Skip Navigation LinksHoyga > Qoraal > Qoraal Gaaban > Saddex-Midnimada Ilaahay

Skip Navigation LinksSaddex-Midnimada Ilaahay

ILAAHAY kula Kulan KITAABKA QUDUUSKA AH [Baybalka] Dhexdiisa
- Saddex-Midnimada Ilaahay Ee Quduuska Ah
- Sidee Ayaynu Si Qumman Ilaahay Ugu Caabudi Karnaa?

1. Aasaaska Aqoonta Ilaahay ee Qorniinka Dhexdiisa

“29Ilaah ma Ilaaha Yuhuudda oo keliya baa? Miyuusan ahayn kan quruumaha kalena? Haah, waa yahay kan quruumaha kalena,30hadday tahay in Ilaah mid keliya yahay (waayo waxaa jira Ilaah mid keliya ah).” (Rooma 3:29-30)
“19Waad rumaysan tahay in Ilaah yahay mid keliya. Taas waad ku wanaagsan tahay.” (Yacquub 2:19)
Intaanad wax falin ka fiirso!” (Maahmaah Soomaaliyeed)

Ka hor inta aanu qof dhisme dhisin, haddii uu kaasi doonayo inuu dhismahaasi waaro ama in badan taagnaado, waa inay aasaas fiican u dhigaan. Ka hor intaanan guri Soomaali la dhisin waa in marka hore udub-dhexaadka loo taagaa, ama udubyada aqalkaas kor u haya. Haddii aadan gurigaaga ama aqalkaaga sidan ku bilaabin kaas waxaa dumin doona dabaysha ugu yar ama riixitaanka ugu yar! Isla sidaas oo kale, haddii aynu dooneyno inaynu Ilaahay kula kulanno sida uu Isaga keen muujiyo Kitaabka Quduuska Ah (Baybalka), markaa waa inaynu ku billownaa aasaaska.
Qodobbada aasaaska ah ee ah sida aynu qorniinka u fahmeynaa waa: 1) waa inaynu eegno waxbaridda qorniinka oo dhan, 2) waa inaynu u oggolaanaa inuu qorniinkii berigii hore la muujiyey fasiro qorniinkii markii dambe la muujiyey, oo 3) waa inaynu doonaa inaynu fahanno macnahiisa tooska ah ama iska muuqda ee ah sidii kuwii kan helay loogu muujiyey.

Dhagaxa aasaaska ah iyo udub-dhexaadka waxbaridda Baybalka ee Ilaahay ku saabsani waa inuu Ilaahay mid yahay; ma jiro Ilaah kale oo run ahi; in kasta oo ay banii-aadanku isku dayeen inay ilaahyo ka abuuraan iyaga u ekaantooda kuwan oo ku salaysan iyaga doonisahooda iyo rabitaanadooda, oo badanaa “ilaahyadan yaryar oo beenta ah” ayay ku dhex qaseen ama ku dhex dareen Ilaaha keliya ee runta ah, oo kuwan ayay caabudeen intii ay ka caabudi lahaayeen Ilaaha runta ah ee ay tahay in la caabudo. Weli waxaa jira hal Ilaah oo run ah, kaas ah abuuraha, badbaadiyaha, iyo nooleeyaha, kaas ah Ilaahay oo keliya.

Axdigii Hore ee Baybalka, si cad ayaa loogu baray inuu Ilaahay weligiis yahay, oo uu yahay Ilaah abadiyan ah oo ah Ilaah mid ah; iyo in ay caabudaad oo dhammi isaga u sugnaatay.

Kitaabka labaad ee Tawreedda, kaas oo loogu yeedho Baxniintii, Ilaahay wuxuu Muuse isaga dhex muujiyey geed ololaya oo wuxuu isaga dib ugu diray dadkiisii, inuu iyaga ka soo saaro addoonsigii Masar. Markii uu ka shakiyey yeedhitaankan oo uu Ilaahay weydiiyey sidii uu dadkiisa ugu sheegi lahaa ka uu yahay ka isaga soo diray, Ilaahay sidan ayuu isaga ugu jawaabey:
“14Markaasaa Ilaah wuxuu Muuse ku yidhi, ANIGU WAXAAN AHAY KAAN AHAY; oo weliba wuxuu ku yidhi, Waxaad ku odhan doontaa reer binu Israa'iil, WAAN AHAY baa ii soo kiin diray.15Oo Ilaah weliba wuxuu kaloo Muuse ku yidhi, Waxaad ku tidhaahdaa reer binu Israa'iil, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii soo kiin diray;”(Baxniintii 3:14-15)

Ilaahay wuxuu halkan Muuse ugu muujinyaa magaciisa, YAAHWEEH (Anigu Waxaan Ahay Kaan Ahay) kan oo macnihiisu la mid yahay magaca Al-Qayyuum, KA WELIGIIS JIREY oo aan waxba u baahnayn,” .  Mar kale Baxniintii, kaddib markii uu Ilaahay u isticmaalay Muuse inuu dadkii reer binu Israa’iil addoonsigii Masar ka soo saaro, oo uu hadda iyaga axdiga la dhiganayey, amarradan ayuu isagu Muuse ugu dhiibey inuu iyaga u sheego:

“1Markaasaa Rabbigu erayadan oo dhan ku hadlay, isagoo leh, 2Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga. 3Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan. 4Waa inaanad samaysan sanam xardhan, ama wax u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.5Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah” (Baxniintii 20:1-5a)

Kitaabka shanaad ee Tawreedda, oo loogu yeedho Sharciga Kunoqoshadiisa, markii uu Ilaahay amarradiisa Muuse ugu sii dhiibayey dadkii reer binu Israa’iil, isagu wuxuu Muuse u sheegay inuu dadka u sheego erayadan aadka u cadcad:
“4Maqal, Israa'iilow, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa Rabbi keliya.5Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo xooggaaga oo dhan.” (Sharciga Kunoqoshadiisa 6:4-5)

Tan ayaa dhigaysa aasaaska muujinta Ilaahay ee Baybalka ee dadka ku socota oo waxaad arkaysaa in ta ugu horraysa ee ku xigta odhaahda sheegeysa 1) xaqiiqada ah inuu Ilaahay yahay mid oo uusan mid kale jirin, isla markaana 2) banii-aadanka loo sheegay inay isaga oo keliya caabudaan iyaga oo isaga ku jeclaanaya jiritaankooda iyo noloshaada oo dhan.

Labadan rumood ee aadka muhiimka u ah ee wax Ilaahay ku saabsan lagaga dhex baray Axdigii Hore ee Baybalka ayaa sidoo kale si cad loogu baray Injiilka, oo yahay qayb ka mid ah Axdiga Cusub ee Baybalka.

Mar uu mid macallimiintii ah oo sharciga aad u yaqaaney dibindaabyeynayey ama dhibayey Ciise, tani waa qisadii iyaga dhex martay oo lagu qoray Injiilka sida uu Markos u qoray:
“28Kolkaasaa culimmada midkood u yimid, oo markuu maqlay iyagoo wada hadlaya, oo markuu gartay inuu si wanaagsan u jawaabay, ayuu wax weyddiiyey oo ku yidhi, Qaynuunkee baa ka horreeya kuwa kale oo dhan?29Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Kan ugu horreeyaa waxaa weeye, Maqal, Israa'iilow, Rabbiga Ilaaheenna ah waa Rabbi keliya.30Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan.31Ku labaad waa kan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada. Qaynuun kale oo kuwan ka weyn ma jiro.” (Injiilka sida Markos u qoray 12:28-31)

Ciise Masiix, Axdiga Cusub ee Baybalka, si cad ayuu u qirayaa oo u adkaynayaa inuu Ilaahay mid yahay iyo inay tahay inaynu isaga ku caabudno nolosheenna oo dhan! Markaa qirashadan ama xaqiiqadan waxaa laga helaa Baybalka oo dhan dhexdiisa.

Nebi Daa’uud ayaa Sabuurrrada (oo tahay qayb ka mid ah Axdigii Hore ee Baybalka) dhexdiisa sidan ku qiraya:
“4Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano. Isaga waa in laga cabsadaa in ka sii badan ilaahyada oo dhan. 5Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo, Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka. 6Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin, Xoog iyo quruxuna meeshiisa quduuska ah ayay ku jiraan.” (Sabuurka 96:4-6)
“15Sanamyada quruumuhu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax ay dad gacmaha ku sameeyeen. 16Afaf way leeyihiin, laakiinse ma hadlaan, Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan, 17Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan, Oo afkoodana neefu kuma jirto. 18Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan, Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaaba.” (Sabuurka 135:15-18)

Ilaahay wuxuu ka dhex hadlay nebi Ishacyaah, isaga oo dadkii reer binu Israa’iil xasuusinaya wixii uu isagu ku amray iyaga qaynuunkii (Tawreeddii) Muuse dhexdeeda, isaga oo iyaga dib ugu yeedhaya inay adeecid la yimaadaan:
“5Waxaan ahay Rabbiga, oo mid kale ma jiro, aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Anigaa guntiga kuu xidhay in kastoo aadan i aqoon,6in qorrax ka soo bax iyo galbeedba laga ogaado inaan aniga mooyaane mid kale jirin. Anigaa Rabbiga ah, mid kalena ma jiro.” (Ishacyaah 45:5-6)

Wuxuu isagu si cad ugu dhawaaqay ama u sheegay inuu jiro hal Ilaah oo keliya oo run ahi iyo inay kuwa asnaamta sameeya oo caabudaa nacasiin yihiin:
“6Rabbiga ah Boqorka iyo Bixiyaha reer binu Israa'iil oo ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay kan ugu horreeyey iyo kan ugu dambeeya, oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro.7Bal yaa sidayda oo kale u sheegi kara? Ha naadiyo, oo si hagaagsan ha iigu sheegeen anoo dadkii hore dhisay. Oo waxyaalaha soo socda iyo waxa dhici doona iyagu ha sii sheegeen.8Ha cabsanina oo ha baqina, waayo, miyaanan waa hore idiin sii sheegin, oo aanan idin tusin? Idinku waxaad tihiin markhaatiyaashaydii. Aniga mooyaane ma Ilaah kalaa jira? Hubaal Dhagax kale ma jiro. Innaba mid kale garan maayo.9Sanamyada la qoray kuwa sameeya oo dhammu waa wax aan waxba tarayn, oo waxyaalaha ay jeclaadaanna faa'iido ma yeelan doonaan, oo markhaatiyaashooduna waxba ma arkaan, waxna ma oga, saas darteed way ceeboobi doonaan.10Bal yaa wax ilaah ah sameeyey, amase shubay sanam xardhan oo aan waxba tarayn?11Bal eega, kuwa daba gala oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, saanacyadu waa binu-aadmi uun. Bal dhammaantood ha isu soo wada urureen, oo ha soo istaageen, way cabsan doonaan, oo kulligoodna way wada ceeboobi doonaan.” (Ishacyaah 44:6-11)

