|
QISADII YUUSUF–2 : MAXAA SABABA INAY NIMAN WALAALKOOD DILAAN?
Kee buu ahaa dilkii ugu horreeyey ee taariikhda bini’aadanka ka dhacaa? Waxaan kitaabka ugu horreeya ee Towreedda nebi Muuse [Bilowgii] ka akhrinaa inuu Qaabiil dilay walaalkiisii ka yaree ee Haabiil. Dembigana waxaa keenay inuu Qaabiil ka masayray in allabarigii Haabiil Ilaahay aqabalay, oo uu kiisii diidey. Laakiinse, intii taariikhda bini’aadanku jirtey inay wiilal isku aabbe ahi is dilaan waxay ahayd dembi aan badanaa dhicin. Inkastoo ay bini’aadanku guud ahaan aad u shar badan yihiin, badanaa walaaluhu waxay iska taageeraan ka difaaca reerkooda ee cadaawayaasha debedda.
Laakiinse, waxaynu qoraalkeenii hore ee ku saabsanaa Yuusuf ee bishii Juun kusoo aragnay, inuu Yacquub [Israa’iil] wiilashii ay xaaskiisii Raaxeel u dhashay aad uga sii jeclaa wiilashiisii kale oo dhan. Gaar ahaan wuxuu wiilashiisa ugu jeclaa Yuusuf. Wuxuuna isaga siiyey koodh midabyo badan. Tanoo keentay inay tobankiisii wiil ee kale ee saddexdiisii xaas ee kale u dhaleen aad isaga uga masayreen una nebcaadeen.
Aan haddana ku noqono qisadii Yuusuf, oo eegno Bilowgii cutubka 37-aad:
“12 Markaasaa walaalihiis tageen, inay adhigii aabbahood soo daajiyaan Shekem.
13 Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Miyaanay walaalahaa adhigii daajinayn Shekem? Bal kaalay, xaggoodaan kuu dirayaaye. Markaasuu isna ku yidhi, Waa i kan.
14 Oo wuxuu ku yidhi isagii, Bal tag oo soo arag in walaalahaa iyo adhigiiba nabad qabaan iyo in kale, oo haddana ii war keen. Sidaas daraaddeed isagii wuxuu ka diray dooxadii Xebroon, oo wuxuu tegey Shekem.
15 Markaasaa nin helay isagoo duurka wareegaya; ninkiina wax buu weyddiiyey oo wuxuu ku yidhi, Maxaad doondoonaysaa?
16 Isna wuxuu yidhi, Waxaan doondoonayaa walaalahay. Waan ku baryayaaye, ii sheeg meesha ay adhigii daajinayaan.
17 Markaasaa ninkii ku yidhi, Halkan way ka tageen, waayo, waxaan maqlay iyagoo isku leh, Ina keena aynu Dotaan tagnee. Markaasuu Yuusuf walaalihiis ka daba tegey, oo wuxuu iyagii ka helay Dotaan.”
Tani waa nolol maalmeedka caadiga ah ee reer baadiyaha...dhalinyaradii oo aanay reerka intiisii kale [dumarkii iyo carruurtii] ku jirin ayaa xoolihii daaq geeyey. Aabbahoodna wuxuu jeclaystay inuu xaaladdooda ogaado. Laakiinse, miyay haboonayd inuu Yacquub wiilkiisii Yuusuf diro, si uu walaalihiis war uga keeno? Waxaan kaloo xasuusan karnaa in sabab kaloo ay Yuusuf walaalihiis u nebcaayeen ay ahayd inuu lahaa dabeecadda ah inuu walaalahiis aabbihiis uga soo war sheekoon jirey.
Haddana Dootaan waxay ku taalay meel 120 km waqooyiga Xebroon ah, Yuusufna meeshii reerkoodu degganaa aad buu uga fogaa. Haddana aan aragno wixii ku xigey ee dhacay:
“18 Markaasay meel fog ka arkeen isagii, oo intuusan u soo dhowaan iyagii, ayay ku tashadeen inay dilaan.
19 Oo waxay isku yidhaahdeen, Bal eega, kii riyada badnaa waa soo socdaaye.
20 Haddaba kaalaya aynu dilnee, oo aynu ku tuurno ceelasha midkood, oo waxaynu odhan doonnaa, Bahal xun baa cunay. Dabadeedna waxaynu arki doonnaa bal waxay riyooyinkiisii noqdaan.
21 Oo Ruubeen baa taas maqlay, isagiina wuu ka samatabbixiyey gacantoodii; oo wuxuu iyagii ku yidhi, Yeynan naftiisa ka qaadin.
22 Kolkaasaa Ruubeen ku yidhi iyagii, Dhiig ha daadinina, ee isaga ku tuura ceelkan cidlada ku yaal, laakiinse far ha saarina. Oo wuxuu taas u yeelay inuu isaga ka samatabbixiyo gacantooda oo uu u celiyo aabbihiis.
23 Oo waxay noqotay in markii Yuusuf walaalihiis u yimid ay Yusuuf ka furteen shuluggiisii, kaasu wuxuu ahaa shuluggii midabyada badnaa oo uu qabay.
24 Kolkaasay qabteen oo ay ceelkii ku tuureen; ceelkuna waa madhnaa oo biyo kuma jirin.”
Halkan waxaan ka fahmaynaa sida uu nacaybka ay tobankan wiil walaalkood Yuusuf u qabeen. Badidoodu waxay doonayeen inay isaga dilaan markuu iyaga u yimaadoba. Nasiib wanaaggiisase, walaalkiisii curadka ahaa ee Ruubeen ayaa soo dhex galay, oo iyaga u sheegay inay isaga ceel ku dhex ridaan. Haddaba maxaa dhacay?
“25 Kolkaasay u fadhiisteen inay wax cunaan; dabadeedna indhahay kor u taageen oo wax bay fiiriyeen, oo waxay arkeen safar reer Ismaaciil ah oo ka soo socda xagga Gilecaad, oo awrtooda ay ugu raran yihiin xawaash, iyo beeyo, iyo malmal, waxayna u socdeen xagga Masar.
26 Markaasuu Yahuudah ku yidhi walaalihiis, Maxaa faa'iido inoogu jirta, haddaynu walaalkeen dilno oo aynu dhiiggiisa qarinno?
27 Kaalaya, aynu reer Ismaaciil ka iibinnee, oo yeynan isaga far saarin, maxaa yeelay, isagu waa walaalkeen, waana jidhkeenna. Walaalihiisna way maqleen isagii.
28 Oo waxaa ag maray niman reer Midyaan ah, oo baayacmushtariyaal ah. Markaasay Yuusuf soo jiideen oo ceelkii ka soo bixiyeen, oo waxay Yuusuf kuwii reer Ismaaciil kaga iibiyeen labaatan xabbadood oo lacag ah. Oo iyana Yuusuf waxay keeneen Masar.
29 Markaasaa Ruubeen ku noqday ceelkii; wuxuuna arkay inuusan Yuusuf ku jirin ceelka, kolkaasuu dharkiisii dildillaaciyey.
30 Markaasuu walaalihiis ku noqday, oo wuxuu ku yidhi, Yarkii ma joogo, haddaba anigu xaggee baan tagaa?
31 Kolkaasay shuluggii Yuusuf qaadeen oo intay orgi gowraceen ayay shuluggii dhiiggii geliyeen.
32 Markaasay shuluggii midabyada badnaa direen, oo ay aabbahood u keeneen; oo waxay ku yidhaahdeen, Kan waannu helnay, haddaba bal garo inuu shuluggii wiilkaagii yahay iyo in kale.
33 Wuuna gartay, oo wuxuu yidhi, Waa shuluggii wiilkayga. Bahal xun baa cunay isagii. Shakila'aan Yuusuf cadcad baa loo kala jeexjeexay.
34 Markaasaa Yacquub dharkiisii dildillaaciyey, oo joonyad buu dhexda ku xidhay, wiilkiisiina maalmo badan ayuu u barooranayay.
35 Kolkaasaa wiilashiisii oo dhan iyo gabdhihiisii oo dhammu u kaceen inay isaga qalbi qaboojiyaan, laakiinse wuu diiday inuu qalbi qaboobo, oo wuxuu yidhi, Anigoo barooranaya ayaan qabriga geli doonaa oo wiilkaygii u tegi doonaa. Aabbihiisna wuu u ooyay isagii.
36 Markaasay kuwii reer Midyaan isagii Masar kaga iibiyeen nin la odhan jiray Footiifar, wuxuuna ahaa sirkaalkii Fircoon oo ahaa madaxa waardiyayaasha.”
Tan u fiirso: Waxaa dhacday inuu Ruubeen meel aaday, oo laga yaabo inuu xoolaha soo yara celinayey. Intii uu sii maqnaa, ayaa Yuhuudah keenay fikradda ah inay walaalkood ka iibiyaan niman Carab ah oo Masar ku socday. Ninkanu ma inuu isaga u naxariistuu rabey, mise lacag uun ka fekerayey?
Si kastaba ha ahaatee, markii Ruubeen walaalihiis kusoo laabtay wixii dhacay wuu ka argagaxay. Bal hadda maxay sameeyaan? Si ula kaca ayay aabbahood u khiyaaneeyeen [ninkanoo hore aabbihii iyo walaalkii u khiyaaneeyey]. Yacquub murugo ayuu la qalbi jabay.
Waxaan sii wadi doonaa inaan eegno taariikhdii Yuusuf. Haddii si loo eego, wuxuu hordhac usii ahaa mid khaas ah oo ka yimid qabiilkii Yuhuudah kaasoo ay caddaawayaashiisu 2000 oo sanno markaa dabadeed ku iibin dooneen 30 xabbadood oo lacag ah. Waxaan arki doonaa sidii Ilaahay arrimaha u maamulayey inkastoo ay qoysku sharlowyo ahaayeen. Isagu wuxuu iyaga u doortay dadkii uu axdigiisa la dhigtay. Ilaahay wuxuu qorsheeyey inuu adduunka oo dhan ku barakeeyo farcankii Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub. Qorshaha Ilaahay sharka xun ee wiilasha Yacquub ma hor istaagi karin.
Haddii aad jeceshahay inaad Bilowgii 37, akhrido halkan riix.
Haddii aad dooneyso inaad ka dhegeysato mid ka mid barnaamijka taxanaha la yiraahdo “Jidka Caddaaladda” sidii ay Yuusuf walaalihii sidii addoonka ugu iibiyeen, guji JC26 Yuusuf – Walaalihiis oo Iibiyey Isaga.
|
Halkan guji/riix si aad heli kartid qormooyinkii hore ee taxanahan ku saabsan ballamadii Eebbe
|
|
|
|
|
|
WAXYAABAHA CUSUB EE WEBKAN LAGU DARAY
OGEYSIIS:
Shalay [ 31 Agosto] mid ka mid ah saaxiibkeenna oo waddanka Konfurta Afrika deggan yahay farriintan ayuu ina soo diray:
"Marka hore dhamaan waxan salamayaa walalaha somaliyeed marka xiga runti aad ayaan ugu farax sanahay shaqada aad nohaysaan waxan aad idinkaga mahad/celinaa barnamijada aad qabataan ee wanagsan waxan aad uga helay sida aad noogu sahasheen barasha kutubka quduuska ah asiga oo afsomali ah ayaan kushubtay telfonka waxan fursat uhelay in aan aqriyo waqti walba runti aad ayaan idinkugu mahad celinaa..."
Nasiibdarrase, cinwaanka [iimaylka] isaga qoray sax ma aha, marka jawaabtayada dib bay ina soo celisay. Fadlan, walaal, mar kale nagala soo xiriir, si taxaddar leh cinwaankaaga ha qoro.
|
|