BENTEKOSTE 2013: BALLANQAADKII NEBIGII HORE WUU DHABOOBAY
Axadda, 19 Maayo waxa ay xerta Ciise Masiix u tahay maalin weyn oo la dabbaaldego. Maalintani waxa ay timaaddaa 50 cisho dabadood Iidda Sarakicidda, waana markii Sayid Ciise uu ka adkaaday awoodda dhimashada isagoo ka tegay xabaal madhan. Axadda uugu horreysa ee Bentekostuhu waxay ahayd 10 cisho kaddib markii Badbaadiyeheenna Sayid Ciise loo sara qaaday samada.
Markii Ruuxa Quduuska ahi uu ka buuxsamay xertii Ciise Masiix, waxa ay joogeen qol ay ku tukanayeen oo ku yaalla magaalada maqaddas ee Yeruusaalem. Si aad u akhrido dhacdadan la yaabka leh oo dhammaystiran, halkan guji/riix si aad u akhrido Falimaha Rasuullada 2.
Markii haddaba xujaydii badnayd ay kusoo urureen xerta, waxa ay ka yaabeen sanqadhii dabaysha, carrabbodii dabka, iyo xerta oo Ilaah ku ammaanayay afaf kala gedisan. Markii ay weydiiyeen waxa middani ay ka dhigantahay, qaarkood waxa ay xerta ku sheegeen inay sakhraansan yihiin. Bal u fiirso sida uu rasuul Butros dadkii badnaa uugu faahfaahiyay xaaladdan cajiibka leh:
“14 Laakiin Butros intuu koob-iyo-tobankii isla taagay, ayuu sare u qaaday codkiisa oo ku yidhi iyaga, Niman yahow reer Yahuudiya iyo dhammaantiinan Yeruusaalem degganow, tan ogaada oo hadalladayda dhegaysta. 15 Waayo, kuwanu ma sakhraansana sidaad u malaynaysaan inay sakhraansan yihiin; maxaa yeelay, tanu waa saacaddii saddexaad ee maalmeed.
16 Laakiin waxanu waa wixii lagaga dhex hadlay nebi Yoo'eel,
17 Ilaah baa yidhi,
Maalmaha ugu dambaysta waxyaalahanu waa noqon doonaan,
Ruuxayga ayaan ku shubi doonaa dad oo dhan;
Oo wiilashiinna iyo hablihiinnu wax bay sii sheegi doonaan,
Raggiinna dhallinyarada ahuna wax bay arki doonaan,
Odayaashiinnuna riyooyin bay ku riyoon doonaan;”
Butros wuxuu wacdintiisa ku bilaabay isagoo soo xiganaya nebiga qoraalladiisu ay ku dhex sugan yihiin Axdigii Hore. Butros wuxuu rabay in Yuhuuddan xujayda ahi ay rumaystaan imaatinka Ruuxa Quduuska ah oo la mida imaatinka Masiixa oo nebiyadu ay hore u sii sheegeen in ka badan 500 sano ka hor. Waxa uu dabeetana xigashadiisa kusoo gunaanadayaa nebi Yoo’eel ballanqaadkiisii qalbi-qaboojinta ahaa oo odhanaya:
“21 Oo waxay noqon doontaa in ku alla kii magaca Rabbiga ku dhawaaqaa, uu badbaadi doono”.
Butros waxa uu dabeetana sii wadayaa inuu wax ka sheego runta ku saabsan Sayidkiisa iyo Macallinkiisa:
“22 Rag yahow reer binu Israa'iil, hadalladan maqla; Ciisihii reer Naasared oo ahaa nin Ilaah idiinku caddeeyey shuqullo xoog leh iyo yaabab iyo calaamooyin oo Ilaah ku sameeyey isaga gacantiisa idinka dhexdiinna, sidaad idinka qudhiinnuba u og tihiin,
23 markii isaga lagu gacangeliyey taladii Ilaah goostay oo uu hore u ogaa, gacanta sharcilaawayaasha ayaad ku qabateen, waadna ku qodobteen iskutallaabta oo disheen.
24 Isaga Ilaah baa sara kiciyey, oo ka furfuray xanuunkii dhimashada, maxaa yeelay, dhimashadu ma xajin karin.”
Saaxiibbayaal, Ciise Masiix waxa uu aad uuga weyn yahay nebi oo keli ah. Kuwa hela hadiyadda Ruuxa Quduuskana waxa u suurtaggasha inay ku baraarugaan denbigooda, inay awood u yeeshaan Masiixa oo ay talo-saartaan, hubaalnimada badbaadadooda, hanuun iyo inay ka qalbi-qabowsadaan dhibaatooyinka kusoo waajaha nolol-maalmeedka.
Miyaad jeceshahay inaad wax dheeraad ah ka barato nolosha cusub eek u jirta Ciise Masiix? Halkan guji/riix si aad farriin noogu soo dirto.
Waxaannu ku dadaali doonnaa inaan kaaga jawaabno su’aalaha laga yaabo inaad ka qabto u dabbaal-degista Bentekostaha iyo hadiyadda barakaysan ee Ruuxa Quduuska ah.
|