Warqaddii Loo Qoray Cibraaniyada
Warqaddan, waxaa qoray oo Ilaah u adeegsaday mid ka mid ah xertii ugu horeysay ee
Masiixa. Magaca warqaddan waxaan ka garan karnaa in loo qoray kiniisaddii Yuhuuddii
Masiixiyiinta ahayd. Qoraalka Warqaddani wuxuu ka waaninayaa Masiixiyiinta inaanay
rumaysadka ka noqon ama dib uga dhicin oo ahaadaan kuwa aan isbeddelin oo runta
ku taagan. Wuxuu kaloo micneeyey sidii Axdigii Hore wax loo caabudi jiray wuxuuna
is barbardhigay Axdiga Cusub sida wax loo caabudo, kor u bixiddii Ciise Masiix ka
dib. Waxaa siiba la yaab leh sida qoraalka warqaddani u muujinayo Sayid Ciise wadaadnimadiisa
sare, oo uu u muujiyey in Ciise Masiix ka sarreeyo malaa'igaha, nebi Muuse iyo wadaadadii
Axdigii Hore.
Waraaqaha Guud
Yacquub,
1 Butros &
2 Butros,
1 Yooxanaa,
2 Yooxanaa
&
3 Yooxanaa, iyo
Yuudas. Marka laga
reebo warqadda 2aad iyo midda 3aad ee Yooxanaa, warqadaha guud cid khaas ah oo loo
qoray ma jiraan, laakiin waxaa loo qoray muuminiinta Embaraadooriyaddii Rooma joogay
oo dhan. Qorayaasha kala ah rasuul Butros iyo rasuul Yooxanaa waxay ahaayeen rasuulladii
Sayid Ciise. Yacquub iyo Yuudas laakiin waxay ahaayeen Ciise Masiix walaalihiis,
(Injiilka sida Matayos u qoray 13:55). Iyaga ayaannu u adeegsaday inay qoraan waxyaabahaas
oo dhan. Dhammaan waa xertii Masiixa ee ka adeegtay gaarsiinta iyo qorida Ereyga
Eebbe.
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved