Ninkii iyo naagtii ugu horreeyey dadka dunidan ku noolaada ma ay
ahayn wax la dhalay. Xaawa iyo Aadan mooyaane, banii-aadmiga kale oo dhammu dunidan
way ku dhasheen iyagoo ilmo yar ah. Xaawa iyo Aadan way ka duwanaayeen dadka kale.
Iyagu ma ay dhalan, ee Ilaah baa si toos ah abuuray.
Maalintii lixaad ee uumista, ayaa Ilaah wuxuu dhulka ka qaaday dhoobo oo wuxuu ka
sameeyey nin. Ninkii sankiisii ayuu ku afuufay neeftii nolosha markaasaa ninkii
wuxuu noqday qofkii banii-aadmiga ugu horreeyey ee ifka yimaada. Ilaah ninkaas wuxuu
u bixiyey Aadan. Aadan Ilaah baa si toos ah u abuuray.
Ilaah wuxuu garwaaqsaday inaynan ninka ku wanaagsanayn inuu keligii ahaado, sidaas
daraaddeed wuxuu Aadan u sameeyey mid isaga gargaarta. Ilaah wuxuu Aadan ku soo
dejiyey hurdo weyn. Oo intii Aadan hurday, ayaa Ilaah Aadan feerahiisa dillaacshay
oo wuxuu ka soo bixiyey feer. Markaasuu hilibkii awday, feertiina Ilaah naag buu
ka uumay. Naagtiina Aadan wuxuu ku magacaabay Xaawa.
Ilaah wuxuu abuuray beer wanaagsan oo ninkii iyo naagtiiba halkaasuu dhigay. Wuxuu
iyagii ku yiri:
"Wax badan dhala oo tarma, oo dhulka ka buuxsama, oo ka sara mara dhulka, oo xukuma
kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo wax kasta oo nool oo dhulka kor dhaqdhaqaaqa."
- Kitaabkii kowaad ee Muuse oo la yiraahdo Bilowgii 1:28
Ilaah wuxuu u keenay dhammaan xayawaanka oo dhan iyo shimbirraha oo dhan.
"Oo ninkii baa magacyo u bixiyey xoolaha oo dhan, iyo haadda hawada, iyo dugaag
kasta oo duurka jooga"
- Bilowgii 2:20
Beertii Xaawa iyo Aadan ku noolaan jireen waxaa ku dhex yiil geedo badan oo qurux
leh. Ilaah wuxuu amray Xaawa iyo Aadan oo ku yiri:
"Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa: laakiin geedka aqoonta wanaagga
iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal
waad dhiman doontaa."
- Bilowgii 2:16,17
Xaawa iyo Aadan waxaa loo sheegay inay beerta iska dhex joogaan oo ay sidii ay rabaan
wax uga cunaan, laakiinse waxaa lagu amray inaynaan waxba ka cunin geedka wanaagga
iyo aqoonta si aynan kuwo xadgudbay ugu noqon.
Haddaba Shayddaan wuxuu aabbe u yahay xumaanta oo dhan, beenta iyo sharkaba. Oo
Xaawa iyo Aadan buu la faqay oo ku yiri, "Si qumman baan idiin la talinayaa. Geedkaas
mirihiisa cuna oo markaasaa indhihiinnu furmi doonaan".
"Oo markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon
yahay, oo uu yahay geed loo doonayo in caqli lagu yeesho, ayay miro ka qaadatay,
oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo isagiina wuu cunay."
- Bilowgii 3:6
Shayddaan baa khiyaameeyay.
Markii Xaawa iyo Aadan ay geedka mirihiisii dhadhamiyeen, waxay ogaadeen inay qaawan
yihiin. Markaasay waxay bilaabeen inay caleemihii beerta isku toshaan si ay cawradooda
u qariyaan. Isla markii ay mirihii goosteen ayay Ilaah ku dhega'adkaadeen. Kanii
waa dembi. Ilaah baa iyagii u yeeray oo ku yiri, "Waa maxay waxan aad samaysay?"
Naagtiina waxay tiri, "Abeesadaa i khiyaanaysay, oo anna waan cunay".
Ilaah markaasuu Shayddaan habaaray isagoo leh:
"Oo colaad baan idin dhex dhigi doonaa adiga iyo naagta, iyo farcankaaga iyo farcankeeda;
oo madaxaaguu burburin doonaa, adiguna cedhibtiisaad burburin doontaa."
- Bilowgii 3:15
Ilaah wuxuu Xaawa iyo Aadan u sameeyey dhar harag ah oo uu cawradooda ku qariyo.
Neef baa la qalay oo haraggiisaa la siiyey inay guntadaan. Dembiga Xaawa iyo Aadan
ay dembaabeen aawadiis waxaa u dhintay neef aan innaba xaq qabin, si iyaga wax loo
huwiyo daraaddeed.
Ilaah iyagii beertii wuu ka ceyriyey, maxaa yeelay, way ku dhega'adkaadeen. Markaasaa
Aadan waxaa khasab ku noqotay inuu aad u shaqeeyo oo uu dhulka qodo si uu cunto
u helo.
Haddaba nin keliya dhega'adkaantiis aawadiis ayaa kulli dembilayaal lagu wada noqday.
"Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu
timid, sidaasaa dhimashadiina u gaartay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay"
- Warqaddii Rasuul Bawlos u qoray dadkii Rooma 5:12
Innagu kulligeen waynu wada gefnay inaynu samayno wixii qummanaa. "Dhammaan way wada
dembaabeen." - Rooma 3:23 Sidii Aadan oo kale waxaynu u baahan nahay
hu' Xaawa iyo Aadan neef baa u dhintay si loo helo harag iyaga hu' u noqda. Haddaba
innaguna waa inaynu helnaa wax dembiyadeenna aynu ka huwano.
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved