Skip Navigation LinksHoyga > Qoraal > Taariikhda Kiniisadda ee Soomaaliya > Jidkii Nabaddoonka

Skip Navigation LinksJidkii Nabaddoonka

Teatime in MogadishuJidkii Nabaddoonka
Qiso-Nololeedkaygii anigoo Ergay Nabadeed ka ah Adduunka Islaamka Dhexdiisa

Axmed Cali Xayle
Sidii uu David W. Shenk ka weriyey

Magaca “Axmed” waxay isku macne yihiin “Maxamed”. Waalidkayga ayaa “Axmed” ii bixiyey iyagoo nebiga Islaamka ku tixgelinaya. Axmed wuxuu kaloo la micne yahay qof sharaf u qalma. Ku dhowaad 50 sanno ka hor ayaa Ilaahay i sharfay Isagoo iigu yeedhaya inaan ergo uga noqdo nabadda Masiixa dadka Muslimiinta dhexdooda, gaar ahaan wuxuu ii xilsaaray dadka Soomaaliyeed.

“1991-kii ayaa Axmed Cali Xayle dib ugu laabtay qaskii waddankiisii Soomaaliya ka jirey, isagoo ujeeddadiisa dhabta ahi ahayd inuu isku dayo inuu qabiilladii dagaalku ka dhex jirey wada fadhiisiyo si ay iyagu u wada raadiyaan siyaalo cusub oo ay ku wada nabdi karaan—badanaa iyagoo isla shaahaya. Madfacii uu isaga ku soo tuuray mid aan arrintan raalli ka ahayn ayuu lugihiisii mid ku waayey, oo xataa mar buu tan aawadeed dhimasho ku dhowaadey. Tani waxay markii dambe keentay in sharaftiisii oday nabadeednimo ay sii korodho. Hadduu isagu caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho joogo, ama uu Soomaalida ku nool Kiinya, Yurub, iyo Maraykanka dhex joogo, Xayle mar kastaba wuxuu ergey aad daalin u ahaa nabadda Masiixa. Qiso nololeedkan xiisaha badan ee ku saabsan u-yeedhiddiisii iyo isbeddelkiisii ayuu Axmed inoogu sheegayaa waxa uu yahay macnaha socdaalkiisii nolosha ee adduunka Islaamka dhexdiisa.”

Tusmada Buugga

     Arar                        J. Dudley Woodberry

     Hordhac                 David W. Shenk

1. Dhaxalkaygii Soomaalinimo iyo Muslinnimo Buulo Burte (1953-68)

2. Islaamka ilaa iyo Injiilka Isbitaalkii iyo Dugsigii Sare ee 15-ka May (1968-72)

3. Masiixa mise Taajirnimo Nayroobi (1973-74)

4. Ka Daba-orodkii Waxbarashada Mac-hadka Ameerikaanka (1974-82)

5. Ka Dhex Adeegiddii Bulshada Muslinka Soomaaliya (1982-87)

6. U Halgankii ka Tirsanaanta Bulshada Bulshada Islaamka ah (1988)

7. Nabaddoon Dhaawacan Kaqaybgalkii Xallinta Khilaafka Soomaaliya (1989-92)

8. Aasaaskii Nabadaynta Ballaadhintii Fikirka (1992-94)

9. Rajo Khilaafka Dhexdiisa Kaniisaddii Soomaalida iyo Jaamacaddii Daystar (1994-2009)

10. Masiixu waa Udubdhexaadkayga Ka Fekerka Aakhiradayda (2009-2010)

      Gabaggabo - Socdaalkayagii Nolosha           Martha Jean Wilson Haile

      Waynu Is Arki Doonaa!

      War ku Saabsan Qoraaga iyo Tifatiraha

 

Waxaa Buuggan loo hibeeyey

Xaaskayga— Martha Jean Wilson

Tan oo ahayd jaalkayga jacaylka iyo daacadnimadu ka buuxaan, tan oo igu dhiirrigelisey Jidka Masiixa, iyadoo ila talinaysa, oo shaqadaydiina ka qaybqaadanaysa, iyadoo ay weliba intaas oo dhan u sii dheer tahay inay tahay hooyo carruurteeda aad u jecel.

Carruurtayada— Afraxyare, Safiya, iyo Geeddi,

Kuwan oo aad iiga farxiya, oo abtirsiinyo dheer ku leh Bariga Africa iyo Waqooyiga Ameerika, kuwan oo iyaguna hawl badani kaga baxday shaqadaydii dib-u-heshiisiinta ahayd.

Waalidiinteydii— Cali Xayle Afrax iyo Xirsiya Shiiraar

Kuwan oo i soo koriyey oo aad ii jeclaa, oo naftayda ku abuuray inaan aad u raadiyo inaan Ilaahay ogaado oo si daacad ah isaga ugu adeego.

 

Imminka, qiso-nololeedkan waa daabacay, waxaadna laga heli kartaa Multi-Language Media.

Taxanaha “Masixiyiinta oo la kulmaya Muslimiinta” oo lagu daabacay Herald Press wuxuu ka hadlayaa mawduucyada muhiimka ah ee kulanka Masiixiyiinta iyo Muslimiinta, kuwaas oo ah: wada hadalka, markhaatifurka, martigelinta, iyo nabadaynta. Cinwaanada taxanahan ka tirsan waa: A Muslim and Christian in Dialogue oo ay qoreen Badru D. Katerrega iyo David W. Shenk; Journeys of the Muslim Nation and the Christian Church: Exploring the Mission of the Two Communities oo uu qoray David W. Shenk; iyo Teatime in Mogadishu: My Journey as a Peace Ambassador in the World of Islam oo uu qoray Axmed Cali Xayle.





Hosted by WinHost    |    © 2017 Nolosha Cusub - All Rights Reserved

BishaaroWeyn (Facebook)     NoloshaCusub (YouTube)

@somalinewlife (Twitter)     +NoloshaCusub (Google+)