Nolosha Cusub
Skip Navigation Links
Skip Navigation LinksHoyga > Qoraal > Suugaan > Guullow Ilaahow Qof kale u dir Boggan iimayl ugu dir saaxiib  


GUULLOW ILAAHOW

Guullow Ilaahow,
Adigaa noo gargaara.
Guullow Ilaahow,
Adigaa noo gargaara.

1. Galab iyo subaxba,
Adigaa noo gargaara,
Gelin horiyo gelin dambeba,
Adigaa noo gargaara.
Guullow Ilaahow ......

2. Gigta waaberigaan,
Gurigaaga gallaa.
Gacmahoo fidsan baan,
Ku soo hoos goglaynaa.
Guullow Ilaahow ...

3. Gabbalkoo dhacay baan,
Ku garwaaqsanaynaa.
Girgire foox ka buuxaan,
Kuula soo gelaynaa.
Guullow Ilaahow ...

4. Gabay iyo madiix baan,
Kuula soo gurmannaa.
Gacantoo fidsan baan,
Kugu magangelaynaa.






"Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa,
Waayo, Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo,
Haddaba bal binu-aadmigu muxuu igu samayn karaa?
"

Sabuurka 56:4