Skip Navigation LinksQoraal > Aqoondirsad > Wixii Aan Ka Maqalnay Nebiyada > Casharka 3aad - Yuusuf

Skip Navigation LinksCasharka 3aad - Yuusuf

Qaybta
1   |  2   |  3   |  4   |  5   |  6   |  Imtixaanka

"Oo bal eeg kan halkaas ka soo socda! Waa walaalkeennii faanka badnaa. Shaki la'aan war buu aabbaheen u geynayaa si uu dhibaato inoogu keeno. Kaalaya aynu dilnee. Cid baaddiyahan innaga arkaysaa ma jirto. Waxaynu dildillaacinaynaa khamiiskiisa quruxda badan ee uu wato. Qof kastana wuxuu u malayn doonaa in dugaag soo weeraray oo cunay."

Markii Yuusuf u soo dhowaaday, ayaa toban nin oo xoog leh oo caraysani waxay abaabulayeen dilkiisa. Waxaa markaasi ay u muuqanaysaa in cidina ayan lahayn awood ay kaga baxsato xooggaas iyo sharkaas. Hal nin taag uma hayo oo awood uma laha inuu khatar taas oo kale ah iska caabbiyo. Sharka ayaa ka adkaan lahaa isaga.

Laakiin ma jirto awood shar leh oo faragelin karta doonista Eebbe. Isagu wuxuu dan ka lahaa nolosha Yuusuf. Ilaah wuxuu u daryeelay isaga qof ahaan, wuxuuna doonayey inuu u isticmaalo qorshe weyn oo uu dadkiisa kaga badbaadinayey burbur iyo halaag. Eebbe wuxuu doonayey inuu ina tuso in isagu uu ka bixiyo dadka bartamaha duni shar miiran ah. Waxaa kaloo uu doonayey inuu ina baro inaan isaga ku kalsoonaanno oo aynu jidadkiisa u raacno si jacayl iyo hoggaansami leh.

Hadda waxaynu arki doonnaa sida Ilaah u badbaadiyey Yuusuf oo noloshiisana cashar inooga dhigay maanta.

Casharkan waxaad ka baran doontaa...

  • Inan baa Eebbe badbaadiyey.
  • Addoon baa addeecaya doonista Ilaah.
  • Walaal ayaa muujinaya jacaylka Ilaah.

Casharkani wuxuu kaa caawinayaa inaad...

  • Tusaalooyin ka bixiso daryeelka Eebbe iyo deeqdiisa.
  • Faallo ka bixiso sida ficil maalmeedku u tilmaamo rumaysad iyo cibaadaysi Ilaah.
  • Rumaysad khaas ah Ilaah ku qabto, oo aad aqbasho deeqda ama waxa uu adiga kuu hayo.

INAN BAA EEBBE BADBAADIYEY

Yacquub wuxuu ahaa nin Eebbe dhan walba ka barakadeeyey. Waxaa lagu mannaystay daaqsin badan oo xoola ah. Wuxuu lahaa qoys ballaaran oo wuxuu dhalay 12 wiil, oo ka caawin jiray maaraynta xoolihiisa. Tobanka wiil ee waaweyn waxay dhaqaalayn jireen xoolaha si ay daaq iyo biyaba uga helaan dhul weynahaas waddanka Falastiin.

Yuusuf, oo ahaa mid ka mid ah inamada yaryar, ayaa aabbihii siiyey xil eexasho ah. Mas'uuliyadahiisa waxaa ka mid ahaa inuu wargeeye u kala ahaado walaalihiis iyo aabbihiis. Mararka qaarna wuxuu u soo sheegayey aabbihiis ficillada wiilashiisa waaweyn. Dabcan si xoog leh bay taas uga soo horjeedeen oo waxay bilaabeen inay aad u nebcaadaan. Kaddib markii uu u sheegay iyaga riyooyin yaab badan, nicidii ay u qabeen isaga waxay isu rogtay nacayb cadowtinimo ah.

Waxay ahaan kartaa in Ilaah uu siiyey Yuusuf awood khaas ah oo la xiriirta riyooyinka. Mar dambena waxaa caddaatay in riyooyinkiisii ay macno lahaayeen oo xitaa Eebbe u furo isaga macnaha riyooyinka kale.

Markaasuu Yuusuf riyooday oo walaalihiis ayuu riyadiisii u sheegay, sida ku qoran Kitaabka Bilowgii, cutubka 37, aayadaha 7 iyo 9, oo leh:

"Bal eega, waxaynu beerta ku xirxiraynay xirmooyin, markaasaa xirmadaydii kacday, oo istaagtay, xirmooyinkiinniina hareeraheeday yimaadeen oo u sujuudeen xirmadaydii. Bal eega, riyo kalaan ku riyoodaye. Waxaan ku riyooday qorraxdii, dayaxii, iyo kow iyo toban xiddigood oo ii u sujuuday."

Riyooyinkiisiina wuxuu u sheegay reerkoodii.

"War waa maxay waxani?" bay walaalihiis ku qayliyeen. Waxay kaloo yiraahdeen "Ma wuxuu ula jeedaa inaynu isaga u sujuudno? Oo waxayba Yuusuf la tahay inuu inaga weyn yahay, oo aabbaheenna waxay la tahay in isagu inooga qaalisan yahay." Aad bay u xaasideen oo u nebcaysteen isaga. Ugu dambaystiina waxay qorshaysteen inay dilaan.

Waxaan qisadan ku arkaynaa itaaldarrada weyn oo banii-aadanku leeyahay taasoo horraan dunidan dembi u keentay. Yuusuf wuxuu riyooyinkiisii ugu sii celceliyey si kibir ama isla-weynaani ku jirto. Walaalihiisna waxay niyadda ku haysteen isla-weynaan iyo kibir. Iyaga qudhooda kama ay daadegin ama way u cumtami wayday inay u sujuudaan walaalkoodii ka yaraa. Kibirkoodii ayaa isu beddelay xaasidnimo iyo nacayb oo wuxuu ku hoggaamiyey malooyin gacan-ku-dhiiglennimo.

Yuusuf iyo walaalihiis waxay iyagoo dhan ahaayeen banii-aadan, sida innagoo kale. Ficilladooda ayaa muujinaya in xaaladaha dembiga leh ay ku jiraan niyadaha dadka. Markii dadku ay u ficiltamaan sidii ay doonaan, iyagoon Ilaah hoggaankiisa ku jirin, ayay isu soo jiidaan dhibaato.


LEYLI

Dhammaystir weedhaha soo socda adigoo u isticmaalaya hal ama dhowr eray mid kastaba.

1. Itaaldarrada banii-aadannimo ee Yuusuf muujiyey waxay ahayd  .
2. Itaaldarradii banii-aadannimo ee Yuusuf walaalihiis muujiyeenna waxay ahayd  .
3. Itaaldarrada dadka oo dhan waxay ka timaaddaa xaaladaha  .
4. Dhibaatada iyo shiddadu waxay had iyo jeer dadka ku dhacaan markay  .




Qaybta
1   |  2   |  3   |  4   |  5   |  6   |  Imtixaanka


Hosted by WinHost    |    © 2017 Nolosha Cusub - All Rights Reserved

BishaaroWeyn (Facebook)     NoloshaCusub (YouTube)

@somalinewlife (Twitter)     +NoloshaCusub (Google+)