Mar kale Axdiga Cusub, Rasuul Bawlos ayaa isla qodobbadan aasaaska ah ku sheegaya markii uu isagu dadka reer Ateenay akhbaarka Injiilka la qaybsanayey ama u gudbinayey:
“22Markaasaa Bawlos oo Are'obagos dhex taagan wuxuu yidhi, Nimankiinan reer Ateenay ahow, wax kasta waxaan idinku garanayaa inaad tihiin kuwo ilaahyada ka cabsada.23Waayo, markaan soo socday oo aan arkay waxyaalaha aad caabuddaan waxaan soo arkay oo kale meel allabari oo lagu qoray, Waxaa leh ilaah aan la oqoon. Haddaba waxaad oqoonla'aanta ku caabuddaan ayaan wax idiinka sheegayaa.24Ilaaha sameeyey dunida iyo waxyaalaha ku jira oo dhanba, oo ah Rabbiga samada iyo dhulka, ma deggana macbudyo gacmo lagu sameeyey,25gacmo dadna looguma adeego sidii isagoo wax u baahan, maxaa yeelay, dhammaan isagaa siiya nolosha iyo neefta iyo wax walbaba;26oo quruun kasta oo bini-aadmi ah ayuu isaga mid dhigay inay dunida dusheeda oo dhan degganaadaan isagoo gooyay xilliyaduu hore u diyaarshay iyo xadadka degmooyinkooda;27inay Ilaah doondoonaan, in hadday suurtowdo ay haabhaabtaan oo ay helaan isaga, in nahay, kuna soconnaa, kuna jirnaa; sidaasoo kuwo ka mid ah gabayayaashiinnu kastoo uusan ka fogayn midkeen kasta; 28maxaa yeelay, isagaynu ku nool ay yidhaahdeen, Weliba innaguna waxaynu nahay farcankiisa.29Haddaba innagoo ah Ilaah farcankiis waa inaynaan ka fikirin in Ilaahnimadu ay la mid tahay dahab ama lacag ama dhagax oo lagu xardhay sancada iyo farsamada dadka.30Haddaba wakhtiyadii oqoonla'aanta Ilaah baa dhaafay, laakiin hadda wuxuu dadka ku amrayaa in dhammaantood meel kastaba ha joogeene ay soo toobadkeenaan;”(Falimaha Rasuullada 17:22-30)

Isla Rasuul Bawlos-kan ayaa mar labaad midnimada Ilaahay ku qiraya muujin cad oo ku jirta waraaqaha Ilaahay muujiyey ee Axdiga Cusub ee rumaystayaasha wax lagu barayo, kuwaas oo ka welwelsanaa wax ku saabsan cuntada:
“4Haddaba xagga cunidda waxyaalaha sanamyada loo sadqeeyo, waxaynu garanaynaa inuusan sanam waxba dunida ka ahayn oo aan Ilaah jirin mid mooyaane.5Waayo, in kastoo ay samada iyo dhulkaba jiraan wax ilaahyo lagu sheego, sidii iyadoo ilaahyo badan iyo sayidyo badni jiraan,6laakiin innagu waxaynu leennahay Ilaah keliya oo Aabbaha ah, kan wax waluba ka yimaadaan oo innagana isagaa ina leh, iyo Sayid keliya oo Ciise Masiix ah, kan wax waluba ku ahaadeen oo innaguna isagaynu ku ahaannay.”  (1 Korintos 8:4-6)

Halkan Bawlos, oo uu Ruuxa Quduuska ahi u muujinayo ama hoggaaminayo, ayaa caddaynaya inuu Ilaahay yahay mid keliya oo run ah iyo inaan mid kale jirin, iyo inay tahay inaynu isaga oo keliya u noolaanno, taas oo ah caabuddaada saxda ah! Sida uu Bawlos meel kale ku sharaxayo:
“1Haddaba, walaalayaalow, waxaan idinku baryayaa Ilaah naxariistiisa inaad jidhkiinna Ilaah u siisaan sida allabari nool oo quduus ah oo Ilaah ku farxo, waana cibaadaysigiinna caqliga leh.2Ha u ekaanina dadka ifkan, laakiinse ku beddelma cusboonaanta maankiinna inaad hubsataan waxa ay tahay doonista Ilaah oo wanaagsan oo isagu ku farxo oo kaamilka ah.” (Rooma 12:1-2)

Waxbariddan Baybalka ee ah in sida runta ah ee Ilaahay loogu jawaabaa ay tahay adeeg is hoosaysiin ku dhisan, waxaa si fasiix ah looga dhex arkayaa aayaddan loo soo waxyoodey nebi Miikaah (Axdigii Hore ee Baybalka):
“8Nin yahow, Rabbigu wuxuu ku tusay waxa wanaagsan. Oo bal maxaa Rabbigu kaa doonayaa, inaad caddaaladda samaysid, oo aad naxariista jeclaatid, oo aad si hoosaysa Ilaahaaga ula socotid mooyaane?” (Miikaah 6:8)

Hadda inaga oo dhignay waxbaridda aasaaska ah ee Baybalka ee Ilaahay ku saabsan – inuu Ilaahay mid yahay, inuu jiro hal Ilaah oo keliya oo run ahi, ka weligiis jirey, oo ah Ilaaha abadiyanka ah ee abuuray oo nooleeya ama gacanta ku haya adduunka oo dhan, iyo inay sida saxda ah ee ay tahay inaynu banii-aadan ahaan isaga ugu jawaabnaa tahay inaynu isaga ku jeclaanno, caabudno oo ugu adeegno nolosheenna oo dhan — markaa waynu sii socon karnaa inaynu guri dhisno. Taasi waa in la daahfuro qarsoodiga dabeecadda Ilaaha keliya sida uu isagu isaga keen dhex muujiyo Erayga Ilaahay (Baybalka) ee la waxyoodey oo dhan, Axdigii Hore iyo Axdiga Cusub.

2. Qaabaynta Aqoonta Ilaahay ee laga Helayo Khibradihii laga Dhex Helay Sida uu Isagu isugu Muujiyey Qorniinka

“26Bal eeg, Ilaah waa weyn yahay, oo annana isaga ma aannu naqaan; Oo cimrigiisu intuu yahayna lama soo baadhi karo.” (Ayuub 36:26)

“33Mool dheeraa hodantinimada iyo xigmadda iyo aqoonta Ilaah! Xukummadiisa lama baadhi karo, jidadkiisana lama raadin karo!” (Rooma 11:33)

“Nin aan dhul marin dhaayo maleh!” (Maahmaah Soomaaliyeed)

Si Ilaahay si qumman loogu caabudo oo isaga loo siiyo caabudaada iyo adeegga uu isagu doonayo, waxaynu u baahannahay inaynu sida ugu fiican oo aynu awoodno isaga u naqaanno iyo aynu u fahanno dabeecaddiisa. Tan waxaynu u samayn karnaa si caam ah ama guud innaga oo u fiirsanayna Ilaahay iyo weynaantiisa iyo daryeelkiisa jacaylka leh ee uu u hayo abuuritaankiisa la muujiyey, laakiinse waxaynu kaloo si sidaa ka sii faahfaahsan oo ka sii saxsan u garan karnaa Ilaahay inta aynu akhrinayno oo baranayno waxa uu isagu naftiisa isaga keen muujiyey qorniinka dhexdiisa oo dhan.

Inta aynu qorniinka akhrinayno (Axdigii Hore iyo Axdiga Cusub ee Baybalka) waxaynu ogaana xaqiiqooyin aad muhiim u ah oo ku saabsan Ilaaha keliya ee caalamka ee runta ah. Xaqiiqooyinkanina waa: 1) inuu Ilaaha wax kasta abuuray oo daryeelaa aad uga korreeyo oo uga weyn yahay maskaxda banii-aadanka inay isaga si buuxda u fahanto, laakiinse sidoo kale 2) inuu Ilaahay, jacalylkiisa qotoda dheer ee uu banii-aadanka u qabo daraadiis, aad u doonayo innaga inala hadlo, inala xidhiidho, oo uu naftiisa innaga inoo muujiyo.

Marka ugu horraysa waxaynu aragnaa Baybalka oo lagu muujiyey inuu Ilaahay weyn yahay; oo isagu aad buu uga weyn yahay inuu banii-aadana isaga si buuxda u garto ama u fahmo. Markii uu Ilaahay Muuse ugu yeedhay inuu dadkii reer binu Israa’iil ka soo xorreeyo addoonsigii Masar oo uu soo dhex mariyo lamaddegaankii ilaa uu ka keeno dhulkii uu Ilaahay iyaga geynayey, Ilaahay sidan ayuu iyaga ula xidhiidhay:
“7Haddaba Muuse wuxuu qaadi jiray taambuugga oo uu ka dhisi jiray xerada dibaddeeda, meel xerada ka durugsan; oo wuxuu u bixiyey Taambuuggii shirka. Oo mid kasta oo Rabbiga doonay, wuxuu u baxay taambuuggii shirka oo xerada dibaddeeda ahaa. 8Oo markii Muuse Taambuuggii u baxay, dadkii oo dhammu way wada keceen, oo nin waluba teendhadiisa iriddeeda ayuu istaagay, oo waxay eegayeen Muuse ilaa uu Taambuuggii galay.9Oo markii Muuse Taambuuggii galay ayaa tiirkii daruurta ahaa soo degay oo Taambuugga iriddiisii qotonsaday, markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay.10Oo dadkii oo dhammuna way wada arkeen tiirkii daruurta ahaa oo Taambuugga iriddiisii hor qotoma; kolkaasay dadkii oo dhammu wada kaceen oo Ilaah caabudeen, nin walba oo teendhadiisa iriddeeda ag jooga.11Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ula hadlay sida nin saaxiibkiis ula hadlo, iyagoo iska soo hor jeeda. Kolkaasuu haddana xeradii ku soo noqday;12Muusena wuxuu Rabbiga ku yidhi, Bal eeg, waxaad i leedahay, Dadkan kaxee, oo imana aad ogeysiin kan aad ila diraysid. Laakiin waxaad igu tidhi, Magacaaga waan kugu aqaan, oo raalli baan kaa ahay.13Haddaba waan ku baryayaaye, haddaad raalli iga tahay, jidadkaaga i tus, inaan ku ogaado aawadeed, oo aad raalli iga ahaato, ... 14Markaasuu wuxuu ku yidhi, Anigu waan kula socon doonaa, oo waan ku nasin doonaa.18Markaasuu yidhi, Waan ku baryayaaye, ammaantaada i tus.19Isna wuxuu ku yidhi, Wanaaggayga oo dhan ayaan hortaada soo marin, oo magaca Rabbiga ayaan hortaada ku naadin, oo waan u roonaan kii aan doonayo inaan u roonaado, waanan u naxariisan kii aan doonayo inaan u naxariisto.20Oo wuxuu yidhi, Adigu wejigayga arki kari maysid, waayo, dad i arkaa noolaan maayo.” (Baxniintii 33:7-14, 18-20)

Waxaynu halkan ku arkaynaa inuu Ilaahay Muuse ula hadlay hab uu isagu fahmi karey, isaga oo isticmaalaya cod uu isagu maqli karo, oo isagu si buuxda ammaantiisii oo dhan ma muujin oo ma tusin waayo isagu aad buu u weyn yahay oo taasi aad bay Muuse ugu weynaan lahayd, inuu banii-aadan ahaan qaado; oo isaga way baabi’in lahayd.

