Skip Navigation LinksQoraal > Aqoondirsad > Wixii Aan Ka Maqalnay Nebiyada > Casharka 5aad - Daa'uud

Skip Navigation LinksCasharka 5aad - Daa'uud

Qaybta
1   |  2   |  3   |  4   |  5   |  Imtixaanka

Boqor Daa'uud oo Ilaah baryaya ayaa yiri sida ku qoran Kitaabka Sabuurrada, Sabuurka 51, aayadda 14, oo leh: "Ilaahow, Ilaaha badbaadadaydow, dhiiggelidda iga samatabbixi." Wuxuuna yiri isagoo Eebbe mar kale baryaya, "Ilaahow eedda dhiiggelidda iga samatabbixi!"

Ma boqor baa qiranayey dil uu sameeyey? Waa Daa'uud oo haatan eeddiisii dadka oo dhan maqashiinaya. Xitaa wuu qoray; eeddiisu weligeed way qoran tahay.

Miyaanay dadku daboolin falalkooda sharka leh, oo ayan ka cararin dacwadaha dilka ah? Miyaanayse ka cudurdaaran, oo aysan ku adkaysan inayan eedaysaneyaal ahayn inkastoo ay wax soo dilaan? Haah, sidaasi waa caadadooda. Xaqiiqdii waa caadada boqorka inuu qariyo itaaldarradiisa si uu xukunka dadka u sii haysto. Laakiin Daa'uud aad buu uga duwanaa badanaa boqorrada kale. Wuxuu ahaa nin "qalbigiisu Ilaah u hoggaansanaa," taas waxaa loola jeedaa inuu ahaa nin leh dabeecad Eebbe ka farxisa. Wuxuu garanayey in dembiga aanu ka qarsoonayn Ilaah, oo uu calool xumeeyo Rabbigiisa.

Daa'uud dabeecaddiisu waxay Ilaah u raalligelisay siyaabahan:

  • Wuxuu ahaa mid ku dhiirran falalkiisa, laakiin dabeecaddiisu hoosayso.
  • Wuxuu aqoonsaday oo qirtay dembigiisa.
  • Ma uu qiran eeddiisii oo keliya, laakiinse wuxuu la yimid toobadkeen dhab ah oo qoto dheer.
  • Ma uu weyddiisan Eebbe inuu cafiyo oo keliya, laakiinse wuxuu rumaystay in Ilaah maqlay baryootankiisa.
  • Wuu ka mahadceliyey oo ammaanay Ilaah, Rabbiga Caalamka iyo Kan garanaya waxa qarsoon iyo dhammaan waxa jira.
  • Wuxuu wehel la sii ahaa oo ku dhowaa Rabbigiisa.

Bal aynu imminka Daa'uud ka baranno sidaan innagu, xitaa, tallaabooyinkaas u raaci lahayn, oo Eebbe ku raalligelin lahayn. Dabadeedna aynu u oran karnaa isla sidii Daa'uudba u yiri oo ay ku qoran tahay Sabuurka 62:1 oo leh:

"Naftaydu waxay sugtaa Ilaah oo keliya,
Oo badbaadadayduna waxay ka timaaddaa xaggiisa."

Casharkan waxaad ka baran doontaa...

  • Eebbe oo lagu dembaabaa waxay keentaa kala-fogaan.
  • Ilaah oo loo toobadkeeno waxay keentaa heshiis.
  • Wehelnimada Ilaah lala yeeshaa waxay keentaa farxad.

Casharkani wuxuu kaa caawinayaa inaad...

  • Garato sida dadku mas'uul uga yihiin dembiga.
  • Qeexdo macnaha erayada qirasho iyo toobadkeen.
  • Sharraxaad ka bixiso sida loo helo cafiska Eebbe.
  • Dareento wehelnimada Ilaah.

EEBBE OO LAGU DEMBAABAA WAXAY KEENTAA KALA-FOGAAN

DSi aynu u fahanno dhacdooyinkii Daa'uud iyo Sabuurrada wanaagsan ee uu qoray, waxaynu u baahan nahay inaynu dib uga fekerno wixii dhacay maalmihii uu yaraa ee arijirka ahaa. Bacdamaa uu ahaa kan ugu yar siddeed wiil, aabbihiis baa isaga u dhiibay shaqooyin kuwa ugu liita. Markii walaalihiis ku biireen ciidammada, isagu wuxuu la joogay idaha. Wuxuuna ka dhex shaqayn jiray aabbihiis iyo walaalihiis. Waxaynu ka og nahay qisadiisa inuu ahaa mid aammin ah, addeecid leh, oo ka adag hawshiisa. Waxaa kaloo taas u dheeraa inuu hibo u lahaa curinta gabayada iyo garaacidda muusikada. Wuxuu tumi jiray kataaradda oo qasiidadana waa uu qori jiray. Welibana qoyskiisa wuxuu ka ahaa wiil caadi ah. Booska uu cidda kaga jiray wuxuu la mid ahaa midka wiil kastoo ugu yar cid reer baaddiye ah.

Sidaas daraadeed, way ka yaabisay qoyskiisa iyo deriskiisa markii Eebbe Daa'uud u doortay inuu dadkiisa hoggaamiyo, waa faracii Ibraahim, Isxaaq, iyo Yacquub e. Ilaahna wuxuu addoonkiisii Samuu'eel kaasoo loo diray inuu boqro ama subko boqor cusub ku yiri: "Daa'uud weeye kan aan doonayo. Madaxiisa ku shub saliid taasoo calaamad u ah in Ilaah isaga u doortay inuu noqdo boqor".

Waxaan garan karnaa waxa dadku u yaabeen. Sidee baa arijire dhallinyaro ah u noqon karaa boqor? Sidee buuse u xukumi karaa dadka hoggaamiyayaashoodii hore ahaayeen rag waaweyn sida Ibraahim, Yuusuf, iyo Muuse? Waxaynu ku aragnay casharradeennii hore in Ilaah ka feejignaa si uu dadkiisa u ilaaliyo una difaaco. Wuxuu doortay in rag magac leh ay noqdaan nebiyadiisa oo wuxuu iyaga siiyey hawlo khaas ah. Isagoo isticmaalaya iyaga ayuu is-muujiyey, oo muujiyey Jacaylkiisa, Awooddiisa, iyo Xigmaddiisa.

Waxaan aragnay in Eebbe doortay Nuux si uu u badbaadiyo noolaha dhulka korkiisa ku noolaa wakhtigii daadka. Ilaah wuxuu Ibraahim ka soo waday dhulkii sanam-caabudka oo wuxuuna u ballanqaaday in faraciisa uu ka dhigo quruun weyn. Ilaah wuxuu abaartii ka badbaadiyey dadkiisa markuu Yuusuf u diray inuu taliye ka noqdo Masar. Dabadeedna Eebbe wuxuu u yeeray Muuse si uu dadkiisii uga soo wado addoonsiga oo uu u siiyo iyaga muujintiisii oo qoran.

Imminka waxaynu soo gaarnay wakhti ay dadkii Ilaah noqdeen quruun weyn. Ilaah wuxuu barakadeeyey durriyaddii Ibraahim, Isxaaq, iyo Yacquub, oo wiilashii Yacquubna waxay noqdeen madaxda qabiillo waaweyn. Magaca Rabbiga aawadiis bay dagaallo jihaad ah kala hor yimaadeen quruumihii ku xeernaa ee sanamyada caabudayey oo Ilaah ku majaajilloon jirey. Mar kale waxaa soo baxay baahi loo qabay in la helo hoggaamiye xoog badan oo xigmad leh. Taasina waa sababtii ka yaabisay dadka markii Eebbe doortay in wiil arijire ahi uu boqor noqdo. Laakiin wax yar kaddib waxay garteen sababta. Waxaanay arkeen in Daa'uud ahaa qof ku kalsoon oo jecel Ilaah, oo Ilaahna wuxuu isaga ka buuxiyey xoog iyo xigmad. Haayoo, waqti yar kaddib arijirkan wuxuu noqday askari ku caan baxay geesinnimo iyo dagaalyahannimo oo dalka oo dhan laga yaqaan.

