo markay dadkii Yahuudah qayliyeen ayaa Rabbigu wax ku dhuftay Yaaraabcaam iyo dadkii Israa'iil oo dhan Abiiyaah iyo dadkii Yahuudah hortooda. 16 Markaasaa dadkii Israa'iil ka carareen dadkii Yahuudah hortooda, oo Rabbiguna wuxuu ku riday gacantoodii. 17 Oo Abiiyaah iyo dadkiisiina aad bay u laayeen, oo waxaa dadkii Israa'iil ka le'day shan boqol oo kun oo ah rag la xushay. 18 Haddaba dadkii Israa'iil sidaasaa wakhtigaas loo jebiyey oo waxaa ka adkaaday dadkii Yahuudah, maxaa yeelay, iyagu waxay isku halleeyeen Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood. 19 Oo Abiiyaah baa eryaday Yaaraabcaam oo wuxuu ka qabsaday magaalooyin badan kuwaasoo ahaa Beytel iyo tuulooyinkeedii, iyo Yeshaanaah iyo tuulooyinkeedii, iyo Cefroon iyo tuulooyinkeedii. 20 Oo Yaaraabcaamna xoog dambe ma uu helin wakhtigii Abiiyaah noolaa, oo Rabbiga ayaa wax ku riday, wuuna dhintay. 21 Laakiinse Abiiyaah wuu sii xoogaystay, oo wuxuu guursaday afar iyo toban naagood, oo wuxuuna dhalay laba iyo labaatan wiil iyo lix iyo toban gabdhood. 22 Haddaba Abiiyaah falimihiisii kale, iyo socodkiisii, iyo hadalladiisiiba waxay ku qoran yihiin kitaabkii Nebi Iddo.


^ Dib u celi bilawga ^

14

1 Markaasaa Abiiyaah dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aasaa, oo wakhtigiisiina dalku wuu xasilloonaa intii toban sannadood ah.

Aasaa, Boqorkii Yahuudah

2 Oo Aasaana wuxuu sameeyey wixii Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa ku wanaagsanaa oo ku qummanaa, 3 maxaa yeelay, isagu wuxuu baabbi'iyey meelihii allabariga ee qalaadaa iyo meelihii sarsare, oo tiirarkiina wuu wada jejebiyey, geedihii Asheeraahna wuu wada jaray, 4 oo dadkii Yahuudahna wuxuu ku amray inay doondoonaan Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood, iyo inay yeelaan sharciga iyo amarka. 5 Oo haddana magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan wuxuu ka baabbi'iyey meelihii sarsare iyo sanamyadii qorraxda, oo boqortooyaduna isaga hortiisa way ku xasilloonayd. 6 Oo isagu dalka Yahuudahna wuxuu ka dhisay magaalooyin deyr leh, maxaa yeelay, dalku wuu xasilloonaa oo isaguna dagaal ma gelin sannadahaas, waayo, Ilaah baa isaga nasiyey. 7 Oo wuxuu dadkii Yahuudah ku yidhi, Kaalaya aan magaalooyinkan dhisnee oo aan u yeelno derbiyo, iyo munaarado, iyo irdo, iyo qataarro; dalku weli waa ina hor yaal, maxaa yeelay, waxaynu doondoonnay Rabbiga Ilaaheenna ah; isagaynu doondoonnay, oo isna dhan kasta ayuu inaga nasiyey. Markaasay magaalooyinkii dhiseen, wayna liibaaneen. 8 Oo Aasaana wuxuu lahaa ciidan gaashaammo iyo warmo sita, oo waxaa reer Yahuudah ka soo baxay saddex boqol oo kun, reer Benyaamiinna waxaa ka soo baxay kuwo gaashaammo sita oo qaansooyin xoota oo ah laba boqol iyo siddeetan kun, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan. 9 Oo waxaa iyagii ku soo kacay Serax oo ahaa reer Itoobiya isagoo wata ciidan tiradiisu tahay malyuun, iyo saddex boqol oo gaadhifaras, oo isagu wuxuu yimid Maareeshaah. 10 Markaasaa Aasaa u baxay inuu isaga ka hor tago, oo waxay dagaal isugu diyaariyeen Dooxadii Sefaataah oo Maareeshaah u dhow. 11 Markaasaa Aasaa u qayshaday Rabbiga Ilaahiisa ah oo yidhi, Rabbiyow, adiga mooyaane ma jiro mid u kala hiilin kara kan itaalka badan iyo kan aan xoogga lahayn. Rabbiyow Ilaahayagow, na caawi, waayo, waannu isku kaa hallaynaynaa, oo magacaaga ayaannu dadkan badan ugu soo baxnay. Rabbiyow, waxaad tahay Ilaahayaga, haddaba ninna yuusan kaa adkaan. 12 Oo sidaas daraaddeed Aasaa iyo dadkii Yahuudah hortooda ayaa Rabbigu ku jebiyey kuwii reer Itoobiya, kuwii reer Itoobiyana way carareen. 13 Markaasaa Aasaa iyo dadkii la socday u eryadeen xagga Geraar, oo waxaa kuwii reer Itoobiya ka dhintay dad faro badan oo iyaga ayan ka soo kaban karin, maxaa yeelay, iyagu waxay ku hor baabbe'een Rabbiga iyo ciidankiisaba, oo weliba waxay kala tageen maal booli ah oo aad u badan. 14 Oo waxay kaloo wax ku dhufteen magaalooyinkii Geraar ku wareegsanaa oo dhan, waayo, iyaga waxaa ku dhacday Rabbiga cabsidiisii, oo magaalooyinkii oo dhanna way dhaceen, maxaa yeelay, waxaa iyaga ku jiray maal badan. 15 Oo haddana waxay burburiyeen teendhooyinkii xoolodhaqatada, waxayna dhaceen ido faro badan iyo geel. Dabadeedna Yeruusaalem bay ku noqdeen.

^ Dib u celi bilawga ^

15


Aasaa Wuxuu Dadkii U Jeediyey Ilaah

1 Markaasaa Ruuxii Ilaah wuxuu ku soo degay Casaryaah oo ahaa ina Codeed, 2 oo intuu u soo baxay inuu Aasaa ka hor tago ayuu ku yidhi, Aasaa, iyo dadkii Yahuudah iyo Benyaamiin oo dhammow, i maqla. Rabbigu wuu idinla jiraa intaad isaga la jirtaan, oo haddaad isaga doondoontaanna waad heli doontaan, laakiinse haddaad isaga ka tagtaan, isna wuu idinka tegi doonaa. 3 Haddaba intii wakhti dheer ah dadka Israa'iil ma ay haysan Ilaaha runta ah, iyo wadaad iyaga wax bara, iyo sharci toona, 4 laakiinse markay cidhiidhi galeen ayay u soo jeesteen oo doondooneen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, wayna heleen. 5 Oo waayahaas oo dhanna nabadu uma jirin kii dibadda u baxa iyo kii gudaha soo gala toona, laakiinse dadka dalalka deggan oo dhan waxaa kor saarnaa dhibaatooyin waaweyn. 6 Oo iyagii way kala burbureen, oo quruumuba quruun bay ka gees noqotay, magaalona magaalay ka gees noqotay, waayo, Ilaah baa ku dhibay cidhiidhi oo dhan. 7 Laakiinse idinku xoogaysta oo gacmihiinnu yay debcin, waayo, shuqulkiinna waa laydiinka abaalgudi doonaa. 8 Oo Aasaana markuu maqlay erayadaas iyo waxsheegiddii Nebi Codeed ayuu sii dhiirranaaday, oo dalka Yahuudah iyo kan Benyaamiin oo dhan iyo magaalooyinkii uu ka qabsaday dalka buuraha leh oo reer Efrayim wuu ka wada fogeeyey karaahiyadii, oo weliba wuxuu cusboonaysiiyey meeshii allabariga ee Rabbiga oo ku hor tiil balbalada Rabbiga. 9 Markaasuu soo wada shiriyey dadkii Yahuudah iyo dadkii Benyaamiin iyo kuwii iyaga la degganaa oo ka yimid reer Efrayim iyo reer Manaseh iyo reer Simecoonba, waayo, isagay ku soo darmeen iyagoo tiro badan, markay arkeen in Rabbiga Ilaahiisa ahu uu isaga la jiro. 10 Sidaas daraaddeed waxay ku soo urureen Yeruusaalem sannaddii shan iyo tobnaad oo boqortooyadii Aasaa bisheedii saddexaad. 11 Oo maalintaas waxay Rabbiga ugu allabaryeen toddoba boqol oo dibi iyo toddoba kun oo neef oo ido ah oo ka mid ah dhicii ay keeneen. 12 Oo waxay axdi ku galeen inay Rabbiga Ilaaha awowayaashooda ah ku doondoonaan qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhan, 13 iyo in la dilo ku alla kii aan doondoonin Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, hadduu yar yahay iyo hadduu weyn yahay, ama hadduu nin yahay iyo hadday naag tahayba. 14 Oo waxay Rabbiga ugu dhaarteen cod weyn iyo qaylo iyo turumbooyin iyo buunan. 15 Oo dadkii Yahuudah oo dhammu way ku reyreeyeen dhaartii, maxaa yeelay, qalbigooda oo dhan ayay ku dhaarteen, oo waxay isaga ku doondooneen xiisahooda oo dhan, wayna heleen, oo Rabbiguna hareerahooda oo dhan wuu ka nasiyey. 16 Oo weliba Macakaah oo ahayd Boqor Aasaa hooyadiis boqoradnimadii wuu ka dejiyey, maxaa yeelay, waxay sanam karaahiya ah u samaysay geed Asheeraah, oo Aasaa sanamkeedii wuu jebiyey oo wuxuu ka dhigay boodh, wuxuuna ku gubay durdurka Qidroon agtiisa. 17 Laakiinse meelihii sarsare dalka Israa'iil lagama baabbi'in, habase yeeshee Aasaa qalbigiisu wuu qummanaa cimrigiisii oo dhan. 18 Oo gurigii Ilaah wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis quduuska ka dhigay iyo alaabtii uu isaga qudhiisu quduuska ka dhigay, waxayna ahayd lacag iyo dahab iyo weelal. 19 Oo dagaal dambena ma jirin ilaa sannaddii shan iyo soddonaad ee Aasaa boqornimadiisii.

^ Dib u celi bilawga ^

16


Sanooyinkii Ugu Dambeeyey Ee Aasaa

1 Oo boqornimadii Aasaa sannaddeedii lix iyo soddonaad ayaa Bacshaa oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil dalka Yahuudah ku kacay oo wuxuu dhisay Raamaah, inuusan qofna u oggolaan inuu ka baxo ama u galo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah. 2 Markaasaa Aasaa lacag iyo dahab ka soo bixiyey khasnadihii guriga Ilaah iyo kuwii guriga boqorkaba, oo wuxuu u sii dhiibay Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya oo Dimishaq degganaa, oo wuxuu ku yidhi, 3 Axdi baa inoo dhexeeya aniga iyo adiga, oo aabbahay iyo aabbahaana wuu u dhexayn jiray, haddaba bal eeg waxaan kuu soo diray lacag iyo dahab, saas aawadeed tag oo jebi axdiga aad la leedahay boqorka dalka Israa'iil oo Bacshaa ah, ha iga tagee. 4 Markaasaa Benhadad dhegaystay hadalkii Boqor Aasaa, oo saraakiishii ciidammadiisa ayuu u diray magaalooyinkii dalka Israa'iil, oo waxay dagaal ku dhufteen Ciyoon, iyo Daan, iyo Aabeel Mayim, iyo magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray oo reer Naftaali oo dhan. 5 Kolkii Bacshaa taas maqlay wuu ka tegey Raamaah dhisiddeedii, oo shuqulkiisiina wuu joojiyey. 6 Markaasaa Boqor Aasaa soo kaxaystay dadkii Yahuudah oo dhan, oo waxay wada qaadeen dhagxantii iyo alwaaxdii Raamaah oo uu Bacshaa ku dhisayay, kolkaasuu ku dhisay Gebac iyo Misfaah. 7 Oo wakhtigaas ayaa Xanaanii oo waxarkihii ahaa u yimid Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Waxaad isku hallaysay boqorka Suuriya, oo iskuma aadan hallayn Rabbiga Ilaahaaga ah, haddaba sidaas daraaddeed ciidanka boqorka Suuriya gacantaada wuu ka baxsaday. 8 War kuwii reer Itoobiya iyo reer Luubiim sow ma ay ahayn ciidan weyn oo wata gaadhifardood iyo ciidan fardooley ah oo aad iyo aad u badan? Oo weliba Rabbigu wuxuu soo geliyey gacantaada, maxaa yeelay, Rabbiga waad isku hallaysay. 9 Waayo, Rabbiga indhihiisu waxay hor iyo dib u fiirinayaan dunida oo dhan inuu isu adkeeyo kuwa qalbigoodu isaga xaggiisa ku qumman yahay. Taas ayaad nacasnimo ku samaysay, oo hadda ka dib dagaallo baad ku jiri doontaa. 10 Markaasaa Aasaa waxarkihii u cadhooday oo wuxuu ku riday xabsi, maxaa yeelay, aad buu ugu xanaaqay xaalkan daraaddiis. Oo isla markaasna Aasaa baa dadkii qaarkiis dulmay. 11 Oo bal eeg Aasaa falimihiisii, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil. 12 Oo sannaddii sagaal iyo soddonaad oo boqornimadiisa ayaa Aasaa cagaha ka bukooday, oo cudurkiisiina aad iyo aad buu u weynaa, oo weliba isagu cudurkiisii Rabbiga uma uu doonin laakiinse wuxuu u doondoonay dhakhtarrada. 13 Oo sannaddii kow iyo afartanaad oo boqornimadiisa ayaa Aasaa dhintay oo la seexday awowayaashiis. 14 Oo waa lagu aasay qabriyadiisii uu ka qotay magaaladii Daa'uud, oo waxaa lagu jiifiyey sariir ay ka buuxaan cadar udgoon iyo uunsi kala cayn cayn ah oo lagu hagaajiyey sancada kuwa cadarka sameeya, oo waxaa loo sameeyey dabshid aad u weyn.

^ Dib u celi bilawga ^

17


Yehooshaafaad, Boqorkii Yahuudah

1 Oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Yehooshaafaad, oo wuxuu u xoogaystay si uu dadka Israa'iil isaga daafaco. 2 Oo wuxuu ciidan fadhiisiyey magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, oo rugo askareedna ayuu dhex dhigay dalkii Yahuudah iyo weliba magaalooyinkii reer Efrayim oo aabbihiis Aasaa uu mar hore qabsaday. 3 Oo Rabbiguna Yehooshaafaad wuu la jiray, maxaa yeelay, wuxuu ku socday jidkii hore oo awowgiis Daa'uud, oo Bacaliimna ma uu doonin, 4 laakiinse wuxuu doonay Ilaahii awowgiis, oo wuxuu ku socday amarradiisii, mana uu yeelin falimihii dadka Israa'iil. 5 Oo sidaas daraaddeed Rabbigu boqortooyadii gacantiisuu ku xoogeeyey, oo dadkii Yahuudah oo dhammuna Yehooshaafaad ayay hadiyado u keeni jireen, oo isagu wuxuu lahaa maal iyo sharaf badan. 6 Oo qalbigiisuna wuxuu u sara kacay inuu qaado jidadka Rabbiga, oo weliba wuxuu dalka Yahuudah ka baabbi'iyey meelihii sarsare iyo geedihii Asheeraah. 7 Oo haddana sannaddii saddexaad oo boqortooyadiisa ayuu diray amiirradiisii oo ahaa Benxayl, iyo Cobadyaah, iyo Sekaryaah, iyo Netaneel, iyo Miikaayaah inay magaalooyinka dalka Yahuudah dadka wax ku baraan, 8 oo wuxuu la diray kuwii reer Laawi oo ahaa Shemacyaah, iyo Netanyaah, iyo Sebadyaah, iyo Casaaheel, iyo Shemiiraamood, iyo Yehoonaataan, iyo Adoniiyaah, iyo Toobiyaah, iyo Toob Adooniyaah, oo waxaa kaloo iyaga la jiray wadaaddadii ahaa Eliishaamaac iyo Yehooraam. 9 Oo iyana dalka Yahuudah ayay dadka wax ku bareen iyagoo wata kitaabkii sharciga Rabbiga, oo waxay ku dhex wareegeen magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan, oo dadkiina wax bay bareen. 10 Oo boqortooyooyinkii dalalkii ku wareegsanaa dalka Yahuudah oo dhan waxaa ku dhacday Rabbiga cabsidiisii, oo sidaas daraaddeed iyagu Yehooshaafaad lama ayan diririn. 11 Oo reer Falastiin qaarkood ayaa Yehooshaafaad u keenay gabbaro iyo lacag baad ah, oo weliba Carabtiina waxay u keeneen adhi badan oo ah toddoba kun iyo toddoba boqol oo wan iyo toddoba kun iyo toddoba boqol oo orgi. 12 Oo Yehooshaafaadna aad iyo aad buu u sii weynaaday, oo wuxuu dalka Yahuudah ka dhex dhisay qalcado iyo magaalooyin wax lagu kaydiyo. 13 Oo magaalooyinka dalka Yahuudah waxaa loogu dhex sameeyey shuqullo badan, oo Yeruusaalemna waxaa u joogay rag dagaalyahan ah oo xoog badan. 14 Oo tanuna waa tiradoodii iyo sidii ay reerahoodu kala ahaayeen, saraakiishii kun kun u talin jiray ee dadkii Yahuudah waxaa ka joogay Cadnaah oo sirkaal ahaa, oo waxaa isaga la jiray rag xoog badan oo ah saddex boqol oo kun, 15 oo waxaa isaga ku xigay Yehooxaanaan oo sirkaal ahaa, oo waxaa isaga la jiray laba boqol iyo siddeetan kun oo nin, 16 oo isna waxaa ku xigay Camasyaah ina Sikrii oo Rabbiga ikhtiyaarkiisa isugu bixiyey, oo isna waxaa la jiray laba boqol oo kun oo ah rag xoog badan. 17 Oo reer Benyaamiinna waxaa ka joogay Elyaadaac oo ahaa nin xoog badan, oo isna waxaa la jiray laba boqol oo kun oo nin oo sita qaanso iyo gaashaan, 18 oo isna waxaa ku xigay Yehoosaabaad, waxaana isaga la jiray boqol iyo siddeetan kun oo nin oo dagaal loo diyaariyey. 19 Oo kuwanu waxay ahaayeen intii boqorka u adeegi jirtay, oo ayan ku jirin kuwii uu boqorku fadhiisiyey magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah ku yiil oo dhan.

^ Dib u celi bilawga ^

18


Miikayhuu Oo Sii Sheegay Wax Axaab Ka Gees Ah

1 Haddaba Yehooshaafaad wuxuu lahaa maal iyo sharaf badan, xidhiidh buuna la yeeshay Axaab. 2 Oo dhawr sannadood dabadood isagu wuxuu Axaab ugu tegey Samaariya. Oo Axaabna isagii iyo dadkiisii la socdayba wuxuu u qalay ido iyo dibi faro badan, oo wuxuuna isagii oggolaysiiyey inuu ula kaco Raamod Gilecaad. 3 Markaasaa Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ku yidhi, Ma ii raacaysaa Raamod Gilecaad? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Anigu kula mid baan ahay, oo dadkayguna waa dadkaagoo kale, oo annaguna dagaalka waan idinla gelaynaa. 4 Markaasaa Yehooshaafaad boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Waan ku baryayaaye bal maanta erayga Rabbiga wax weyddii. 5 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil soo wada ururiyey nebiyadii oo ahaa afar boqol oo nin, oo wuxuu ku yidhi, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagnaa mise waan iska daaya? Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Tag, waayo, Ilaah wuxuu iyada soo gelin doonaa gacantaada, boqorow. 6 Laakiinse Yehooshaafaad wuxuu ku yidhi, Kuwan mooyaane miyaanu nebiga Rabbiga jirin aan wax weyddiinnee? 7 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Weli waxaa jira nin kale oo aan Rabbiga wax ka weyddiin karno, laakiinse isaga waan nebcahay, waayo, isagu marnaba wax wanaagsan igama sheego, illowse had iyo goorba wax xun buu iga sheegaa. Kaasu waa Miikayhuu ina Yimlaah. Markaasaa Yehooshaafaad wuxuu yidhi, Boqorow, saas ha odhan. 8 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil u yeedhay mid sirkaal ah, oo wuxuu ku yidhi, Haddiiba ii keen Miikayhuu ina Yimlaah. 9 Haddaba boqorkii dalka Israa'iil iyo Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah mid kastaaba wuxuu ku fadhiyey carshigiisii, isagoo dharkii boqornimada qaba, oo waxay fadhiyeen meel bannaan oo ku taal iridda Samaariya laga soo galo, oo nebiyadii oo dhammuna hortooday wax ku sii sheegayeen. 10 Oo Sidqiyaah ina Kenacanaah ayaa samaystay geeso bir ah, oo wuxuu yidhi, Waxaa Rabbigu leeyahay, Kuwan waad ku hardiyi doontaa reer Suuriya ilaa ay wada baabba'aan. 11 Oo nebiyadii oo dhammuna saasay sii wada sheegeen, iyagoo leh, Raamod Gilecaad tag oo guulayso, maxaa yeelay, Rabbigu wuu soo gelin doonaa gacantaada, boqorow. 12 Oo wargeeyskii Miikayhuu loo diray inuu u soo yeedho wuu la hadlay oo ku yidhi, Bal eeg, nebiyadii war wanaagsan bay u sheegeen boqorkii, oo isku af bay ku wada hadleen. Haddaba waxaan kaa baryayaa in eraygaagu la mid noqdo eraygooda, oo adigu wax wanaagsan ku hadal. 13 Markaasaa Miikayhuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye waxaan sheegayaa wax alla wixii Rabbigu yidhaahdo. 14 Oo markuu boqorkii u yimid ayaa boqorkii ku yidhi, Miikayhuuyow, Raamod Gilecaad dagaal ma u tagnaa mise waan iska daayaa? Oo isna wuxuu ku yidhi, Taga oo ku soo guulaysta, oo iyagana gacantiinnaa la soo gelin doonaa. 15 Markaasaa boqorkii isagii ku yidhi, Runta mooyaane wax kale inaadan magaca Rabbiga iigu sheegayn intee jeer baan ku dhaariyaa? 16 Oo isna wuxuu yidhi, Waxaan arkay dadka Israa'iil oo dhan oo buuraha ku kala firdhay sidii ido aan adhijir lahayn. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Kuwanu sayid ma leh ee nin waluba gurigiisii ha ku nabad noqdo. 17 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil Yehooshaafaad ku yidhi, Miyaanan kuu sheegin inuusan wax wanaagsan iga sii sheegayn wax shar ah mooyaane? 18 Markaasuu Miikayhuu yidhi, Haddaba erayga Rabbiga maqla, Waxaan arkay Rabbiga oo carshigiisa ku fadhiya oo ciidankii samada oo dhammuna taagan yihiin midigtiisa iyo bidixdiisa. 19 Markaasaa Rabbigu yidhi, Kumaa Axaab oo ah boqorka dalka Israa'iil soo sasabaya inuu Raamod Gilecaad tago oo halkaas ku dhinto? Oo mid sidanuu ku hadlay, mid kalena sidaasuu ku hadlay. 20 Markaasaa ruux soo baxay oo Rabbiga hortiisa istaagay, oo yidhi, Anigaa soo sasabaya. Kolkaasaa Rabbigu ku yidhi, Sidee baad u soo sasabaysaa? 21 Isna wuxuu yidhi, Anigu waan tegayaa oo waxaan noqonayaa ruux beenlow ah oo afka nebiyadiisa oo dhan ku jira. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Adigu waad sasabi doontaa oo weliba waad ka adkaan doontaa, haddaba tag oo saas yeel. 22 Haddaba bal eeg, Rabbigu afka nebiyadaadan wuxuu geliyey ruux beenlow ah, oo Rabbigu wuxuu kaa sheegay wax belaayo ah. 23 Markaasaa Sidqiyaah ina Kenacanaah intuu Miikayhuu u soo dhowaaday dhabanka ku dhuftay, oo wuxuu ku yidhi, War ruuxii Rabbigu xaggee buu iga maray inuu kula hadlo? 24 Kolkaasaa Miikayhuu ku yidhi, Waad arki doontaa maalinta aad qol hoose u geli doonto inaad ku dhuumato. 25 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil yidhi, Miikayhuu qabta oo u celiya Aamoon oo ah taliyaha magaalada, iyo Yoo'aash oo ah ina boqor, 26 oo waxaad ku tidhaahdaan, Boqorkii wuxuu leeyahay, Ninkan xabsiga geliya, oo waxaad ku quudisaan kibis dhib ah, oo waxaad ka waraabisaan biyo dhib ah, ilaa aan soo nabad noqdo. 27 Markaasaa Miikayhuu ku yidhi, Sinaba haddaad ku soo nabad noqotid, Rabbigu igama dhex hadlin. Oo wuxuu kaloo yidhi, Dadkoo dhammow, maqla.

Axaab Oo Lagu Dilay Raamod Gilecaad

28 Markaasay boqorkii dalka Israa'iil iyo Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah Raamod Gilecaad u kaceen. 29 Oo boqorkii dalka Israa'iil wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Anigu waan ismidab qarinayaa oo dagaalkaan dhex gelayaa, laakiinse adigu dharkaaga xidho. Oo boqorkii dalka Israa'iil wuu ismidab qariyey oo dagaalkuu dhex galay. 30 Haddaba boqorkii dalka Suuriya wuxuu amray saraakiishii u taliyey gaadhifardoodkiisa, oo ku yidhi, Mid weyn iyo mid yar toona ha la diririna boqorka dalka Israa'iil oo keliya mooyaane. 31 Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay Yehooshaafaad arkeen ayay isku yidhaahdeen, Kanu waa boqorkii dalka Israa'iil. Markaasay ku leexdeen inay la diriraan aawadeed, laakiinse Yehooshaafaad wuu qayliyey, oo Rabbiguna wuu caawiyey, oo Ilaah baa iyagii ka ceshay. 32 Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay arkeen inuusan ahayn boqorkii dalka Israa'iil ayay dib uga noqdeen. 33 Oo nin baa intuu qaansadiisii xooday kama' ahaan fallaadh u ganay, oo wuxuu boqorkii dalka Israa'iil kaga dhuftay meesha dharkiisa dagaalku isaga yimaadaan. Markaasuu boqorku kii gaadhifaraskiisa kaxaynayay ku yidhi, Gacantaada leexi oo ciidanka iga dhex bixi, waayo, aad baan u dhaawacmay. 34 Oo maalintaas dagaalkii waa sii kordhay, habase yeeshee tan iyo makhribkii boqorkii dalka Israa'iil ayaa gaadhifaraskiisa isdhex taagay isagoo ka hor jeeda dadkii Suuriya, oo goor qorraxdhicii ku dhow ayuu dhintay.


^ Dib u celi bilawga ^

19

1 Markaasaa Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah nabad ugu noqday gurigiisa Yeruusaalem ku yaal. 2 Oo waxaa baxay oo isagii ka hor tegey Yeehuu ina Xanaanii oo wax arkihii ahaa, oo wuxuu Boqor Yehooshaafaad ku yidhi, War ma waxaa kuu ekayd inaad caawiso kuwa sharka ah iyo inaad jeclaato kuwo Rabbiga neceb? Waxan daraaddiis waxaa kugu soo degtay cadho Rabbiga hortiisa ka timid. 3 Habase ahaatee waxyaalo wanaagsan baa lagaa helay, maxaa yeelay, waxaad dalka ka saartay geedihii Asheeraah, oo qalbigaagana waxaad u diyaarisay inaad Rabbiga doondoonto.

Yehooshaafaad Oo Magacaabay Xaakinno

4 Yehooshaafaad wuxuu degganaan jiray Yeruusaalem, oo haddana wuxuu dhex maray dadkii tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo iyagii wuxuu u soo celiyey Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood. 5 Oo dalkii oo dhan iyo magaalooyinkii deyrka lahaa oo dadka Yahuudah wuxuu magaalo ka magaalo fadhiisiyey xaakinno. 6 Oo xaakinnadiina wuxuu ku yidhi, Waxa aad samaynaysaan ka fiirsada, waayo, idinku garsoorid dad u samayn maysaan, laakiinse waxaad u samaynaysaan Rabbiga, oo weliba isaguna garsooridda wuu idinla weheliyaa. 7 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ka cabsada, iska jira, oo saas yeela, waayo, xagga Rabbiga Ilaaheenna ah dembi ma jiro, dadkana looma kala eexdo, laaluushna lama qaato. 8 Oo markay Yeruusaalem ku noqdeen ayaa Yehooshaafaad weliba Yeruusaalemna fadhiisiyey kuwii reer Laawi iyo wadaaddadii iyo madaxdii reeraha dadka Israa'iil inay sameeyaan Rabbiga garsooriddiisa iyo inay kuwii murma u garsooraan. 9 Oo wuxuu iyagii amray oo ku yidhi, Saas yeela idinkoo Rabbiga ka cabsanaya oo aamin ah oo qalbigiinnu qumman yahay. 10 Oo mar alla markii dacwo idiinka timaado walaalihiinna magaalooyinkooda deggan, taasoo u dhexaysa oo ah dhiig iyo dhiig, iyo sharci iyo amar, iyo qaynuun iyo xukummo, de markaas waa inaad u digtaan si aanay Rabbiga ugu dembaabin, oo aan taas aawadeed cadhada Rabbigu ugu soo degin idinka iyo walaalihiinba. Saas yeela oo eed lahaan maysaan. 11 Oo bal eega, axwaasha Rabbiga oo dhan waxaa idiinku sarrayn doona Amaryaah ah wadaadka sare, oo axwaasha boqorka oo dhanna waxaa idiinku sarrayn doona Sebadyaah ina Ismaaciil oo ah taliyaha reer Yahuudah, oo weliba reer Laawina hortiinnay saraakiil ku ahaan doonaan. Haddaba dhiirranaada oo Rabbiguna ha la jiro kuwii wanaagga sameeya.

^ Dib u celi bilawga ^

20


Yehooshaafaad Oo Ka Adkaaday Reer Moo'aab Iyo Reer Cammoon

1 Oo taas dabadeedna waxaa Yehooshaafaad ku soo kacay inay la diriraan reer Moo'aab iyo reer Cammoon iyo qaar kale oo reer Cammoon ahaa. 2 Markaasaa qaar yimid oo waxay Yehooshaafaad u soo sheegeen oo ku yidhaahdeen, Waxaa kugu soo socda col faro badan oo ka imanaya badda shishadeeda iyo dalka Suuriya, oo bal eeg haatan waxay joogaan Xasason Taamaar oo ah Ceyn Gedii. 3 Kolkaasaa Yehooshaafaad cabsaday, oo wuxuu isu diyaariyey inuu Rabbiga doondoono, oo dalkii Yahuudah oo dhanna soon buu ku naadiyey. 4 Markaasay dadkii Yahuudah oo dhammu iswada urursadeen inay Rabbiga caawimaad ka weyddiistaan, oo xataa magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan way uga soo baxeen inay Rabbiga doondoonaan. 5 Markaasa Yehooshaafaad isdhex taagay shirkii dadka Yahuudah iyo Yeruusaalem iyagoo jooga guriga Rabbiga iyo barxadda cusub horteeda, 6 oo wuxuu yidhi, Rabbiyow Ilaahii awowayaashayow, sow ma ahid Ilaaha samada ku jira? Oo sow ma ahid kan u taliya kulli boqortooyooyinka quruumaha oo dhan? Oo gacantaadana waxaa ku jira xoog iyo itaal oo sidaas daraaddeed ninna kuma hor istaagi karo. 7 Ilaahayagow, dadkii dalkan degganaa sow kama aad eryin dadkaaga reer binu Israa'iil hortooda, oo weligiisba sow ma aadan siin saaxiibkaagii Ibraahim farcankiisii? 8 Haddaba iyagu way dhex degganaan jireen, oo waxay magacaaga aawadiis uga dhex dhiseen meel quduus ah, oo waxay yidhaahdeen, 9 Markii wax shar ahu ay nagu dhacaan hadday yihiin seef ama xukun ama belaayo ama abaar, annagu waxaan soo hor istaagi doonnaa gurigan iyo adiga, (waayo, magacaagu wuxuu ku jiraa gurigan), markaasaannu kuu qayshan doonnaa annagoo dhib ku jirna, oo adna waad na maqli doontaa oo waad na badbaadin doontaa. 10 Haddaba bal eeg reer Cammoon iyo reer Moo'aab iyo reer Buur Seciir oo aad reer binu Israa'iil markay dalka Masar ka soo baxeen u diidday inay dalkooda galaan, laakiinse gees bay uga leexdeen oo mana ay baabbi'in. 11 Bal eeg siday noogu abaalgudeen oo ay noogu soo baxeen iyagoo doonaya inay naga tuuraan hantidaadii aad dhaxal ahaan noo siisay. 12 Ilaahayagow, miyaadan iyaga xukumi doonayn? Waayo, annagu itaal uma hayno guutadan weyn oo nagu soo socota, oo weliba wax aannu samaynona ma naqaan, laakiinse indhahayagu adigay kuu soo jeedaan. 13 Oo weliba dadka Yahuudah oo dhammu Rabbigay hor taagnaayeen iyaga iyo dhallaankoodii iyo naagahoodii iyo carruurtoodiiba. 14 Markaasaa ruuxii Rabbigu wuxuu ku soo degay Yaxasii'eel ina Sekaryaah, kaasoo ahaa ina Benaayaah, oo ahaa ina Yecii'eel, oo ahaa ina Matanyaah, oo reer Aasaaf ahaa, oo reer Laawi ka sii ahaa, isagoo shirka ku dhex jira. 15 Markaasuu yidhi, Kulligiin dadka Yahuudah, iyo kuwiinna Yeruusaalem deggan, iyo adiga Boqor Yehooshaafaad ahowba, wada maqla. Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Dadkan faraha badan daraaddiis ha u cabsanina, hana u qalbi jabina, waayo, dagaalka ma lihidin, laakiinse Ilaah baa iska leh. 16 Haddaba idinku berrito u dhaadhaca iyaga, oo bal eeg, waxay soo korayaan jiirta Siis, oo waxaad ka heli doontaan meesha dooxadu ku dhammaato oo ka horraysa cidlada Yeruu'eel. 17 Idinku uma baahnaan doontaan inaad dagaalkan gashaan, haddaba dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalemow, joogsada, oo iska taagnaada, oo eega badbaadada Rabbigu idin badbaadinayo; berrito iyaga u baxa, oo ha cabsanina, hana qalbi jabina, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa idinla jira. 18 Markaasaa Yehooshaafaad madaxa foororshay oo wejiga dhulka saaray, oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhammuna Rabbiga hortiisay isku tuureen oo u sujuudeen. 19 Kolkaasaa kuwii reer Laawi oo ahaa reer Qohaad iyo reer Qorax waxay u istaageen inay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil cod aad iyo aad u weyn ku ammaanaan. 20 Markaasay aroor hore kaceen oo waxay u ambabbaxeen xagga cidladii Teqooca, oo intay baxayeen ayaa Yehooshaafaad istaagay oo yidhi, Dadka Yahuudah iyo kuwiinna Yeruusaalem degganow, i maqla, rumaysta Rabbiga Ilaahiinna ah oo waad xoogaysan doontaan, oo rumaysta nebiyadiisa oo waad liibaani doontaan. 21 Oo markuu dadkii la tashaday ayuu doortay kuwii Rabbiga u gabyi lahaa oo ammaani lahaa iyagoo dhar quduus ah qaba oo ciidanka hor socda oo leh, Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa. 22 Oo markay bilaabeen inay gabyaan oo Ilaah ammaanaan ayaa Rabbigu rag gaadmo ah ku soo kiciyey reer Cammoon iyo reer Moo'aab iyo reer Buur Seciir oo ku soo kacay dadkii Yahuudah, oo iyagii waa la laayay. 23 Waayo, reer Cammoon iyo reer Moo'aab ayaa is hortaageen dadkii degganaa Buur Seciir inay dhammaantood laayaan oo wada baabbi'iyaan, oo markay wada baabbi'iyeen dadkii Buur Seciir degganaa ayaa mid kastaaba kan kale ku caawiyey inuu nin kale dilo. 24 Oo dadkii Yahuudah markay yimaadeen meeshii dheerayd ee cidlada ee wax laga dhawro ayay fiiriyeen dadkii faraha badnaa, oo waxay arkeen inay yihiin meydad dhulka ku dhacay, oo midna ma baxsan. 25 Oo Yehooshaafaad iyo dadkiisii markay u yimaadeen inay iyaga furtaan waxay dhexdoodii ka heleen maal badan oo meydadka la yaal iyo alaab qaali ah oo ay nafsaddooda u furteen, oo waxaasuna waxay qaadan karaan waa ka badnaayeen, oo intii saddex maalmood ah ayay dhicii guranayeen, maxaa yeelay, aad iyo aad buu u badnaa. 26 Oo maalintii afraad ayay ku shireen dooxada Barako, waayo, halkaasay Rabbiga ku ammaaneen, sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Dooxadii Barako, oo ilaa maantadanna waa loo yaqaan. 27 Markaasaa dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem oo dhammu iyagoo Yehooshaafaad u horreeyo waxay ku noqdeen Yeruusaalem iyagoo faraxsan, waayo, Rabbigu wuxuu kaga farxiyey libtii ay cadaawayaashoodii ka heleen. 28 Oo Yeruusaalem iyo gurigii Rabbiga ayay soo galeen iyagoo ka dhawaajinaya shareerado, iyo kataarado, iyo turumbooyin. 29 Oo boqortooyooyinkii dalalka oo dhan waxaa ku soo degtay Ilaah cabsidiis markay maqleen in Rabbigu la diriray cadaawayaashii dadkii Israa'iil. 30 Sidaas daraaddeed Yehooshaafaad boqortooyadiisii way xasilloonayd, waayo, Ilaahiis ayaa ka nasiyey hareerihiisa oo dhan.

Dhammaadkii Boqornimada Yehooshaafaad

31 Yehooshaafaad boqor buu ka ahaa dalka Yahuudah, oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo soddon sannadood, oo Yeruusaalemna shan iyo labaatan sannadood buu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Casuubaah ina Shilxii. 32 Oo wuxuu ku socday jidkii aabbihiis Aasaa oo geesna ugama uu leexan, oo wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa ayuu sameeyey. 33 Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in, oo dadkuna weli qalbigooda oo dhan ulama ay jeesan Ilaahii awowayaashood. 34 Haddaba Yehooshaafaad falimihiisii kale, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin taariikhdii Yeehuu ina Xanaanii taasoo ku qoran kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil.

35 Oo taas dabadeedna Yehooshaafaad oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah xidhiidh buu la yeeshay Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil kaasoo shuqulkiisii aad iyo aad u xumaa, 36 oo wuxuu isagii kula heshiiyey inay samaystaan doonniyo Tarshiish u dhoofa, oo doonniyihii waxay ku samaysteen Cesyoon Geber. 37 Markaasaa Eliiceser ina Dodaawaahuu oo ahaa reer Maareeshaah ayaa Yehooshaafaad wax ka sii sheegay oo yidhi, Heshiiska aad Axasyaah la heshiisay aawadiis ayaa Rabbigu u burburiyey shuqulkaagii. Oo doonniyihiina way wada jajabeen, oo way kari waayeen inay Tarshiish u dhoofaan.


^ Dib u celi bilawga ^

21

1 Oo Yehooshaafaadna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooraam. 2 Oo isna wuxuu lahaa walaalo oo ahaa ilma Yehooshaafaad, waana Casaryaah, iyo Yexii'eel, iyo Sekaryaah, iyo Casaryaah, iyo Miikaa'eel, iyo Shefatyaah, oo intaas oo dhammu waxay ahaayeen ilma Yehooshaafaad kii ahaa boqorkii dalka Israa'iil. 3 Oo aabbahoodna wuxuu iyagii siiyey hadiyado waaweyn oo ah lacag, iyo dahab, iyo waxyaalo qaali ah, oo weliba wuxuu ugu daray magaalooyin deyr leh oo dalka Yahuudah ku yaal, laakiinse boqortooyadii wuxuu siiyey Yehooraam, maxaa yeelay, wuxuu ahaa curadkiisii.

Yehooraam, Boqorkii Yahuudah

4 Haddaba Yehooraam markuu boqortooyadii aabbihiis fuulay oo uu aad u xoogaystay ayuu walaalihiis oo dhan seef ku laayay, iyaga iyo kuwo kale oo ah amiirradii dadka Israa'iil. 5 Oo Yehooraam markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, siddeed sannadoodna boqor buu ku ahaa Yeruusaalem. 6 Oo wuxuu ku socday jidkii ay boqorradii dalka Israa'iil mareen, sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, waayo, wuxuu qabay Axaab gabadhiisii, oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah. 7 Habase yeeshee Rabbigu ma uu doonaynin inuu baabbi'iyo reerkii Daa'uud, maxaa yeelay, axdi wuu la dhigtay, oo wuxuu u ballanqaaday inuu isaga iyo carruurtiisa had iyo goorba laambad siiyo. 8 Oo wakhtigiisii ayaa reer Edom ka fallaagoobay dadka Yahuudah, oo iyana waxay yeesheen boqor u taliya. 9 Markaasaa Yehooraam soo gudbay isagoo wata saraakiishiisii iyo gaadhifardoodkiisii oo dhan, oo intuu habeennimo kacay ayuu laayay reer Edom oo hareereeyey isaga iyo saraakiishiisii gaadhifardoodka. 10 Reer Edomna way ka fallaagoobeen oo way ka hoos baxeen gacantii dadka Yahuudah ilaa maantadan la joogo. Oo haddana isla markaasba waxaa kaloo ka fallaagoobay oo gacantiisii ka hoos baxay reer Libnaah, maxaa yeelay, isagu wuxuu ka tegey Rabbigii ahaa Ilaaha awowayaashiis. 11 Oo weliba wuxuu buuraha dalka Yahuudah ka sameeyey meelo sarsare, oo dadkii Yeruusaalem degganaana wuxuu ka dhigay inay sanamyo raacaan, oo dadkii Yahuudahna wuu habaabiyey. 12 Oo waxaa isagii u timid qorniin laga keenay Nebi Eliiyaah, oo leh, Rabbiga aabbahaa Daa'uud Ilaahiisa ahu wuxuu leeyahay, Adigu kuma aadan socon jidadkii aabbahaa Yehooshaafaad maray iyo jidadkii Aasaa oo boqorka dalka Yahuudah ahaa uu maray toona, 13 laakiinse waxaad ku socotay jidkii boqorrada dalka Israa'iil, oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba waxaad ka dhigtay inay sanamyo raacaan sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, oo weliba waxaad laysay walaalahaa oo reerka aabbahaa ka mid ahaa oo kaa wanaagsanaa, 14 haddaba sidaas daraaddeed bal eeg, Rabbigu belaayo weyn ayuu ku dhufan doonaa dadkaaga, iyo carruurtaada, iyo naagahaaga, iyo xoolahaaga oo dhanba. 15 Oo adigana waxaa kugu dhici doona cudur weyn oo xiidmahaaga ayaa bukan doona, ilaa xiidmahaagu ay kaa soo dhacaan maalin ka maalin cudurka aad qabto daraaddiis. 16 Markaasaa Rabbigu wuxuu Yehooraam ku soo kiciyey reer Falastiin iyo reer Carabta oo ag joogay reer Itoobiya. 17 Oo waxay ku soo kaceen dalka Yahuudah, oo way burburiyeen, waxayna wada qaateen maalkii guriga boqorka yiil oo dhan, iyo weliba wiilashiisii iyo naagihiisii, sidaas daraaddeed wiilna uma hadhin isagii kii wiilashiisa ugu yaraa oo Yehoo'aaxaas la odhan jiray mooyaane. 18 Oo waxaas oo dhan dabadood Rabbigu wuxuu isaga xiidmihiisii ku dhuftay cudur aan la bogsiin karin. 19 Oo wakhtigii waa iska socday, oo laba sannadood dabadood waxay noqotay in xiidmihiisii la soo dhacay cudurkii uu qabay daraaddiis, oo wuxuu u dhintay cudurro xunxun. Oo dadkiisiina isaga dab uguma ay shidin siday awowayaashiis dab ugu sharfi jireen oo kale. 20 Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa siddeed sannadood, oo wuxuu tegey oo dhintay isagoo aan la jeclayn, oo waxaa lagu aasay magaalada Daa'uud, laakiinse laguma aasin qabuurihii boqorrada.

^ Dib u celi bilawga ^

22


Axasyaah, Boqorkii Yahuudah

1 Markaasaa dadkii Yeruusaalem degganaa waxay meeshiisii boqor kaga dhigteen Axasyaah oo ahaa wiilkiisii ugu wada yaraa, maxaa yeelay, guutadii ragga ahayd oo reer Carbeed xerada la timid way wada laayeen kuwii waaweynaa oo dhan. Sidaas daraaddeed waxaa boqor noqday Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah. 2 Axasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo afartan sannadood, oo Yeruusaalemna sannad ayuu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Catalyaah ina Coomrii. 3 Oo isaguna wuxuu ku socday jidadkii reerka Axaab maray, waayo, hooyadiis waxay kula talin jirtay inuu shar sameeyo. 4 Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, sidii reerka Axaab yeeli jiray oo kale, waayo, markii aabbihiis dhintay ka dib iyagaa ahaan jiray lataliyayaashiisii ilaa uu baabba'ay. 5 Oo weliba wuxuu ku socon jiray taladoodii, wuuna raacay Yehooraam ina Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil inay Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kula diriraan Raamod Gilecaad, oo reer Suuriyana Yooraam bay dhaawaceen. 6 Markaasuu ku noqday Yesreceel in lagu soo daweeyo nabrihii ay Raamaah kaga dhufteen markuu la diriray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya. Markaasaa Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah tegey inuu soo arko Yehooraam ina Axaab oo joogay Yesreceel, maxaa yeelay, dhaawac buu ahaa.

7 Haddaba Axasyaah baabbi'iisii wuxuu ka yimid xag Ilaah, markuu Yooraam u tegey, maxaa yeelay, markuu yimid ayuu Yehooraam kula kacay Yeehuu ina Nimshii kaasoo Rabbigu u subkay inuu baabbi'iyo reerka Axaab. 8 Oo kolkii Yeehuu xukunka ku soo dejinayay reerkii Axaab wuxuu helay amiirradii dalka Yahuudah iyo Axasyaah walaalihiis wiilashii ay dhaleen oo Axasyaah u adeegaya, markaasuu iyagii laayay. 9 Kolkaasuu doondoonay Axasyaah (oo Samaariya ku dhex dhuumanayay), waana la soo qabtay oo waxaa loo keenay Yeehuu, waana la dilay, oo isagii waa la aasay, waayo, waxay isyidhaahdeen, Isaga waxaa dhalay Yehooshaafaad oo Rabbiga ku doondooni jiray qalbigiisa oo dhan. Oo Axasyaah reerkiisiina ma uu lahayn xoog uu boqortooyada ku sii haysto.

Catalyaah Iyo Yoo'aash

10 Haddaba Catalyaah oo ahayd Axasyaah hooyadiis markay aragtay in wiilkeedii dhintay ayay kacday oo wada baabbi'isay farcankii reer boqor ee Yahuudah oo dhan. 11 Laakiinse Yehooshabecad oo ahayd boqorka gabadhiisii waxay la tagtay Yoo'aash oo ahaa ina Axasyaah, oo ka dhex xadday wiilashii boqorka ee la laayay isagii iyo tii xannaanayn jirtayba, oo waxay gelisay qolka la seexdo. Haddaba Yehooshabecad oo ahayd Boqor Yehooraam gabadhiis, oo u dhaxday wadaadkii Yehooyaadaac la odhan jiray waxay isagii ka qarisay Catalyaah si ayan isaga u dilin (maxaa yeelay, iyadu waxay ahayd Axasyaah walaashiis). 12 Oo intii lix sannadood ah ayuu kula qarsoonaa guriga Ilaah, oo dalkiina waxaa u talisay Catalyaah.


^ Dib u celi bilawga ^

23

1 Haddaba sannaddii toddobaad ayaa Yehooyaadaac xoog isgeliyey oo wuxuu soo kaxaystay oo axdi la dhigtay boqol-u-taliyayaashii ahaa Casaryaah ina Yeroxaam, iyo Ismaaciil ina Yehooxaanaan, iyo Casaryaah ina Coobeed, iyo Macaseeyaah ina Cadaayaah, iyo Eliishaafaad ina Sikrii. 2 Oo iyana waxay ku soo wada wareegeen dalkii Yahuudah, oo magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan waxay ka soo wada urursadeen kuwii reer Laawi iyo madaxdii qolooyinka dadka Israa'iil oo waxay wada yimaadeen Yeruusaalem. 3 Markaasaa shirkii oo dhammu axdi boqorkii kula dhigtay guriga Ilaah, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Bal eega, boqorka wiilkiisu isagaa boqor noqon doonee, sidii Rabbigu uu kaga hadlay farcanka Daa'uud. 4 Haddaba idinku sidan yeela: qaybtiinna saddexaad ee sabtida gasha oo ah reer Laawi iyo wadaaddadu, waa inay ahaadaan iridjoogayaal albaabbada jooga, 5 oo meel saddexaadna waa inay guriga boqorka joogaan, meel saddexaadna ha joogeen iridda aasaaska agteeda, oo dadka oo dhammuna waa inay ku wada jiraan guriga Rabbiga barxadihiisa. 6 Laakiinse guriga Rabbiga gudihiisa yuusan ninna soo gelin wadaaddada iyo kuwa reer Laawi oo adeegaya mooyaane, iyagu ha soo galeen, waayo, iyagu waa quduus, laakiinse dadka oo dhammu waa inay Rabbiga amarkiisa dhawraan. 7 Oo reer Laawi boqorka ha isku wareejiyeen iyadoo nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto, oo ku alla kii guriga gudihiisa soo gala ha la dilo, oo idinku boqorkana la jira markuu baxayo iyo markuu soo gelayoba. 8 Sidaas daraaddeed reer Laawi iyo dadkii Yahuudah oo dhammuba way wada yeeleen wixii uu wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ku amray oo dhan, oo nin waluba wuxuu kaxeeyey raggiisii sabtida geli lahaa iyo kuwii sabtida bixi lahaaba, maxaa yeelay, wadaadkii Yehooyaadaac ahaa ma uu kala dirin guutooyinkii. 9 Markaasaa wadaadkii Yehooyaadaac ahaa boqol-u-taliyayaashii siiyey warmihii iyo gaashaammadii waaweynaa iyo gaashaammadii yaryaraa oo Boqor Daa'uud lahaa oo guriga Ilaah yiil. 10 Oo dadkii oo dhanna wuxuu ka dhigay in nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto oo ay istaagaan guriga dhankiisa midig ilaa dhankiisa bidix iyo tan iyo meesha allabariga agteeda iyo guriga agtiisa, oo boqorkii bayna isku wareejiyeen. 11 Markaasay wiilka boqorka soo bixiyeen, oo waxay u saareen taajkii, markhaatifurkiina way siiyeen, oo waxay ka dhigeen boqor, oo Yehooyaadaac iyo wiilashiisiina intay isagii subkeen ayay yidhaahdeen, Boqorku ha noolaado. 12 Oo Catalyaahna markay maqashay qayladii dadka iyo iyagoo ordaya oo boqorka ammaanaya ayay dadkii ugu timid gurigii Rabbiga. 13 Oo bal eeg, boqorku wuxuu ag taagnaa tiirkiisii iridda u dhowaa, oo saraakiishii iyo kuwii turumbada watayna boqorkay ag taagnaayeen, oo dadkii waddanka oo dhammuna way reyreeyeen oo turumbooyin afuufeen, oo kuwii gabayaaga ahaana waxay ka dhawaajiyeen alaabtii muusikada oo waxay hoggaamiyeen kuwii qaaday gabaygii ammaanta ahaa. Kolkaasaa Catalyaah dharkeedii iska jeexjeexday oo waxay tidhi, Waa fallaagow! Waa fallaagow! 14 Markaasaa wadaadkii Yehooyaadaac ahaa soo bixiyey boqol-u-taliyayaasha ciidanka u sarreeyey, oo wuxuu ku yidhi, Iyada soo bixiya oo safafka dhex mariya, oo kii soo raacana seef ha lagu dilo, waayo, wadaadku wuxuu yidhi, Iyada ha ku dhex dilina guriga Rabbiga. 15 Sidaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu guriga boqorka u mari jireen; oo halkaasay ku dileen.

16 Markaasaa Yehooyaadaac sameeyey axdi u dhexeeya isaga qudhiisa iyo dadka oo dhan iyo boqorkaba inay ahaadaan Rabbiga dadkiisa. 17 Dabadeedna dadkii oo dhammu waxay tageen gurigii Bacal, oo way dumiyeen, oo meelihiisii allabariga iyo sanamyadiisiiba way wada burburiyeen, oo Mataan oo ahaa Bacal wadaadkiisiina waxay ku dileen meelihii allabariga hortooda. 18 Markaasaa Yehooyaadaac hawshii guriga Rabbiga u doortay wadaaddadii reer Laawi ahaa oo Daa'uud ku dhex qaybiyey guriga Rabbiga, inay qurbaannada la gubo oo Rabbiga u bixiyaan siday ugu qoran tahay sharcigii Muuse, iyagoo faraxsan oo gabyaya siduu ahaa amarkii Daa'uud. 19 Oo iridjoogayaashiina wuxuu joojiyey irdihii guriga Rabbiga si uusan u soo gelin mid wax ku nijaasoobay wax kasta ha ahaadee. 20 Oo haddana wuxuu kaxeeyey boqol-u-taliyayaashii, iyo kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii dadka, iyo dadkii waddanka oo dhanba, oo waxay boqorkii ka soo kaxeeyeen gurigii Rabbiga, oo intay iriddii sare soo mariyeen ayay keeneen gurigii boqorka, kolkaasay boqorkii ku fadhiisiyeen carshigii boqortooyada. 21 Sidaas daraaddeed dadkii waddanka oo dhammu way wada reyreeyeen, oo magaaladiina way xasilloonayd, oo Catalyaahna ayay seef ku dileen.

^ Dib u celi bilawga ^

24


Yoo'aash Oo Hagaajiyey Macbudkii

1 Yoo'aashna toddoba sannadood buu jiray markuu boqor noqday, oo afartan sannadoodna Yeruusaalem buu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Sibyaah tii reer Bi'ir Shebac. 2 Oo Yoo'aashna wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa wakhtigii wadaadkii Yehooyaadaac ahaa noolaa oo dhan. 3 Oo Yehooyaadaacna wuxuu isagii u guuriyey laba naagood, oo wuxuu dhalay wiilal iyo gabdhoba. 4 Oo waxyaalahaas dabadoodna Yoo'aash wuxuu ku fikiray inuu gurigii Rabbiga cusboonaysiiyo. 5 Markaasuu soo wada ururiyey wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi, oo wuxuu ku yidhi, Baxa oo magaalooyinka dalka Yahuudah taga, oo reer binu Israa'iil oo dhan waxaad ka soo ururisaan lacag guriga Ilaahiinna lagu cusboonaysiiyo sannad ilaa sannad, oo xaalkaas dhaqso u sameeya. Habase yeeshee kuwii reer Laawi xaalkaas kuma ayan dhaqsan. 6 Markaasaa boqorkii wuxuu u yeedhay Yehooyaadaac oo madax ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad u weyddiin weyday reer Laawi inay dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem ka soo ururiyaan cashuurtii Muuse oo ahaa addoonkii Rabbiga iyo tii shirka reer binu Israa'iil teendhadii maragga aawadeed? 7 Waayo, Catalyaah oo ahayd tu shar ah wiilasheedii ayaa gurigii Ilaah burburiyeen, oo weliba alaabtii guriga Rabbiga oo quduuska laga dhigay oo dhan waxay wada siiyeen Bacaliim. 8 Sidaas daraaddeed boqorkii wuu amray oo iyana waxay sameeyeen sanduuq, oo waxay ag qotomiyeen guriga Rabbiga iriddiisa dibaddeeda. 9 Markaasay dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem oo dhan ku naadiyeen in Rabbiga loo keeno cashuurtii Muuse oo ahaa addoonkii Ilaah uu reer binu Israa'iil kor saaray markay cidlada dhex joogeen. 10 Markaasaa amiirradii iyo dadkii oo dhammu reyreeyeen oo intay wax keeneen ayay ku rideen sanduuqii ilaa ay ka buuxiyeen. 11 Oo waxay noqotay in markii sanduuqii la geeyey xafiiskii boqorka iyadoo ay reer Laawi sidaan, oo la arkay in lacag badanu ku jirto ayaa waxaa yimid oo sanduuqii ka shubay karraanigii boqorka iyo sirkaalkii wadaadka sare, oo haddana sanduuqii bay qaadeen oo meeshiisii ku celiyeen. Oo saasay maalin kasta yeeli jireen, oo waxay soo ururiyeen lacag faro badan. 12 Oo boqorkii iyo Yehooyaadaac waxay lacagtii siin jireen kuwii samayn jiray hawshii adeegidda guriga Rabbiga, oo waxay soo kiraysteen wastaadyo iyo nijaarro si ay u cusboonaysiiyaan gurigii Rabbiga, oo waxay kaloo siin jireen kuwii bir iyo naxaas wax uga samayn jiray si ay gurigii Rabbiga ugu hagaajiyaan. 13 Markaasay shaqaalihii shaqeeyeen, oo shuqulkiina gacantoodii buu ku hagaagay, oo gurigii Ilaahna waxay ka dhigeen siduu ahaan jiray, wayna adkeeyeen. 14 Oo markay hawshii dhammeeyeen waxay lacagtii hadhay keeneen boqorkii iyo Yehooyaadaac hortooda, oo taasna waxaa gurigii Rabbiga looga sameeyey weelal, kuwaasoo ahaa weelal lagu adeegi jiray iyo kuwa wax lagu bixin jiray, iyo malgacadihii, iyo weelashii ahaa dahabka iyo lacagta. Oo Yehooyaadaac cimrigiisii oo dhanna guriga Rabbiga waxaa had iyo goor lagu bixin jiray qurbaanno la gubo. 15 Laakiinse Yehooyaadaac wuu da' weynaa, gabow buuna la dhacay, wuuna dhintay, oo markuu dhintay wuxuu jiray boqol iyo soddon sannadood. 16 Oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, iyo meel qabuurihii boqorrada dhexdooda ah, maxaa yeelay, wax wanaagsan buu ku dhex sameeyey reer binu Israa'iil, iyo xagga Ilaah iyo xagga gurigiisba.

Xumaatadii Yoo'aash

17 Haddaba markii Yehooyaadaac dhintay dabadeed waxaa yimid amiirradii dalkii Yahuudah oo boqorkay u sujuudeen. Markaasaa boqorkii iyagii maqlay. 18 Oo iyana waxay ka tageen gurigii Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo waxay u adeegeen geedihii Asheeraah iyo sanamyadii. Markaasaa dadkii dalka Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaa waxaa ku soo degtay cadho xadgudubkoodan aawadiis. 19 Oo weliba wuxuu u soo diray nebiyo si ay iyaga ugu soo celiyaan Rabbiga xaggiisa, iyana way ku marag fureen iyagii, laakiin ma ay maqlin. 20 Markaasaa Ruuxii Ilaah wuxuu ku soo degay Sekaryaah oo uu dhalay wadaadkii Yehooyaadaac ahaa, oo isna intuu meel dadka ka korraysaa istaagay ayuu ku yidhi, Ilaah wuxuu idinku leeyahay, War maxaad ugu xadgudbaysaan Rabbiga amarradiisa? Idinku ma liibaani karaysaan, maxaa yeelay, Rabbiga waad ka tagteen, isna wuu idinka tegey. 21 Oo iyana intay isagii shirqool u dhigeen, ayay iyagoo boqorka amar ka wata isagii ku dhagxiyeen barxadda guriga Rabbiga. 22 Sidaasuusan Boqor Yoo'aash u xusuusan roonaantii uu Yehooyaadaac oo isaga aabbihiis ahaa u sameeyey, laakiinse wuxuu dilay wiilkiisii. Oo markuu dhimanayay ayuu yidhi, Rabbigu xaalkan ha fiiriyo oo ha idin weyddiiyo. 23 Oo isla sannaddaas dhammaadkeedii waxaa isagii ku soo kacay ciidankii reer Suuriya, oo intay dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem yimaadeen ayay amiirradii dadka oo dhan ka baabbi'iyeen dadka dhexdiisii, oo wixii ay dhaceen oo dhan ayay u direen boqorkii Dimishaq degganaa. 24 Ciidankii reer Suuriya waxay yimaadeen iyagoo ah guuto yar, markaasaa Rabbigu wuxuu gacanta u geliyey ciidan aad u faro badan, maxaa yeelay, waxay ka tageen Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashood. Oo sidaasaa xukun loogu soo dejiyey Yoo'aash. 25 Oo markay isagii ka tageen, (waayo, waxay ka tageen isagoo aad iyo aad u buka) ayaa isaga addoommadiisii u sirqooleen dhiiggii uu qabay oo ilma Yehooyaadaac, kii wadaadka ahaa, oo waxay dileen isagoo sariirtiisii ku jiifa, wuuna dhintay. Oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, laakiinse isagii laguma dhex aasin qabuurihii boqorrada. 26 Oo kuwii isaga sirqoolka u dhigayna waxay ahaayeen Saabaad oo ay dhashay Shimcaad oo ahayd reer Cammoon, iyo Yehoosaabaad oo ay dhashay Shimriid oo ahayd reer Moo'aab. 27 Haddaba xaalkii wiilashiisa, iyo culaabtii weynayd ee korkiisa saarnayd, iyo siduu gurigii Ilaah mar dambe u dhisayba, bal eeg waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii boqorrada. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Amasyaah.

^ Dib u celi bilawga ^

25


Amasyaah, Boqorkii Yahuudah

1 Oo Amasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yehoocaddaan tii reer Yeruusaalem. 2 Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, laakiinse qalbi daacad ah kuma uu samayn. 3 Oo markii boqortooyadii u xoogaysatay ayuu laayay addoommadiisii dilay boqorkii aabbihiis ahaa. 4 Laakiinse carruurtoodii ma uu dilin, wuxuuse yeelay sida ku qoran sharcigii kitaabkii Muuse ku yiil, sidii Rabbigu amray isagoo leh, Aabbayaashu yaanay u dhiman carruurtooda, carruurtuna yaanay u dhiman aabbayaashood, laakiinse nin waluba dembigiisa ha u dhinto. 5 Oo weliba Amasyaah wuxuu soo wada ururiyey dadkii Yahuudah oo dhan, oo wuxuu u kala hagaajiyey siday reerahoodu kala ahaayeen, oo reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin oo dhanna wuxuu taladoodii u dhiibay saraakiil kun kun u taliya iyo kuwa boqor boqol u taliya, oo weliba wuxuu tiriyey intoodii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd, waxayna ahaayeen saddex boqol oo kun oo ah rag la doortay, oo dagaalka u bixi kara, oo wada qaadan kara waran iyo gaashaan. 6 Oo weliba boqol kun oo nin oo ah rag xoog badan ayuu dalkii Israa'iil kaga soo kiraystay boqol talanti oo lacag ah. 7 Laakiinse nin Ilaah baa isagii u yimid, oo wuxuu ku yidhi, Boqorow, ciidanka Israa'iil yaanay ku raacin, maxaa yeelay, Rabbigu dadka Israa'iil oo reer Efrayim ah oo dhanba lama uu jiro. 8 Laakiinse haddaad doonayso inaad tagto, yeel, oo dagaalka ku adkow, Ilaahse wuxuu kugu tuuri doonaa cadowgaaga hortiisa, maxaa yeelay, Ilaah baa leh xoog uu wax ku caawiyo iyo mid uu wax ku tuuraba. 9 Markaasaa Amasyaah wuxuu ku yidhi ninkii Ilaah, Haddaba sidee baannu ka yeelaynaa boqolkii talanti oo aan siiyey ciidanka Israa'iil? Kolkaasaa ninkii Ilaah u jawaabay oo ku yidhi, Rabbigu wuu awoodaa inuu ku siiyo wax intaas ka sii badan. 10 Kolkaasaa Amasyaah soocay ciidankii isaga dalka reer Efrayim uga yimid, si ay dalkoodii ugu noqdaan; sidaas daraaddeed aad bay dadkii Yahuudah ugu cadhoodeen, oo waxay dib ugu noqdeen dalkoodii iyagoo aad u xanaaqsan. 11 Markaasaa Amasyaah isdhiirrigeliyey, oo wuxuu hor kacay dadkiisii, oo tegey xagga Dooxadii Cusbada, oo reer Seciir ayuu ka laayay toban kun oo qof. 12 Oo dadkii Yahuudah toban kun oo kale oo noolnool ayay soo kaxaysteen oo keeneen Selac dusheedii, markaasay Selac dusheeda hoos uga tuureen, oo dhammaantoodna way burbureen. 13 Laakiinse raggii ciidankii ee Amasyaah dib u diray oo u diiday inay isaga dagaalka u raacaan, waxay weerar ku dhufteen magaalooyinkii dalka Yahuudah, tan iyo Samaariya iyo ilaa Beytxooroon, oo waxay ka laayeen saddex kun oo qof, oo maal badanna way ka dhaceen.

14 Haddaba markii Amasyaah ka soo noqday layntii reer Edom dabadeed ayuu keensaday ilaahyadii reer Seciir, oo wuxuu u qotonsaday inay isaga ilaahyo u ahaadaan, oo iyagii buu u sujuuday oo foox u shiday. 15 Oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbiga cadhadiisii Amasyaah aad ugu kululaatay, markaasuu nebi u soo diray, kaasoo ku yidhi, War maxaad u doonatay dadyowga ilaahyadooda, kuwaasoo aan dadkoodii gacantaada ka samatabbixin? 16 Oo intuu isaga la hadlayay, ayaa boqorkii ku yidhi, War ma annagaa boqorka lataliyihiisii kaa dhignay? Bes, bal maxaadse u doonaysaa in lagu garaaco? Markaasaa nebigii iska daayay oo wuxuu yidhi, Waxaan ogahay in Ilaah ku talo jiro inuu ku halligo, maxaa yeelay, waxan baad samaysay, oo taladaydiina ma aadan maqlin.

17 Markaasaa Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah tashaday, oo wuxuu u cid diray Yoo'aash oo ahaa ina Yehoo'aaxaas ina Yeehuu oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Car kaalay aynu iska hor nimaadnee. 18 Kolkaasaa Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil u cid diray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Yamaaruggii Lubnaan ku yiil wuxuu u cid diray geedkii kedarka ah oo Lubnaan ku yiil, oo wuxuu ku yidhi, Gabadhaada sii wiilkaygu ha guursadee, oo waxaa halkaas soo maray bahal Lubnaan joogay, markaasuu yamaaruggii ku joogsaday. 19 Waxaad leedahay, Bal eeg, waxaan laayay reer Edom, oo sidaas daraaddeed waad isla weynaatay, waadna faanaysaa, haddaba gurigaaga iska joog. Bal maxaad belaayo isugu soo jiidaysaa oo aad adiga iyo dadka Yahuudahba u wada dhacaysaan? 20 Laakiinse Amasyaah taas wuu maqli waayay, maxaa yeelay, waxay ka timid xagga Ilaah inuu iyaga cadowgooda gacanta u geliyo, waayo, iyagu waxay doonteen ilaahyadii reer Edom. 21 Markaasuu Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil soo kacay, oo isagii iyo Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah waxay iskaga hor yimaadeen Beytshemesh oo uu dadka Yahuudah leeyahay. 22 Oo dadka Israa'iil way ka adkaadeen dadka Yahuudah, oo nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii. 23 Oo Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil ayaa Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, kaasoo ahaa ina Yoo'aash ina Yehoo'aaxaas, ku qabtay Beytshemesh, oo intuu Yeruusaalem u soo kaxeeyey ayuu dumiyey derbigii Yeruusaalem tan iyo iriddii Efrayim iyo ilaa iriddii geeska ahayd, intaasoo ahayd afar boqol oo dhudhun. 24 Oo wuxuu qaatay dahabkii iyo lacagtii oo dhan, iyo weelashii guriga Ilaah laga helay oo Cobeed Edoom la yiil oo dhan, iyo khasnadiihii guriga boqorka, oo dadna cudhaadh ahaan buu u kaxaystay, markaasuu Samaariya ku noqday.

25 Oo Amasyaah ina Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wuxuu noolaa shan iyo toban sannadood oo ka dambaysay dhimashadii Yoo'aash ina Yehoo'aaxaas oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil. 26 Haddaba Amasyaah falimihiisii kale, kuwii hore iyo kuwii dambeba, sow kuma qorna kitaabkii boqorradii dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil? 27 Haddaba Amasyaah markuu gees uga leexday Rabbiga lasocodkiisii dabadeed shirqool bay Yeruusaalem ugu sameeyeen, markaasuu Laakiish u cararay, laakiinse Laakiish bay cid uga daba direen, oo halkaasay ku dileen. 28 Markaasay isagii fardo ku keeneen, oo awowayaashiis ayaa lagula aasay magaaladii dalka Yahuudah.

^ Dib u celi bilawga ^

26


Cusiyaah, Boqorkii Yahuudah

1 Markaasaa dadkii Yahuudah oo dhammu waxay soo kaxaysteen Cusiyaah oo lix iyo toban sannadood jiray, oo isagay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis Amasyaah. 2 Oo isna Eelood wuu dhisay oo dalka Yahuudah u soo celiyey markii boqorkii dhintay oo la seexday awowayaashiis dabadeed. 3 Cusiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray lix iyo toban sannadood, oo laba iyo konton sannadoodna Yeruusaalem buu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yekaalyaah tii reer Yeruusaalem. 4 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Amasyaah yeelay oo kale. 5 Oo wakhtigii Sekaryaah, oo waxgarasho u lahaa waxa la arko ee Ilaah, ayuu isu diyaariyey inuu Ilaah doondoonto, oo intuu Rabbiga doonayayna Ilaah baa isaga liibaaniyey. 6 Markaasuu baxay oo reer Falastiin la dagaallamay, oo wuxuu dumiyey derbigii Gad, iyo derbigii Yabneh, iyo derbigii Ashdood, oo wuxuu magaalooyin ka dhisay waddankii reer Ashdood iyo reer Falastiin dhexdoodaba. 7 Oo Ilaah baa isaga uga hiiliyey reer Falastiin, iyo kuwii reer Carbeed ee Guur Bacal degganaa, iyo reer Mecuuniimba. 8 Oo reer Cammoonna waxay Cusiyaah siin jireen gabbaro, oo magiciisiina wuxuu ku faafay oo gaadhay xataa meesha Masar laga galo, maxaa yeelay, aad iyo aad buu u xoogaystay. 9 Oo weliba Cusiyaah wuxuu Yeruusaalem ka dhisay oo xoogeeyey munaarado, oo waxay ku yiilleen iriddii geeska, iyo iriddii dooxada, iyo meesha derbigu ka leexdo. 10 Oo haddana wuxuu munaarado ka dhisay cidlada, oo ceelal badanna wuu qotay, maxaa yeelay, xoolo badan buu lahaa, oo waxayna u joogeen dhulka dooxada iyo dhulka bannaanka ahba, oo buuraha iyo beeraha barwaaqaysanba wuxuu ku lahaa rag beeraley ah iyo kuwa canabka xannaaneeya, maxaa yeelay, wuxuu jeclaa beeraha. 11 Oo weliba Cusiyaah wuxuu lahaa ciidan dagaalyahan ah oo dagaalka koox koox ugu baxa sidii ay ahayd tiradooda ay sameeyeen Yecii'eel oo ahaa karraanigii iyo Macaseeyaah oo sirkaalkii ahaa, sidii uu ku amray Xananyaah oo ahaa boqorka saraakiishiisa midkood. 12 Oo raggii xoogga badnaa, oo ahaa madaxdii qolooyinka oo dhan tiradoodu waxay ahayd laba kun iyo lix boqol oo nin. 13 Oo waxaa gacantooda ku jiray ciidan ah saddex boqol iyo toddoba kun iyo shan boqol oo nin, kuwaasoo xoog badan ku dagaallama, si ay boqorka uga caawiyaan cadowga. 14 Oo Cusiyaah wuxuu ciidankii oo dhan u diyaariyey gaashaammo iyo warmo, iyo koofiyado bir ah, iyo jubbado bir ah, iyo qaansooyin, iyo dhagaxyada la wadhfiyo. 15 Oo Yeruusaalemna wuxuu ku sameeyey makiinado ay soo hindiseen rag saanacyo ahu, oo alaabtaas waxaa la saari jiray munaaradaha iyo geesaska derbiyada, in iyaga laga gano fallaadho iyo dhagxan waaweynba. Oo weliba magiciisii aad iyo aad buu u sii faafay oo meel fog gaadhay, maxaa yeelay, ilaa uu xoogaystay si yaab leh ayaa loo caawiyey.

16 Laakiinse markuu xoogaystay ayuu isla weynaaday ilaa uu halligmay, oo wuxuu ku xadgudbay Rabbiga Ilaahiisa ah, waayo, macbudkii Rabbiga ayuu u galay inuu foox ku shido girgirihii fooxa. 17 Markaasaa waxaa isagii ka daba galay wadaadkii Casaryaah oo ay la socdaan siddeetan ah Rabbiga wadaaddadiisa, oo ah rag xoog badan. 18 Markaasay Boqor Cusiyaah hor istaageen, oo waxay ku yidhaahdeen, Cusiyaahow, adigu ma lihid inaad Rabbiga foox u shiddid, laakiinse waxaa leh wadaaddada reer Haaruun oo quduus looga dhigay inay foox shidaan; haddaba meesha quduuska ah ka bax, waayo, waad xadgudubtay, oo tanuna kuuma ahaan doonto sharaf Rabbiga Ilaaha ah xaggiisa kaaga timaada. 19 Markaasaa Cusiyaah cadhooday, oo gacantana waxaa ugu jiray idan uu doonayay inuu foox ku shido; oo markuu wadaaddadii u cadhooday ayaa baras wejiga ka soo baxay, isagoo wadaaddadii hor jooga oo guriga Rabbiga ku jira oo girgirihii fooxa dhiniciisa taagan. 20 Markaasaa Casaryaah oo ahaa wadaadka sare iyo wadaaddadii oo dhammu isagay fiiriyeen, oo waxay arkeen inuu wejigiisa baras ku leeyahay, markaasay haddiiba halkaas ka saareen, oo isaga qudhiisiina wuu isdedejiyey inuu baxo, maxaa yeelay, Rabbigaa wax ku dhuftay. 21 Oo Boqor Cusiyaahna tan iyo maalintii uu dhintay wuxuu ahaa barasle, oo isagoo baras qaba ayuu joogi jiray guri gaar ah, waayo, wuu ka go'ay gurigii Rabbiga, oo wiilkiisii Yootam ayaa reerka boqorka u talin jiray, isagoo dadkii dalka degganaa u gar qaybinaya. 22 Haddaba Cusiyaah falimihiisii kale, intii hore iyo intii dambeba, waxaa qoray Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos. 23 Oo Cusiyaah wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay berrinkii xabaalaha oo ay boqorradu lahaayeen, waayo, waxay isyidhaahdeen, Isagu waa barasle, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiis Yootam.

^ Dib u celi bilawga ^

27


Yootam, Boqorkii Yahuudah

1 Yootamna markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa lix iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yeruushaah ina Saadooq. 2 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Cusiyaah yeelay oo kale. Habase yeeshee ma uu gelin macbudkii Rabbiga, oo dadkiina weliba way sii xumaadeen. 3 Oo isagu wuxuu dhisay iriddii sare oo guriga Rabbiga, oo derbigii Cofel dushiisana wax badan buu ka dhisay. 4 Oo haddana wuxuu magaalooyin ka dhisay dalka Yahuudah oo buuraha leh, oo kaynta dhexdeedana wuxuu ka dhisay qalcado iyo munaarado. 5 Oo weliba wuxuu la diriray oo ka adkaaday boqorkii reer Cammoon. Oo reer Cammoonna isla sannaddaasba waxay isagii siiyeen boqol talanti oo lacag ah, iyo toban kun oo kor oo sarreen ah, iyo toban kun oo kor oo shaciir ah. Oo reer Cammoon intaas ayay siiyeen sannaddii labaad iyo sannaddii saddexaadba. 6 Oo sidaasuu Yootam u xoogaystay, maxaa yeelay, jidadkiisa ayuu ku hor toosiyey Rabbiga Ilaahiisa ah. 7 Haddaba Yootam falimihiisii kale iyo dagaalladiisii oo dhan iyo jidadkiisii oo dhammu waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah. 8 Markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna lix iyo toban sannadood buu boqor ku ahaa. 9 Markaasaa Yootam dhintay oo la seexday awowayaashiis oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aaxaas.

^ Dib u celi bilawga ^

28


Aaxaas, Boqorkii Yahuudah

1 Aaxaas markuu boqor noqday wuxuu jiray labaatan sannadood, oo lix iyo toban sannadood ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa, oo isagu ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud oo kale wax Rabbiga hortiisa ku qumman, 2 laakiinse wuxuu ku socday jidadkii boqorrada dalka Israa'iil, oo weliba wuxuu Bacaliim u sameeyey sanamyo la shubay. 3 Oo haddana foox buu ku shiday dooxadii ina Hinnom, oo carruurtiisiina dab buu ku dhex gubay, sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda. 4 Oo haddana wuxuu ku allabaryi jiray oo fooxna ku shidi jiray meelihii sarsare, iyo buuraha dushooda, iyo geed kasta oo dheer oo doog ah hoostiisaba. 5 Oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahiisa ahu isagii ku riday gacantii boqorkii Suuriya, oo intay isagii wax ku dhufteen ayay dadkiisii tirada badnaana maxaabiis ahaan ugu kaxaysteen Dimishaq. Oo haddana isagii waxaa gacanta loo geliyey boqorkii dalka Israa'iil kaasoo wax badan ka laayay. 6 Oo Feqax ina Remalyaah ayaa dalka Yahuudah isku maalin ku laayay boqol iyo labaatan kun oo nin oo dhammaantood wada xoog badan, maxaa yeelay, iyagu waxay ka tageen Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashood. 7 Oo Sikrii oo ahaa nin xoog badan oo reer Efrayim ayaa dilay Macaseeyaah oo ahaa boqorka wiilkiisii, iyo Casriiqaam oo reerka u talin jiray, iyo Elqaanaah oo ahaa kii boqorka ku xigay. 8 Oo dadkii Israa'iilna waxay walaalahood maxaabiis ahaan uga soo kaxaysteen laba boqol oo kun oo qof, oo ahaa naago iyo wiilal iyo gabdhoba, oo waxay kaloo ka dhaceen maal badan, oo maalkiina waxay keeneen Samaariya. 9 Laakiinse halkaas waxaa joogay nebi Rabbigu soo dirtay, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Codeed, wuuna u baxay inuu ka hor tago ciidankii Samaariya ku soo socday oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin ayaa u cadhooday dadka Yahuudah, oo sidaas daraaddeed ayuu iyaga gacantiinna u soo geliyey, oo idinna waxaad iyagii ku layseen cadho kulul oo tan iyo samada gaadhay. 10 Oo imminka waxaad ku talo jirtaan inaad hoosaysiisaan dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalem si ay idiinku ahaadaan niman addoommo ah iyo naago addoommo ah, laakiinse miyaanay jirin xadgudubyo aad idinkuba ku xadgudubteen Rabbiga Ilaahiinna ah? 11 Haddaba i maqla, oo celiya maxaabiistii aad walaalihiin ka soo kaxaysateen, maxaa yeelay, waxaa idin kor saaran Rabbiga cadhadiisa kulul. 12 Markaasay madaxdii reer Efrayim qaarkood hor istaageen kuwii dagaalka ka soo noqday, oo madaxdaasuna waxay ahaayeen Casaryaah ina Yooxaanaan, iyo Berekyaah ina Meshilleemood, iyo Yexisqiyaah ina Shalluum, iyo Camaasaa ina Xadlay. 13 Oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku waa inaydnaan maxaabiista halkan soo gelin, waayo, waxaad ku talo jirtaan inaad ina kor saartaan xadgudub Rabbiga ka gees ah, oo waxaad inoo sii kordhinaysaan dembiyadeennii iyo xadgudubkeennii, maxaa yeelay, xadgudubkeennu aad buu u weyn yahay, oo dadka Israa'iilna aad baa loogu cadhooday. 14 Sidaas daraaddeed raggii hubka sitay waxay maxaabiistii iyo boolidiiba kaga tageen amiirrada iyo shirkii oo dhan hortooda. 15 Markaasay nimankii la magacaabay soo kaceen, oo waxay qabteen maxaabiistii, oo kuwii dhexdooda ku jiray oo qaawanaana dhar bay uga xidheen boolidii, wax bay huwiyeen, oo kabana way u geliyeen, oo waxay siiyeen wax ay cunaan iyo wax ay cabbaanba, wayna u subkeen, oo kuwii itaalka yaraa oo dhanna dameeray ku qaadeen, markaasay Yerixoo oo ahayd magaaladii geedatimireedka lahayd walaalahood ugu geeyeen, dabadeedna Samaariya ayay ku noqdeen.

16 Oo wakhtigaas ayaa Boqor Aaxaas u cid dirsaday boqorradii reer Ashuur inay caawiyaan. 17 Waayo, waxaa haddana yimid reer Edom oo intay dalka Yahuudah wax ku dhufteen ayay dadkoodii maxaabiis ahaan u kaxaysteen. 18 Oo weliba reer Falastiinna waxay weerareen magaalooyinkii dooxada iyo kuwii dalka Yahuudah ee Koonfureed, oo waxay qabsadeen Beytshemesh, iyo Ayaaloon, iyo Gedeerood, iyo Sookoo iyo tuulooyinkeedii, iyo Timnaah iyo tuulooyinkeedii, iyo weliba Gimsoo iyo tuulooyinkeedii, oo intaas oo dhanna way iska degeen. 19 Rabbigu wuxuu dadka Yahuudah hoos ugu dejiyey boqorkii dalka Israa'iil oo Aaxaas ahaa daraaddiis, maxaa yeelay, si xun buu dalka Yahuudah ugu dhex macaamilooday, oo Rabbigana aad buu ugu xadgudbay. 20 Markaasaa waxaa isagii u yimid Tilgad Filneser oo ahaa boqorkii Ashuur, oo isna aad buu u dhibay, mana uu caawin isagii. 21 Markaasaa Aaxaas qayb ka soo qaaday gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka iyo kii amiirradaba, oo wuxuu siiyey boqorkii Ashuur, laakiinse taasu isagii waxba uma tarin. 22 Oo Boqor Aaxaas kaas qudhiisu intuu dhibaataysnaa ayuu weliba Rabbiga si weyn ugu sii xadgudbay. 23 Waayo, isagu wuxuu allabari u bixiyey ilaahyadii Dimishaq oo isaga wax ku dhuftay, oo wuxuu isyidhi, Ilaahyada boqorrada reer Suuriya way caawiyaan iyaga, sidaas daraaddeed allabari ayaan u bixinayaa si ay anigana ii caawiyaan. Laakiinse waxay isaga iyo reer binu Israa'iil oo dhanba u noqdeen wax ay ku dhacaan. 24 Markaasaa Aaxaas wuxuu soo wada urursaday weelashii guriga Ilaah oo wuu wada burburiyey weelashii guriga Ilaah, oo albaabbadii guriga Rabbigana wuu wada xidhay, oo isna wuxuu meelo allabari ka samaystay gees kasta oo Yeruusaalem. 25 Oo magaaloo kasta oo dalka Yahuudahna wuxuu ka dhisay meelo sarsare in foox loogu shido ilaahyo qalaad, oo wuxuu aad uga xanaajiyey Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashiis. 26 Haddaba falimihiisii kale iyo jidadkiisii oo dhammu intii hore iyo intii dambeba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil. 27 Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaalada Yeruusaalem, waayo, isagii lama gelin qabuurihii boqorrada dalka Israa'iil; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah.

^ Dib u celi bilawga ^

29


Xisqiyaah Oo Daahiriyey Macbudkii

1 Xisqiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Abiiyaah ina Sekaryaah. 2 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, sidii dhammaan awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale. 3 Oo sannaddii kowaad oo boqornimadiisa bisheedii kowaad ayuu albaabbadii gurigii Rabbiga furay, wuuna cusboonaysiiyey. 4 Oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina wuu soo geliyey, oo wuxuu iyagii ku soo wada ururshay meesha bannaan oo dhinaca bari ku taal. 5 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Reer Laawiyow, i maqla, oo haddeer isdaahiriya, oo waxaad kaloo daahirisaan guriga Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo nijaastana ka bixiya meesha quduuska ah. 6 Waayo, awowayaasheen way xadgudbeen, oo waxay sameeyeen wax shar ah Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, oo isagii way ka tageen, oo wejigoodiina way ka sii jeediyeen rugtii Rabbiga, oo waxay u jeediyeen dhabarkooda. 7 Oo weliba waxay xidheen albaabbadii balbalada, oo laambadihiina way demiyeen, oo Ilaaha reer binu Israa'iilna meeshii quduuska ahayd foox uguma ay shidin, oo qurbaanno la gubona uguma ay bixin. 8 Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan. 9 Waayo, bal eega, awowayaasheen seef bay ku le'deen, oo wiilasheennii iyo gabdhaheennii iyo dumarkeenniiba waxaa loo haystaa maxaabiis, waana taas daraaddeed. 10 Haddaba waxaa qalbigayga ku jirta inaan axdi la dhigto Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, si ay cadhadiisa kululu inooga noqoto. 11 Wiilashaydiiyow, haddaba adeegiddiinna ha dayacina, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idiin doortay inaad hortiisa istaagtaan oo aad isaga u adeegtaan, oo aad midiidinno u ahaataan, oo aad foox u shiddaan.

12 Markaasaa kuwii reer Laawi waxaa ka dhex kacay Maxad ina Camaasay, iyo Yoo'eel ina Casaryaah oo ahaa reer Qohaad, oo reer Meraariina waxaa ka kacay Qiish ina Cabdii, iyo Casaryaah ina Yehaleleel, oo reer Gershoonna waxaa ka kacay Yoo'aax ina Simmaah, iyo Ceeden ina Yoo'aax. 13 Oo reer Eliisaafaanna waxaa ka kacay Shimrii iyo Yecuu'eel, oo reer Aasaafna waxaa ka kacay Sekaryaah iyo Matanyaah. 14 Oo reer Heemaanna waxaa ka kacay Yexii'eel iyo Shimcii, oo reer Yeduutuunna waxaa ka kacay Shemacyaah iyo Cusii'eel. 15 Oo waxay soo wada ururiyeen walaalahood, oo intay isdaahiriyeen ayay guriga Rabbiga u galeen inay nadiifiyaan si waafaqsan amarkii boqorka ee ahaa erayadii Rabbiga. 16 Oo wadaaddadiina waxay galeen meeshii guriga Rabbiga ugu hoosaysay inay nadiifiyaan, oo wasakhdii ay macbudka Rabbiga gudihiisa ka heleen oo dhan waxay isugu wada keeneen barxaddii guriga Rabbiga. Markaasaa kuwii reer Laawi qaadeen oo waxay geeyeen durdurka Qidroon. 17 Haddaba iyagu waxay isdaahirinta bilaabeen bishii kowaad maalinteedii kowaad, oo isla bishaas maalinteedii siddeedaad ayay yimaadeen balbaladii Rabbiga, oo guriga Rabbigana waxay ku daahiriyeen siddeed maalmood, oo hawshaas waxay dhammeeyeen bishii kowaad maalinteedii lix iyo tobnaad. 18 Markaasay Boqor Xisqiyaah ugu galeen gurigiisii boqornimada oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu wada nadiifinnay gurigii Rabbiga oo dhan, iyo meeshii qurbaanka la gubo, iyo weelasheedii oo dhan, iyo miiskii la saari jiray kibistii tusniinta iyo weelashiisii oo dhanba. 19 Oo weliba Boqor Aaxaas intuu boqor ahaa weelashii uu xoorxooray markuu xadgudbay dhammaantood waannu wada diyaarinnay oo waannu daahirinnay, oo bal eeg, waxay hor yaalliin meesha allabariga ee Rabbiga.

20 Markaasaa Boqor Xisqiyaah wakhti hore kacay oo intuu soo wada urursaday amiirradii magaalada ayuu kor ugu baxay gurigii Rabbiga. 21 Oo waxay keeneen toddoba dibi, iyo toddoba wan, iyo toddoba baraar ah, iyo toddoba orgi, inay qurbaan dembi u ahaadaan boqortooyada aawadeed iyo meesha quduuska ah aawadeed iyo dadka Yahuudah aawadood. Oo wuxuu wadaaddadii reer Haaruun ku amray inay xoolahaas ku bixiyaan meesha Rabbiga lagu baryo. 22 Markaasay dibidii gowraceen oo intay wadaaddadii dhiiggii soo qaadeen ayay meesha allabariga ku rusheeyeen, oo haddana waxay gowraceen wanankii, oo dhiiggoodiina way ku rusheeyeen meesha allabariga, baraarkiina way gowraceen, oo dhiiggoodiina meesha allabariga ayay ku rusheeyeen. 23 Oo orgidii qurbaanka dembiga ahaydna boqorkii iyo shirkii hortooda ayay u soo dhoweeyeen, oo gacmahoodii ayay korka ka saareen, 24 markaasaa wadaaddadii orgidii gowraceen oo waxay dhiiggoodii dembi qurbaankiis kaga dhigeen meesha allabariga korkeeda si ay dadka Israa'iil oo dhan kafaaraggud ugu sameeyaan aawadeed, waayo, boqorka ayaa amray in qurbaanka la gubo iyo qurbaanka dembigaba loo wada sameeyo dadka Israa'iil oo dhan. 25 Oo kuwii reer Laawina wuxuu soo taagay gurigii Rabbiga gudihiisa iyagoo haysta suxuun laysku garaaco iyo shareerado iyo kataarado, siduu ahaa amarkii Daa'uud iyo amarkii Gaad oo ahaa waxarkihii boqorka, iyo amarkii Nebi Naataan, waayo, amarku wuxuu ka yimid Rabbiga xaggiisa, oo nebiyadiisii buu u soo dhiibay. 26 Markaasaa reer Laawi waxay istaageen iyagoo haysta alaabtii muusikada oo Daa'uud, oo wadaaddadiina waxay istaageen iyagoo haysta turumbooyin. 27 Xisqiyaahna wuxuu amray in qurbaanka la gubo meesha allabariga lagu dul bixiyo. Oo markii qurbaanka la gubo bixintiisa la bilaabay waxaa kaloo la bilaabay gabaygii ahaa ammaanta Rabbiga, iyo turumbooyinkii, iyo alaabtii muusikada oo Daa'uud oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil. 28 Oo shirkii oo dhammuna Ilaah bay caabudeen, oo raggii gabayaaga ahaana way gabyeen, oo kuwii turumbada watayna way ka dhawaajiyeen; oo waxaas oo dhammuna way sii socdeen tan iyo ilaa qurbaankii la gubayay ka dhammaaday. 29 Oo markay dhammeeyeen qurbaanka bixintiisii ayaa boqorkii iyo kuwii isaga la joogay oo dhammu wada foororsadeen oo Ilaah caabudeen. 30 Oo weliba Boqor Xisqiyaah iyo amiirradii ayaa reer Laawi ku amreen inay Rabbiga ammaan ugu gabyaan erayadii Daa'uud iyo kuwii Aasaaf kii wax arkaha ahaa. Oo waxay ammaan ku gabyeen iyagoo faraxsan, oo intay madaxa foororiyeen ayay Ilaah caabudeen. 31 Markaasaa Xisqiyaah jawaabay oo yidhi, Hadda idinku waxaad quduus isaga dhigteen Rabbiga, haddaba soo dhowaada oo guriga Rabbiga waxaad soo gelisaan allabaryo iyo qurbaanno mahadnaqid ah. Kolkaasaa shirkii soo gesheen allabaryo iyo qurbaanno mahadnaqid ah, oo in alla intii qalbigoodu raalli ahaana waxay keeneen qurbaanno la gubo. 32 Oo qurbaannadii la gubayay oo shirku keenayna tiradoodu waxay ahayd toddobaatan dibi, iyo boqol wan, iyo laba boqol oo baraar ah, oo intaasoo dhanna waxaa Rabbiga loogu keenay qurbaanno la gubo. 33 Oo xoolihii la daahiriyeyna waxay ahaayeen lix boqol oo dibi iyo saddex kun oo ido ah. 34 Laakiinse wadaaddadu aad bay u yaraayeen oo ma ay wada qali karin qurbaannadii la gubayay oo dhan, sidaas daraaddeed waxaa iyagii caawiyey walaalahoodii reer Laawi ilaa uu shuqulkii dhammaaday oo ay wadaaddadiina isdaahiriyeen, waayo, reer Laawi way ka qalbi toosnaayeen wadaaddada inay isdaahiriyaan. 35 Oo weliba qurbaannadii la gubayay iyo baruurtii qurbaannadii nabaadiinada, iyo qurbaannadii cabniinka oo la socday qurbaan kastoo la guboba aad bay u badnaayeen. Sidaasay hawshii guriga Rabbiga loo hagaajiyey. 36 Oo Xisqiyaah iyo dadkii oo dhammuba aad bay ugu reyreeyeen wixii Ilaah dadka u diyaariyey aawadood, waayo, xaalkaas waxaa lagu sameeyey si kedis ah.

^ Dib u celi bilawga ^

30


Xisqiyaah Wuxuu U Dabbaaldegay Iiddii Kormaridda

1 Markaasaa Xisqiyaah u cid diray dadka Israa'iil oo dhan iyo dadka Yahuudah, oo haddana wuxuu warqado u qoray reer Efrayim iyo reer Manaseh, inay dhammaantood wada yimaadaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal, si ay Iiddii Kormaridda ugu sameeyaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. 2 Waayo, boqorka, iyo amiirradiisii, iyo shirkii Yeruusaalem joogay oo dhammu waxay ku arrinsadeen inay Iiddii Kormaridda sameeyaan bishii labaad. 3 Maxaa yeelay, iyagu wakhtigaas ma ay samayn karin, waayo, wadaaddadii tiro hawsha ku filanu isma ay daahirin, oo dadkiina Yeruusaalem kuma ay soo wada ururin. 4 Oo waxaasuna wuu la qummanaa boqorkii iyo shirkii oo dhanba. 5 Sidaas daraaddeed waxay amar ku soo saareen in lagu naadiyo dalka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, inay wada yimaadaan oo ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Iidda Kormaridda Yeruusaalem ugu sameeyaan, waayo, wakhti dheer looma samayn sida qoran. 6 Sidaas daraaddeed niman wargeeys ah ayaa boqorkii iyo amiirradiisii ka qaadeen warqadihii, waxayna dhex marsiiyeen dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah oo dhan, waxayna ku socdeen si waafaqsan boqorka amarkiisii, iyagoo leh, Reer binu Israa'iilow, mar kale ku soo noqda Rabbiga ah Ilaaha Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil, inuu isagu ku soo jeedsado kuwiinna ka baxsaday gacantii boqorradii Ashuur. 7 Oo idinku ha noqonina sidii awowayaashiin oo kale, iyo sidii walaalihiin oo kale, kuwaasoo ku xadgudbay Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo uu isna taas aawadeed iyagii ka dhigay wax laga yaabo, sida aad idinkuba u aragtaan. 8 Haddaba sidii awowayaashiin ahaan jireen, idinkuna ha noqonina dad madax adag, laakiinse idinku Rabbiga isu dhiiba, oo gala meeshiisa quduuska ah oo uu weligiisba quduus ka dhigay, oo u adeega Rabbiga Ilaahiinna ah, si cadhadiisa kululi ay idiinka noqoto. 9 Waayo, haddaad Rabbiga u soo noqotaan, walaalihiin iyo carruurtiinniiba waxay naxariis ka heli doonaan kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo iyana mar kalay dalkan ku soo noqon doonaan, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa roonaan badan yahay, waana naxariis miidhan, oo wejigiisana idinka sii jeedin maayo haddaad isaga u soo noqotaan. 10 Sidaas daraaddeed nimankii wargeeyska ahaa magaaloba magaalay u sii dhex mareen dalkii reer Efrayim iyo kii reer Manaseh oo dhan, iyo xataa ilaa kii reer Sebulun, laakiinse iyaga waa lagu qoslay, waana lagu majaajilooday. 11 Habase yeeshee qaar ah reer Aasheer iyo reer Manaseh iyo reer Sebulun ayaa is-hoosaysiiyey oo Yeruusaalem yimid. 12 Oo weliba dadka Yahuudahna waxaa la jirtay Rabbiga gacantiisii inay isku qalbi ahaadaan oo ay sameeyaan amarkii boqorka iyo kii amiirradiisa oo ahaa Eraygii Rabbiga. 13 Haddaba bishii labaad waxaa Yeruusaalem ku soo shiray oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn sameeyey dad badan oo ah shir aad iyo aad u weyn. 14 Markaasay kaceen oo waxay fogeeyeen meelihii allabariga oo Yeruusaalem dhex yiil iyo girgirayaashii fooxa lagu shidi jiray oo dhan, oo dhammaantood waxay ku dhex tuureen durdurkii Qidroon. 15 Markaasay neefafkii Iiddii Kormaridda qaleen bishii labaad maalinteedii afar iyo tobnaad, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina way yaxyaxeen, oo intay isdaahiriyeen ayay qurbaanno la gubo keeneen gurigii Rabbiga. 16 Markaasay meeshoodii istaageen sidii loogu amray sharcigii Muuse oo ahaa ninkii Ilaah, oo wadaaddadu waxay saydhsaydhi jireen dhiiggii ay ka guddoomeen gacantii reer Laawi. 17 Oo waxaa jiray kuwo badan oo shirka ka mid ahaa oo aan isdaahirin, sidaas daraaddeed reer Laawi shuqulkoodu wuxuu ahaa inay neefafka Kormaridda u gowracaan mid alla midkii aan nadiif ahayn, si ay iyaga Rabbiga ugu daahiriyaan. 18 Maxaa yeelay, dad badan, xataa kuwa badan oo ahaa reer Efrayim iyo reer Manaseh iyo reer Isaakaar iyo reer Sebulun ayan isnadiifin oo weliba waxay wax uga cuneen neefafka Kormaridda si ka duwan sidii qornayd. Waayo, Xisqiyaah ayaa iyaga u duceeyey oo yidhi, Rabbiga wanaagsanu ha cafiyo ku alla kii 19 qalbigiisa u diyaariya inuu doondoono Ilaaha ah Rabbiga oo ah Ilaahii awowayaashiis in kastoo uusan isu nadiifin sidii ay ahayd isdaahirintii meesha quduuska ah. 20 Oo Rabbiguna wuu maqlay Xisqiyaah, dadkiina wuu bogsiiyey. 21 Oo reer binu Israa'iil ee Yeruusaalem joogayna intii toddoba maalmood ah ayay iidayeen Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyagoo aad u faraxsan, oo kuwii reer Laawi iyo wadaaddadiina maalin kasta ayay Rabbiga ammaani jireen, iyagoo Rabbiga ugu gabyaya alaab muusiko oo dhawaaq dheer. 22 Oo Xisqiyaahna wuxuu dhiirrigeliyey kuwii reer Laawi oo hawsha Rabbiga aad u yiqiin. Oo toddobadii maalmood ee iiddu socotayba wax bay cunayeen, iyagoo qurbaanno nabaadiino bixinaya, oo Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood u mahadnaqaya. 23 Oo shirkii oo dhammuna waxay ku tashadeen inay toddoba maalmood oo kale sii iidaan, oo haddana toddoba maalmood oo kale ayay sii iidayeen iyagoo faraxsan. 24 Waayo, Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wuxuu shirkii u siiyey inay qurbaan ka dhigtaan kun dibi iyo toddoba kun oo ido ah, oo amiirradiina waxay shirkii siiyeen kun dibi iyo toban kun oo ido ah, oo wadaaddo tiro badanuna way isdaahiriyeen. 25 Oo shirkii dadkii Yahuudah oo dhan iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi, iyo shirkii dalka Israa'iil ka yimid oo dhan, iyo shisheeyayaashii dalka Israa'iil ka yimid oo dalka Yahuudah degganaaba way wada reyreeyeen. 26 Oo Yeruusaalem waxaa jirtay farxad weyn, waayo, taasoo kale kama ay dhicin Yeruusaalem tan iyo wakhtigii Sulaymaan ina Daa'uud uu boqor dalka Israa'iil ka ahaa. 27 Markaasaa wadaaddadii reer Laawi ahaa kaceen oo dadkii u duceeyeen, oo codkoodiina waa la maqlay, oo baryootankoodii wuxuu soo gaadhay samada ee ah Rabbiga rugtiisa quduuska ah.


^ Dib u celi bilawga ^

31

1 Haddaba markii waxyaalahaasu wada dhammaadeen ayaa reer binu Israa'iilkii joogay oo dhammu tegey magaalooyinkii dalka Yahuudah, oo waxay burburiyeen tiirarkii, geedihii Asheeraahna way jareen, oo meelihii sarsare iyo meelihii allabarigaba way ka dundumiyeen kulli dalkii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin iyo reer Efrayim iyo xataa kii reer Manasehba, ilaa ay wada baabbi'iyeen dhammaantood. Markaasaa reer binu Israa'iil oo dhammu wada noqdeen oo nin kastaaba wuxuu ku laabtay hantidiisii, waxayna galeen magaalooyinkoodii.

Sadaqada La Bixiyo

2 Oo Xisqiyaahna kooxihii wadaaddada iyo kuwii reer Laawiba wuxuu u doortay siday nin walba adeegiddiisu ahayd, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba nin kastaba hawshiisii buu amray inay bixiyaan qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiinada, iyo inay adeegaan, oo ay mahadnaqaan, oo ay Ilaah ku ammaanaan xerada Rabbiga irdaheeda. 3 Oo wuxuu kaloo amray qaybtii boqorka maalkiisa kaga bixi lahayd qurbaannada la gubo, kuwaasoo ah qurbaannada la gubi lahaa subaxda iyo fiidka, iyo qurbaannada la gubi lahaa sabtiyada, iyo kuwii la gubi lahaa markay bilaha cusubu dhashaan iyo kuwii iidaha joogtada ah siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga. 4 Oo weliba dadkii Yeruusaalem degganaana wuxuu ku amray inay wadaaddada iyo kuwa reer Laawiba siiyaan qaybtoodii, si ay ugu xoogaystaan sharciga Rabbiga. 5 Oo haddiiba mar alla markii amarkii soo baxay ayaa dadkii Israa'iil bixiyeen wax faro badan oo ah midhihii dhulka ugu horreeyey, oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo malab, iyo wixii dhulka ka baxay oo dhan, oo wax kasta toban meelood meel ayay si badan u keeneen. 6 Oo dadkii Israa'iil iyo dadkii Yahuudah oo degganaa magaalooyinkii dalka Yahuudah, iyaguna waxay toban meelood meel ka keeneen lo'da iyo idaha, iyo weliba alaabtii la soocay oo quduuska looga dhigay Rabbiga Ilaahooda ah, wayna iskor tuuleen. 7 Oo tuulmooyinka aasaaskoodii waxay bilaabeen bishii saddexaad, waxayna iyaga dhammeeyeen bishii toddobaad. 8 Oo Xisqiyaah iyo amiirradiiba markay yimaadeen oo arkeen tuulmooyinkii, ayay Rabbiga ku mahadnaqeen, dadkiisii reer binu Israa'iilna way u duceeyeen. 9 Markaasaa Xisqiyaah wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi wax ka weyddiiyey tuulmooyinkii. 10 Oo Casaryaah oo ahaa wadaadkii sare oo ahaa reer Saadooq ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Tan iyo markii dadku bilaabay inay qurbaannadii keenaan guriga Rabbiga, waannu cunnay oo dheregnay, oo waxaa naga hadhay wax faro badan, waayo, Rabbigu dadkiisuu barakeeyey, oo wixii hadhayna waa waxan badan.

11 Markaasaa Xisqiyaah amray in guriga Rabbiga qolal laga diyaariyo, waana la diyaariyey. 12 Oo si aaminnimo ah ayaa loo soo keenay qurbaannadii, iyo meeltobnaadyadii, iyo alaabtii quduuska laga dhigay, oo waxaa iyaga u talin jiray Kaananyaah oo ahaa reer Laawi, oo walaalkiis Shimciina wuxuu ahaa kan labaad. 13 Oo Yexii'eel, iyo Casasyaah, iyo Nahad, iyo Casaaheel, iyo Yeriimood, iyo Yoosaabaad, iyo Elii'eel, iyo Yismakyaah, iyo Maxad, iyo Benaayaahna waxay ahaayeen kuwii wax u talin jiray oo ka hooseeyey Kaananyaah iyo walaalkiis Shimcii, oo waxaa doortay Boqor Xisqiyaah iyo Casaryaah oo ahaa taliyihii guriga Ilaah. 14 Oo Qore ina Yimnaah oo ahaa reer Laawi, oo ahaa iridjoogihii joogay iridda bari, isna wuxuu u talin jiray qurbaannada ikhtiyaarka loogu bixiyo Ilaah inuu qaybiyo qurbaannada Rabbiga iyo waxyaalaha ugu wada quduusan. 15 Oo isagana waxaa ka hooseeyey Ceeden, iyo Minyaamin, iyo Yeeshuuca, iyo Shemacyaah, iyo Amaryaah, iyo Shekaanyaah, oo joogay magaalooyinkii wadaaddada iyagoo kala haysta jagooyinkoodii lagu aaminay, inay walaalahood qayb u kala siiyaan siday kooxahoodu ahaayeen, kan ugu weyn iyo kan ugu yaru ayan waxba isdheeraysan, 16 oo weliba waxaa qayb la siiyey kuwii lagu tiriyey abtiriskii laboodka, intii saddex sannadood jirtay ama ka sii weynaydba, iyo xataa mid kasta oo guriga Rabbiga sidii maalin kasta hawsheeda loo doonayay u geli jiray adeegidda loo amray iyaga sidii kooxahoodii ay kala ahaayeen, 17 oo waxaa qayb la siiyey kuwii abtiriskooda lagu tiriyey reerihii wadaaddada ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo jiray labaatan sannadood ama ka sii weynaa sidii shuqulkooda loo amray iyo kooxahoodii ay kala ahaayeen, 18 iyo weliba kuwii abtiriskooda lagu tiriyey oo ahaa dhallaankoodii yaryaraa, iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo gabdhahoodiiba oo shirka oo dhan ku dhex jiray, waayo, iyagu jagadoodii lagu aaminay ayay quduus iskaga dhigeen. 19 Oo weliba wadaaddadii ahaa farcanka Haaruun oo joogay beeraha magaalooyinkooda agagaarkoodii, magaalo kasta waxaa ugu jiray niman loo magacaabay inay qayb siiyaan wadaaddada inta lab ku jira oo dhan iyo kuwii reer Laawi oo abtiriskooda lagu tiriyey oo dhan. 20 Oo Xisqiyaah sidaasuu ku dhex yeelay dalkii Yahuudah oo dhan, oo wuxuu sameeyey wax wanaagsan oo ku qumman, daacadna ku ah Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa. 21 Oo shuqul kasta oo uu ku bilaabay hawshii gurigii Rabbiga, iyo sharciga, iyo amarrada, si uu u doondoono Ilaahiisa, wuxuu ku samayn jiray qalbigiisa oo dhan, wuuna ku liibaani jiray.

^ Dib u celi bilawga ^

32


Seenxeeriib Oo U Hanjabay Yeruusaalem

1 Oo waxyaalahaas iyo aaminnimadaas dabadood waxaa yimid oo dalka Yahuudah soo galay Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur; magaalooyinkii deyrka lahaana ayuu weeraray, wuuna ku talo jiray inuu iyaga qaato. 2 Xisqiyaahna markuu arkay in Seenxeeriib yimid oo uu ku talo jiro inuu Yeruusaalem la diriro, 3 ayuu amiirradiisii iyo raggiisii xoogga badnaa kula tashaday in la wada awdo ilaha biyaha ah oo magaalada dibaddeeda ku yaal, oo iyana way caawiyeen. 4 Sidaas aawadeed waxaa isu soo ururay dad badan, wayna wada awdeen ilihii biyaha ahaa oo dhan iyo durdurkii waddanka dhex mari jiray, oo waxay isyidhaahdeen, Bal boqorrada dalka Ashuur intay yimaadaan maxay biyo badan u helayaan? 5 Markaasuu isdhiirrigeliyey, oo dhisay derbigii dunsanaa oo dhan, oo kor u gaadhsiiyey tan iyo munaaradihii, wuxuuna dhisay derbi kaloo dibadda ah, oo xoogeeyey Millo oo ku dhex tiil magaaladii Daa'uud, oo sameeyey hub dagaal iyo gaashaammo faro badan. 6 Oo taladii dadkana wuu u dhiibay saraakiil dagaalka yaqaan, oo dhammaantoodna wuxuu ku soo wada urursaday meeshii bannaanayd oo magaalada iriddeeda u dhowayd, wuuna dhiirrigeliyey oo ku yidhi, 7 Xoog yeesha oo aad u dhiirranaada, ha ka cabsanina, hana ka qalbi jabina boqorka Ashuur ama ciidanka faraha badan oo isaga la socda, maxaa yeelay, waxaa inala jira kuwa ka badan kuwa isaga la jira. 8 Isaga waxaa la jira binu-aadmi, laakiinse innaga waxaa inala jira oo ina caawiya oo dagaalladeenna inoo dirira Rabbiga Ilaaheenna ah. Oo dadkiina waxay isku halleeyeen erayadii Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.

9 Oo waxyaalahaas dabadood ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur joogay Laakiish horteeda oo xooggiisii oo dhammuna wuu la jiray, oo wuxuu addoommadiisii u soo diray Yeruusaalem ilaa Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo ilaa dadkii Yahuudah oo Yeruusaalem joogay oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, 10 Anoo ah Seenxeeriib oo ah boqorkii Ashuur waxaan idinku leeyahay, Qalcadda Yeruusaalem waa idinka ku sii jiree bal yaad isku hallaynaysaan? 11 War sow Xisqiyaah idinma sasabin si aad gaajo iyo harraad ugu dhimataan, isagoo leh, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa inaga samatabbixin doona gacanta boqorka Ashuur? 12 War Xisqiyaahaasu sow ma ahaa kii wada baabbi'iyey meelihiisii sarsare iyo meelihiisii allabarigaba, oo dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalemna sow kuma uu amrin oo kuma odhan, Idinku waa inaad meel allabari oo keliya horteeda Ilaah ku caabuddaan, oo isla taas korkeedana waa inaad fooxa ku shiddaan? 13 War miyeydaan ka war qabin aniga iyo awowayaashayba wixii aan ku samaynay dadyowga dalalka deggan oo dhan? War quruumaha dalalka deggan ilaahyadoodu miyey sinaba u awoodeen inay dalkooda gacantayda ka samatabbixiyaan? 14 Oo quruumihii awowayaashay ay wada baabbi'iyeen ilaahyadoodii oo dhan kee baa awooday inuu dadkiisii gacantayda ka samatabbixiyo? Haddaba Ilaahiinnu sidee buu u awoodaa inuu gacantayda idinka samatabbixiyo? 15 Haddaba sidaas daraaddeed Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn oo yuusan sidan idiin sasabin, hana rumaysanina, waayo, innaba ma jirin quruun ama boqortooyo ilaaheedu awooday inuu dadkiisa ka samatabbixiyo gacantayda iyo gacantii awowayaashay toona, haddaba ilaahiinna sidee buu gacantayda idiinka samatabbixin doonaa? 16 Oo addoommadiisiina waxay ku sii hadleen war badan oo ka gees ah Rabbiga Ilaaha ah iyo addoonkiisa Xisqiyaah ahba. 17 Oo weliba wuxuu kaloo qoray warqado uu ku caayayo oo wax kaga sheegayo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo wuxuu yidhi, Dalalka quruumaha deggan ilaahyadoodii oo dadkoodii gacantayda ka samatabbixin waayay sidoodii oo kalaa Ilaaha Xisqiyaahna dadkiisa gacantayda uga samatabbixin waayi doonaa. 18 Oo iyagoo afkii Yuhuudda ku hadlaya ayay cod weyn ugu dhawaaqeen dadkii reer Yeruusaalem oo derbiga kor joogay inay iyaga cabsiiyaan oo ay wareeriyaan si ay iyagu magaalada u qabsadaan. 19 Oo waxay Ilaahii Yeruusaalem uga hadleen siday uga hadleen ilaahyadii dadadka dunida, kuwaasoo ah wax dad gacanta ku sameeyey. 20 Markaasaa Boqor Xisqiyaah iyo Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos u tukadeen xaalkan aawadiis, oo waxay qaylo gaadhsiyeen samada. 21 Markaasaa Rabbigu malag soo diray, kaasoo xeradii boqorkii Ashuur ku wada laayay raggii xoogga badnaa, iyo hoggaamiyayaashii, iyo saraakiishii oo dhanba. Sidaas daraaddeed isagoo ceebaysan ayuu dalkiisii ku noqday. Oo markuu gurigii ilaahiisa galay waxaa halkaas seef kaga dilay wiilashii uu dhalay. 22 Sidaasuu Rabbigu Xisqiyaah iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba uga badbaadiyey Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur gacantiisii iyo gacantii kuwii kale oo dhanba, oo iyagiina dhinac kasta wuu ka ilaaliyey. 23 Oo dad badan ayaa Rabbiga Yeruusaalem ugu keeneen hadiyado, oo Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahna waxay u keeneen waxyaalo qaali ah, sidaas aawadeed markaas intii ka dambaysay ayaa isaga loogu sarraysiiyey quruumaha oo dhan hortooda.

Kibirkii, Guushii Iyo Dhimashadii Xisqiyaah

24 Oo waagaas ayaa Xisqiyaah bukooday, oo geeri buu u dhowaaday, markaasuu Rabbiga baryay, oo isna intuu la hadlay ayuu calaamad u sameeyey. 25 Laakiinse Xisqiyaah wanaaggii isaga loo sameeyey mahad kama celin, waayo, qalbigiisa ayaa kibray, sidaas daraaddeed isagii iyo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba cadho baa ku soo degtay. 26 Habase ahaatee Xisqiyaah wuu is-hoosaysiiyey oo kibirkii qalbigiisa wuu ka soo noqday isaga iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhammuba, sidaa daraaddeed cadhadii Rabbigu iyaga kuma ay soo degin wakhtigii Xisqiyaah. 27 Haddaba Xisqiyaah wuxuu lahaa maal aad iyo aad u faro badan iyo sharaf, oo wuxuu samaystay khasnado lagu xereeyo lacag, iyo dahab, iyo dhagaxyo qaali ah, iyo uunsi, iyo gaashaammo, iyo cayn kasta oo weelal wanaagsan ah. 28 Oo guryo wax lagu kaydiyona buu u samaystay wixii badnaa ee ahaa hadhuudh iyo khamri iyo saliid, wuxuuna samaystay xeryo lagu xereeyo xayawaan cayn kasta ah, iyo xeryo adhi. 29 Oo weliba wuxuu dhistay magaalooyin, oo wuxuu urursaday ido iyo lo' faro badan, waayo, Rabbigu wuxuu isaga siiyey maal aad u badan. 30 Oo Xisqiyaahaas qudhiisa ayaa awday biyihii Giixoon ishoodii sare, oo wuxuu hoos ugu soo toosiyey magaaladii Daa'uud dhankeedii galbeed. Oo Xisqiyaahna wuu ku liibaanay shuqulladiisii uu sameeyey oo dhan. 31 Habase ahaatee markay amiirradii dalka Baabuloon isaga cid ugu soo direen inay soo haybiyaan waxa uu yahay yaabka dalkiisa lagu dhex sameeyo ayaa Ilaah isagii uga tegey inuu tijaabiyo oo ogaado waxa qalbigiisa ku jira oo dhan. 32 Haddaba Xisqiyaah falimihiisii kale iyo camalladiisii wanaagsanaa oo dhammu waxay ku qoran yihiin waxyaalihii la tusay Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos, kuwaasoo ku yaal kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil. 33 Oo Xisqiyaah wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa isagii lagu aasay meesha laga fuulo qabuurihii farcanka Daa'uud; oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhammuba isagii bay sharfeen markuu geeriyooday. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Manaseh.

^ Dib u celi bilawga ^

33


Manaseh, Boqorkii Yahuudah

1 Oo Manaseh markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo toban sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa shan iyo konton sannadood. 2 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, sidii karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda. 3 Waayo, wuxuu mar kale dhisay meelihii sarsare ee aabbihiis Xisqiyaah baabbi'iyey, oo Bacaliimna meelo allabari buu u dhisay, oo geedo Asheeraahna wuu sameeyey, oo wuxuu caabuday oo u wada adeegay ciidanka samada oo dhan. 4 Oo wuxuu meelo allabari uga dhex dhisay gurigii Rabbiga, kaasoo Rabbigu ka hadlay oo yidhi, Magacaygu wuxuu weligiisba joogi doonaa Yeruusaalem. 5 Oo wuxuu ciidankii samada oo dhanna meelo allabari uga dhisay labadii barxadood oo gurigii Rabbiga. 6 Oo weliba carruurtiisiina dab buu ku dhex mariyey dooxadii ina Xinnom dhexdiisa, faalna wuu ku noqnoqday, wuxuuna u tegey falanfallowyo, sixirna wuu ku noqnoqday, oo wuxuu la macaamilooday kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa ku sameeyey shar badan oo uu isaga kaga xanaajiyey. 7 Oo sanamkii xardhanaa ee uu sameeyey ayuu dhex qotomiyey gurigii Ilaah ee uu Ilaah ka hadlay oo Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaanba ku yidhi, Gurigan iyo Yeruusaalem dhexdeeda oo aan ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaan magacayga weligiisba ku dayn doonaa. 8 Oo cagta reer binu Israa'iilna mar dambe ka dhaqaajin maayo dalkii aan u doortay awowayaashood, hadday dhawraan uun wixii aan ku amray oo dhan, kuwaasoo ah sharcigii iyo qaynuunnadii iyo xukummadii aan gacanta Muuse u soo dhiibay oo dhan. 9 Oo Manasehna dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba wuu qalday, sidaas daraaddeed iyagu waxay sameeyeen shar ka sii badan kii ay sameeyeen quruumihii Rabbigu ku hor baabbi'iyey reer binu Israa'iil. 10 Markaasaa Rabbigu la hadlay Manaseh iyo dadkiisiiba, laakiinse dheg uma ay dhigin. 11 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ku diray saraakiishii ciidanka oo boqorkii Ashuur, oo waxay la tageen Manaseh isagoo silsilado iyo bircago ku xidhan yihiin, kolkaasay Baabuloon u kaxaysteen. 12 Oo intuu dhibaataysnaa ayuu baryay Rabbigii Ilaahiisa ahaa, oo si weyn buu isugu hor hoosaysiiyey Ilaahii awowayaashiis. 13 Oo isagii buuna baryay, oo isna wuu aqbalay oo baryootankiisiina wuu maqlay, oo mar kale ayuu dib ugu soo celiyey Yeruusaalem iyo boqortooyadiisii. Markaasaa Manaseh ogaaday in Rabbigu Ilaah yahay.

14 Haddaba waxyaalahaas ka dib magaaladii Daa'uud dibaddeeda ayuu ka dhisay derbi xagga Giixoon dhankeedii galbeed iyo dooxada dhexdeedii iyo xataa meesha laga galo Iriddii Kalluunka, oo wuxuu ka soo wareejiyey Cofel, oo aad iyo aad buu kor ugu dheereeyey, oo magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhanna wuxuu fadhiisiyey saraakiishii ciidanka. 15 Markaasuu ilaahyadii qalaad iyo sanamkiiba ka bixiyey gurigii Rabbiga, oo meelihii allabariga ee uu ka dhisay buurtii guriga Rabbiga iyo Yeruusaalem gudaheedaba dhammaantood wuu dumiyey, oo magaaladii wuu ka wada tuuray. 16 Markaasuu hagaajiyey meeshii allabariga ee Rabbiga, oo wuxuu ku dul bixiyey qurbaanno nabaadiino iyo qurbaanno mahadnaqid ah, oo wuxuu dadkii Yahuudah ku amray inay u adeegaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. 17 Habase yeeshee dadkii weli waxay allabaryo ku bixin jireen meelihii sarsare, laakiinse waxay ula niyoon jireen Rabbiga ah Ilaahooda oo keliya. 18 Haddaba Manaseh falimihiisii kale iyo baryadii uu Ilaahiis baryay, iyo erayadii wax arkayaashii ay isaga kula hadleen magaca Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, bal eeg, waxay ku qoran yihiin kitaabkii falimihii boqorradii dalka Israa'iil. 19 Oo baryootankiisii, iyo siduu Ilaah isaga u aqbalay, iyo dembigiisii iyo xadgududkiisii oo dhan, iyo meelihii uu meelo sarsare ka dhisay ee uu qotomiyey geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaa intuusan is-hoosaysiin, bal eeg, waxay ku qoran yihiin taariikhdii Xoosay. 20 Markaasaa Manaseh dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay gurigiisii, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aamoon.

Aamoon, Boqorkii Yahuudah

21 Oo Aamoonna markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo labaatan sannadood, Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa laba sannadood. 22 Oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga hortiisa sidii aabbihiis Manaseh u yeelay oo kale. Oo Aamoon wuxuu allabari u bixiyey sanamyadii xardhanaa ee uu aabbihiis Manaseh sameeyey oo dhan, wuuna u adeegay. 23 Oo isagu sidii aabbihiis Manaseh uu isu hoosaysiiyey oo kale isuguma uu hoosaysiin Rabbiga hortiisa, laakiinse Aamoonkaas qudhiisu aad iyo aad buu u sii xadgudbay. 24 Oo addoommadiisii ayaa shirqool u dhigay, oo gurigiisay ku dileen. 25 Laakiinse dadkii dalka degganaa ayaa wada laayay kuwii Boqor Aamoon sirqoolka u dhigay oo dhan, oo dadkii dalka degganaa waxay meeshiisii boqor uga dhigeen wiilkiisii Yoosiyaah.

^ Dib u celi bilawga ^

34


Yoosiyaah Toosintiisii Dadka

1 Yoosiyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed sannadood, oo Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa kow iyo soddon sannadood. 2 Oo wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, wuuna ku socday jidkii awowgiis Daa'uud maray, ugamana uu leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona. 3 Waayo, sannaddii siddeedaad oo boqornimadiisa intuu weli dhallinyaraa ayuu bilaabay inuu doondoono Ilaahii awowgiis Daa'uud, oo sannaddii laba iyo tobnaad ayuu bilaabay inuu reer Yahuudah iyo reer Yeruusaalem ka nadiifiyo meelihii sarsare, iyo geedihii Asheeraah, iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaaba. 4 Oo meelihii Bacaliim allabariga loogu bixin jiray oo dhanna hortiisay ku dumiyeen, sanamyadii qorraxda ee iyaga ka sarreeyeyna wuu wada jaray, oo geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaa, iyo sanamyadii shubka ahaana dhammaantood wuu wada burburiyey oo boodh ka dhigay, oo wuxuu ku dul firdhiyey qabuurihii kuwii allabariga u bixin jiray. 5 Oo meelahoodii allabarigana wuxuu ku kor gubay lafihii wadaaddadii, oo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba wuu wada nadiifiyey. 6 Oo sidaasoo kaluu ka wada yeelay magaalooyinkii reer Manaseh iyo reer Efrayim iyo reer Simecoon iyo xataa kuwii reer Naftaali, iyo meelahoodii burbursanaa oo ku wareegsanaa oo dhan. 7 Oo meelihii allabariga wuu wada dumiyey, geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaana wuu wada budeeyey, oo sanamyadii qorraxda ee dalka Israa'iil oo dhan ku yiilna wuu wada jaray, markaasuu Yeruusaalem ku noqday.

8 Oo sannaddii siddeed iyo tobnaad oo boqornimadiisa, markuu nadiifiyey dalkii iyo gurigiiba ayuu diray Shaafaan ina Asalyaah, iyo Macaseeyaah oo ahaa taliyihii magaalada, iyo Yoo'aax ina Yoo'aaxaas oo ahaa taariikhqore inay cusboonaysiiyaan gurigii Rabbiga Ilaahiisa ah. 9 Markaasay u yimaadeen Xilqiyaah oo ahaa wadaadkii sare, oo waxay u dhiibeen lacagtii guriga Ilaah la geliyey, oo irid-dhawrayaasha reer Laawi ay ka soo ururiyeen reer Manaseh iyo reer Efrayim, iyo kuwii kale oo reer binu Israa'iil ah oo dhan, iyo reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba. 10 Oo lacagtii waxay u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u talin jiray, oo raggii guriga Rabbiga ka dhex shaqayn jirayna waxay u bixiyeen in guriga lagu hagaajiyo oo lagu cusboonaysiiyo. 11 Waxay siiyeen nijaarradii iyo waxdhisayaashii inay ku soo iibiyaan dhagaxyo la qoray iyo alwaax wax laysku xidho, iyo inay alwaax saqafka haya u sameeyaan guryihii ay boqorradii reer Yahuudah dumiyeen. 12 Oo raggiina shuqulkii waxay u sameeyeen si daacadnimo ah; kuwii u talin jiray oo shuqulka hore u wadi jirayna waxay ahaayeen Yaaxad iyo Cobadyaah oo ahaa reer Laawi oo ka ahaa reer Meraarii, iyo Sekaryaah iyo Meshullaam oo ahaa reer Qohaad, oo waxaa kaloo la jiray kuwa kale oo reer Laawi ah oo alaabta muusikada karay oo dhan. 13 Oo weliba waxay kaloo u talin jireen xammaalladii, hore bayna u wadi jireen shuqulkii kuwii shaqayn jiray oo dhan, cayn kastoo hawshoodu ahaydba, oo reer Laawina waxaa ka joogay karraaniyo iyo saraakiil iyo iridjoogayaal.

Kitaabkii Sharciga Waa La Helay

14 Oo markay soo bixiyeen lacagtii guriga Rabbiga la geliyey ayaa wadaadkii Xilqiyaah ahaa helay kitaabkii sharcigii Rabbiga oo Muuse loo sii dhiibay. 15 Markaasaa Xilqiyaah jawaabay oo wuxuu karraanigii Shaafaan ku yidhi, Waxaan gurigii Rabbiga ka dhex helay Kitaabkii Sharciga. Oo Xilqiyaah kitaabkii buu u dhiibay Shaafaan. 16 Markaasaa Shaafaan kitaabkii u geeyey boqorkii, oo weliba boqorkii buu u soo warramay oo ku yidhi, Addoommadaadii way wada samaynayaan wixii loo dhiibay oo dhan. 17 Oo iyagu lacagtii guriga Rabbiga laga dhex helay way soo ururiyeen oo waxay u dhiibeen kuwa shuqulka u taliya iyo ragga shaqaalaha ah. 18 Oo Shaafaan oo karraanigii ahaa ayaa boqorkii u sheegay oo ku yidhi, Wadaadkii Xilqiyaah ahaa wuxuu ii dhiibay kitaab. Markaasaa Shaafaan kitaabkii ku akhriyey boqorka hortiisii. 19 Oo markii boqorkii maqlay erayadii sharciga ayuu dharkiisii jeexjeexay. 20 Markaasaa boqorkii amray Xilqiyaah, iyo Axiiqaam ina Shaafaan, iyo Cabdoon ina Miikaah, iyo Shaafaan oo ahaa karraanigii, iyo Casaayaah oo ahaa addoonkii boqorka, oo wuxuu ku yidhi, 21 War taga, oo aniga iyo kuwa dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah ku hadhayba Rabbiga wax inoo soo weyddiiya waxa ku saabsan erayada kitaabkii la helay, waayo, cadhada Rabbiga oo inagu soo degtay way weyn tahay, maxaa yeelay, awowayaasheen ma ay xajin inay wada yeelaan waxa kitaabkan ku qoran oo dhan. 22 Markaasaa Xilqiyaah iyo kuwii boqorku amrayba waxay u tageen nebiyaddii Xuldaah ahayd oo u dhaxday Shalluum ina Tawqhad, oo ahaa ina Xasraah, kaasoo ahaa kii dharka dhawri jiray. (Haddaba iyadu waxay degganayd Yeruusaalem xaafaddeeda labaad.) Markaasay iyadii kala hadleen xaalkaas. 23 Oo waxay ku tidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaad ninkii ii soo kiin diray u sheegtaan, 24 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli habaarrada ku qoran kitaabkii boqorka Yahuudah hortiisa lagu akhriyey oo dhan, 25 maxaa yeelay, iyagu way iga tageen, oo waxay foox u shideen ilaahyo kale inay igaga xanaajiyaan shuqulka gacmahooda oo dhan; oo sidaas daraaddeed cadhadaydu waxay ku kor degtay meeshan, mana qaboobi doonto. 26 Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay erayadii aad maqashay: 27 Qalbigaagu wuu jilicsanaa oo Ilaah hortiisa ayaad isku hoosaysiisay markaad maqashay erayadiisii uu kaga hadlay meeshan iyo dadka degganba, oo hortayda ayaad isku hoosaysiisay, oo dharkaagii waad jeexjeexday, oo waad igu hor ooyday, oo sidaas daraaddeed waan ku maqlay, ayaa Rabbigu leeyahay. 28 Haddaba waxaan kula ururin doonaa awowayaashaa, oo qabrigaaga nabad baad ugu ururi doontaa, oo indhahaaguna ma ay arki doonaan kulli belaayada aan ku soo dejin doono meeshan iyo dadka degganba. Oo iyana boqorkii ayay mar kale u war keeneen.

29 Markaasaa boqorkii cid diray oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan. 30 Oo boqorkii wuxuu u kacay gurigii Rabbiga oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba, oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo guriga Rabbiga laga dhex helay. 31 Markaasaa boqorkii istaagay meeshiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdiga oo kitaabkan ku qornaa. 32 Oo wuxuu ka dhigay in intii Yeruusaalem iyo dalka reer Benyaamiin laga helay oo dhanba ay axdiga aqbalaan oo u istaagaan. Oo dadkii Yeruusaalem degganaana waxay yeeleen si waafaqsan axdigii Ilaah, kaasoo ahaa Ilaahii awowayaashood. 33 Markaasaa Yoosiyaah karaahiyadii oo dhan ka fogeeyey dalalka ay dadka Israa'iil lahaayeen oo dhan, oo dadkii dalka Israa'iil laga dhex helay oo dhanna wuxuu ka dhigay inay u adeegaan Rabbiga Ilaahooda ah. Oo intuu noolaa oo dhanna kama ay tegin lasocodka Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.

^ Dib u celi bilawga ^

35


Yoosiyaah Oo U Dabbaaldegay Iiddii Kormaridda

1 Oo Yoosiyaah Yeruusaalem ayuu Rabbiga ugu dhawray Iiddii Kormaridda, oo neefafkii Kormariddana waxaa la gowracay bishii kowaad maalinteedii afar iyo tobnaad. 2 Oo wadaaddadiina ayuu shuqulkoodii loo amray u kala qaybiyey, oo adeegiddii gurigii Rabbiga ayuu ku dhiirrigeliyey. 3 Oo kuwii reer Laawi oo dadka Israa'iil oo dhan wax bari jiray ee Rabbiga aawadiis quduus u ahaa wuxuu ku yidhi, Sanduuqa quduuska ah waxaad gelisaan gurigii uu dhisay Sulaymaan oo uu dhalay boqorkii reer binu Israa'iil oo Daa'uud ahaa, hadda ka dib culaab dambe garbihiinna saarnaan mayso, haddaba Rabbiga Ilaahiinna ah iyo dadkiisa reer binu Israa'iil u adeega. 4 Isu diyaariya sida reerihiinna iyo kooxihiinnu yihiin si waafaqsan qorniinkii uu qoray Daa'uud oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil, iyo si waafaqsan qorniinkii wiilkiisa Sulaymaan. 5 Oo waxaad isu taagtaan meesha quduuska ah sida qaybaha reerihii walaalihiin oo ah dadka dalka ay kala yihiin, oo reerihii qaar reer Laawi ahi ha isu qaybiyeen. 6 Oo neefafka Kormaridda gowraca, oo quduus iska dhiga, oo walaalihiinna u diyaariya, si aad u samaysaan si waafaqsan Eraygii Rabbiga oo Muuse loo soo dhiibay.

7 Markaasaa Yoosiyaah wuxuu dadkii intii joogtay oo dhan adhigii ka siiyey baraar iyo waxarro si ay qurbaannada Kormaridda u bixiyaan, oo tiradooduna waxay isku ahayd soddon kun, iyo saddex kun oo dibi, intaasu waxay ahaayeen intii boqorku maalkiisa ka baxshay. 8 Oo amiirradiisii iyagoo raalli ka ah ayay wax siiyeen dadkii iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi. Oo Xilqiyaah iyo Sekaryaah iyo Yexii'eel oo ahaa taliyayaashii guriga Ilaahna waxay wadaaddadii qurbaannadii Kormaridda u siiyeen laba kun iyo lix boqol oo neef oo yaryar, iyo saddex boqol oo dibi. 9 Oo weliba Kaananyaah iyo walaalihiis oo ahaa Shemacyaah iyo Netaneel, iyo Xashabyaah iyo Yecii'eel iyo Yoosaabaad oo ahaa madaxdii reer Laawi waxay reer Laawi qurbaannadii Kormaridda u siiyeen shan kun oo neef oo yaryar, iyo shan boqol oo dibi. 10 Sidaasaa hawshii loo hagaajiyey, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina waxay kala istaageen meelahoodii siday kooxahoodii kala ahaayeen, taasoo waafaqsan boqorka amarkiisii. 11 Markaasay gowraceen neefafkii Kormaridda, oo wadaaddadiina way saydhsaydheen dhiiggii ay gacantooda ka guddoomeen, oo kuwii reer Laawina harag bay ka bixiyeen. 12 Oo iyana meel bay dhigeen qurbaannadii la gubayay inay sidii qaybihii reerihii dadku ay kala ahaayeen Rabbiga wax ugu bixiyaan si waafaqsan waxa ku qoran kitaabkii Muuse. Oo dibidiina sidaasoo kalay u galeen. 13 Oo sidii qaynuunku ahaa ayay neefafkii Kormaridda dab ugu dubeen, oo qurbaannadii quduuska ahaana waxay ku kariyeen dheryo iyo digsiyo iyo weelal kale oo waaweyn, oo intay qaadeen ayay haddiiba u geeyeen dadkii oo dhan. 14 Oo dabadeedna wax bay u diyaariyeen nafsaddoodii iyo wadaaddadii, maxaa yeelay, wadaaddadii reer Haaruun waxay ilaa habeenkii bixinayeen qurbaannada la gubo iyo baruurtaba, sidaas daraaddeed kuwii reer Laawi wax bay u diyaariyeen nafsaddoodii iyo wadaaddadii reer Haaruunba. 15 Oo nimankii gabayaaga ahaa oo reer Aasaafna waxay joogeen meeshoodii sidii uu ahaa amarkii Daa'uud, iyo Aasaaf, iyo Heemaan, iyo Yeduutuun oo ahaa boqorka wax arkihiisii, oo iridjoogayaashiina waxay joogeen irid kasta, oo iyagu uma ay baahnayn inay hawshooda ka tagaan, waayo, iyaga waxaa wax u diyaarin jiray walaalahoodii reer Laawi. 16 Sidaasaa hawshii Rabbiga loo diyaariyey isku maalintaas in Iidda Kormaridda la dhawro iyo in qurbaannada la gubo lagu bixiyo meeshii allabariga ee Rabbiga, sidii uu ahaa amarkii Boqor Yoosiyaah. 17 Reer binu Israa'iil oo markaas joogayna wakhtigaasay dhawrayeen Iiddii Kormaridda iyo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahaynba intii toddoba maalmood ah. 18 Oo Iiddaas Kormaridda mid la mid ah dalka Israa'iil laguma iidin tan iyo wakhtigii Nebi Samuu'eel, oo boqorradii reer binu Israa'iilna midkoodna ma uu iidin Iiddii Kormaridda siday u iideen Yoosiyaah, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo kulli dadka Yahuudah iyo dadka Israa'iil ee joogay oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba. 19 Oo Iiddaas Kormaridda waxaa la iiday sannaddii siddeed iyo tobnaad oo boqornimadii Yoosiyaah.

Dhimashadii Yoosiyaah

20 Oo waxyaalahaas oo dhan dabadood markuu Yoosiyaah macbudkii diyaariyey ayaa boqorkii Masar oo Nekoo la odhan jiray u soo baxay inuu la diriro Karkemiish oo u dhowayd Webi Yufraad, oo Yoosiyaahna isagii buu ku soo baxay. 21 Laakiinse ergooyin buu u diray, oo wuxuu ku yidhi, Boqorka dalka Yahuudahow, maxaan kaa qabaa? Maanta adiga kuguma aan soo bixin, laakiinse waxaan ku soo baxay reerka aan colka la ahay; oo Ilaahna wuxuu igu amray inaan dhaqsado, haddaba Ilaaha ila jira ka joogso yuu ku baabbi'ine. 22 Habase yeeshee Yoosiyaah wuu diiday inuu wejigiisii ka jeediyo, laakiinse wuu ismidab rogay si uu ula diriro, oo ma uu maqlin erayadii Nekoo ee afka Ilaah ka soo baxay, wuuse yimid inuu kula diriro dooxadii Megiddoo. 23 Markaasay qaansaleydii fallaadh ku ganeen Boqor Yoosiyaah, dabadeedna boqorkii wuxuu addoommadiisii ku yidhi, War si xun baan u dhaawacmaye i fogeeya. 24 Sidaas daraaddeed addoommadiisii gaadhifaraskii way ka dejiyeen oo waxay saareen gaadhifaraskii labaad ee uu lahaa, oo waxay isagii keeneen Yeruusaalem, halkaasuuna ku dhintay, oo waxaa lagu aasay qabuurihii awowayaashiis. Oo dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem oo dhan Yoosiyaah way u baroorteen. 25 Oo Yeremyaahna waa u baroortay Yoosiyaah, oo ilaa maantadan la joogo ragga gabya iyo naagaha gabya oo dhanba waxay baroortoodii kaga sheekeeyeen Yoosiyaah, oo taasna dalka Israa'iil qaynuun baa lagaga dhigay, oo bal eeg, waxay ku qoran tahay kitaabka baroorta. 26 Haddaba Yoosiyaah falimihiisii kale iyo camalladiisii wanwanaagsanaa, sida ku qoran sharciga Rabbiga, 27 iyo falimihiisii intii hore iyo intii dambeba waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah.


^ Dib u celi bilawga ^

36

1 Markaasaa dadkii waddanku soo wateen Yehoo'aaxaas ina Yoosiyaah, oo waxay meeshii aabbihiis boqor ugaga dhigeen Yeruusaalem.

Yoo'aaxaas, Boqorkii Yahuudah

2 Oo Yoo'aaxaasna markuu boqor noqday wuxuu jiray saddex iyo labaatan sannadood, oo intii saddex bilood ah ayuu Yeruusaalem boqor ku ahaa. 3 Markaasaa boqorkii Masar Yeruusaalem kaga dejiyey carshigiisii, oo dalkiina wuxuu saaray baad ah boqol talanti oo lacag ah iyo talanti dahab ah. 4 Kolkaasaa boqorkii Masar wuxuu dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalemba boqor uga dhigay walaalkiis Elyaaqiim, oo magiciisiina wuxuu u beddelay Yehooyaaqiim. Oo walaalkiis Yoo'aaxaasna Nekoo wuxuu u kaxaystay dalkii Masar.

Yehooyaaqiim, Boqorkii Yahuudah

5 Oo Yehooyaaqiimna markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa kow iyo toban sannadood, oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa. 6 Oo waxaa isagii ku soo kacay Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, silsilado buuna ku xidhay oo Baabuloon u kaxaystay. 7 Oo Nebukadnesar weliba wuxuu kaloo Baabuloon u qaatay weelashii guriga Rabbiga, oo wuxuu dhigtay macbudkiisii Baabuloon ku yiil. 8 Haddaba Yehooyaaqiim falimihiisii kale, iyo karaahiyadiisii uu sameeyey, iyo wixii isaga laga helayba, bal eeg, dhammaantood waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooyaakiin.

Yehooyaakiin, Boqorkii Yahuudah

9 Oo Yehooyaakiinna markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed sannadood, oo Yeruusaalem boqor buu ku ahaa saddex bilood iyo toban maalmood, oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah. 10 Oo markii sannaddii soo wareegtay ayaa Boqor Nebukadnesar soo cid diray, oo wuxuu Baabuloon keenay isagii iyo weelashii wanaagsanaa oo gurigii Rabbiga, oo walaalkiis Sidqiyaahna ayuu boqor uga dhigay dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem.

Sidqiyaah, Boqorkii Yahuudah

11 Oo Sidqiyaahna markuu boqor noqday wuxuu jiray kow iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa kow iyo toban sannadood. 12 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa shar ku ah, oo iskuma uu hoosaysiin Nebi Yeremyaah oo afka Rabbiga ku hadlayay hortiisa. 13 Oo weliba wuxuu ka fallaagoobay Boqor Nebukadnesar oo isaga Ilaah ku dhaariyey, laakiinse wuu madax adkaaday oo qalbigiisana wuu qallafiyey si uusan ugu soo noqon Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. 14 Oo weliba kuwii wadaaddada sarsare ahaa iyo dadkiiba si weyn bay u xadgudbeen oo waxay wada sameeyeen karaahiyadii quruumuhu samayn jireen oo dhan, oo waxay nijaaseeyeen gurigii Rabbiga, ee uu isagu Yeruusaalem quduus kaga dhigay.

Dumistii Yeruusaalem

15 Oo Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood goor wanaagsan ayuu iyagii u soo diray wargeeyayaashiisii, maxaa yeelay, dadkiisa iyo meesha rugtiisa ah ayuu u naxay. 16 Laakiinse way ku majaajiloodeen Ilaah wargeeyayaashiisii, oo eraygiisiina way quudhsadeen, nebiyadiisiina way fududaysteen, ilaa ay cadhadii Rabbigu ku dhacday dadkiisii oo dawo loo waayay. 17 Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku soo kiciyey boqorkii reer Kaldayiin, kaasoo raggoodii dhallinyarada ahaa seef ku laayay iyagoo ku jira gurigii meeshoodii quduuska ahayd, oo isaguna uma uu nixin wiil ama gabadh, ama oday ama cirroole, dhammaantoodna wuu u gacangeliyey. 18 Oo weelashii guriga Ilaah oo dhan yar iyo weynba, iyo khasnadihii guriga Rabbiga, iyo khasnadihii boqorka iyo kuwii amiirradiisaba dhammaantood wuxuu geeyey Baabuloon. 19 Oo gurigii Ilaah waa la gubay, oo derbiyadii Yeruusaalem waa la dumiyey, oo guryaheedii waaweynaa oo dhanna waa la gubay, oo weelasheedii wanaagsanaa oo dhanna waa la wada baabbi'iyey. 20 Oo kuwii seefta ka baxsadayna wuxuu u kaxaystay Baabuloon, oo waxay addoommo u ahaan jireen isaga iyo wiilashiisii ilaa la gaadhay boqortooyadii Faaris, 21 si uu ku rumoobo Eraygii Rabbiga ee ka baxay afkii Yeremyaah, ilaa dalkii ku istareexay sabtiyadiisii, waayo, in alla intii uu baabba'sanaa ayuu sabti dhawrayay, si ay u dhammaadaan toddobaatan sannadood.

22 In Eraygii Rabbiga ee Yeremyaah afkiisa ka soo baxay uu ahaado aawadeed, sannaddii kowaad oo Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa Rabbigu kiciyey ruuxii Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris, oo isna boqortooyadiisii oo dhan ayuu ogeysiis ugu dhawaaqay, oo weliba qoray, oo wuxuu yidhi, 23 Kuuros oo ah boqorka Faaris wuxuu leeyahay, Boqortooyooyinka dhulka oo dhan waxaa i siiyey Rabbiga ah Ilaaha samada, oo wuxuu igu amray inaan isaga guri uga dhiso Yeruusaalem oo ku taal dalka Yahuudah. Haddaba ku alla kii idinku dhex jira oo dadkiisa ah Rabbiga Ilaahiisa ahu ha la jiro oo isna ha tago.

^ Dib u celi bilawga ^



BishaaroWeyn (Facebook)     NoloshaCusub (YouTube)

@somalinewlife (Twitter)     +NoloshaCusub (Google+)