Nebi Muuse wuxuu ahaa mid ka mid ah hoggaamiyihii hore oo cajaa'ibka
lahaa ee taariikhda soo mara. Wuxuu hoggaamiyey dad tiradooda ka badan tahay malyuun,
oo wuxuu u hor kacay socdaal ku dhammaaday afartan sano. Maanta, hadduu nin dad
sidaas u faro badan lamaddegaanka dhexdiisa mariyo, waxaa lagu xisaabi lahaa nacas
weyn. Hase ahaatee, nebi Muuse wuu fuliyey hawshaas la mooday wax aan suurtaggal
ahayn. Bal nebigaas madaxda ahaa oo weynaa, noloshiisii aynu faaqidno oo aan ka
fekerno.
Nebi Muuse wuxuu ku dhashay dalka Masar. Waalidkiisna waxay ahaayeen addoomo reer
banii-Israa'iil ah oo uu leeyahay Fircoonkii Masar. Boqorkaasu wuxuu amar ku soo
saaray in addoomaha wiilashooda la wada dilo mar alla markii ay dhashaan. Muuse
markii uu dhashay hooyadiis waxay ka baqday in laga dilo. Markaasay muddo saddex
bilood ah aqalkeedii ku qarisay. Markii ay ugu dambayntii qarin kari waayday intaas
ka badan, ayay abxad ama dambiil yar samaysay, oo intay daamur* korka ka marisay,
ayay Muuse ku dhex ridday. Kolkaasay abxaddii webiga ku ridday oo raacisay biyaha.
Kolkii cabbaar la joogay, ayaa gabadhii Fircoon waxay timid webiga, oo waxay aragtay
abxaddii oo biyaha kor sabbeeynaysa. Markaasay soo qabatay oo abxaddii furtay oo
waxay ka dhex heshay Muuse. Ina-Fircoon waxay diyaarisay naag u nuujisa naaska Muuse,
waxayna ugu geeysay gurigeeda.
Haddaba nebi Muuse intii uu korayey wuxuu bartay tacliintii dalka Masar laga heli
karay oo dhan. Wuxuuna noqday nin caqli badan. Nebi Muuse, in kastoo uu guriga Fircoon
ku dhex koray oo uu joogay, haddana wuu ogaa inuusan isagu Masri ahayn. Maalin isagoo
socda, ayuu arkay nin Masri ah oo addoon reer banii-Israa'iil ah garaacaya. Muuse
taas aad buu uga carooday, maxaa yeelay, isaguba reer banii-Israa'iil buu ahaa.
Markaasuu iska fiiriyey hareeraha oo goortii uu arkay inaan cidduna joogin, ayuu
ninkii Masriga ahaa dilay. Haddaba Fircoon baa warkii maqlay, oo wuxuu damcay inuu
Muuse dilo. Laakiinse nebi Muuse wuu baxsaday oo baaddiyaha ayuu u cararay. Halkaasuu
ku noolaa muddo afartan sannadood ah.
Maalin Muuse wuxuu arkay, isagoo ari la jooga, geed ololayey. Dabkaasuna wuu ka
duwanaa dabkii kale oo uu arki jiray oo dhan, maxaa yeelay, dabku aad buu u ololayaa,
laakiinse geedka ma guban. Muuse wuxuu u soo leexday inuu qummaati u fiiriyo, laakiin
wuxuu maqlay cod u yeeraya oo ku leh:
"Muusow, Muusow! Muuse wuxuu yiri, Waa i kan. Markaasuu wuxuu ku yiri, Halkan ha
u soo dhowaan, kabahana iska siib, waayo, meesha aad taagan tahay waa dhul qoduus
ah."
- Kitaabkii labaad ee Muuse oo la yiraahdo Baxniintii 3:5
Markaasaa Ilaah wuxuu Muuse u sheegay inuu maqlay qayladii addoomaha dalka Masar
joogay, haatana uu rabo inuu iyaga samatabbixiyo. Ilaah wuxuu nebi Muuse ku yiri,
"waxaan kuu dirayaa Fircoon, inaad dalka Masar ka soo kaxaysid dadkayga reer banii-Israa'iil
ah". - Baxniintii 3:10 Markaas Muuse wuxuu Ilaah ku yiri, Bal yaan ahay
anigu, markaan Fircoon u tegayo, oo aan reer banii-Israa'iil ka soo bixinayo dalka
Masar?" - Baxniintii 3:11 Ilaahna wuxuu ugu jawaabay, "Xaqiiqa anigaa
kula jiraya." - Baxniintii 3:12
Nebi Muuse wuu addeecay amarkii Ilaah oo wuxuu Fircoon weyddiiyey inuu addoomaha
reer banii-Israa'iil faraha ka qaado oo iska sii daayo. Fircoon wuu ku qoslay nebi
Muuse, oo wuxuu u sheegay in reer banii-Israa'iil aynan dalka Masar ka tegi karin
innaba.
Markaas Ilaah wuxuu Masriyiintii ku saliday belaayooyin iyo masiibooyin, maxaa yeelay,
Fircoon baa reer banii-Israa'iil sii dayn waayey. Biyihii dhulkoo dhammi waxay isku
beddeleen dhiig. Waxay yimid malyuunaad rah, injir, duqsi, iyo ayax oo u ku aafeeyey
dhulkii oo dhan. Lo'dii oo dhan waxaa ku dhacay xanuun. Dadkii oo dhan waxay ku
dhacay boogo xunxun ama dhullax. Cirkii oo dhammi waa madoobaaday, roob dhagaxyaale
ah samada ayaa ka soo da'ay. Ilaah waxaas oo dhan wuxuu ugu soo diray Fircoonkii
Masar sababtoo ah wuxuu sii dayn waayey addoomadii inay tagaan.
Kolkaasaa nebi Muuse wuxuu mar kale u tegay Fircoon oo wuxuu ku yiri, Adigu Ilaah
baad ku dhega'adkaatay, oo sidaa daraaddeed isagu hal aafo oo kale ayuu dadkaaga
u soo dirayaa, oo habeenbadhka ayaa reer kasta inankooda curadka dhiman doonaa.
Markaasuu nebi Muuse wuxuu addoomihii u sheegay inay wan yar qalaan oo ay dhiiggiisa
mariyaan albaabadooda labadiisa udub iyo fooddiisa, oo hadday saas yeelaan, way
nabad galayaan. Haddaba kolkuu Rabbigu soo dhex maray dalka Masar, wuxuu doonayey
curaddada Masriyiinta, laakiinse wuu iska kor maray aqal alla aqalkii dhiigga la
mariyeyba. Kaddib aqaladii aan dhiigga la marin oo dhan waxaa habeenkaas ka dhintay
ilmihii curadka u ah. Ilaah wuxuu reer banii-Israa'iil ku yiri, Markii aan dhiigga
arko ayaan iska kiin dhaafayaa. Habeenkaas carruur faro badan baa dalkii Masar ku
dhimatay, laakiinse reer banii-Israa'iil dhiiggii ay albaabadooda mariyeen awgiis
ayay xukunkii dhimashada oo Ilaah kaga baxsadeen.
Qof kasta oo banii-aadan ah dhimasho ayuu ku xukuman yahay sidii Ilaah inoo sheegay.
Haddaba adiguna sidaas oo kale ayaad dhimasho ku xukuman tahay.
"Mushahaarada dembiga waa dhimashada"
- Warqaddii rasuul Bawlos u qoray dadkii Rooma 6:23
Waayo, waxaad tahay dembiile oo waa inaad dhimataa. Habase ahaatee, Ilaah wuxuu
kuu sameeyey jid aad xukunkiisa kaga baxsan kartid. Sidii addoomihii oo kale waa
inaad dhiig marsataa oo aad ku noolaataa si uu Ilaah ku dhaafo markuu arko calaamadda
dhiigga ah. Sidee baad dhiigga u marsanaysaa? Dhiigga aad marsanaysaa waa noocee
ama caynkee? Jawaabta dhaqsiyo ayaad u heli doontaa, ee sii baro buuggan.
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved