Skip Navigation LinksQoraal > Aqoondirsad > Wixii Aan Ka Maqalnay Nebiyada > Casharka 3aad - Yuusuf

Skip Navigation LinksCasharka 3aad - Yuusuf

Qaybta - 5
1   |  2   |  3   |  4   |  5   |  6   |  Imtixaanka

WALAAL AYAA MUUJINAYA JACAYLKA ILAAH

Yuusuf laba sano buu xabsi ku sii jiray. Waxay inoola muuqan lahayd in dhallinyarannimadiisii iyo kartidiisiiba khasaartay. Laakiin Eebbe wuu ka dhex shaqaynayey noloshiisa sidii Nuux iyo Ibraahim. Wuxuuna qorshaystay in isagoo isticmaalaya Yuusuf uu barakadeeyo dad badan oo kale. Wuxuu qorshaystay in dhacdooyinka nolosha Yuusuf ay caawiso sidii dadka loogu muujin lahaa dabeecadda iyo ulajeeddada Ilaah.

Waxaynu aragnay imminka in Yuusuf, sidii Nuux iyo Ibraahim, ay ku hareersanaayeen natiijooyin dembigu keenay. Naxariisdarrada walaalihiis, sidii loo hoosaysiiyey oo addoon ahaan loogaga iibiyey dal qalaad, duufsashada Shayddaanka, iyo sidii loo masabbiday oo xabsiga loogu tuuray -- waxyaabahaas oo dhan baa Yuusuf geliyey xaalad aan rajo lahayn. Laakiin Eebbe baa daryeelay isaga. Ilaah oo keliya ayaa awood u lahaa inuu samatabbixiyo isaga. Si Yuusuf u helo samatabbixin waa inuu yeesho rumaysad uu Eebbe ku qabo oo uu u hoggaansamo doonista Ilaah. Wuxuu doortay sidii Rabbigu doonayey oo wuxuu ku muujiyey go'aankiisa addeecis.

Mar kale ayaa riyadu waxay muhiimad weyn ku yeelatay noloshii Yuusuf. Markan waxa riyooday waa boqorkii Masar. Wuxuuna boqorku ku riyooday toddobo sac oo quruxsan oo shilshilis oo ka soo baxaya webiga Niil. Dabadeedna toddobo sac oo foolxun oo weydsan baa ka soo baxay webiga oo waxay cuneen toddobadii sacaad ee shilshilisnaa.

Waxaa kaloo uu ku riyooday toddobo sabuul oo wanwanaagsan oo ka soo baxay isku jirid. Waxaa haddana ka soo daba baxay toddobo sabuul oo xunxun. Markaasaa sabuulladii xunxumaa waxay liqeen toddobadii sabuul oo wanaagsanayd.

Boqorku aad buu ugu jaahwareerey riyooyinkaas oo wuu is-illowsiin kari waayey. Wuxuu hubay inay macaani gaar ah leeyihiin. Wuxuu isugu yeerey saaxiriintii iyo la taliyayaashiisii si ay riyooyinka u fasiraan, laakiin cid sidaas samayn karta kuma ayan jirin nimankaas. Ugu dambayntii kii madaxda u ahaa kuwa khamriga siiya boqorka ayaa wuxuu xusuustay Yuusuf. Oo boqorkii baa loo sheegay Yuusuf, wuxuuna amray in la keeno isagoo leh, "Waa khasab inaan ogaado fasirka riyooyinka."

Yuusuf waxaa laga soo bixiyey xabsigii. Wuxuuna boqorka u sharraxay in isagu aanu lahayn awood saaxirnimo. Oo wuxuu yiri, "Anigu ma samayn karo, laakiin Ilaah baa riyada fasirkeeda keenaya".

Markaana Eebbe wuxuu Yuusuf u muujiyey micnaha riyooyinka, Yuusufna boqorkii buu u fasiray riyooyinkiisii. Wuxuuna ku yiri, sida ku qoran Kitaabkii Bilowgii 41:26-32, oo leh:

"Toddobada sac oo wanwanaagsanu waa toddoba sannadood, toddobada sabuul oo wanwanaagsanu waa toddoba sannadood; riyadu waa mid. Toddobada sac oo weydsan oo foosha xun, oo ka soo daba baxay waa toddoba sannadood, oo haddana toddobada sabuul oo maran, oo dabayshii bari qallajisay waxay noqon doonaan toddoba sannadood oo abaar ah. Taasu waa wixii aan kugula hadlay, Fircoonow. Waxa Ilaah samaynayo ayuu ku tusay. Oo bal eeg, waxaa dalka Masar oo dhan imanaya toddoba sannadood oo barwaaqo ah, oo dabadoodna waxaa dhici doona toddoba sannadood oo abaar ah; oo barwaaqadii oo dhanna waa laga illoobi doonaa dalka Masar, markaasay abaartu dhulka dhammayn doontaa, barwaaqadana dhulka laguma ogaan doono abaartaas ka dambaysa aawadeed, waayo, waxay noqon doontaa mid aad u xun. Oo taas aawadeed riyadii labanlaab bay kuu noqotay, Fircoonow, maxaa yeelay, waxaas waxaa amray Ilaah, oo weliba Ilaah dhowaan buu samayn doonaa"

Eebbe ma siin oo keliya Yuusuf awoodda ah fasiraadda riyooyinka, laakiin waxaa kaloo uu siiyey xigmad uu kula taliyo boqorka. Wuxuu boqorkii ku yiri, sida ku qoran Bilowgii 41:33-36, oo leh:

"Haddaba Fircoonow, waxaad doontaa nin caqli iyo xigmad leh, oo ka sarraysii dalka Masar oo dhan. Tan yeel oo waxaad doorataa niman dalka u sarreeya, oo waxa toddobada sannadood oo barwaaqada ah dhulka ka baxa inta shanaad ha ururiyeen. Oo cuntada oo dhan sannadahan wanwanaagsan oo imanaya ha ururiyeen, haruurkana ha kugu hoos kaydiyeen, Fircoonow, oo intay cunto ahaan magaalooyinka u dhigaan, ha ilaaliyeen. Cuntadana kayd bay dalka uga noqon doontaa toddobada sannadood oo abaarta ah oo ka dhici doonta dalka Masar, si aan dalku abaarta ugu baabi'in."

Boqorku ammuurtaas wuu ku farxay. Wuxuuna arkay in Yuusuf Ilaah hoggaaminayo. Markaasuu ku yiri, "Xigmaddaadu waxay ka timaaddaa Ilaah, markaana ma jiro qof adiga kaa xigmad badan." Markaasuu Yuusuf ka dhigay hoggaamiyaha dhulka oo dhan, si uu uga hoos shaqeeyo isaga, oo loogu diyaargaroobo sannadaha abaarta. Yuusuf wuxuu ahaa addoon daacad ah oo addeecid leh. Marka Ilaah wuxuu isaga siinayaa fursad uu dabeecaddiisa ku caddeeyo markan uu yahay maalqabeenka oo uu awoodna leeyahay.

LEYLI


8. Waxaad akhrisaa weedhaha soo socda. Haddii weedhu RUN tahay waxaad goobaabin gelisaa xarafka ka horeeya weedhaas. Haddii ay BEEN tahayna ku qor iyadoo sax ah waraaq gaar ah.

b) Yuusuf waa lagu qasbay inuu ku khasaariyo sannado badan xabsiga.
t) Dhacdooyinkii Yuusuf Ilaah baa u isticmaalay faa'iido shakhsi ahaaneed oo keliya.
j) Yuusuf wuxuu awooday inuu riyooyinka fasiro maxaa yeelay wuxuu ahaa mid xigmad leh.
x) Yuusuf noloshiisii waxay muujisay danta Eebbe ka lahaa dadka.
kh) Noloshii Yuusuf waxay inoo muujisay awoodda Ilaah taasoo innaga samatabbixinaysa dembiga.



Qaybta
1   |  2   |  3   |  4   |  5   |  6   |  Imtixaanka


Hosted by WinHost    |    © 2017 Nolosha Cusub - All Rights Reserved

BishaaroWeyn (Facebook)     NoloshaCusub (YouTube)

@somalinewlife (Twitter)     +NoloshaCusub (Google+)