Inkastoo loo doortay ama loo subkay boqor, Daa'uud waxay ahayd inuu la joogo ciddooda ilaa Eebbe isaga u diyaariyo inuu qaato carshigiisa. Wuxuu sii watay arijirnimadiisii iyo inuu wargeeye u ahaado aabbihiis. Maalin baa aabbihiis wuxuu cunno ugu dhiibay walaalihiis oo ku jiray ciidammada. Markii uu yimid goobtii dagaalkana wuxuu arkay inaanu dagaal socon. Balse, askartii labada qolo ee dagaalamayey way iska soo horjeedeen iyadoo ay u dhexayso dooxo. Cadowga hortiisa waxaa taagnaa askari dheer oo aad u weyn, oo jeesjeesaya kuna qaylinaya in lala baratamo.

Wuxuu ninkaasu lahaa: "Ii soo baxa oo soo dirsada nin ila dagaallama aniga." Wuxuu dherer ahaan gaarayey saddex mitir, wuxuuna gashanaa dhar naxaas ah oo ku gadaaman, wuxuuna gacanta ku haystay waran weyn. Aflaggaaddooyin buu ku hadlayey, isagoo Eebbe cayayaa. Askartii reer banii-Israa'iil oo dhanna way khalkhaleen cabsi aawadeed.

Daa'uud baa weyddiiyey iyagii oo wuxuu yiri: "Bal yuu yahay ninkan aan Ilaah aqooni, oo sidan ugu xadgudbaya ciidammada Rabbiga? Aniga ayaa u tegaya oo la dagaallamaya".

Qof kasta waxay la noqotay in Daa'uud aad uga dhallinyaraa, inuu la dagaallamo ninkan xoogga weyn. Laakiin wuxuu ku sii adkaystay in Eebbe siin doono xoog, oo wuxuu yiri sida ku qoran Kitaabka kowaad ee Samuu'eel 17:34-35, 37 oo leh:

"Waxaan hayn jiray idaha aabbahay, oo haddii libaax ama orso yimaado, oo idaha nayl yar ka qaato, waan ka daba ordi jiray, oo intaan wax ku dhufto ayaan afkiisa ka soo bixin jiray; oo hadduu igu soo boodana intaan garka ku dhego ayaan dili jiray. Rabbiga iga samatabbixiyey ciddiyihii libaaxa iyo ciddiyihii orsada ayaa haddana iga samatabbixin doona gacanta midkan reer Falastiin."

Waxaanu lahaa, "Haddaba waan og ahay in Ilaah haddana i siinayo xoog aan ninkan xoogga weyn kaga adkaado." Dabadeedna wuu baxay si uu ula kulmo ninkii weynaa isagoo sita waraf iyo dhagxaan keliya.

Markii uu u soo dhowaaday baa Daa'uud kii reer Falastiin ku yiri sida ku qoran Samuu'eel Kowaad 17:45, 46 oo leh:

"Adigu waxaad ii soo qaadatay seef iyo waran iyo hooto; aniguse waxaan kuula imid magaca Rabbiga ciidammada, kaasoo ah Ilaaha ciidammada reer banii-Israa'iil ee aad caraysay. Maanta Rabbigu gacantayduu ii soo kaa gelin doonaa; waanan ku dili doonaa, oo madaxaanan kaa gooyn doonaa." Wuxuuna lahaa, "Dagaalkana waxaa iska leh Rabbiga!"

Markii uu sidaas yirina warafkii buu dhagax ka tuuray, ninkii xoog weynaha ahaana dhulkuu ku dhacay. Cadowgiina way kala firxadeen iyagoo baqdin weynu hayso, waayo waxay garanayeen in Daa'uud ku dagaalayey xoogga Ilaaha keliya ee runta ah.


LEYLI

1. Daa'uud waxaa loo doortay inuu boqor noqdo waayo wuxuu lahaa dabeecado Eebbe ka doonayey kuwa uu hawlaha khaas ahaaneed ugu yeero. Waxaan aragnay in nebi kasta lahaa dabeecadahaas. Innagoo dhammina waxaynu u baahan nahay dabeecadahaas si aynu Ilaah ugu dhowaanno oo u garanno doonista uu ka leeyahay nolosheenna. Waxaad haddaba goobaabin gelisaa xarafaha ka horreeya weedhaha muujinaya dabeecadaha Daa'uud iyo nebiyadii kale lahaayeen.








Qaybta
1   |  2   |  3   |  4   |  5   |  Imtixaanka



BishaaroWeyn (Facebook)     NoloshaCusub (YouTube)

@somalinewlife (Twitter)     +NoloshaCusub (Google+)