Miyuu Ilaah kula hadlaa adiga?
Haah. Ilaah wuxuu la hadlaa mid kasta ee siiya isaga
fursad.
Dabcan waxaynu u isticmaalnaa kalmadda ah hadlid
innagoo uga gol leh "aynu wada xaajoonno" ama "xiriir aan wada yeelanno." Waxaa
taasi ku jira dhowr nooc oo hadallo ah. Waxaynu imminka soo baranay sidii Eebbe
Yuusuf ugula hadlay riyo. Taasina waxaa weeye, in Ilaah iyo doonistiisaba loo garansiiyey
Yuusuf sidatan.
Waxaynu xusuusannaa in Ilaah la hadlay Nuux, isagoo wax
uga sheegaya daadka. Wuxuu ula hadlay sida macallin hoggaamiye ah yeeli lahaa, si
deggan isagoo faallo ka siinaya dhismaha doonnida. Hubaashii Eebbe wuxuu sida badan
la hadli jiray Ibraahim. War muxuu cadaa ama fasiix ahaa codkii u yeeray si uu u
bilaabo farac cusub. Maxayse hadalladii Ilaah ee lagu joojiyey billaawihii wiilka
saarnayd oo inankiisiina lagu badbaadiyey ahaayeen kuwa yididdiilo leh.
Isagoo dad khaas ah la hadlaya, Ilaah wuxuu gaaray saddex
ulajeeddo. Marka ugu horraysa wuxuu ogeysiiyey iyaga jiritaankiisa. Waxaa kaloo
uu u caddeeyey inuu doonayo wehelnimadooda. Waxaa kaloo uu siiyey tusmooyin si ay
horey ugu ambaqaadaan qorshooyinkiisa.
Imminka waxaynu arkaynaa in Eebbe aanu doonayn oo keliya
in uu la hadlo dadka qaar, laakiinse uu doonayo inuu la hadlo dadka oo dhan meel
kastoo ay joogaanba. Dooni maayo oo keliya inuu bixiyo tusmooyin khaas ah, laakiin
wuxuu doonayaa in doonistiisa dunida oo dhan laga ogaado. Marka ay sidan tahay wuxuu
jecel yahay in hadalka la qoro. Markaana iyadoo ay ugu wacan tahay habka uu dadka
ula shaqeeyo, ayaa Ilaah doortay qof.
Casharkan waxaynu ku soo qaadanaynaa cutub ka mid ah
kuwa ugu xiisaha badan ama ugu muhiimsan ee taariikhda aadanaha -- waana noloshii
iyo shaqadii Muuse, ninkii ugu horreeyey ee Eebbe hadallo muujin ah oo qoran ka
helay.
Casharkan waxaad ka baran doontaa...
- Sababta Ilaah Muuse ugu yeeray.
- Waxaynu run ka barannaa Erayga Eebbe.
- Waxay tahay inaynu ixtiraamno oo addeecno Erayga Eebbe.
Casharkani wuxuu kaa caawinayaa inaad...
- Faallo ka bixiso sababtii Eebbe ugu yeeray Nebi Muuse.
- Ka sheekayso xaqiiqooyin ku saabsan Tawreedda.
- Ka mahadceliso Erayga Eebbe.
- Fahanto oo addeecdo Erayga Eebbe.
SABABTA ILAAH MUUSE UGU YEERAY
Dadka Ilaah mar kale ayay dhibaato ku jireen. Eebbe baa
dhawray iyaga markii uu Nebi Nuux la hadlay wakhtigii daadka. Waxaa kaloo uu ka
ilaaliyey inay sanam-caabudidda ku sii socdaan markii uu Ibraahim u yeerey. Abaartiina
wuxuu kaga badbaadiyey markii uu Yuusuf u yeerey. Markaas waxay u baahnaayeen ka
samatabbixinta addoonsiga naxariisdarrada ah iyo dullinimada ku hareereysan ee reer
Masar in laga soo furto.
Waxaan ka akhrinaynaa Kitaabkii labaad ee Muuse oo la
yiraahdo Baxniintii, cutubka 2, aayadaha 23 iyo 25, sidatan:
"Oo waxay noqotay in waayahaas badan dabadeed uu boqorkii
Masar iska dhintay, reer banii-Israa'iilna addoonnimada aawadeed ayay ula taaheen,
oo way ooyeen, oo oohintoodiina waxay gaartay Ilaah addoonnimada aawadeed. Markaasaa
Ilaah arkay reer banii-Israa'iil, Ilaahna wuu ogaaday xaalkoodii."
Marka Ilaah baa Muuse u yeerey inuu hoggaamiyo dadkiisa,
sida ku qoran Kitaabka Baxniintii 3:7, 10, oo leh:
"Rabbiguna wuxuu ku yiri, "Hubaal waxaan arkay dhibaatada
dadkayga ku haysata Masar, oo waan maqlay oohintii ay ooyeen kuwa hawsha ku qaxraya
aawadood, waayo anigu waan og ahay caloolxumadooda; haddaba kaalay, oo waxaan kuu
dirayaa Fircoon, inaad dalka Masar ka soo kaxaysid dadkayga."
Muuse wuxuu ahaa nin xoog badan oo xigmad leh. Wuxuu
ka bartay hooyadiis in Eebbe badbaadiyey isaga markii uu dhallaanka ahaa. Wuxuu
garanayey jidadka Ilaah oo wuxuu ahaa mid Ilaah u hoggaansan. Si kastaba ha ahaatee
markii uu Ilaah hadalladiisa maqlay, buu is-hooseysiiyey oo wuxuu Ilaah ku yiri,
"Bal yaan ahay anigu, inaan dadkaaga hoggaaminayo? Lagaba yaabo in dadku ayan i
raacin. Sidee baan iyaga ugu sharraxayaa inaad adiga Rabbigayga ahi, i soo dirtay?
Maxaan oran doonaa haddii ay i weyddiiyaan magaca Rabbigayga?"
Eebbe wuxuu Muuse u sheegay inuu ku tago magaca Ilaaha
Ibraahim. Dabadeedna wuxuu siiyey awoodda uu ku sameeyo calaamado mucjiso si dadku
u rumeeyo.
Waxaynu aragnay in dad kale loogu yeeray inay sameeyaan
hawlo khaas ah markay Ilaah u adeegayaan. Laakiin hadda ka hor Ilaah cidna uma dhiibin
hawl la mid ah tii uu Muuse u dhiibay.
Hawshiisu waxay ahayd hawl hoggaamiyannimo toos ah iyo
ka dhaadhicin ah. Waxaa loo diray in dadka kale uu u sheego doonista Eebbe iyaga
ka leeyahay oo uu ku hoggaamiyo inay xiriir la yeeshaan Ilaah. Ilaah ayaa isaga
saddex siyoodba ugu diyaariyey hawshiisa: Muujinta uu u muujiyey Magaciisa,
Awooddiisa, iyo Sharcigiisa ama Qaynuunadiisa.
Erayga magac ayaa qorniinka quduuska ahi ku macneeyaa
dabeecadda iyo baxaalliga hoos ahaaneed ee qofka. Waxay muujinaysaa jiritaan iyo
ulajeeddo. Rabbiga wuxuu Muuse u sheegay inuu isticmaalo magaca ah, "WAXAAN AHAY
KAAN AHAY", sida ku qoran Kitaabka Baxniintii 3:14. Waxaana taasu muujinaysay dabeecadda
aan isbeddelaynin iyo daacadnimada Eebbe. Shaqada Muuse iyo hadallada uu qori lahaa
oo dhan waxay ahayd inay ku salaysnaadaan dabeecadda Ilaah.
Awoodda Ilaah waxaa lagu muujiyey calaamadihii iyo masiibooyinkii
kuwaasoo uu Muuse ka kor samaynayey. Wakhtigaas ka hor, Ilaah weligiis cidna mucjiso
kama uusan kor samayn. Wuxuu Muuse u sheegay inuu mucjisadan calaamad ahaan u isticmaalo
"si ay u rumeeyaan in Ilaahii Ibraahim uu kuu muuqday". Awoodda Eebbe aawadeed ayaa
Muuse ushiisii noqotay mas; oo gacantiisiina waxa ku dhacay baras dabadeedna waa
la bogsiiyey; marna biyihii ayaa waxay noqdeen dhiig markii dhulka lagu soo daadiyey.
Calaamadahan awoodda leh ayaa waxay adkeeyeen shaqada Muuse. Mar dambena Ilaah wuxuu
awooddiisii muuqaal ahaan ugu dul muujiyey buur Siinay si uu u adkeeyo eraygiisa
qoran.
Qaynuunada Ilaah waxaa Muuse u soo dhiibay Ilaah
qudhiisa. Muuse waxay ahayd inuu dadka ku hoggaamiyo waddada Eebbe. Sidaas darteed,
Ilaah wuxuu isaga siiyey sharciyo ay ficilladooda ku cabbiraan. Waxay ahayd addeecista
sharciyada inay keento guul, ayna ka caawis dadka inay nabad Ilaah kula noolaadaan
oo iyaguna nabad ku wada noolaadaan. Markaana waxaynu arkaynaa in shaqada iyo erayada
Muuse ay ku salaysnaayeen dabeecadda Ilaah, laguna adkeeyey calaamado mucjisooyin
ah, dadka dhexdiisana lagaga dhaqangeliyey sharciyadii Ilaah.
LEYLI
1. Meelaha bannaan buuxi si aad u dhammaystirto weedhaha
soo socda:
b) Eebbe wuxuu u diyaariyey Muuse hawshiisa
isagoo u muujinaya
,
iyo
.
t) Muuse wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee Ilaah weyddiiyey
inuu hadalkiisa
.
j) Muuse wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey
kaasoo Eebbe ku shaqaystay isagoo isticmaalaya
.