Injilka: Hordhac
Laba iyo tobankii xerta ahaa ee Sayid Ciise Masiix u doortay inay ka noqdaan markhaatiyaal
eraygiisa maqal iyo aragti ahaanba, goobjoog ayay ahaayeen wax kaste oo uu sameeyay
iyo wax kaste oo uu yiri Masiixu iyo waliba dhimashadiisii iyo sarakiciddiisii intaba.
Xertii Sayid Ciise waxaa lagu amray inay u sheegaan qof kasta waxay maqleen iyo
waxay arkeen ee Ciise Masiix ku saabsan. Kaddib Ciise Masiix markuu kor u baxay,
Ruuxa Quduuska ah ayaa xusuusiyey xerta wax kasta oo Masiixu ku hadlay iyo waxa
looga baahan yahay in ay qabtaan. Waxaana taasi ku qoran tahay Injiilka sida Yooxanaa
u qoray 14:26: "Laakiin Gargaaraha Ruuxa Qoduuska ah oo Aabbuhu ku soo diri doono
magacayga, wax kasta ayuu idin bari doonaa, wuxuuna idin xusuusin doonaa wax kasta
oo aan idinku iri." Hawshooda waxaa lagu magacaabay "Falimaha rasuullada". Ereyga
"rasuul" macnaheedu waa "dhambaalwade", "farriinwade" ama "safiir"
Waa La Qoray: war-baahintii rasuullada ee warka wanaagsan.
Markii hore rasuulladu akhbaartay hayeen waxay dunida ku soo gaarsiiyeen u sheegid
keliya. Rasuulladu si xoog leh ayay u wacdiyeen oo warka wanagsan ee injiilka dhego
walba maqashiiyeen. Erayga Injiil asal ahaan waa eray af-Gariig ah, waana "efaanjeloon",
af-Carabigana wuxuu noqonayaa "injiil". Erayga "Injiil" micnihiisu waa "akhbaar
wanaagsan" ama "bishaaro", Runtii wuu ahaa, wuuna yahay. Waa war wanaagsan oo qof
kasta bishaaro khayr leh u wada.
Waa khayr iyo barako weyn oo qof kaste u gaajaysan yahay, runtii akhbaarta wanaagsan
ee ku sugan Injiilka waxay inoo tahay nimco iyo naxariista Ilaah oo soo shaacbaxday.
Qorayaasha Kitaabka Injiilka waxaa midba dhiniciisa wax uga qoray Ciise Masiix iyo
shaqadiisii. Ha u malayn in farriimaha ama qisooyinka Injiilka ay ku dhan tahay
wax alla wixii Sayid Ciise noloshiisii ku saabsanaa intuu dunida joogey. Taasu maba
aha ujeeddada Injiilka. Waxay qoraayaashu doonayaan in ay muujiyaan sida Ilaah u
fuliyey ballanqaadkiisii. Waxay muujinayaan in Ilaah badbaadshaha uu u soo diray
inuu badbaadsho dadka oo dhan oo nolol cusub siiyo inta aqbasha oo dhan.
Hal Injil Miyaa Jira Mise Afar?
Afar Injiil ayaa laga helaa Baybalka, waxaanay kala yihiin:
Injiilka sida Matayos u qoray
Injiilka sida Markos u qoray
Injiilka sida Luukos u qoray
Injiilka sida Yooxanaa u qoray
Walaalayaal, Injiil waa farriin qura, waana farriin farxad iyo bishaaro u wada qof
kasta oo bini-aadmi ah. Waa farriin aan iska caadi ahayn, waa farriin si buuxda
u saamaynaysa naf kasta oo Ilaah abuuray xilligay doontoba ha jito e, waa farriin
inoo bandhigaysa sida Ilaah u oofiyay qorshihiisa daa’imka ah ee aan weligii is
beddeli doonin, waa farriin si buuxda inoo taabsiinaysa jacaylka iyo wanaagga Ilaah,
Aammiin!
Falimaha Rasuullada
Kitaabka Falimaha Rasuullada waxay inoo sheegayaan, sida Ilaah u sii waday shaqadiisa
dunida korkeeda kadib markuu Sayid Ciise Masiix samada tegay. Inkastoo kitaabkan
la yiraahdo Falimaha Rasuullada, haddana kitaabku kuma saabsana dhammaan rasuulladu
wixii ay sameeyeen intii Sayid Ciise kor u baxay kaddib. Waliba intooda badan magacyadoodu
kitaabkan kuma qorna. Kitaabkan akhbaartiisu waxay ku saabsan tahay sida Ciise Masiix
u maaraynayo wacdiska akhbaarta wanaagsan ee badbaadada kor u bixitaankiisa kaddib
(Falimaha Rasuullada 2:33,3:16,9:1-6).
Waxaa Masiixu ku amray rasuulladiisa amarkan, sida ku qoran Falimaha Rasuullada
1:8. Waxaana qoran sidatan: "Laakiinse waxaad heli doontaan xoog markii Ruuxa Qoduuska
ahi idinku soo dego; oo markhaatiyaal ayaad iiga noqon doontaan Yeruusaalem, iyo
Yahuudiya oo dhan, iyo Samaariya, iyo meesha dunida ugu fog." Rasuulladii amarkaas
waxay u fuliyeen sidii loo faray. Waxay markhaatifurkiisa ka ahaayeen markii hore
Yeruusaalem, waa cutubyada 2-7; kaddibna Yahuudiya, Samaariya iyo Suuriya waa cutubyada
8-12; ugu dambayntiisa dunida ilaa Rooma, sida ku xusan cutubyada 13-28.
Laga bilaabo cutubka 13 aad kitaab kani wuxuu ku saabsan yahay shaqadii rasuul Bawlos
ee Aasiyada Yar [maantana loo yaqaan waddanka Turkiye] iyo Yurub. Bawlos, oo markii
hore la oran jirey Sawlos, wuxuu ahaa wiil uu dhalay nin ka tirsanaa dariiqa Farrisiinta,
(Falimaha Rasuullada 9:13). Isagoo ay ka buuxdo carada uu u qabo injiilka Masiixa,
wuxuu bilaabay inuu ugaarsado Masiixiyiinta, ilaa Sayid Ciise laftiisu arrinta soo
dhexgalay (Falimaha Rasuullada 9:3-19). Ciise Masiix Sawlos-kii caraysnaa wuxuu
u beddelay Bawlos oo wacdiyaha Injiilka noqday. Ciise wuxuu hor kacay Bawlos oo
ku hagaajiyey meeluhuu injiilka ku wacdiyi lahaa (Falimaha Rasuullada 13:2,16:6-10,23:11).
Injiilku wuxuu gaaray bartamaha Embaaradooriyaddii Rooma, wacdintana wuu sii waday
iyadoon waxba hor istaagin muddo laba sanadood ah. Hawshii rasuullada waa dhammaystirantay.
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved