Qoraal
Maqal/Muuqaal
Kitaabka Quduuska Ah
Jadwalka Idaacadda
La Xiriir
Nagala soo xiriir
Aqoondirsad
Qoraal Gaaban
Suugaan
Ilaah Keliya Iyo Jid Keliya
Wixii Aan Ka Maqalnay Nebiyada
Dersiga Kowaad - Ilaah keliya
Dersiga Labaad - Xaawa iyo Aadan
Dersiga Saddexaad - Qaabiil iyo Haabiil
Dersiga Afraad - Nebi Nuux
Dersiga Shanaad - Nebi Ibraahim
Dersiga Lixaad - Nebi Muuse
Dersiga Toddobaad - Nebi Daa'uud
Dersiga Siddeedaad - Sayid Ciise Masiix
Dersiga Sagaalaad - Dembi
Dersiga Tobnaad - Ducada iyo carnal ka san
Dersiga Kow-iyo-tobnaad - Waxyaalaha dhici doona
Dersiga Laba-iyo-tobnaad - Jid keliya
Hordhac
Casharka 1aad - Nuux
Casharka 2aad - Ibraahim
Casharka 3aad - Yuusuf
Casharka 4aad - Muuse
Casharka 5aad - Daa'uud
Casharka 6aad - Ishaacyaah
Casharka 7aad - Yooxanaa Baabtiisaha
Casharka 8aad - Ciise
Qirashada Iimaanka
Baryada Rabbiga
Maragfurka Shahiidkii Mehdi Dibaaj
Miyaad Faraxsan Tahay?
Masiixinimo?
Waxba ha ka cabsan
Diin oo keliyaa?
Qaynuunka dahabkaa
Ilaahow na tilmaanoo
Xalay Baan Masiixii Arkoo
Guullow Ilaahow
Nuurkii Adduunka
Koobka Adduunka 2010
Duruus
Qasiidooyin
Kartuun
Qasiidooyin-Fiidayaw ah
Sidee baad u aragtaa Masiixa?
Jidka Caddaaladda
Taariikhda Kiniisadda
Aan Iska Daayno Qaadka
Tafsiirta Kitaabkii Bilowgii
Tafsiirta Warqaddii loo qoray dadkii Cibraaniyada
Arrimaha Guurka iyo Qoyska
Qasiidooyin Ilaah Ammaan Ah
Codadka Iftiinka - 1
Codadka Iftiinka - 2
Qasiidooyin Qadiimi Ah
Axdigii Hore
Axdiga Cusub
Tawreedda
Taariikhda
Gabayga
Waxyiga
Bilowgii
Baxniintii
Laawiyintii
Tirintii
Sharciga Kunoqoshadiisa
Yashuuca
Xaakinnada
Ruud
Kitaabkii Kowaad ee Samuu'eel
Kitaabkii Labaad ee Samuu'eel
Kitaabkii Kowaad ee Boqorradii
Kitaabkii Labaad ee Boqorradii
Kitaabkii Kowaad ee Taariikhdii
Kitaabkii Labaad ee Taariikhdii
Cesraa
Nexemyaah
Esteer
Ayuub
Sabuurradii
Maahmaahyadii
Wacdiyahii
Gabaygii Sulaymaan
Ishacyaah
Yeremyaah
Baroorashadii Yeremyaah
Yexesqeel
Daanyeel
Hoosheeca
Yoo'eel
Caamoos
Cobadyaah
Yoonis
Miikaah
Naxuum
Xabaquuq
Sefanyaah
Xaggay
Sekaryaah
Malaakii
Qisadooyin Injiilka iyo Falimaha Rasuullada
Waraaqihii rasuul Bawlos qoray
Warqaddii Cibraaniyada iyo Waraaqaha Guud
Muujintii Ciise Masiix
Matayos
Markos
Luukos
Yooxanaa
Falimaha Rasuullada
Rooma
1 Korintos
2 Korintos
Galatiya
Efesos
Filiboy
Kolosay
1 Tesaloniika
2 Tesaloniika
1 Timoteyos
2 Timoteyos
Tiitos
Filemon
Cibraaniyada
Yacquub
1 Butros
2 Butros
1 Yooxanaa
2 Yooxanaa
3 Yooxanaa
Yuudas
Idaacadda Kale
Bogag af-Carbeed
Bogag af-Soomaali
Filinka ku saabsan Sayid Ciise Masiix
Hoyga
>
Qoraal
>
Aqoondirsad
>
Ilaah Keliya Iyo Jid Keliya
>
Dersiga Saddexaad - Qaabiil iyo Haabiil
Qof kale u dir
Ilaah Keliya Iyo Jid Keliya
Dersiga Saddexaad
Qaabiil iyo Haabiil
Ilmaha dunidan ku dhasha kii ugu horreeyey wuxuu ahaa wiil. Waalidkiis oo ahaa Xaawa iyo Aadan waxay u bixiyeen Qaabiil. Haddana waqti kaddib waxaa u dhashay wiil kale. Wiilkii labaad waxaa u bixiyeen Haabiil.
Markii labadii wiil oo walaalaha ahayd ay weynaadeen, waxay isku taxallujiyeen shuqullo kala duwan. Haabiil wuxuu jeclaaday inuu ilaaliyo idihii aabbihiis. Wuxuuna u foofin jiray meel naq badan oo wuxuu u aroorin jiray meel biyo leh. Weliba wuxuu ka celin jiray bahallada iyo dugaagga.
Qaabiil xoolaha iskuma uu taxallujin jirin. Wuxuu jeclaa inuu dhulka qodo oo uu beero, uuna iska fiirsado miraha iyo khudradda baxaysa.
Inkastoo ay shuqullo kala duwan lahaayeen haddana labadooduba waxay ku qiran jireen inay caabudaan Ilaaha runta ah. Waxay ku tashadeen inay Ilaah waqdhaac u bixiyaan, maxaa yeelay, waxay rabeen inuu isagu iyaga wanaag u falo. Laakiinse waxay doorteen allabbariyo kala duwan. Qaabiil wuxuu aaday beertiisii, oo wuxuu dhulka ka soo guray khudrad, markaasuu allabbari ahaan Rabbiga ugu bixiyey. Haddii si loo eego Qaabiil allabbarigiisu, wuxuu ahaa dhididkiisii, waayo, isagu dhulkuu qoday oo wuu beeray oo mirihii buu soo guray markii ay bislaadeen. Wuxuuna noqday sidii mid Ilaah ku leh,
"Bal eeg, waxanu waa wixii aan sameeyey e."
Haabiil allabbarigiisii wuxuu ahaa mid kaas kulligiis ka duwan. Isagu wuxuu qalay wanankiisii midkood oo wuxuu u bixiyey Ilaaha runta ah. Ilaah wuxuu ku farxay waaqdhaacii Haabiil, wuuna aqbalay. Laakiinse Ilaah wuu diiday inuu aqbalo kii Qaabiil, maxaa yeelay, Qaabiil wuxuu keenay allabbari qalad ah oo aan qummaneen. Haabiil Ilaah buu aamminsanaa, laakiinse Qaabiil wuxuu ku kalsoonaa awooddiisa iyo shuqulka gacmihiisa.
Dabadeedna Qaabiil wuu hinaasay, maxaa yeelay, Ilaah wuxuu aqbalay wankii Haabiil, laakiinse wuxuu diiday mirihii Qaabiil. Aad buuna u carooday ilaa uu ku tashaday inuu Haabiil dilo. Maalin maalmaha ka mid ah iyagoo beertii joogay ayaa Qaabiil wuxuu dilay Haabiil. Taasuna waxay ahayd diliddii qof la dilo dunida ugu horreeysay.
Ilaah aad buu Qaabiil uga xumaaday oo waxaa waajib ahayd in la ciqaabo. Kaddibna Ilaah Qaabiil wuu inkaaray sharkii iyo fidnaddii uu sameeyey awgiis. Qaabiil inkaar baa ku dhacday intii cimrigiisa ka hartay oo dhan, maxaa yeelay, walaalkiis buu dilay.
Qaabiil iyo Haabiil labaduba Ilaaha waaxidka ah oo keliya bay rumaysnaayeen. Oo labadooduba waxay qireen inay caabudaan Ilaahaa runta ah. Qofna kuma dhana inuu iska rumaysto in Ilaah qura jiro. Kumana dhana inuu jeclaysto inuu caabudo Ilaaha runta ah. Sidii Haabiil oo kale waa inaynu keennaa allabbari nooc qumman, haddii aynu doonayno in nala aqbalo. Qaabiil waxaa waajib ku noqotay inuu doorasho sameeyo. Waxayna ahayd inuu doorto allabbarigii uu doonayey inuu Ilaah u bixiyo. Laakiinse wuxuu ku tashaday inuu keeno mirihii dhulka, kuwaas oo muujinayey ficiladiisii. Wuxuuse doortay doorasho qalad ah.
Adiguna waa inaad doorasho samayso. Waa inaad goosato qurbaankii aad Ilaah u keeni lahayd caynka uu noqonayo. Waxaad samayn kartaa doorasho la mid ah sidii Qaabiil oo shuqullada gacmahaaga u keen Ilaah. Hase ahaatee, Ilaah inama aqbalayo, mana yeeli doono innaba allabbariga caynkaasi oo kale ah. Waxaad yeeli kartaa sidii Haabiil oo kale, oo waxaad keeni kartaa allabbari Ilaah aqbalayo. Haddii aad doonaysid in Ilaah ku aqbalo, waa inaad u keentaa allabbari qumman oo Ilaah aqbalo.
Tijaabada Saddexaad
Qaabiil iyo Haabiil
Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.
1. Haabiil wuxuu aamminsanaa
Shuqulladiisa.
Qaabiil.
Ilaah.
2. Haabiil wuxuu rabay inuu noqdo
Cayaartoy.
Mid beerta qoda.
Arijir.
3. Ilaah wuxuu aqbalay Haabiil, maxaa yeelay
Isagu wuxuu rumaystay in Ilaah keliya un inuu jiro.
Isagu wuxuu ahaa wiil wanaagsan.
Isagu wuxuu keenay waqdhaac qumman.
4. Qaabiil wuxuu rabay inuu noqdo
Cayaartoy.
Mid beerta qoda.
Arijir.
5. Dilniinkii ugu horreeyey waxaa wax dilay
Qaabiil.
Haabiil.
Aadan.
Su'aalahan dhawr oo erayada dersiga ku jira kaga jawaab:
6. Qaabiil muxuu isku hallayn jiray?
7. Haabiil muxuu Ilaah allabbari ahaa ugu keenay?
8. Ilaah kumuu inkaaray?
Kuwan "run" iyo "been" mid kaga jawaab:
9. Qaabiil iyo Haabiilba Ilaah keliya bay rumaysnaayeen.
Run
Been
10. Waa inaynu Ilaah u keennaa allabbarigii Qaabiil oo kale.
Run
Been
Magacaaga oo dhan
:
Cinwaanka Iimaylka
:
Magaalada
:
Waddanka
:
Su'aal ama Ra'yi
:
"
Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa,
Waayo, Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo,
Haddaba bal binu-aadmigu muxuu igu samayn karaa?
"
Sabuurka 56:4
Nagala soo Xiriir
|
Site Map
|
© Copyright 2006 Nolosha Cusub. All rights reserved.