Nebi Ibraahim* waxaa lagu yaqiinay iimaankiisa xoogga leh ee uu Ilaah
u qabay. Maalin ayaa Ilaah nebi Ibraahim ku yiri:
Ka tag waddankaaga, iyo xigaalkaaga, iyo reerka aabbahaaba, oo dalka aan ku tusi
doono u kac. "
- Kitaabkii kowaad ee Muuse oo la yiraahdo Bilowgii 12:1
Ibraahim Ilaah wuu addeecay, oo wuxuu ka tegay dalkiisii, isagoo aan garanayn meesha
Ilaah u hoggaaminayo. Ilaah wuxuu nebi Ibraahim ku yiri:
"Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakadayn doonaa, magacaagana
waan weynayn doonaa, oo waxaad noqon doontaa barako. Oo waan barakadayn doonaa kuwa
kuu duceeya, kan ku habaarana, waan ciqaabi doonaa: oo qabiilooyinka dhulka oo dhammu
adigay kugu barakoobi doonaan."
- Bilowgii 12:2-3
Ibraahim wuxuu dhalay laba wiil, magacyadoodana waxaa la kala oran jiray Ismaaciil
iyo Isxaaq. Maalin baa Ibraahim isagoo tukanaya:
"wuxuu Ilaah ku yiri, Waxaan jeclaan lahaa in Ismaaciil hortaada ku noolaado"
- Bilowgii 17:18
Ibraahim doonistiisa weynu waxay ahayd in Ismaaciil iyo carruurtiisu ay Ilaah barako
ka helaan.
Ilaahna wuu u jawaabay oo wuxuu ku yiri:
"Xagga Ismaaciilna waan ku maqlay; oo bal eeg, isaga waan barakadeeyey, waanan badin
doonaa, oo aad baan u tarmin doonaa isaga; laba iyo toban amiir buu dhali doonaa,
oo quruun weyn baan ka dhigi doonaa."
- Bilowgii 17:20
Ilaah wuxuu doonayaa in Ismaaciil farcankiisu ay si qumman jaahiisa ugu noolaadaan.
Wuxuu doonayaa in qof kastaaba uu isaga jeclaado oo u adeego. Hase ahaatee, ma aqbali
karo in caruurtiisu dembi galaan. Waa inay dembigooda ka mayrmaan.
"Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isagu waa aammin iyo caadil inuu dembiyadeenna
inaga cafiyo oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan."
- Warqaddii kowaad oo Rasuul Yooxanaa 1:9
Dersigan bilowgiisii waxaannu niri, nebi Ibraahim wuxuu caan ku ahaa iimaankiisii
weynaa. Tijaabadii ugu weynayd oo Ibraahim iimaankiisii lagu tijaabiyey, waxay ahayd
markii Ilaah weyddiistay inuu wiilkiisa allabbari ahaan u bixiyo.
"Oo waxaa dhacay waxyaalahaas ka dib, in Ilaah tijaabiyey Ibraahim, oo uu ku yiri,
Ibraahimow. Isna wuxuu yiri, Waa i kan. Markaasuu ku yiri, Hadda kaxee wiilkaaga
keligiis ah, kan aad jeceshahay, oo ah Isxaaq, oo u kac dalka Moriyaah; oo halkaas
isaga sida allabbari la gubo ku dul bixi buuraha middood oo aan kuu sheegi doono."
- Bilowgii 22:1-2
Ibraahim aroortii hore ayuu kacay oo wuxuu kooraystay dameerkiisii oo wuxuu kaxaystay
laba ka mid ah dhallinyaradiisii. Kaddib markii ay saddex maalmood safrayeen ayuu
nebi Ibraahim kor eegay oo meel fog ka arkay meeshii Rabbigu u sheegay.
"Ibraahimna wuxuu raggiisii dhallinyarada ahaa ku yiri, Idinku halkan dameerka la
jooga, aniga iyo wiilkuna halkoo baannu tegaynaa oo Ilaah ku soo caabudaynaa, dabadeedna
waannu idinku soo noqonaynaa."
- Bilowgii 22:5
Ibraahim iyo wiilkiisii intii ay u sii socdeen meeshii Ilaah doortay ayaa Isxaaq
aabbihiis su'aal weyddiiyey, oo wuxuu ku yiri, Aabbow, allabbarigii wax kastaba
waan u diyaarinay, neefkii sadaqada loo qali lahaa mooyaane. Markaasaa nebi Ibraahim
wiilkiisii ku yiri, Wiilkaygiiyow Ilaah baa keeni doona wanka.
Markii ay gaareen meeshii Ilaah u sheegay, ayaa nebi Ibraahim wuxuu halkaas ka dhisay
meel allabbariga lagu sameeyo, oo wuxuu kor saaray qoryihii uu waday. Markaasuu
wiilkiisii xirxiray oo wuxuu dul saaray qoryihii. Kaddibna nebi Ibraahim billaawihiisii
ayuu galka uga siibtay inuu wiilkiisii ku bireeyo.
"Markaasay malaa'igtii Rabbigu samada uga yeedhay isaga, oo waxay ku tiri, Ibraahimow,
Ibraahimow. Kolkaasuu yiri, Waa i kan. Markaasay ku tiri, Gacantaada ha saarin wiilka,
waxbana ha ku samaynin: waayo, hadda waan garanayaa inaad Ilaah ka cabsatid, maxaa
yeelay, igama aadan lexejeclaysan wiilkaaga, kaas oo ahaa wiilkaaga keligiis ah."
- Bilowgii 22:11-12
Markuu nebi Ibraahim foorarkii ka soo kacay ayuu arkay wan geesaha kayn kula jira.
Markaasaa nebi Ibraahim wankii wuxuu ku qalay meeshii uu wiilkiisii ku qali lahaa.
Wankiina wuxuu noqday wiilka beddelkiisii. Wanku wuxuu ku dhintay meeshii wiilkii
nebi Ibraahim. Wan aan xaqdarro qabin ayaa u dhintay eed uusan lahayn isagu.
Haddaba adigu waad dembowday. Ilaah dembi ma uu fiirsan karo. Waa inuu ciqaabo.
Ilaah kuma aqbali karo innaba adigoo dembigaaga lagaa qaado mooyaane. Adigu naftaada
dembigaaga iska ma qaadi kartid oo isma caawiyi kartid. Ee waa inaad haysato mid
kale oo kaa qaadaa.
Sidii wanku ugu dhintay beddelkii wiilkii nebi Ibraahim oo kale, adiguna waa inaad
heshaa mid beddelkaaga ku dhinta. Beddelkaagu waa inuusan dembi lahayn. Waayo, haddii
uu dembi leeyahay innaba dembigaaga kaama qaadi karo. Waxaad u baahan tahay mid
aan isagu dembi lahayn oo dembigaaga ka qaada. Haddii aad leedahay mid sidaas oo
kale ah, Ilaah wuu ku aqbali doonaa.
Ma doonaysaa inaad ogaatid mid waxaas kuu samayn kara? Sii baro buuggan oo waxaad
ka akhrisan doontaa wax ku saabsan mid kara oo raalli ku ah inuu beddelkaaga u dhinto,
oo adiga dembigaaga kaa furto.
* Asal ahaan magaciisu wuxuu ahaa Aabraam, waaxase mar dambe Rabbigu
magaciisii u beddelay Ibraahim.