Kitaabka nebi Ishacyaah, nebigu hadal aad u qoto dheer oo welwel leh ayuu odhanayaa kaddib markii uu isagu macbudka dhexdiisa ku arkay in aad u yar oo ammaanta Ilaahay ah:
“1Sannaddii Boqor Cusiyaah dhintay ayaan arkay Rabbiga oo ku fadhiya carshi sare oo dheer, oo faraqii dharkiisa ayaa macbudkii buuxiyey.… 5Markaasaan idhi, Anaa hoogay! Waayo, waan lumay, maxaa yeelay, waxaan ahay nin aan bushimihiisu daahirsanayn, oo weliba waxaan dhex degganahay dad aan bushimahoodu daahirsanayn, waayo, indhahaygu waxay arkeen Boqorka ah Rabbiga ciidammada”. (Ishacyaah 6:1,5)

Halkan, nebi Ishacyaah wuxuu ka hadlayaa sababta, tan oo marar badan qorniinka lagu celceliyey, taasoo ah sababta aynaan banii-aadan ahaan Ilaahay si sax ah ugu garan karin oo ugu jeclaan karin oo ugu adeegi karin sida ku habboon ama la doonayo. Tani waxay ku dhacday waayo waxaynu innagu dembiyadeenna iyo amarradiisa oo aynu ku fallaagowney daraadeed, jebinney xidhiidhkii uu Ilaahay abuuritaankii u dhigay inuu ka dhexeeyo isaga iyo banii-aadanka. Sida aynu dhammaanteen ognahay, tani waxay ka soo bilaabatay banii-aadankii ugu horreeyey, Aadan iyo Xaawa, oo waxay soo martay wiilashoodii, Haabiil iyo Qaabiil, ilaa iyo farcannadoodii oo dhan ilaa laga soo gaadhayo maantadan.
Ilaahay oo Ishacyaah ka dhex hadlaya ayaa si cad u sheegaya inuu dembigeennu isaga inaga dheereeyo:
“1Bal eega, Rabbiga gacantiisu inay wax badbaadiso kama gaabna, oo dhegihiisuna inay wax maqlaan kama awdna,2 laakiinse xumaatooyinkiinnaa idin kala soocay idinka iyo Ilaahiinna, oo dembiyadiinnaa wejigiisa idinka qariyey, oo saasuusan idiin maqlin.” (Ishacyaah 59:1-2)

Oo ma jirto wax aynu innagu samayn karno si aynu Ilaahay hortiisa ugu saxsanaanno ama ugu qummanaanno:
“6Waayo, kulligayo waxaannu noqonnay sida wax aan nadiif ahayn, oo xaqnimadayada oo dhammuna waa sida dhar wasakh ah, kulligayona waxaannu u engegnay sida caleen oo kale, oo xumaantayadiina sidii dabayl oo kale ayay noo kaxaysataa.” (Ishacyaah 64:6)

Rasuul Bawlos ayaa waraaqdiisii loo muujiyey ee uu Masiixiyiiintii reer Rooma u qoray ku soo xiganaya wixii uu nebi Daa’uud ku qoray Sabuurradii si uu tan u sii xooggeeyo:
“10Sida qoran, Mid xaq ahu ma jiro, midnaba; 11Mid wax garanayaa ma jiro; Mid Ilaah doondoonaa ma jiro; 12Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, waxay wada noqdeen wax aan wax tar lahayn; Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba;” (Rooma 3:10-12 ka soo xigtey Sabuurrada 14:1-3 & 53:1-3)

Sidaa oo ay tahay Baybalka way ku caddahay inuu sheegayo inuu Ilaahay banii-aadanka jecel yahay iyo abuuritaankiisa oo dhanba. In kasta oo aynaan si buuxda isaga u fahmi karin waayo isagu aad buu innaga inooga weyn yahay oo isaga ma gaadhi karno waayo dembiyadeennii iyo fallaaganimadeennii ayaa isaga inaga dhex galay ama inaga dheereeyey. Ilaahay ayaa qaadaya tallaabo ama ficil uu inagula xidhiidhayo oo inagu soo gaadhayo si uu dib ugu dhiso xidhiidhkii isaga iyo innaga ka dhexeeyey iyo si uu inoogu tuso sida saxda ah ee aynu isaga ku caabudeyno.

Wuxuu ka bilaabayaa inuu ammaantiisa inagu tuso abuuritaankiisa dhexdiisa. Wuxuu adkaynayaa qiimaha sare uu banii-aadanku leeyahay marka ay isaga boqortooyadiisa ku dhex nool yihiin, oo isagu yahay iyaga taliyahooda.
“1Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka. …

 3Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey,
Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
4Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?
 5Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha,
Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.
6Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga,
Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,
7Idaha iyo lo'da oo dhan, Iyo xayawaanka duurka joogaba
 8Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda,
Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.
 9Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!” (Sabuurka 8:1, 3-9)

Laakiinse, in kasta oo ay banii-aadanku Ilaahay ka dhex ogaan karaan abuuritaankiisa, dembigooda ayaa ka daboolay inay isaga fahmaan:
“18Cadhadii Ilaah ayaa samada laga muujiyey iyadoo ka gees ah cibaadodarrada iyo xaqdarrada dadka oo dhan, kuwaasoo runta ku joojiya xaqdarro;19maxaa yeelay, wixii Ilaah laga garan karo waa ka dhex muuqataa iyaga, waayo, Ilaah waa u muujiyey iyaga.20Tan iyo abuurniinta dunida waxyaalihiisii aan la arki karin ayaa bayaan loo arkaa, iyagoo laga garto waxyaalihii la sameeyey, xataa xooggiisa daa'imiska ah iyo ilaahnimadiisa, si ayan marmarsiinyo u lahaan.21Maxaa yeelay, iyagoo Ilaah garanaya ayayan isaga Ilaah ahaan u ammaanin, umana ay mahadnaqin, laakiin fikirradoodii waa xumaadeen, qalbigoodii garaadka la'aana waa madoobaaday.22Iyagoo kuwo caqli leh isku sheegaya ayay nacasoobeen.23Ammaantii Ilaaha aan dhimanin ayay ku beddeleen sanam u eg nin dhimanaya iyo haad iyo xayawaan iyo waxa bogga ku gurguurta”. (Rooma 1:18-23)

Aad bay innaga inoogu fiican tahay inuu Ilaahay inala hadlay oo uu isu keen muujiyey — sida uu isagu u eg yahay, sida uu inoo jecel yahay iyo waxa uu inaga doonayo oo inoo doonayo – markaa, innagu maaha inaynu mala-awaalo waxa uu Ilaahay u eg yahay ama maaha inaynu innagu wax iska abuurano, laakiinse waxaynu rumaysan karnaa eraygiisa uu innaga ina siiyey.
“Af jooga looma adeego.” (Maahmaah Soomaaliyeed)

Markaa Ilaahay ayaa qaadaya tallaabada uu isugu keen muujinayo si sii hore ka sii cad oo toos ah, marka ugu horreeya nebiyada iyo kitaabbada quduuska ah dhexdooda, laakiinse sida ugu cad isaga oo si shakhsiyan ah isugu keen muujinaya Eraygiisa oo jidh ah, isaga oo sidan ku tusaya jacaylkiisa allabariga ah ee uu innaga inagu aaddan.
“18Ninna ma arkin Ilaah marnaba, Wiilka keliya oo laabta Aabbaha ku jira kaasaa inoo sheegay (muujiyey).” (Injiilka Yooxanaa 1:18)

Laga yaabee inay tani kaaga yaabiso, laakiinse dulqaad yeelo oo sii akhri. Inta aynaan sii wadin waxaan doonayaa inaan sheego sheeko inaga caawinaysa inaynu ka fekero sida fariimaha la isugu gudbiyo, fahanka iyo xidhiidkha. Waa tan sheekadii:
Waxaa la yidhi, Raage oo ahaa inankii Ugaas Xuseen ayaa ka soo ambabaxay degaankiisii, in uu cilmi doonto ayuuna dhul dheer u soo maray. Meeshan uu cilmiga u yimidna kuma uusan lahayn wax qaraaba ah. Xilligii ardeynimadiisana ma haysan wax kharash ah uu ku noolaado, maaddaama uu ka soo tegay reerkiisii. Runtii wakhti dheer ayuu war ka dhawrayay iyaga, maxaa yeelay daruufo dhaqaale oo adag ayaa haystay wuxuuna ciriiri kaga jiray sidii uu ku heli lahaa cunno maalmeedkiisa.

Haddaba waxaa dhacday maalin in uu la kulmay niman dhulkii Ugaas Xuseen ku socday. Waa Raage aabbihiis e, kuwaasoo ka socdaalayay dhulkan Raage uu wax ku baranayay. Wuxuuna markaas ka codsaday inay farriin ka gaadhsiiyaan aabbihiis. Farriintii uu u dhiibayna middan soo socota ayay ahayd. Wuxuuna iyagii ku yidhi; “U sheega aabbahay shanta salaadood weyso qudha ayaan ku dhawrtaa.”

Markay nimankii gaadheen Ugaas Xuseen, una sheegeen farriintii ay wiilkiisa uga sideen, ayuu gartay micnihii ka dambeeyay oo ahaa in wiilkiisa baahi weyni haysay. Wuxuu weyddiistay nimankii socdaalka ahaa marka safarkoodu u dhammaado inay soo maraan, waa marka ay dib ugu socdaalayaan xaggaa iyo dhulkoodii ay ka yimaaddeen oo ahaa halkii uu Raage ku sugnaa, si markaas uu Raage wax ugu sii dhiibo.
Markii nimankii ay ku laabanayeen waddankoodii ayay sidii ballantu ahayd soo mareen Ugaas Xuseen. Wuxuuna u sii dhiibay tebbed uu ku jiro subag, iyo mid kale oo soddon cad oo hilib Solay ahi ay ku jiraan.

Wuxuuna ku yidhi iyagii, Inankaygii Raage wuxuu ii soo sheegay baahidiisa, balse intaydaan u dhiibin cuntadan, marka hore waa in aad fariintan iga gaadhsiisaan. Waxaadna ku tiraahdaan, aabbahaa wuxuu ina soo faray farriintan oo ah: “Bishu waa Soddon balliguna wuu buuxaa.”

Nimankii waxay qaadeen cuntadii iyo farriintiiba. Laakiin intaanay cuntadii gaadhsiinin Raage ayay qaar ka sii cuneen hilbihii iyo subaggii, iyagoo u malaynaya Raage in uusan tebi doonin. Markiise ay nimankii Raage u keeneen cuntadii, waxaa dhacday inay u sheegeen farriintii aabbihiis u soo faray iyaga. Raagena markii uu fahmay qaabkii ay farriintu u dhacaysay ayuu ku yidhi nimankii, “Idinka waxaan idin kaa doonayaa inta ka maqan cuntadan ee aad lunsateen in aad i siisaan.” Haddaba sheekadu halkaas ha inoo joogto.

Maxaynu sheekadan ka baran karnaa? Waxaynu is weydiin karnaa muxuu heerkii is fahankii fariintii aabbaha iyo wiilkiisa ka dhexeeyey kaga nimankii iyagu keliyo fariinta u kala qaadayey aabbaha iyo wiilka. Haddii si kale loo dhigana, waxaynu is weydiin karnaa, “Maxaa macnihii fariimuhu isla markiiba aadka ugu caddaayeen markii uu wiilku aabbihiis u sheegay baahidiisii iyo markii uu aabbuhu si buuxda ugu sharraxay cuntadii uu wiilkiisa u diray, laakiinse muxuu kani uga qarsanaa ama ay u fahmi waayeen nimankii fariimaha qaaday?”

Way iska caddahay in, maaddaama ay aabbaha iyo wiilku xidhiidh aad isugu dhow lahaayeen oo ay sannado badan wada noolaayeen ka hor intii aanu wiilku tegin, ay iyagu si hoose oo dhow midba ka kale u yaqaaney, iyo sida ay iyagu u fekerayeen iyo inay iyagu fahan isku mid ah ka lahaayeen, ilaa ay erayadoodu xambaarsanaayeen micne aanay si fudud ku fahmi karin kuwii aan iyaga la soo noolaan ama aan xidhiidhka dhow iyaga la lahayn.

Sidoo kale Ilaaha keliya ee runta ah, sidii isaga qorniinka loogu muujiyey, waa Ilaah wada xidhiidh sameeya; isagu waa Ilaah hadla oo isagu weligiis buu la jirey eraygiisa kaas oo uu wax kasta ku abuuray. Markii uu isagu doonayey inuu sida ugu bayaansan banii-aadanka isugu muujiyo oo banii-aadanka u furo jid ay xidhiidhkii ay isaga lahaayeen ku soo celiyaan isaga laftiisa ayaa imaanayey; qayb isaga ah ayuu soo dirayey, eraygiisa abadiyanka ah, kaas oo, markii uu isaga oo qaab banii-aadan soo qaatay innaga inoo yimid loo yaqaaney “Wiilkii Ilaahay,” markaa isaga, Ka ugu Sarreeya, waxaa loogu yeedhaa, “Ilaaha, Aabbaha ah.”

Tan waxaa si cad u sharraxay malag Jibriil markii Ilaahay isaga u soo diray inuu Maryan, Ciise hooyadiis, u sheego inay iyadu tahay ta dhali doonta Masiixa, kaas oo ah Eraygii Ilaahay oo jidh laga dhigay:
“30Malaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Maryamay, waayo, nimco ayaad Ilaah ka heshay.31Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo wiil baad umuli doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise. … 34Kolkaasaa Maryan waxay malaa'igtii ku tidhi, Sidee baa waxanu ku noqon doonaan? Anigu ninna garan maayo.35Malaa'igtii waa u jawaabtay oo ku tidhi, Ruuxa Quduuska ah ayaa kugu soo degi doona, oo xooggii Kan ugu sarreeya ayaa hoosiis kuu noqon doona, sidaa darteed kan quduuska ah oo kaa dhalan doona waxaa loogu yeedhi doonaa Wiilka Ilaah.” (Injiilka Luukos 2:30-32, 34-35)

Rasuul Yooxanaa waxaa loo muujiyey Injiilka ku qoro qisadii ahayd wixii uu arkay ee khibradda u yeeshay saddexdii sanno ee isagu Ciise Masiix la noolaa ama la socdey:
1Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Ilaah, Ereyguna wuxuu ahaa Ilaah.2Isagu Ilaah buu la jiray bilowgii.3Wax walba waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo wixii la sameeyey lama samayn isaga la'aantiis. … 14Ereyguna jidh buu noqday, oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii, taas oo ahayd ammaantii u ekayd tan Wiilka keliya ee Aabbaha, ee nimco iyo run ka buuxa.” (Yooxanaa 1:1-3, 14)

Qoraha waraaqda la muujiyey ee loo qoray rumaystayaashii Cibraaniyiinta ahaa ayaa tan si dheeraad ah u sii sharraxaysa:
“1Ilaah wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay nebiyadii,2laakiin maalmahan ugu dambaystooda wuxuu inagula hadlay Wiilkiisa uu ka dhigay kan wax walba dhaxla, kan uu duniyooyinkana ku sameeyey.3Oo isagu waa dhalaalka ammaantiisa iyo u-ekaanta ahaantiisa, oo wax walba wuxuu ku hayaa erayga xooggiisa, oo goortuu daahirinta dadka dembiyadooda sameeyey dabadeed ayuu wuxuu fadhiistay Weynaha xagga sare midigtiisa,” (Cibraaniyada 1:1-3)

Beryihii hore Ilaahay wuxuu hadlay isagoo isticmaalaya nebiyadii iyo kitaabbada quduuska ah, laakiinse hadda wuxuu u hadlayaa si aad uga sii fiican taas oo ah eraygiisa abadiyanka ah oo adduunka yimid isaga oo qaab banii-aadan leh, oo sidii nin si mucjiso leh uga dhashay Maryan; markaa isagu wuxuu awoodey inuu ku noolaado nolol aan iin lahayn, oo bilaa dembi ah si uu innaga tusaale inoogu ahaado, oo isagoo wadaad aan iin lahayn oo ina metelaya ah ayuu bixinayaa caabudaada runta ah ee saafiga ee uu Ilaahay doonayo.

Rasuul Bawlos ayaa waraaqihii isaga loo soo waxyoodey ee uu u qoray rumaystayaashii reer Kolosay iyo kuwii reer Filiboy sidan ku odhanaya:
“15Isagu waa suuraddii Ilaaha aan la arki karin, oo ah curadka uunka oo dhan;16waayo, wax kastaba isagaa uumay, waxyaalaha samooyinka ku jira, iyo waxyaalaha dhulka joogaba, waxyaalaha la arki karo iyo waxyaalaha aan la arki karinba, hadday yihiin carshiyo ama sayidnimo ama madax ama amarro; wax walba isagaa uumay oo loo uumay.19Waayo, waxaa Aabbaha ka farxisay in buuxnaanta oo dhammu ay isaga ku jirto,20iyo inuu isaga wax kastaba xaggiisa kula heshiiyo, isagoo kula nabday dhiiga iskutallaabtiisa; hadday yihiin waxyaalaha dhulka jooga ama hadday yihiin waxyaalaha samooyinka ku jiraba.”(Kolosay 1:15-16, 19-20)

“5Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro.6Isagu wuxuu lahaa suuradda Ilaah, oo inuu Ilaah la mid ahaado kuma uu tirin in taasu tahay boobis,7laakiinse wuu ismadhiyey, oo wuxuu qaatay addoon suuraddiis, oo wuxuu noqday mid dad u eg,8oo markuu nin u ekaaday, ayuu is-hoosaysiiyey oo addeecay inuu dhinto, xataa inuu iskutallaabta ku dhinto.9Haddaba sidaas daraaddeed Ilaah isaga aad buu u sarraysiiyey, oo wuxuu isaga siiyey magaca magac kasta ka sarreeya;10in jilib kastoo ah waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka jooga iyo waxyaalaha dhulka ka hooseeyaaba, ay magaca Ciise u wada sujuudaan,11iyo in carrab kastaaba qirto in Ciise Masiix yahay Rabbiga in Ilaaha Aabbaha ah lagu ammaano.” (Filiboy 2:5-11)

Markii uu Erayga Ilaahay ee daa’inka ah (Kelimat-ullahi) adduunka u yimid sidii wiilka isagu kamuu joogsan inuu Ilaahay ahaado, isla sida ay biyaha baaldiga lagu shubaa weli biyo u yihiin. Dabeecadda daa’inka ah ee Erayga Ilaah waa sida biyaha oo kale, qaabkiisa banii-aadanka ahna waa sida baaldiga oo kale.

In kasta oo aynaan tusaalayaashan banii-aadan aadanku si buuxda u sharixi karin qarsoodi ah Ilaaha weyn ee ah ka keliya ee runta ah, haddana waxay kuwani inaga caawinayaan inay inoo tilmaamaan sidii aynu xoogaa dheeraad ah isaga ugu sii fahmi lahayn. Dhammaanteen waynu ognahay sida ay qorraxdu u kulushahay oo u awood badan tahay iyo sida aynu haddii aynu inta aynu hadda u jirno iyada uga sii dhowaanno, uu innaga inoo baabi’inayaan ilayskeeda weyn iyo kuleylkeeda xoogga badan ee wax gubaya; sidaas oo ay tahay, in kasta oo aynaan qorraxda ku dhowaan karin waayo way ina baabi’inaysaa, haddana waxay inoo soo dirtaa iftiin ina diiriya oo ileys ina siiya; Ciise Masiix, ka la soo diray, oo ah eraygii Ilaahay oo jidh noqday waa sida fallaadhaha qorraxda inooga imaanaya ee iftiinka ina siinaya.

Yooxanaa ayaa Injiilka sida uu u qoray ku sii wadaya qisadii ahayd wixii uu goobjooga ka ahaa oo ku saabsan Erayga Ilaahay ee abadiyanka oo jidh yeeshay: “4Isaga waxaa ku jirtay nolol, noloshuna waxay ahayd nuurka dadka.5Nuurkuna wuxuu ka ifayaa gudcurka, gudcurkuna kama badin.” (Injiilka Yooxanna 1:4-5)

Meel dambe Injiilka sida uu Yooxanaa u qoray, Masiixa laftiisa ayaa tan sharraxaya oo odhanaya: “5Intaan dunida joogo, waxaan ahay nuurkii dunida.” (Yooxanna  9:5)

Markaa Ciise Masiix, ka la soo diray, waa Eraygii Ilaahay oo qaab banii-aadan soo qaatay si aynu innagu si dheeraad ah ugu aragno oo ugu ogaanno waxa uu Ilahaay yahay; waxaynu aragnaa dabeecadda Ilaahay ka arkaynaa isaga noloshiisii aan iinta lahayn iyo dhimashadiisii allabariga ahayd si uu suurtaggal uga dhigo in la soo celiyo xidhiidh sax oo Ilaah lala yeesho; Waxaynu haysanaa waxan oo dhan oo lagu qoray Qorniinada Quduuska ah, ee Tawreedda, Sabuurka, iyo Injiilka (Baybalka).

Laakiinse, tan macnaheedu maaha inuu Ilaahay mar ahaa Ilaah weyn, oo abuure ah, oo Ilaaha adduunka dhawra, kaddibna mar kale noqday Ilaah iskiis allabari u noqonaya kaas oo sidii Masiixa u imaanaya si dembiyadeenna ugu dhinto, dabadeedna ugu dambaystii uu isagu noqday Ruuxa Quduuska ah kaas oo innaga inoogu dhex jira sidii awoodda Ilaahay oo adduunkan ka dhex shaqaynaysa. Tani waa rumaysadka khaldan ee “Modalism” (Qaab is-bedbeddela) la yidhaahdo tan oo uusan qorniinku taageerayn. Markaa inta aynaan sii wadin waxaynu u baahannahay inaynu la tacaalo siyaalo fikrado khalad ah oo Saddex-Midnimada Ilaahay ee Quduuska ah laga qabo.

3. Sida ay Masiixiyiintu u Fahansan Yihiin Ilaah Keliya oo Run ah oo ah Saddex-Midnimo Quduus ah MA AHA!

“21Markii dadkii oo dhan la baabtiisay, waxaa dhacay in Ciisena la baabtiisay, oo intuu tukanayay ayaa samadu furantay,22oo Ruuxa Quduuska ah ayaa dushiisa ku soo degay isagoo muuqasho jidh leh oo qoolley u eg, waxaana samada ka yimid cod leh, Adigu waxaad tahayWiilkayga aan jeclahay; ee waan kugu faraxsanahay.” (Luukos 3:21-22)

Nin waliba, wuxuu yahay ayuu ku moodaa!” (Halhays Soomaaliyeed)

Waa marka ugu horraysee, 1) dadka qaarkiis ayaa si khalad ah ugu fekera in maaddaama ay Masiixiyiintu rumaysan yihiin caqiidada Saddex-Midnimada Quduuska ah uu tan macnaheedu yahay inay iyagu saddex ilaah rumaysan yihiin, ama inay “Saddex-Midnimadu” ka kooban tahay Ilaahay oo ah ilaah aabbe ah, Maryan oo ah ilaah hooyo ah, iyo Ciise oo ah ilaah wiil ah. Laakiinse, ma jirto meel Qorniinada (Baybalka) ah oo aynu ka helayn wax noocan ah ama Saddex-Midnimada oo sidan loo qeexay, oo Masiixi run ahina ma rumaysna caqiidooyinkan beenta ah midkoodna ma rumaysna. Bilcagsi, waxaynu soo tusnay inuu Baybalku si cad u barayo inuu jiro hal Ilaah oo keliya, oo sidii aynu soo aragnay Ilaaha keliyahi wuxuu dhexdiisa ku leeyahay midaysnaanta Aabbaha, Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah (Ilaahay, Eraygiisa Weligiis ah, iyo Ruuxa Weyn ee Quduuska ah).

Waa ta labaad e, 2) dadka qaarkiis ayaa isku daya inay si khaldan u sharraxaan Saddex-Mid nimada iyagoo odhanaya: markii hore markii uu isagu adduunka abuurayayey Ilaahay wuxuu ahaa abuuraha adduunka, dabadeedna markii ay banii-aadanku u baahdeen in dembiyadooda laga soo furto isagu wuxuu noqday wiilka oo sidii Masiixa ayuu adduunka u yimid si uu dadka dembiyadooda uga badbaadiyo, dabadeedna ugu dambaystii isagu maanta waa Ruuxa Quduuska ah ee Ilaahay kaas oo u dhaqmaya sidii awoodda Ilaahay ee adduunka joogta. Waxay u muuqataa inay iyagu sidan u samaynayaan waayo waxay u malaynayaan inay midnimada Ilaahay ka ilaalinayaan rumaysadka beenta ah ee ah inuu isagu saddex ilaah yahay, ama ay tan keentay inay innaga banii-aadan ahaan si inoogu adag tahay inaynu maskaxdeenna ku fahano runta ku saabsan Ilaahay ee laga helo Baybalka ee ah inuu isagu weligiis u jirey sidii Ilaah keliya oo run ah, oo weyn oo quduus ah, oo ah Ilaah jacayl ah, oo ku jirey midnimo saddex shakhsi ah, Ilaahay, Erayga, iyo Ruuxa Quduuska ah. In kasta oo laga yaabo inay iyaga ujeeddo fiican ka leeyihiin markay fikraddan soo bandhigayaan, tani taageero kama haysato muujinta uu Ilaahay laftiisa inaga siinayo ee ku qoran Qorniinka oo dhan dhexdiisa.

Waxaynu Axdiga Cusub dhexdiisa ku aragnaa qisooyin goobjoogayaal markaas oo ay shakhsiyaadka Saddex-Midnimada Ilaahay isku hal muuqanayaan. Tusaale ahaan markii uu Ciise u tegey Yooxanaa Baabtisihii si isaga loo baabtiiso si uu u tuso sida ay tahay in laga arko ka Ilaahay si daacad ah u caabuda:
“13Markaasaa Ciise Galili ka yimid oo Webi Urdun ugu tegey Yooxanaa inuu baabtiiso.14Yooxanaase waa diiday, isagoo leh, Anaa u baahan inaad i baabtiisto, adiguna miyaad ii timid? 15Laakiin Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi, Haddeer oggolow, waayo, sidaas waa inoo eg tahay inaynu xaqnimada oo dhan wada yeelno; markaasuu u oggolaaday.16Ciise goortii la baabtiisay, ayuu markiiba biyaha kor uga baxay, kolkaasaa samooyinku furmeen, oo wuxuu arkay Ruuxa Ilaah oo sida qoolley oo kale u soo degaya oo dushiisa imanaya,17oo cod baa samooyinka ka lahaa, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay, oo aan ku faraxsanahay.” (Injiilka Matayos 3:13-17)

Nebigii Yooxanaa Baabtiisihii (Yaxye), kaas oo halkaas joogey si uu Ciise u baabtiiso isaga iyo dadkii kale ee sida daacadda ah Ilaah u caabudayey, ayaa markhaatifurkiisii injiilka ku sheegay, sidii loo muujiyey oo uu qoray xerowgii Yooxanaa:
“29Maalintii labaad Yooxanaa wuxuu arkay Ciise oo ku soo socda, oo wuxuu yidhi, Bal eega Wanka Ilaah ee dembiga dunida qaadaya.30Kanu waa kii aan idhi, Waxaa iga daba imanaya nin iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.31Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin inuu Israa'iil u soo muuqdo sidaa daraaddeed ayaan u imid anigoo dadka biyo ku baabtiisa. 32Yooxanaa waa marag furay isagoo leh, Waxaan arkay Ruuxa oo samada uga soo degaya sidii qoolley oo kale, wuuna dul joogsaday isagii.33Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin kii ii soo diray inaan dadka biyo ku baabtiiso, wuxuu igu yidhi, Kii aad ku aragtid Ruuxa oo ku soo degaya oo ku dul joogsanaya, kaasu waa kan dadka ku baabtiisa Ruuxa Quduuska ah. 34Anigu waan arkay, waana u marag furay in kanu yahay Wiilka Ilaah.” (Injiilka Yooxanaa 1:29-34)

Markaa way caddahay in Masiixa, Wiilka Ilaahay, uu ahaa nin adduunka joogey kaas uu baabtiisay Yooxanaa Baabtiisahii, kaas oo Yooxanaa u markhaatifuray inuu isagu isaga ka hor weligiis jirey, taas oo ah; inuu isagu yahay Ilaaha weligiis ah kaas oo jannada la joogey Aabbaha. Waxaa kaloo isla markaa uu Ilaaha weyn ee ah aabbaha jannada ku jiraa Yooxanaa u sheegay inuu Ciise kuwo kale ku baabtiisi dooney Ruuxa Quduuska ah ee Ilaahay, waayo wuxuu arkay isaga oo uu Ruuxii Quduuska ahi ku soo dul degayo, oo Yooxanaa wuxuu ka markhaatifurayaa inuu isagu arkay Ruuxii Quduuska ahaa ee Ilaahay oo samada ka soo degaya oo ku dul fadhiisanaya Ciise Masiix, Ilaaha wiilka ah.

Micnaha cad ee aayadahani waa inay saddexdan shakhsi ee kadduduwani xidhiidh ku dhex leeyihiin Ilaaha keliya iyagoo isla mar muuqanaya. Tani qarsoodi bay ku tahay maskaxaheenna xaddidan ee banii-aadanka haddana tani waa run waayo waxaa muujiyey Ilaahay laftiisa inuu isagu xidhiidh sidan isugu naftiisa sidan xidhiidh isugu dhex leeyahay; waxan oo dhammi way qurux badan yihiin, oo waxay innaga inoo yihiin run yaab badan waayo tan macnaheedu waa inuu Ilaahay laftiisu jacayl ku yahay bulsho kaamil ah, inta innaga jacaylkaa la inagu darayo naxariistiisa daraadeed taas oo uu horeba u sameeyey, waxa kaliya ee innaga la inooga baahan yahaya waa inaynu xidhiidh sax ah isaga la yeelanno, si aynu isaga u garan karno oo si qumman ugu caabudi karno.
“1Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu indhihiisii kor u qaaday xagga samada oo yidhi, Aabbow, saacaddii way timid. Ammaan Wiilkaaga inuu Wiilku ku ammaano,2sidaad amar ugu siisay dadka oo dhan inuu nolosha weligeed ah siiyo kuwaad isaga siisay oo dhan.3Tanu waa nolosha weligeed ah inay ku gartaan, adoo ah Ilaaha runta ah oo keliya, iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay.4Dhulka ayaan kugu ammaanay, anoo dhammeeyey shuqulkaad ii dhiibtay inaan sameeyo.5Haddana, Aabbow, adiga qudhaadu igu ammaan ammaantaan kula lahaa intaan dunidu jirin.” (Injiilka Yooxanaa 17:1-5)

Su’aali kama taagna inuu Ciise Masiix yahay Ilaaha wiilka ah oo adduunka yimid kaas oo u tukanaya Ilaaha ah Aabbaha janada, oo ku dhawaaqaya midnimada shaqadooda iyo ujeeddadooda si uu ammaan ugu keeno Ilaahay oo uu nolol weligeed ah banii-aadanka u siiyo. Kala duwanaan cad baa shakhsiyaadka laga bixiyey, sidaas oo ay tahay iyagu way isla jireen iyagoo mid ah ka hor bilowgii wakhtiga iyo abuuritaanka.

4. Ku Kaamilidda Saddex-Midnimada Quduuska ah ee Ilaaha Keliya ee Runta ah Dhexdiisa
“24Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta.” (Injiilka Yooxanaa 4:24)
Intii aynu casharkeenna soo wadney waxaynu maqleyney qorniinada (Axdigii Hore ee Axdiga Cusub ee Baybalka) oo ka hadlaya wax Ruuxa Quduuska ah ee Ilaahay ku saabsan kan oo ah qaybta saddexaad ee xidhiidhka ka dhex jira hal Ilaah oo run ah. Waxaynu soo araganay inuu kani yahay kii hadheeyey Maryan sidii awoodda Ilaahay oo sababtay dhalashadii Erayga Ilaahay ee abadiyanka ah ee Ilaahay, oo dhashay isaga oo ah Ciise Masiix. Waxaynu soo aragnay isaga oo ah kii Ciise Masiix ku soo dul degey isaga leh qaab qoolley oo samada ka timid markii uu Ilaaha Aabbaha ahi uu erayadiisii jacaylka iyo raalli ka ahaanshaha isaga kaga hadlay, Ilaaha wiilka ah, wakhtigii baabtiisankiisii. Kani maaha mid kale laakiinse waa Ruuxa Ilaahay ee abadiyanka ah ee isaga weligiis iyo weligiis la jirey, isla sida uu Eraygiisa abadiyanka ahina ahaa.

Tusaalihii ama masaalkii qorraxda ku saabsanaa ee aynu kor ku soo sheegnay, iyada oo uu Ilaaha aabbaha ahi yahay sida qorraxda lafteeda taas oo aad u kulul inay banii-aadanka ku soo dhowaato, iyo Ilaaha Wiilka ah oo ah fallaadhahii qorraxda ka imaanayey si ay adduunka inoogu keenaan iftiin, Ruuxa Quduuska ah ee Ilaahay waa sidii kulaylka ama diirranaanta qorraxda taas oo sidda awoodda qorraxda, laakiinse fogaanshaha ayaa taaas beddela si ay inoo siiso kulaylka inagu habboon inuu innaga ina diiriyo oo nolosheenana suurtaaggeliyo. Markaa, qorniinka dhexdiisa oo dhan waxaynu ku arkaynaa Ilaahay oo ficil ku samaynaya shakhsigan saddexaad ee Saddex-Midnimada Quduuska ah—isaga Ruuxiisa Quduuska ah—si uu banii-aadanka u xooggeeyo inay shaqadiisa qabtaan, si uu nebiyadii ugu waxyoodo inay erayadiisa maqlaan oo ay si geesinimo leh runtiisa dadka ugu bandhigaan. Oo kaddib markii uu Ciise Masiix adduunkan yimidna, inuu uu dadka dembiyadooda ugu caddeeyo, oo uu iyaga toobadkeen ugu soo duwo oo uu kuwa Masiixa rumaysan u xooggeeyo inay ku noolaadaan nolol quduus ah oo qumman sida Ilaahay doonistiisa qaabilsan, inay markaa Ilaahay si sax ah u caabudaan.

Laga soo bilaabo bilowga Baybalka, kitaabka ugu horreeya ee Tawreedda kaas oo la yidhaahdo Bilowgii, waxaynu ka akhrinnaa Ilaaha Ruuxa Quduuska ah inuu joogey oo uu Ilaahay iyo Eraygiisa daa’inka ah kala qaybqaatay hawshii abuuritaanka (sidaynu kor ku soo aragnay):
1Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray.2Dhulkuna qaab ma lahayn, wuuna madhnaa; gudcurna moolkuu dul joogay; oo Ruuxa Ilaahna wuxuu ka dul dhaqdhaqaaqayay biyaha.3Ilaahna wuxuu yidhi, Iftiin ha ahaado: iftiin baana ahaaday.” (Bilowgii 1:1-3)

Waxaynu hore u soo akhrinay inuu Ilaahay wax kasta ku abuuray Eraygiisa abadiyanka ah, haddana waxaynu arkaynaa inuu sidoo kale Ruuxa Ilaahayna joogey oo ka qaybqaatay abuuritaankii, markaa waxaa Saddex-Midnimada Ilaahay ee Quduuska ah saddexda shakhsiba ka dhex jira midnimo buuxda iyo wada shaqayn aad u dhow.

Ciise, waxbariddiisii sidii nebi Ilaaha keliya ee runta ah, wuxuu ku isagu si cad Injiilka ugu sheegay inuu isagu Ilaaha aabbaha ah mid la yahay, oo uu keliya oo qabto shaqadii uu aabbuhu isaga u soo diray inuu qabto. Waxbaridaha soo socda oo dhan wuxuu bixiyey markii uu la hadlayey Yuhuuddii iyo culimmadii Yuhuudda kuwaas oo diidey inay isaga rumeeyaan.

Injiilka sida loogu muujiyey rasuul Yooxanaa ayaa sidan ku qoraya Cutubka 8-aad, inay Yuhuuddii weydiiyeen Ciise:
“53Miyaad ka sii weyn tahay aabbaheen Ibraahim oo dhintay, iyo nebiyadii dhintay? Yaad iska dhigaysaa?54Ciise wuxuu ugu jawaabay, Haddaan is-ammaano, ammaantaydu waxba ma aha. Waa Aabbahay kan i ammaanaa, kaad ku sheegtaan Ilaahiinna.55Mana aydnaan garan isaga, laakiinse anigu waa garanayaa, oo haddaan idhaahdo, Garan maayo isaga, sidiinna oo kalaan beenaaleh noqonayaa, laakiinse waan aqaan isaga, ereygiisana waan xajiyaa.56Aabbihiin Ibraahim waa ku reyreeyey inuu maalintayda arko, wuuna arkay oo ku farxay.57Sidaa aawadeed Yuhuuddii waxay ku yidhaahdeen, Weli konton sannadood ma aadan gaadhin, oo Ibraahim ma aragtay? 58Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Intaan Ibraahim jirin ANAA AH.59Markaasay dhagaxyo u gurteen inay ku tuuraan, laakiin Ciise waa dhuuntay, wuuna ka baxay macbudka.” (Injiilka Yooxanaa 8:53-59)

Halkan wuxuu Ciise si cad u sheeganayaa inuu isagu wakhtigii Ibraahim ka hor jirey oo wuxuu qaadanayaa magaca YAAHWEEH (Al-Qayuum) ama “KII WELIGIIS JIREY ee aan la abuurin” kan oo ahaa magacii uu Ilaahay isugu sheegay Muuse markii uu geedkii ololayey kala dhex hadlayey. Yuhuuddii tan maqashay isla markiiba dhagxaan bay gurteen si ay isaga u dhagxiyaan waayo waxay iyagu ogaayeen inuu isagu sheeganayey inuu Ilaahay mid la yahay. Mar kale Injiilka sida uu Yooxanaa u qoray cutubka 10-aad ayaa sidan odhanaya:
“24Yuhuuddu haddaba waxay isugu soo urureen hareerihiisa oo ku yidhaahdeen, Tan iyo goormaad shaki nagu sii wadi doontaa? Haddii aad Masiixa tahay bayaan noogu sheeg.25Ciise ayaa ugu jawaabay, Waan idiin sheegay, idinkuse ma rumaysnidin. Shuqullada aan magaca Aabbahay ku sameeyo ayaa ii marag fura,30Aniga iyo Aabbuhu mid baannu nahay. 31Markaasay Yuhuuddu haddana dhagaxyo u gurteen inay dhagxiyaan.32Ciise ayaa ugu jawaabay, Shuqullo badan oo wanaagsan ayaan idinka tusay xagga Aabbahay. Shuqulladaas kee baad igu dhagxinaysaan?33Yuhuuddu waxay ugu jawaabeen, Shuqul wanaagsan aawadiis kugu dhagxin mayno, laakiin caytanka aawadiis iyo inaad adigoo nin ah Ilaah iska dhigayso.37Haddaanan samayn shuqullada Aabbahay, ha i rumaysanina.38Laakiin haddaan sameeyo, in kastoo aydnaan i rumaysanayn, shuqullada rumaysta, inaad ogaataan oo garataan in Aabbuhu igu jiro, anna Aabbaha aan ku jiro.39Sidaa aawadeed mar kale ayay dooneen inay qabtaan, wuuna ka baxsaday gacantooda.” (Injiilka Yooxanaa 10:24-25, 30-33, 37-39)

Dabadeedna in yar kaddib Injiilka Sida uu Yooxanaa u qoray, cutubka 14-aad, Ciise Masiix ayaa xertiisii la hadlaya, oo u sharraxaya xidhiidhka ka dhexeeya isaga, Ilaaha Aabbaha ah iyo Ruuxa Quduuska ah:
1Qalbigiinnu yuusan murugoon. Ilaah waad rumaysan tihiin, anigana i rumaysta. … 6“Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee. 7Haddaad i garateen, Aabbahayna waad garan lahaydeen. Hadda ka dib waad garanaysaan, waadna aragteen. … 9Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma intaas badan baan idinla joogay, oo aanad i garanaynin, Filibosow? Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha. Sidee baad u leedahay, Aabbaha na tus? 10Miyaadan rumaysan inaan Aabbaha ku jiro, Aabbuhuna uu igu jiro? Erayadaan idinkula hadlayo, anigu iskagama hadlayo, Aabbahase igu jira ayaa shuqulladiisa sameeya. … 16Aniguna Aabbahaan baryi doonaa, isna wuxuu idin siin doonaa Gargaare kale inuu idinla jiro weligiin, 17waxaa weeye, Ruuxa runta ah oo aanay dunidu qaadan karin, waayo, ma aragto, garanna mayso, idinkuse waad garanaysaan, waayo, wuu idinla jiraa, wuuna idinku jiri doonaa. … 25Waxyaalahaas ayaan idinkula hadlay intaan idinla joogay,26laakiin Gargaaraha Ruuxa Quduuska ah oo Aabbuhu ku soo diri doono magacayga, wax kasta ayuu idin bari doonaa, wuxuuna idin xusuusin doonaa wax kasta oo aan idinku idhi.” (Injiilka Yooxanaa 14:1, 6-7, 9-10, 16-17, 25-26)

Halkan way ku caddahay in Ciise iyo Aabbuhu ay mid ku yihiin shaqada iyo waxbariddaba; waxaa kaloo cad inuu Aabbuhu, Ruuxa Quduuska ah u soo diray rumaystayaasha magaca Wiilka daraaddiis si uu iyaga caawiyo. Isagu weligiis ayuu rumaystayaasha la joogaa, markaa banii-aadan ma ahaan karo, laakiinse waxaa isaga loogu yeedhay Gargaare iyo Ruuxa Quduuska ah, oo isagu waxbarid cusub ma keeno, laakiinse wuxuu rumaystayaasha xasuusiyaa dhammaan wixii uu Ciise iyaga baray.

Ugu dambaysta aayadahan Injiilka sida uu Yooxanaa u qoray cutubka 16-aad ku jira, Ciise ayaa sharraxaad dheeraad ah ka sii bixinaya shaqada Ruuxa Quduuska ah iyo xidhiidhka ka dhex jira isaga iyo Aabbaha iyo Ruuxa, inta ay iyagu Saddex-Midnimada Quduuska ah ku midaysan yihiin.
“7Laakiin runta ayaan idiin sheegayaa, Waxaa idiin roon inaan tago. Haddaanan tegin, Gargaaruhu idiinma iman doono, laakiin haddaan tago waan idiin soo diri doonaa.8Isagu markuu yimaado wuxuu dunida ku caddayn doonaa xagga dembiga iyo xaqa iyo xukunka; … 12Wax badan oo kalaan leeyahay inaan idiin sheego, laakiin imminka qaadi kari maysaan.13Laakiin markuu kan Ruuxa runta ahu yimaado, wuxuu idinku wadi doonaa runta oo dhan, waayo, isagu iskama hadli doono, wuxuuse ku hadli doonaa wuxuu maqlo, wuxuuna idiin sheegi doonaa waxa imanaya. 14Wuu i ammaani doonaa, waayo, waxayguu qaadi doonaa, wuuna idiin sheegi doonaa.15Wax kasta oo Aabbuhu leeyahay anigaa leh. Sidaa daraaddeed waxaan idhi, Waxayguu qaadaa, wuuna idiin sheegi doonaa.” (Injiilka Yooxanaa 16:7-8, 12-15)

Rasuul Butros ayaa tan si cad u sheegaya markii uu canaananayey rumayste la oran jirey Ananiyas oo aan daacad ahayn oo isku deyayey inuu Ruuxa Quduuska ah been u sheego taas oo la mid ahayd sidii uu Ilaahay been u sheegay:
“3Laakiin Butros baa ku yidhi, Ananiyasow, maxaa Shayddaanku qalbigaaga u geliyey inaad Ruuxa Quduuska ah been u sheegtid oo aad qiimihii dhulka qaar la hadhid?4Markaad haysatay, miyaanay waxaagii ahayn? Oo markii la iibshay dabadeedna, miyaanad adigu u talin? Maxaad waxan qalbigaaga u gelisay? Dad been uma aad sheegin, waxaadse u sheegtay Ilaah.” (Falimaha Rasuullada 5:1-4)

5. Faa’iidada Rumaystaha (Masiixiga) ugu Jirta inuu Saddex-Midnimada Rumeeyo iyo Dhowr Arrimood oo Kale.
“3Guri wuxuu ku dhismaa xigmad, Wuxuuna ku taagnaadaa waxgarasho, 4Qawladuhuna aqoontay kaga buuxsamaan Maal kasta oo qaali ah oo qurux badan.” (Maahmaahyadii 26:3-4)

“23Iska diid su'aalaha nacasnimada iyo jaahilnimada ah, adigoo og inay dagaallo dhalaan.24Addoonka Rabbigu waa inuusan ilaaqtamin, laakiin waa inuu ahaado mid dadka u wada roon, oo waxbaridda ku wanaagsan, oo dulqaadasho badan,” (2 Timoteyos 2:23-24)

Ii jiid, aan ku jiido waa gacmo dhalis!” (Maahmaah Soomaaliyeed)

War, maxay barako weyn ahayd in la arko sida uu Ilaahay u weyn yahay, oo quduusan yahay oo u jacayl badan yahay sida aynu ka aragno sida isaga loogu muujiyey qorniinada (Baybalka) oo dhan, waa Axdigii Hore iyo Axdiga Cusub e. Waxaa jira barakooyin badan oo aynu innagu helno marka aynu Ilaahay u garanno isagoo mid keliya ku ah Saddex-Midnimada Quduuska ah, kaas oo adduunka abuuray oo daryeela, kaas oo jecel oo bixiya banii-aadanka dembiga miidhan ee fallaagada ah (iyo xataa abuuritaankiisa oo dhan), oo si naxariis miidhan ah inoo siiya Ruuxiisa Quduuska ah si uu inooga caawiyo inaynu isaga jeclaanno oo si daacad ah u caabudno, oo innaga ina xooggeeya si aynu si geesinimo leh, oo xigmad leh oo fasiix ah warka wanaagsan ugu dhawaaqno si ay kuwa kalena runta isaga ku saabsan u heli karaan.

Innaga oo aan dooneyn inaynu ku galgalanno dhooqada dooda iyo muranka, haddana waxaa muhiim ah inaynu caddayno oo aynu iska caawinno inaynu si jacayl ah u fahanno dabeecadda Ilaaha keliya. Sida aynu ka arkayno amarkiisii ugu dambeeyey ee uu xertiisa siiyey ka hor intaanu adduunka ka tegin, Ciise Masiix wuxuu si cad u baray inay ahayd inay xertiisu ku baabtiisaan magaca Ilaaha Saddex-Midnimada ah, Aabbaha, Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah:
“19Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuskaa,20oo bara inay dhawraan wax walba oo aan idinku amray, oo bal eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado.” (Injiilka Matayos 28:19-20)

Halkan waxaynu ku arkaynaa waxbariddii caddayd ee Ciise inay ahayd inay rumaystayaasha boqortooyadiisa la soo geliyey, xukunka Ilaahay ee qalbiyadooda, tan oo ahayd shaqo ay qabteen xubnaha Saddex-Midnimada Quduuska ah dhammantood, waayo isagu waa hal Ilaah oo run ah, kaas oo banii-aadanka u abuuray inay isaga caabudaan, oo iyaga jecel marka ay daciifka yihiin oo dembaabaan, oo aanay isa sixi karin; waa Ruuxa Quduuska ah ka iyaga qalbiyadooda ka shaqeeyey si uu iyaga ugu keeno isaga, oo ugu xooggeeyo inay isaga si daacad ah u caabudaan. Dadka qaarkood ayaa si khalad ah u baray inuu wax lagu baabtiiso oo keliya magaca “Ciise” tan oo ay ku saleeyeen qaar ah aayadaho ku jira Falimaha Rasuullada, tusaale ahaan Falimaha Rasuullada 2:38, oo odhanaysa:
“38 Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, Toobadkeena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah.” (Falimaha Rasuullada 2:38)

Dhibaatada ay tani leedahay waa inaanay iyagu garowsan in ku baabtiisidda magaca Ciise la macne tahay “awoodda Ciise Masiix” oo iyagu magacii “Ciise” ayay u beddeleen fal sixireed. Sababta uu magaca Ciise aadka muhiimka ugu yahay waa macnaha uu kani huwan yahay iyo daacadnimada Ciise ee uu ku sameeyo wixii uu Ilaaha aabbaha ahi isaga u soo diray inuu qabto. Magaca “Yashuuca” (Magaca dhabta ah ee Ciise ee af-Cibrinaaniga ah) waxaa laga soo min-guuriyey  magaca “Yaahweeh” (magaca Ilaahay ee Muuse looga sheegay geedkii ololayey dhexdiisa  kan oo macnihiisu yahay “Ilaaha keligiis iska jira ee aan waxna mid kale uga baahnayn” (al-Qayyuum)), iyo “Shuuca”, macnahiisu waa “badbaado.” Markaa, magaca Ciise (Yashuuca) macnahiisu waa “Rabbiga Badbaadiya.” Tan waxaa si cad loogu arkayaa ogeysiiskii ay malaa’igtu Yuusuf u sheegtay ee ku saabsanayd dhalashadii Ciise ee qoran Injiilka loo muujiyey Matayos oo xertii Ciise ahaa, halkaas oo sidani ku qoran tahay:
“20Laakiin intuu waxan ka fiirsanayay ayaa malaa'igtii Rabbigu riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Yuusuf ina Daa'uudow, ha ka baqin inaad naagtaada Maryan qaadatid, waayo, waxa ay uuraysatay ayaa Ruuxa Quduuskaa ka yimid.21Oo waxay umuli doontaa wiil, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise (“Yesuc”), waayo, dadkiisa ayuu dembiyadooda ka badbaadin doonaa”.(Injiilka Matayos 1:20-21)

Magacani wuxuu leeyahay awood uu ku badbaadiyo mana aha magaca oo lagu celceliyo, sida ay falalowyadu sameeyaan, laakiinse maaddaama uu Ciise Masiix, Wiilka Ilahaay magacan lahaa, oo uu si ficil ahaan ahna u sameeyey shaqo uu Ilaaha aabbaha ah doonistiisa ku addeecayey, isagoo wuxuu xaq u lahaa iska dhaafay oo silcay oo sidii allabbari ama waaqdhac kaamil ah ugu dhintay iskutallaabta. Markaa, kuwa aammina isaga iyo shaqada uu dhammaystiray waxay iyaguna markooda Ilaahay ka helayaan hadiyadda badbaadada, oo waxaa iyaga lagu baabtiisaa awooddii uu isagu xertiisa siiyey inay isticmaalaan si ay kuwaasi uga mid noqdaan dadkiisa la soo furtay. Haddii aynu innagu garowsanno awooddii Ciise taas oo uu ku helay noloshiisii aan iinta lahayn iyo shakhsiyadiisii ilaahnimo markaa waa inaynu addeecno wixii uu isagu baabtiisanka inaga baray.

Sababtu waa inaynaan innagu si “sixir” ama falalownimo cajiib ah ku badbaadin tan oo wakhtiga baabtiisanka la sameeyo, ama xataa baabtiisanka uu Ilaahay inagu amray laftiisa, laakiinse waxaynu ku badbaadney wixii uu Ilaaha aabbaha ahi sameeyey ee ku sameeyey adeeciddii Wiilka, tan oo ay inoo soo gudbisey awoodda Ruuxa Quduuska ahi, markaa waxaynu innagu ka markhaati furaynaa oo isla xidhiidhinaynaa taas marka innaga la ina baabtiiso.

Faa’iido kale oo aad u wanaagsan oo rumaystayaasha ugu jirta qarsoodiga dabeecadda qarsoodiga ah ee Ilaahay xidhiidhka isugu leeyahay waa inay tani dhawrayso ama ilaalinayso weynaanta iyo quduusnimada Ilaahay; Ilaaha Aabbaha ah ee samada ayaa sii waday inuu maamulo oo daryeelo adduunka, iyadoo isla markaana uu Ilaaha wiilka ahi uu iska dhigay ama iska dhiibey maqaamkiisii Ilaahnimo oo uu qaatay qaab midiidin iyo banii-aadan si uu u qaado dembiyada adduunka oo u bixiyo kuwaas ciqaabtooda. Sidii aynu soo aragnay, Ilaahay quduus ayuu ku yahay dabeecaddiisa ilaahnimo, oo dembiguna isaga qayb kama noqon karo, laakiinse Ilaaha wiilka ah, ayaa in kasta oo uusan iin lahayn, oo ay noloshiisu bilaa dembi ahayd, isagu dabeecaddiisii banii-aadanimo wuxuu soo dhex galay ama yimid adduunkan banii-aadanku joogo ee dembiga miidhan ah, oo wuxuu ugu dambaystii qaatay ciqaabtii dembigooda oo ku qaaday iskutallaabta, taasoo ahayd allabariga kaamilka ah ee uguna dambeeyey kaas oo buuxiyey ama oofiyey shuruudda sharciyadii uu Ilaahay Muuse ku siiyey Axdigii Hore ee ku saabsanaa cafiska dembiyada (eeg Laawiyiintii Cutubka 4 iyo Cibraaniyada 9:22). Tan macnaheedu wuxuu ahaa in Ilaaha Wiilka ah si mucjiso uun ah oo aynaan garanayn looga kexeeyey ama looga saaray Ilaahay wakhtigii uu isagu dembigii dunida qaaday. Tan ayaa ahayd sababtii uu isagu iskutallaabta ugaga qayliyey, isagoo Sabuurkii soo xiganaya, erayada lagu qoray injiilka loo muujiyey xerowgii Matayos la odhan jirey:
“46Abbaaraha saacaddii sagaalaad Ciise ayaa cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Eloy, Eloy, lama sabakhtani, waxaa weeye, Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?” (Injiilka Matayos 27:46 ka soo xigan Sabuurka 22:1)

Ugu dambaystana, markii Ciise Masiix, Ilaaha Wiilka ah, uu Aabbuhu isaga adduunka u soo diray, waxaa innaga si cad la inoogu sheegay inuu isagu qaatay qaab iyo jidh banii-aadan, oo isaga laga dhigay ama uu noqday sida innaga banii-aadan ahaan dhinac kasta oo laga eego, intii aan ka ahayn inuusan isagu dembaabin, si uu isagu wadaad iyo dhexdhexaadiye aan iin lahayn uga noqdo innaga iyo Ilaaha aabbaha dhexdooda. War maxay tani faa’iido weyn innaga inoo leedahay kuweenna Masiixa rumaysan, oo uu Ilaahay ku badbaadiyey isaga shaqadiisii furashada ahayd, isaga oo doonista Aabbaha ku kaamilaya ama ku oofinaya awoodda Ruuxa Quduuska ah. Dadka qaarkood ayaa isku deyey inay sheegaan in markii uu Ciise Masiix adduunka yimid uusan lahayn “jidh keenna oo kale ah” laakiinse uu lahaa “jidh nooc kale ah,” laakiinse tan qorniinku ma taageerayo haddii aynu si cad ugu fahanno sidii loogu muujiyey kuwii markii ugu horreysey helay.

Dhowr qorniin oo laga helo Axdiga Cusub ayaa tan caddaynaya. Marka hore waxaynu kor ku soo aragnay injiilka uu Ilaahay u muujiyey kii xerta ahaa ee Yooxanaa la odhan jirey oo sidan qoraya:
“14Ereyguna jidh(Erayga Af-Giriigga ah = “Sarks”) buu noqday, oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii, taas oo ahayd ammaantii u ekayd tan Wiilka keliya ee Aabbaha, ee nimco iyo run ka buuxa.” (Injiilka Yooxanaa 1:14)
Eraygii qadiimka ahaa ee hore ee af Giriigga ahaa ee “Sarks” kan oo uu halkan ku qeexay Qaamuuska Faahfaahsan ee “Strong” ee ay Af-Giriigga iyo Af-Cibraanigu la socdaan (luuqadihii hore ee Baybalka lagu waxyoodey) ayaa sidan odhanaya:

  1. jidhka (waxa uu jidhka nooli ka samaysan yahay, kaas oo lafo leh, oo dhiigna ku jiro) ka ay dadka iyo xayawaankuba leeyihiin.
  2. jidhka (ka ka lidiga ku ah nafta (ama ruuxa), b) jidhka banii-aadanka, t) kan loo isticmaalo waxyaalaha dabiiciyanka ah ee jidh ahaaneed sida dhalashada ama taranka.
  3. dabeecada dareenka leh ee banii-aadanka, “dabeecadda xayawaanka”: b) iyadoo aan kharibaadi ku dhicin, t) dabeecadda xayawaanimada ah ee dembiga ka daba orodda ama jecel, j) dabeecadda jidh ahaaneed ee banii-aadanka ee silica ama dhibta u nugul.

Tan ayaa caddaynaysa inay taasi ku saabsan tahay jidhka iyo dabeecadda banii-aadanka, oo macnaheeda tooska ahi waa inuu Ciise lahaa isla “jidhka” aynu innaguna leenahay. Innaga oo sii wadayna waxaynu kaloo soo araganay sidii Rasuul Bawlos loogu waxyoodey inuu sidan qoro:
“5Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro.6Isagu wuxuu lahaa suuradda Ilaah, oo inuu Ilaah la mid ahaado kuma uu tirin in taasu tahay boobis,7laakiinse wuu ismadhiyey, oo wuxuu qaatay addoon suuraddiis, oo wuxuu noqday mid dad (Erayga Af-Giriigga ah “Anthropos”) u eg,8oo markuu nin (“Anthropos”) u ekaaday, ayuu is-hoosaysiiyey oo addeecay inuu dhinto, xataa inuu iskutallaabta ku dhinto.” (Filiboy 2:5-8)

Eragyii qadiimka ahaa ama hore ee Af-Giriigga ahaa ee “Anthropos”, oo aayadda 7 loo turjumey “dad”, aayadda 8-na loo turjumey “nin”, kaas oo u ekaantiisa Ciise laga dhigay, kaas oo uu isagu u muuqday, wuxuu si cad u leeyahay micnaha “qof banii-aadan ah” sida uu Qaamuuska Faahfaahsan ee Baybalka ee Strong ee Af-Giriigga iyo Af-Cibraanigu u qeexay. Ma jirto sabab loo rumeeyo inaan tan macnaheedu halkan ku caddayn oo uusan fasiix ahayn — inuu Ilaaha Aabbaha ahi uu soo diray Ilaaha Wiilka ah inuu qaato u ekaan ama qaab banii-aadan si uu si buuxda ugu fahmo oo isula xidhiidhiyo innaga, oo ah banii-aadan daciif ah oo dembi badan, oo uu sidan innaga inoogu noqdo wadaad aan iin lahayn oo naxariis leh, sida lagu qoray waraaqda la waxyoodey ee loo qoray Masiixiyiintii Cibraaniyiinta ahaa:
“10Waayo, waa u ekayd kan wax walba u yihiin, oo wax walba ka yimaadeen, markuu carruur badan ammaan u keeno, inuu bilaabaha badbaadadooda xanuun ku kaamilo.11Waayo, kan quduus ka dhiga iyo kuwa quduus laga dhigaaba kulli mid keliya ayay ka yimaadaan; taas aawadeed isagu kalama xishoodo inuu iyaga ugu yeedho walaalo,14Carruurtu waxay qayb ka heleen jidh (“Sarks”) iyo dhiig, taas aawadeed isaguna sidaas oo kale ayuu uga qayb qaatay, inuu dhimasho ku baabbi'iyo kii xoogga dhimashada lahaa, oo ah Ibliiska,15iyo inuu furo kulli kuwii cimrigoodii oo dhan addoonnimo ugu hoos jiray cabsida dhimashada.16Waayo, runtii, ma uu qaadan suuradda malaa'igaha, wuxuuse qaatay tan dhashii Ibraahim.17Haddaba waxaa isaga u ekayd inuu wax walba ugu ekaado walaalihiis, inuu wadaad sare oo naxariis iyo aamin badan leh u noqdo xagga waxyaalaha Ilaah, si uu cadhotir ugu noqdo dembiyada dadka. 18Waayo, isaga qudhiisu wuu xanuunsaday isagoo la jirrabay, taas aawadeed wuu karaa inuu caawiyo kuwa la jirrabo.” (Cibraaniyada 2:10-18)
“15Waayo, ma aynu lihin wadaad sare oo aan itaaldarradeenna ka nixi karin, laakiin waxaynu leennahay mid si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn.” (Cibraaniyada 4:15)

Markaa, waxaynu arkaynaa sida ay caqiidada Saddex-Midnimadu faa’iidooyin wanwanaagsan oo qurux badan ugu xambaarsan tahay kuwa waxay ka dhigan tahay ka dareema oo ka dhex hela qorniinka oo dhan dhexdiisa iyo nolosha marka ay iyagu rumaystayaasha Masiixa noqdaan; tani waxay keentaa xidhiidh sax oo muhiimadda ugu weyn leh, waayo Ilaahay laftiisa ayaa xidhiidh iskula leh kelinimadiisa samaawiga ah; waxay tani suurtaggelisaa inay soo celiso xidhiidh shakhsiyan ah oo Ilaahay lala yeesho; waxay kaloo tani suurtaggelisaa inay dib u soo dhisto xidhiidh shakhsiyan ah oo banii-aadanka ka dhex dhaca ama ka dhex jira (ninka iyo xaaskiisa dhexdooda, qoyska dhexdiisa, bulshada dhexdeeda, iyo dadyowga dhexdooda); ugu dambaystana, waxay tani innaga inoo suurtaggelisaa jacaylka qotoda dheer ee Ilaahay, innaga oo weli ah banii-aadan dembiileyaal iyo fallaago ah, inay dib inoo soo dhisto oo inaga caawiso inaynu isaga si sax ah oo qumman u caabudno.

Tan waxaa laga arki karaa waraaqdii uu Ruuxa Quduuska ahi u muujiyey Rasuul Bawlos (kan oo ahaa macallin diimeed Yuhuudi ah, oo aadna Ilaah keliya u rumaysnaa), inuu isagu u qoro Masiixiyiintii reer Rooma; isagu Masiixa ayuu la kulmay oo wuxuu khibrad u yeeshay ama helay runta iyo jacaylka Ilaaha runta ah ee keliya kaas oo ah Saddex-Midnimada Quduuska ah, oo sidan buu qoray:
“1Sidaas daraaddeed innagoo xaq laynagaga dhigay rumaysad, nabad baynu xagga Ilaah ku haysannaa Rabbigeenna Ciise Masiix;2kan xaggiisa aynu rumaysad ku galnay nimcadan aynu dhex taagan nahay, oo waxaynu ku faraxnaa rajada ammaanta Ilaah. …5rajaduna inama ceebayso, maxaa yeelay, jacaylka Ilaah baa qalbiyadeenna ku dhex shubmay, oo waxaa ku shubay Ruuxa Quduuska ah oo layna siiyey. 6Waayo, innagoo weli itaaldaran ayuu Masiixu wakhti qumman u dhintay kuwa aan cibaadada lahayn. …  8Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey.” (Rooma 5:1-2, 5-6, 8)

“26Sidaasoo kalena Ruuxu wuxuu inaga caawimaa itaaldarradeenna, waayo, garan mayno wax inoo eg oo aynu ku tukanno, laakiin Ruuxa qudhiisu waa inoo duceeyaa isagoo ku taahaya taah aan sanqadhayn.27Oo kii qalbiyada baadhaa waa yaqaan fikirka Ruuxa, maxaa yeelay, wuxuu quduusiinta (dadka Ilaah) ugu duceeyaa sida Ilaah doonayo.” (Rooma 8:26-27)

Sidaa daraadeed Rasuul Bawlos, isaga oo arkaya faa’iidooyinka waaweyn ee ay u leedahay rumaystayaasha in hal Ilaah oo keliya oo run ahi mid ku yahay Saddex-Midnimada Quduuska ah, ayuu isagu sidan ku soo gabagabeeyey waraaqdiisii labaad ee isaga loo muujiyey ee uu u qoray Masiixiyiintii reer Korintos, isagoo iyaga sidan u barakaynaya:
"11Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Nabadgelyo. Qummanaada, dhiirranaada, isku fikir ahaada, nabad ku jooga, oo Ilaaha jacaylka iyo nabaddu wuu idinla joogi doonaa. … 14Nimcada Rabbi Ciise Masiix iyo jacaylka Ilaah iyo wehelnimada Ruuxa Quduuska ahu kulligiin ha idinla jireen." (2 Korintos 13:11, 14)

Ugu dambaystana waxaaan doonayaa inaan ku soo gabagabeeyo xigashadan ah markhaatifur uu sameeyey Masiixi iyo mutacallin reer Masar ahi:
Isku soo wada duub oo, muhiimadda Saddex-Midnimadu ee midnimadu waxay ka caddahay xigashooyinka ama aayadaha iyo falanqaynta aan kor ku soo aragnay: 1) Ilaaha midka ah, abuuraha wax kasta, inuu jiritaan shakhsiyan ah isagu isku dhex leeyahay ama uusan wax kale u baahnayn si uu u jiro. 2) In Ilaaha keliya, ee banii-aadanka abuuray uu leeyahay awood uu ku hadlo, oo ay tahay inuu Isaga Laftiisu ku hadlo Erayga. 3) in Ilaaha keliya, ee abuuray nolosha wax kasta oo nool, uu Isaga Laftiisu ku nool yahay Ruuxa dhexdiisa. Sidaa daraadeed, waa xaqiiq in Saddex-Midnimadu ay tahay hal Ilaah sidii aynu horeba ugu soo caddaynay. Tan ayaa ah aaminaadayada runta ah: in Ilaahay mid ku yahay Saddex-Midnimada, ee uusan ahayn saddex ilaah.” (Botros, p.8)

Qoraallada Diyaarinta Qoraalkan Caawimaadda ka Geystey:

Baybalka:
Holy Bible, The – New International Version. Grand Rapids, MI: Zondervan - Biblica, Inc, 1984, 2011. accessed at http://www.biblegateway.com/versions/New-International-Version-NIV-Bible/ & http://www.biblegateway.com/passage/; PDF at http://www.ccngh.net/NIV%20Holy%20Bible.pdf    

Kitaabka Quduuska Ah. Nairobi, Kenya: Bible Society of Kenya, 1979, 2008. accessed at http://www.biblegateway.com/passage/; http://www.biblegateway.com/versions/Somali-Bible-SOM/#copy or 1979 version at http://gospelgo.com/q/Somali%20Bible.pdf

Saddex-Midnimada Quduuska ah:
Botros, Fr. Zakaria. God is One in the Holy Trinity: Studies in Islam and Christianity (2). (Pub.by www.fatherzakaria.com., n.d.) accessed at http://www.fatherzakaria.net/books.html

Deem, Rich. “The Trinity: The Oneness and Plurality of God” on Evidence for God. (http://www.godandscience.org/, October 25, 2011) accessed at http://www.godandscience.org/doctrine/trinity.html

Gilchrist, John. “Chapter Two: The Doctrine of the Trinity - The Christian Doctrine of God” from Facing the Muslim Challenge: A Handbook of Christian-Muslim Apologetics. (Claremont/Cape Town, South Africa: Life Challenge Africa, 2002) accessed at http://www.answering-islam.org/Gilchrist/Challenge/chap2.html

Houssney, Georges. “How to Explain the Trinity to Muslims” on Engaging Islam (http://engagingislam.org/, June 14, 2011) accessed at http://engagingislam.org/articles/2011/6/14/how-to-explain-the-trinity-to-muslims

Madrigal, Carlos. Explaining The Trinity to Muslims: A Personal Reflection of the Biblical Teaching in Light of the Theological Criteria of Islam. Pasadena, CA: William Carey Library, 2011.

“Trinity explained to Muslims, The” (11) on Christianity Explained (http://www.christianityexplained.net/index.html, 2011) accessed at http://www.christianityexplained.net/explainedto/muslims/11.html

Ku Baabtiisida Magaca Ciise Keliya:
Houdmann, S. Michael. “Should We Be Baptized In Jesus' Name (Acts 2:38), or In the Name of the Father, Son, and Holy Spirit (Matthew 28:19)?” on Got Questions?org (Got Questions Ministries, 2002-2013) accessed at http://www.gotquestions.org/baptism-Jesus-name.html

Slick, Matt. “Must Baptism Be "In Jesus' Name"?” on CARM (Christian & Apologetics Research Ministry, n.d.) accessed at http://carm.org/religious-movements/oneness-pentecostal/must-baptism-be-jesus-name

Ereyga Ilaahay oo  Banii-aadan Noqday:
Hughes, Randall D. “God In Flesh” on God Glorified. (godglorified.com, 1998) accessed at http://www.godglorified.com/godinflesh.htm

Strong’s Exhaustive Concordance with Greek & Hebrew. accessed through http://www.eliyah.com/lexicon.html - Articles:
“Strong’s G444 - Anthropos” found at http://www.blueletterbible.org/lang/lexicon/lexicon.cfm?Strongs=G444&t=KJV
“Strong’s G4561 - Sarx” found athttp://www.blueletterbible.org/lang/lexicon/lexicon.cfm?Strongs=G4561&t=KJV

“What does it mean that Jesus became flesh?” on Let Us Reason Ministries. (Let Us Reason Ministries, 2009) accessed at http://www.letusreason.org/Biblexp188.htm

Sheekooyin iyo Maahmaahyo Soomaaliyeed:
Kapchits, G.L. Qaamuuska Maahmaahyada Soomaaliyeed (The Dictionary of Somali Proverbs). Moscow, Vostochnaya Literatura Publishers, 1998.
Muuse Cumar Islaam. “Sheeko: Raage Ugaas” from Sheekoyin Soomaaliyeed. (Muqdisho: Wasaaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare, 1973) p.33. http://dspace-roma3.caspur.it/bitstream/2307/845/1/Sheekooyin%20Soomaaliyeed.pdf

Yuusuf Meygaag Samatar. Madhaafaanka Murtida. Nairobi, 1973.




BishaaroWeyn (Facebook)     NoloshaCusub (YouTube)

@somalinewlife (Twitter)     +NoloshaCusub (Google+)