Skip Navigation LinksHoyga > Qoraal > Taariikhda Kiniisadda ee Soomaaliya > Shahiid Liibaan Ibraahim Xasan

Skip Navigation LinksShahiid Liibaan Ibraahim Xasan


12 December 1968—21 March 1994

21 Maarso 1994 ayaa xafiiska Codka Nolosha Cusub, waxa soo gaadhay warka sheegaya in Liibaan Ibraahim Xasan lagu dhex toogtay kuna dhintay magaalada Muqdisho. Xidhiidh badan oo uu la lahaa CNC kaddib, ugu dambayntii mid ka mid ah shaqaalaha idaacadda CNC ayaa Liibaan shakhsi ahaan ula kulmay kaddib markii booqasho uu ku tegay Muqdisho.  Runtii way adag tahay taariikhda shahiidkan in lagu soo koobo qoraal yar, hase ahaatee xidhiidhkiisii u horreeyay ee uu la yeeshay CNC, waxay ahayd markii uu waraaq u soo qoray xafiiska 17 Febraayo 1990. Waxa uu sheegay inuu la kulmay nin saaxiibkiis ah oo annaga naga helay kitaabka Axdiga Cusub [oo af-Soomaaliga ku turjumay], kaddibna wuxuu sidoo kale naga codsaday inaan isagana usoo dirno kitaab Axdiga Cusub ah, farriintiisana wuxuu ku soo xidhay: “Fadlan ogsoonaada haddii aad ii soo dirtaan kitaabkan, waxay noqon doontaa hadiyadda ugu weyn ee qof la guddoonsiiyo”.

Dhowr bilood kaddib ayaa Liibaan waxa uu mar kale CNC u soo diray farriintiisii labaad oo ahayd mid uu iyaga ugaga mahadcelinayo kitaabka Axdiga Cusub ee ku qoran af-Soomaaliga ee ay u soo direen, waxaanu yidhi: “Tani waa hadiyaddii ugu qaalisanayd een weligay helo.” Waxa kaloo uu aayado ka soo xigtay waxbarista  Sayid Ciise Masiix la magacaabay “Kuwa Barakaysan” ee ku sugan Injiilka sida Matayos u qoray  5. Waxaanu intaas raaciyay, in shaqaalaha CNC ay yihiin kuwo la barakadeeyay, waayo waxay isaga u muujiyeen naxariis.

Muddadaas laga bilaabo iyo ilaa dhammaadkii 1990, Liibaan iyo CNC waxay ahaayeen kuwo is waydaarsada waraaqo, sidoo kalena waxa uu dhammaystay koorsooyinka aqoondirsadka “Ilaah Keliya iyo Jid Keliya” ee uu bixiyo xafiiska CNC. Waraaqahani waxay haddaba tusinayeen, inuu Liibaan ahaa Masiixi isla markaasna aqoon u lahaa Qoraallada Quduuska ah. Mid ka mid ah waraaqihiisa, waxa ku qornaa su’aalo ay ka mid ahaayeen waxa ay Masiixiyaddu ka qabto baayacmushtarka, dhaxalka iyo guurka.

Waraaq ama farriin kalena waxa uu ku yidhi sidan: “Marka qof uu doonayo inuu rumaysto diin, waa inuu aqoon u lahaado si uu uga jawaab celiyo haddii la weydiiyo wax su’aalo ah oo ku saabsan diintiisa. Ha la yaabina haddii aan idhaahdo, ‘Ciise waa badbaadiyahayga’…ma aha khasab qofka ku dhashay waddan laga aamminsan yahay Masiixiyadda oo keli ahi inuu yahay Masiixiga runta ah. Masiixugu waxa weeye qof Ilaah uu doortay… run ahaantiina anigu waxaan helay rumaysad, hibo iyo farxad…ha la yaabin qof Soomaaliya ku dhex nooli inuu yahay mid rumaysan Ciise, maxaa yeelay qofka Muslimka ahi kuma dhaco, inuu yidhaahdo waxaan ku kalsoonahay Ciise. Run ahaantii Injiilku wuxuu ii iftiimayay jidka cusub ee rumaysadka  oo ka wanaagsan wax kasta xitaa haddii aanay dadka kale fahamsanayn. Runtii waxaan u qabaa oon xad-dhaaf ah…fadlan iisoo dira kitaab aan ka barto tukashada.

Warqaddii ugu dambaysay ee CNC ay ka helaan Liibaan, waxay ahayd  Disembar 1990, oo ahayd ka hor intii aanay xaruntii boostadu ku baabi’in dagaalkii sokeeye, waxaanu farriintiisa ku soo qoray codsigan: “Waxa jira dad badan oon daacad ahayn isla markaasna iska dhiga kuwo raba inay bartaan Injiilka, si aanan markaas ugu wareerin dadkaas, fadlan kiniisadda Ilaah u soo qora waraaq talabbixin ah; waayo waa meesha keliya een aqoontayda ku korodhsan karo.

Jawaaba-celintii CNC markaas waxay noqotay midaan weligeed gaadhin Liibaan, maxaa yeelay Muqdisho waxa ka dillaacay dagaallo culus bishii Janaayo 1991. Si kastaba ha ahaatee, nimcada Ilaah daraaddeed, waxa dib u soo laabtay xidhiidhkii oo soo marayay mid ka mid ahaa cusbitaallada. Shaqaalaha cusbitaalka mid ka mid ahaa ayaa wuxuu arkay in Liibaan dabeecaddiisu  ahayd mid ka gedisan dabeecadda shaqaalaha kale ee cusbitaalka. Sidoo kalena Liibaan qofkaas wuxuu u sheegay, inuu ka mid yahay dhegaystayaasha idaacadda Codka Nolosha Cusub. Haddaba, qofkan oo keli ahi muu ahayn ka xidhiidhiya xafiiska CNC iyo Liibaan, laakiin waxa la baray Soomaali kale oo Masiixiyiin ah oo wada cibaadaysan jiray dagaalku intaanu dhicin ka hor.

Intaas kaddib, sannad iyo badhkii xigay,  shaqaalaha CNC waxay awoodeen inay xidhiidh dhow la yeeshaan Liibaan, waxaanu soo diray waraaqo uu saaxiibadiis ugu dalbayo Kitaabbo iyo koorsooyin aqoondirsiya oo dheeraad ah. Haddaba, CNC Liibaan weligood kamay dalbanin inuu shaqadan qabto oo faafiyo Injiilka, sidoo kale isna weligiis muu codsanin shaqada uu hayo in mushahar lagu siiyo. Laga bilaabo 1992-1994, in ka badan 80%  xidhiidhada dhegaystayaasha CNC ee magaalada Muqdisho, waxay ahaayeen kuwo soo mara Liibaan.

Liibaan waxa uu go’aansaday in la baabtiiso, sidaasi darteedna wuxuu u soo socdaalay Itoobiya si halkaasi loogu baabtiiso, kaddibna wuxuu Muqdisho ku laabtay badhtamihii sanadkii 1992-kii. Liibaan wuxuu sidoo kale kororka rumaysadkiisa uga sheekeeyay mid ka mida shaqaalaha CNC kaddib markii ay kulmeen 1993-kii.

Sanadkii 1982, ayaa Liibaan waxa uu akhriyay buugga uu qoray Sigmund Freud ee lagu magacaabo “Dreams” iyadoo arrintaasina ku yeelatay saamayn wayn oo ku sababtay hurdo la’aan. Waxa la isku dayay in dhibkaas laga daaweeyo iyadoo loo keenay sheekhyo oo Quraanna lagu akhriyay, laakiin waxyaalahaas oo dhammi waa ay daaweyn waayeen. Intaas kaddib, nin Masiixiya oo ajnebi ah ayaa wuxuu isaga siiyay Axdiga Cusub oo ku qoran Ingiriisi, sidoo kalena wuxuu u sheegay inuu akhriyo Warqadda kowaad ee uu qoray rasuul Yooxanaa. Waxa kaloo jirtay intaas ka hor badhtamihii 1980-kii, inuu Liibaan Kitaabka Quduuska ah ku akhriyay luqadaha Talyaaniga iyo Ingiriisida. Waxa kale oo luqadda Talyaaniga uu ku akhriyay buugga ku saabsana waraaqihii rasuul Bawlos… isaga oo Ilaahna u tukaday oo waydiistay inuu tusiyo jidka toosan ee saxda ah.

Waxa kaloo jirtay xitaa wakhtigan ka hor, inuu Liibaan dhegaystay Codka Nolosha Cusub iyo idaacado kale oo ku baaha luqada Ingiriisida. Wacdiyayaasha idaacadaha kuwii uu ugu jeclaana waxa ka mid ahaa  Ravi Zacharias, oo asal ahaan ka soo jeeday Hindiya. Liibaan waxa uu raadiyahiisa ku tilmaamay qolkiisa , waxaanu yidhi: “Kaasi wuxuu ahaa macallinkayga”. Waxa uu sheegay inay idaacaddu tahay waxa uu ugu magac daray  “dhaqanka caalamiga ah”.

Sababo badan ayuu Liibaan sheegay inuu ugu qanci waayay diinta Islaamka, waxaanu la yaabay sababta ay waajibka u tahay in Ilaah loogu tukado luqadda Carabiga, oo ah luqad shisheeye. “Maxaynu ugu jeedsannaa Maka marka aan tukanayno?” Waxyaalaha kalee Liibaan aad ka isu waydiiyay waxa ka mid ahaa: “Haddii Ilaah abuuray Aadan iyo Xaawa oo keliya, maxay tahay sababta ragga loogu banneeyay inay guursadaan afar naagood iyadoo sidoo kalena la sheegay inay jannada ku heli doonaan tiro aan aan lasoo koobi karin oo bikrado ah?”  Liibaan waxa ka yaabiyay Quraanka oo uu u arkay inuu haweenka xaqooda meel kaga dhacayo.

Waxa kale ka mid ahaa su’aalihii uu is waydiiyay:  “Sanadkii 1984 iyo 1985, waxaan is weyddiinayay Baybalka iyo Quraanka, kee baa ah waxyiga Ilaah ee runta ah?

Ugu dambayntiina, sanadkii 1985, Liibaan waxa uu garawsaday in Baybalka oo keli ahi yahay runta, waxaanu go’aansaday waxa ugu horreeya ee waajibka ay tahay xerta Masiixa inuu qabto inay tahay is-hoosaysiinta. Liibaan saaxiibbadiis is beddelka noloshiisa ku yimid waxay ogaadeen, sanadkii 1986 isaga oo bilaabay inuu iyaga la wadaago rumaysadkiisa cusub. Ugu dambayntiina, waxay ahayd 1990 markii Codka Nolosha Cusub uu farriin usoo qoray, isaga oo ka codsanaya Baybal ku qoran afka-Soomaaliga.
 
Liibaan wuxuu ahaa qof aqoon u leh Masiixiyadda oo sidoo kalena ku camal fali jiray. Wuxuu ahaa qof iimaankiisu buuxo oo si qoto dheer wax ugu fiirsada oon si fudud ugu qancin jawaabaha macno darrada ah. Sidoo kale Liibaan waxa uu ku camal fali jiray waxa Kitaabka farayo isaga oo dadka ku hareeraysan u muujin jiray jacayl iyo naxariis.

Dagaalkii sokeeye wuxuu isaga u suurto geliyay fursad badan oo dadka uu ugu markhaati-furay. Markii uu ka shaqaynayay dhakhtarka, dhakhaatiirtii reer galbeedka ahaa ee bilaa diinta ahaa, waxay ka yaabeen qaab fikirkiisa oo gebi ahaanba ka duwanaa shaqaalaha kale. Dadka xanuunsanaya uuguma kala eexan jirin qabiilkooda amaba waxyaalaha la mid ah, laakiinse wuxuu u muujin jiray naxariis dadka oo dhan, kalkaaliyanimadiisa caafimaadna may u ahayn shaqo oo keliya. Tusaale ahaan waxa jirtay mar ay nin sheekh ah oo si xun u dhaawacmay wada qaateen dood ku saabsan xagga diimaha. Intaas kaddibna, Liibaan waxa uu ugu deeqay ninkaas dhiig, markii uu bogsadayna wuxuu kula taliyay inuu dhegaysta idaacadda Codka Nolosha Cusub. Ugu dambayntiina CNC waxay waraaq ka heleen ninkaas sheekha ahaa oo codsaday in loo soo diro Kitaabbo iyo koorsooyin aqoondirsad ah.

Subaxnimadii 21 March 1994-kii, Liibaan waxa jidka loo maro xafiiskiisa  u fadhiistay labo nin. Markii 7:30 subaxnimo uu u soo baxay inuu shaqo tago, waxa ay ka toogteen meel dhow isagoo isla markiibana daqiiqado kaddib dhintay. Waxaana la sheegay in aasitaankiisii ay kasoo qayb galeen dad ay tiradoodu yar tahay. Haddaba, CNC waxa soo gaadhay waraaqo badan oo ay soo qoreen dad dhegaystayaasha idaacadda ahi, waxaanay sheegeen in Liibaan noloshiisu ay iyaga ku lahayd saamayn aad u ballaadhan.

Haddaba, aragtida wiil Liibaan oo kale ah isla markaasna leh hadiyad iyo rumaysad, waxa ay tahay mid ay ka murugoodeen dhammaanba dadka Masiixiyiinta ah ee dunida ku nooli. Tacsiyaddayada aannu shahiidkaas ugu raaxaynaynaa waxay tahay  qalbiqabowjinjta midda ku qoran Muujintii Ciise Masiix ee Yooxanaa loo Muujiyey 14:12-13.




BishaaroWeyn (Facebook)     NoloshaCusub (YouTube)

@somalinewlife (Twitter)     +NoloshaCusub (Google+)