Muujintii Ciise Masiix Oo Yooxanaa Loo Muujiyey
Kitaabkan ugu dambeeya waxaa ku jira muujinta Rabbaaniga ah ee inoo tilmaamaysa
waxyaabaha dhici doona ilaa dhammaadka taariikhda dunida. Kitaabka Muujintu wuxuu
ka hadlayaa sida Ciise Masiix hawshiisa ugu sii wato jannada. Kitaabku wuxuu dhiirrigeliyaa
kiniisadda Ciise Masiix ee dunida kala kulanta dhibaatooyinka joogtada ah xilli
walba, wuxuuna ku adkaynayaa inay digtoonaadaan oo samir lahaadaan. Kitaabkaasi
Muujintu wuxuu sheegayaa in dunidu la kulmi doonto dhibaatooyin waaweyn iyo dhacdooyin
khasaaro leh. Kuwaas oo ah xukunka Ciise Masiix, weligoodna way sii jirayaan inta
dunidu jirto dhibaatooyinkaas iyo halligaaddaas adduunka ka jira, waayo dadku waxay
diideen inay dembigooda ka toobadkeenaan (bal akhri Muujintii Ciise Masiix oo Yooxanaa
loo muujiyey 16:9,11). Kitaabka Muujinta ujeeddooyinkiisa waxaa ka mid ah in looga
digo kiniisadda inay jiri doonaan xilli walba dad calaamooyin iyo waxyaalo lala
yaabo muuminiinta/Masiixiyiinta ku soo jiidan doona, rumaysadkoodana ka leexin doona.
Rasuul Yooxanaa waxyaalihii loo muujiyey oo dhan looma oggolaan inuu qoro (Muujintii
10:4). Wejiga kale ee loo qoray Muujintii Ciise Masiix ee loo muujiyey Yooxanaa,
waxay ahayd inay kiniisaddu u digto dadka samaynaya waxyaalaha mucjisooyinka iyo
yaababka ah, ee isku dayaya inay rumaystayaasha iimaanka ka lumiyaan. Sidoo kale,
Kitaabka Muujintu wuxuu dhiirrigelinayaa kuwa rumaysiga leh ee ah Masiixiyiinta,
si aanay u yaabin ama u cabsan markay arkaan dhacdooyin hallaag leh. Sayid Ciise
xataa horuu u sheegay waxyaalahaas belaayooyinka ah ee dhici doona, isagoo yidhi:
"Bal eega, horaan idiin ku sheegaye", (Injiilka sida Matayos u qoray 24:25). Kitaabada
uu ka kooban yahay Kitaabka Quduuska ah ee 66ka ah ka ugu dambeeya wuxuu tiirinayaa
kiniisadda marka ay la kulanto cadaadis. Baybalka gabagabadiisa wuxuu tiirinayaa/xoojinayaa
ku kaste oo shaki qaba, wuxuuna siinayaa hubaal iyo rajo mustaqbalka iyo wakhti
xaadirka ah, Sayid Ciise Masiix wuu soo noqon doonaa! Haa, mar dhow buu iman doonaa!
(Muujintii Ciise Masiix oo Yooxanaa loo muujiyey 20:22).
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved